SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - NAIROBI

Waxaa soo tebiyey: axmeddheere65@hotmail.com Axmed Muuse Cabdulle(Idaawaqaca) Kenya,Nairobi

CUSMAAN JAAMAC CALI KALUUN HADII LA I DOORTO WAXAAN RAACAYAA TASTUURKA WAAN KA FAGAANYAA NIN JECLEEYSI WAXAANA KU DADAALAYAA MIDNIMADA UMADA SOOMAALIYEED  


Osaman Jaamac Cali Kaluun
osmanali41@yahoo.com

Osaman Jaamac Cali Kaluun ayaa saaka shir ja raa id ku qabtay magaalada Nairobi ee wadanka Kenya

Cusmaan Jaamac Cali Kaluun loo yaqaano waxa uu hadalkiisa ku bilaabay Salaan& Hanbalyo uu saxaafada gudaha iyo dibada siiyay

Cismaan Jaamac Cali Cismaan Kaluun isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu sheegay in uu yahay nin aqoon iyo waayo aragnimo badan isku leh isagoo sheegay in uu xasuusto waqtigii gumeestaha  isaga oo sheegay in uu waayo la soo wadaagay dhalin yaro u dagaalamaya in ay wadankooda hooyo xoreeyaan isagoo sheegay dhinaca kalle in uu waayihiisa nololeed ku xasuusto xiligii doowladihii Adan Abdulle Cusmaan Cabdirashiid Cali Sharmaarke Iyo Maxamed Siyaad Bare

Dhinaca kalle Cismaan Jaamac Cali Waxa uu sheegay in uu goob joog u ahaa colaadihii iyo dagaaladii sokeeye ee soomaaliya halakeeyay

Cismaan Jaamac Cali Cismaan Kaluun waxa uu sheegay in uu ka qayb qaatay shirar badan oo soomaaliya loogu raadinayo nabad ku wada noolaansho

Dhinaca Cismaan kaluun ayaa sheegay in uu si aada ugu rajo fiicanyahay in la doorto musharaxan waxa uu runtii si aada ugu dheeraaday qaabka loo samata bixin karo soomaaliya isagoo sheegay in dhibkii soomaaliya soomaray ay sababeen iyadoon wada tashi lagu saleen

oo aad moodo in talada wadanka aan sidii la rabay looga tashan  dhibkana uu ka yimid tashi la aan

hadaba anigoo la kaa shanaya soomaalida oo la kaa shanaya wadatashi anigu wadatashiga waxa aan u arkaa Dimuquraadiyad hadii la helo wada tashi wax waliba way hagaagayaan ayuu yiri Cismaan Jaamac Cali Kaluun mudanahan waxa uu soomaalida ka codsaday in la taageero nabada iyo is tixgalinta isagoo shirkaan u rajeeyay guul iyo midnimo

Cismaan Jaamac Cali Kaluun oo la waydiiyay Hadii aad ku guuleeysato In aad soomaaliya madaxwayne ka noqoto seed ka yeeleeysa somaliland waxa uu sheegay in aysan kaligiis ku koobneen balse ay tahay wax soomaalida oo dhan wada sugaya balse doowladiisu ku dhisantahay wada tashi iyo is tixgalin

Cusmaan Jaamac Cali waxa uu sheegay in Baarlamaanku uu doonayo in uu noqdo midka ugu sareeya ee fulinta Doowlada ama ha ahaado madaxweeyne ama ha ahaado wasiir ama shaqaale kalle waa in uu raacaa xeerka baarlamaanku dhigay  taasi waxa ay keeneeysaa cadaalad midnimo horumar waxa kaliya ee aanu u baahanay waa midaas

Hadaba anigu waxaan go aansaday in aan maanta isku taago xilkan uga sareeya soomaaliya  ee ah madaxwaynaha

anigoo isleh aamin san in aan cidna la dulmin laguna dhaqmo waxa ay soomaalidu isku raaceen oo ah caadaalad midnimo horumar iyo in qarankii soomaaliyeed la soo celiyo

Hadaba Cismaan Jaamac Cali Kaluun waxa uu ku dheeraaday in soomaaliya maanta u baahantahay midnimo iyo dimuquraadiyad hadii ladoortana sharci iyo tastuurka uu raaci doono uuna iska fageen doono waxii soomaali maanta heerkaa keenya oo ah in aan la wada tashan sharcigana aan la raacin nin jecleeysiguna bato Waxaa hareerihiisa fadhiyay Mas uu liyiin badan oo ay ka mid ahaayeen Yuusuf Saalax iyo Yuusuf Dheeg iyo Siyaasiyiin badan oo reer waqooyi ah runtiina Cismaan Jaamac Cali Kaluun waxa uu u muuqday shaqsi isku kalsoon talana isku soo sharaxay  intaasi ka dib Waxaa Saxaafada loo qayshay qoraal u qornaa sidan


TILMAAMO

1. BURBURKA SOOMAALEED WAXA SABABAY WADA-TASHI-LA'AAN. (DEMOCRACY Macnaheedu waa WADA-TASHI)

2. Dowlad-la'aani waa talo-la'aan, dowlad la'aantana (statelessness) waxa keenay WADA-TASHI-LA'AAN.

3. Dowlad-La'aani, waa xeer La'aan , xeer la'aanina waa xaasilooni - la'aan iyo jab iyo halaag.

4. Cadaaladarada waxa keena WADA-TASHI-LA'AAN.

5. Tuhunka iyo is'aamin-la'aanta Soomaaliyeed waxa keenay WADA-TASHI-LA'AAN.

6. Eexda, boobka iyo musuqmaasuga , waxa keenay WADA-TASHI-LA'AAN.

7. Dagaallada sokeeye iyo kuwii jabhadaha hubaysan ee ka hor-yimid nidaamkii militariga ahaa waxa sababay WADA-TASHI-LA'AAN.

8. Kalsoonidii ummaddu isku qabtay waxa halleyey WADA-TASHI-LA'AAN.

9. MIDNIMADA ummadda waxa xoojin kar WADATASHI waxaana, burburin kara KELITALISNIMO iyo WADA-TASHI-LA'AAN.

10. Wadajirka waxa weynayn kara WADA-TASHI (Democracy).

11. Walaalnimada Soomaaliyeed waxa sal u noqon kara iyada oo qof kasta iyo qayb kasta oo bulshada ka mid ah loo sugo xuquuqdooda siyaasadeed, dhaqaale, bulsho iyo dhaqan.

12. Cadaalada-la'aan iyo WADA-TASHI LA'AAN ma la helaayo nabad, deganaansho, horumar iyo MIDNIMO.

13. Sida Quraanka kariimka ahi farayo ( arrimahood ha ku maamulaan WADA-TASHI) ( ??????????? ???????? ?????????? )

14. Madaxweynaha iyo dhammaan xubnaha golaha baarlamaanka golaha xukuumada, golaha garsoorka, shaqaalaha dowladda iyo ciidamada kala duwan waa in ay ogaadaan in ay yihiin adeegayaasha ummadda iyana la siiyo abaalmarin daryeeli karta noloshooda si aanay ugu hanqal taagin hantida ummadda.

Shirkan dib-u-heshiisiinta Soomaaliyeed, iyada oo ay kaalmeeyeen dowladaha IGAD iyo bulshoweynta caalamku, waxa wadatashi lagu dhisay golihii xeerarka u samaynayey bulshada Soomaaliyeed, isla golahan sharcidajinta ayaa dooranaya golihii loo xilsaari lahaa fulinta xeerarka uu Golaha Baarlamaanku dejiyo; labada gole ee sharci-dajinta iyo sharci-fulinta ayaa gole kale oo ilaalinaya ama wax ka qabanaya ama ciqaabaya cid kasta oo gala dambi ama jebisa sharciga ka soo baxa golaha sharci dejinta iyo golaha fulinta.

Maxay noqon karaan afarta qodob ee ugu muhiimsan si WADA-TASHI (DEMOCRACY) loo sugo:-

1. Doorasho xor ah oo caadil ah in madaxda ugu saraysa maamulka Qaranka (kuwa gobollada iyo degmooyinka) lagu kala saaro si madaxbannaan.

2. La-xisaabtan Baarlamaanku ku sameeyo xukuumadda si cad dhinacyada siyaasadda, dhaqaalaha iyo bulshada isaga oo ka wakiil ah bulshoweyntii soo dooratay.

3. Dhowrista xuquuqda siyaasiga ah iyo kuwa madniga ah. Waa in qofku xor u yahay cabiri karo ra'aygiisa, odhaah iyo qoraalba, xubina ka noqon karo ururro siyaasi ah iyo kuwo bulshoba.

4. Ururrada bulshadu waa in ay noqdaan kuwo ku dhisan WADA-TASHI (Democratic). Waa in ururrada bulshadu ka madax-bannaanaadaan xukuumadda iyo faraglin lagu sameeyo.

Ballanqaad: Dhammaan hawlaha qaranka fulintooda in loo adeegsado loo maro WADA-TASHI, xeerar iyo anshaxyo aan ka hor-imanayn distoorka ummaddu dejisatay. Maamulka howlaha qarankuna u kala qeybsanaadaan sida uu dhigayo Axdi Qarameedka KMG ah ee uu ansixiyey Golaha Baarlamaanka Federaaliga ah ee KMG ah.

Digniin iyo Ka-Foojignaan.: Waxa laga dig toonaan doona dhammaan waxyaabihii dumiyey maamulladii Soomaalida soo-maray muddooyinki isticmaarka(1884-1960), muddadii xukuumadihii madaniga ahaa (1961-1969), muddadii xukuumaddi militarig-ga ahayd (1969-1991), iyo muddadii jabhadaha hubaysani beddeleen maamulkii ugu danbeeye (1991-2004): Waxaabaha dumiyeyna waxa ka mid ah: isbahaysiyo iyo danaysiyo ku salaysan abtirsiino, talo-maroorsi, madax aan ku iman talo dadweyne iyo doorasho, hal kelmad hadii lagu soo koobo ceebaha maamuladaas waxay noqonaysa WADA-TASHI-LA'AAN.

Dib u heshisiin Bulshada

Si loo soo celiyo kalsoonida luntay waxa lagama maarmaan ah in laga abaabulo dhammaan gobollada iyo degmooyinka Soomaaliyeed shirar dib-u-heshisiineed oo doodo loo furo ay kaga wadatashadaan dhammaan danahooda iyo waxyaabihii sababay xasiloonidarrada iyo khalkhalka ku yimi bulshada Soomaaliyeed iyaga oo is-hor-dhigaya su'aalaha ay ka mid yihiin:

1. Maxaa ka Qaldamay Soomaali ?

2. Maxaa hadda qaladaad ah ee ka jira degaannada Soomaaliyeed ama bulshada Soomaaliyeed ?

3. Maxaa xal ah dhinacyada siyaasadda iyo maamulka, dhinacyada dhaqaalaha, dhinacyada bulshada iyo dhinacyada dhaqanka ?

4. Sidee lagu gaadhi xalkaas ?

Jawaabaha loo helo su'aalahan kor ku qoran waxay barayaan bulshada Soomaaliyeed xaqaa'iqa iyo runta wixii dhacay iyo sida loo xallin karo.

CADDAYN: Barnaamijka dawladda cusub waxaa la siin doonaa muudnaanta koowaad hawlaha ay ka mid yihiin:-

¢ Nabadgelyada, gudaha iyo debedda (internal security & external security).
¢ Hubka-dhigista dalka oo dhan.
¢ Dhismaha maamuladda gobollada iyo degmooyinka.
¢ Dib-u-dhiska dhammaan adeegyada qaranka sida
" Biyaha, Nalka, Isgaadhsiinta.
" Howlaha siyaasadda, dhaqaalaha, bulshada iwm.
Dhammaan qodobada waxa soo diyaarin doona xukuumadda la dhisi doono iyada oo dejinta qorshayaashooda lagu salayn doono aqoon iyo WADATASHI iyadoo la tixgelinayo duruufaha dalka ka jira iyo awoodaha la hayo ama la heli karo. Sidaas darted halkan kuma kuma muujisna barnaamijka xukuumeedka dalka laga hirgelin doono.

Curriculum Vitae
Personal History & Political Background

  • A) Personal Information :
  • " Name : Osman Jama Ali
  • " Date of Birth : 1941
  • " Marital Status : Married with six children
  • " Family status : Nomadic Family / until 8 years
  • B) Educational Background :
  • ¢ 1948 - 1952 : Quranic School / Hargeisa / Borame
  • ¢ 1952 - 1955 : Elementary / Hargeisa
  • ¢ 1955 - 1961 : Intermediate / Secondary Sheikh
  • ¢ 1961 - 1968 : M.Sc. of Electronic Engineering
  • University of Leningrand
  • C) Work & Practical Experience :
  • ¢ 1968 - 1973 : Chief Engineer/ Ministry of information
  • ¢ 1973 - 1976 : Minister of Fisheries & Marine Transport
  • ¢ 1976 - 1984 : Minister of Fisheries

QORAALKA OO DHAMAYSTIRAN... GUJI HALKAN

Faafin: SomaliTalk.com | Sept 30, 2004

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan


»BBC: LAMA RAACIN RAADKII RAAGE IYO MAXAMED C/LAHI [Sahal]
»
QORMADA KU TOOSI QARANKA QABYAALADNA KU DIID [Garaad]
»Mudaaharaadyo Looga Soohorjeedo Qaraarada Allah [Dr. Taqi]
»MAXAAD KA TAQAAN GEN.  MORGAN [Xasan]
»
Khayr:::: Maqaalkii Shaafici
»
Caddow: Xabbad Caaraddeed & Cood  Jago kuma Raadinayo [c/waxid]

»Ma Dooneysaa Nabad iib ah? [Booqashadii Jawhar]
»DOONTII WAXBARASHADA: Maansadii 20aad ee Doodwanaag
»
DULQAAD: Maansadii 21aad ee doodwanaag

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com
 
Allah Is Great
TAARIIKHDA ISLAAMKA
Silsiladda Taariikhda Islaamka
Hordhac | 1aad | 2aad

Qore:Shiikh C/risaaq Macalim
Codka Muslimiinta US ayaa u Batay Dhanka Kerry
Qormadii Xasan Jaamici...
Guji...
USA: Maroodiga (R) oo la filayo inuu dameerka (D) si xun ugu durduriyo: Wardheere

 



HTML CD