SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - SILSILADII DOODWANAAG

Curiye: Yuusuf Sh. Cumar ( Kawnayn)
Melbourne, Australia
Omar3032@hotmail.com



Yuusuf Sh. Cumar ( Kawnayn)

DOONTII WAXBARASHADA
Curiye: Yuusuf Sh. Cumar


Maansadaan la magac bacday Doontii waxbarashada, waxaa curiyay Yuusuf Sh. Cumar ( Kawnayn), oo ku nool magaalada Melboune ee waddanka Australia. Waxay maansadani taxanaha ku soo biirtay 20 Sebteembar 2004, waana maansadii 20aad ee Doodwanaag.

Maansadu waxay diiradda saartay arrimaha waxbarashada, iyadoo uu curiyaha maansadu u arko in aqoondarridu ay aabbe u tahay dhibaatooyinka maanta ummadda la soo gudboonaaday, iyo musiibooyinka qarada wayn ee ay ummaddu garan la'dahay jiho ay uga dabaalato. Wuxuuna xusay dhibaatooyinka ay aqoon-darridu leedahay, iyo sida ummadaha aan aqoonta lahayni ay mar walba u yihiin ummado dullaysan oo dullinnimo ku jira!.

Abwaanku waxa uu ummadda Soomaaliyeed ugu baaqayaa in ay aadaan Dugsiyada, aqoontana ay ku dadaalaan. Wuxuuna tilmaamayaa in doonta waxbarashada dusheeda looga badbaadi karo musiibooyinka soo fatahmaya. Aqoon la'aantu waa iftiin la'aan. Haddii ay aysan ummadi aqoon lahaynna, ma kala garan karto waxa wanaagga ah iyo waxa xummaanta ah ee dumminaya.

Dawankaan dhawaaqee
Daafaha adduunyada
Laga daalacanayee
Duruustiyo cilmiga iyo
Khayrku uu durdurayuu
Nin waliba dareenkii
Wuxuu daawo moodiyo
Danta guud ku sheegoo
Taladana ku daabacay.

Dadaalkaas lawado ee
Abwaanadu ku deeqeen
Runtii waan ku diirsaday
Dabadeed go'aansaday
Doodwadaagtan furanee
Daldaloollo muuqdiyo
Dulmi iyo xummaan iyo
Laga dhowray deel-qaaf
In aan dego god dihin oo
Dadkaygana digniin iyo
Bal in ay dulfuulaan
Doonyaha waxbarashada
Dhanbaal oogu soo diro.

Markaan taas ka soo dego
Haddii ay dad badan oon
Sida loo dabaashiyo
Garanaynin daad raac
Badahaa dikaamiyo
Duufaantu qaadaan
Doon baa maciinoo
Dadka lagu badbaadshaa

Dan haddaad kaleedahay
Docda kale badwayntiyo
Webiyada daktoodaa
Doonbaad wacdaa ood
Dantaadii ku gaartaa

Haddaad baahi daran iyo
Gaajada dareentana
Doon baad kortaa ood
Kalluunkii ku dabataa
Khayraadka dihin iyo
Dahabkana ku gurataa

Dalka aan badwayn oo
Doonyuhu dhex-jeexaan
Daafahiisa laga helin
Dekeddana maraakiib
ku dejinnin badeecoo
Dacalkeed ku soo xiran
Dawladnimo ka dheeroo
Waddamada la deriskuu
ka dalbaa gargaaroo
u daldala alaabtoo
Doolar iyo canshuur iyo
Dulsaar buuna bixiyaa
Dulliguna u sii dheer.

Aan dooxo hadalkee
Danta aan ka leeyahay
Dulucdiisu waxay tahay
Dugsigoo la’aadaa
Waa doon waxbarashoo
Dadka lagu badbaadshaa.

Dugsiyada aqoontiyo
Doontii waxbarashadu
Waa dabkaa cadceeddiyo
Daadkiyo dabayshiyo
Barafyada da’aayaba
Dugsi laga galaa oo
Dadka lagu badbaadshaa.

Diinteenna wacanee
Noo dooray Eebbee
Dhiiggeena lagu daray
Billowgeedi soo degay
Dugsiyada aqoontay
Diiraddeeda saartoo
Darajooyin sare bay
Cilmigii u doortoo
Dad ku kala sareeyaan.

Qofka aan dugsiga iyo
Aqoontaba daryeelayn
Da’diisuu ka gaabshaa
Dantiisana ma gaaroo
Illaa iilka lagu dado
Dulli buu ahaadaa.

Doontii waxbarashda
Qofka aan dulfuulayn
Noloshuu ka degiyoo
Dawarsuu ku noollaan
Qalbigana diraaciyo
Daxal baa ka fuuloo
Damiin lagu qoslaa iyo
Docjiif buu ahaadaa
Dadka uu la joogana
Danna kama galaan oo
Way duudsiyaayaan
Isagaase dulligaa
Naftiisii u dooroo
Dulmigaana keensaday.

Dugsigoo la’aadiyo
Aqoontoo la doorbido
Qalbigay daweeyn oo
Daahaa madow iyo
Daxalkaa ku gaaray
Durbadiiba mayraan
Dufan iyo saliid iyo
Diib lagu bogsoodoo
Jahligana dilaayey
Deg-deg ugu shubaayaan.

Dugsiyada aqoontiyo
Xareeddaa da’aysoo
Laga wada durduurtaa
Damiirkay dhisaayaan
Dareenkana wanaag iyo
Kalsoonaa ku duxatoo
Niyadaaba kuu degi.

Aan diiraddaydii
Docda kale ku eegee
Ummad aan dadkeedii
Doonyaha aqoontiyo
Dugsiyada imaanayn
Sideebay danteediyo
Doonitaanka sare iyo
Darajaba ku gaartaa?

Ummad aan dirkoor iyo
Daadihin aqoonyahay
Sidee bay dariiq wacan
U helaan dadkeed oo
Dunidana ku gaaraan?

Aqoon waa difaac iyo
Derbi aan la jebin oo
Ummaddii dugsiga iyo
Ku dadaasha qalinkaba
Dayrkeeda cadaw iyo
Dabadhilifku muu galo.

Aqoon duunyo weeyoo
Ummadday dadkeedii
Daraasooyin badan iyo
Cilmigaba durduurtaan
Dunidaa jeclaatoo
Cagahooda daba taal
Iyagaana dunidiyo
Dalalkoo dhan hagiyoo
Afarteeda daafood
Masallaha ladaba dhigan

Dadkaygiyo dalkaygow
Dunidaa dhaqaaqdee
Samadaa dusheediyo
Xidigaha u duuleen
Doontii aqoontay
Raaceen dadkeedii
Dayaxana ku gaareen
Innaguna dadkeenniyo
Da’yarteeni ubaxaba
Jahli baan u doornoo
Dugsigii xumaantiyo
Dilid iyo afduub iyo
Duhurkii cadceeddoo
Dumarkii la xoogay
Darajooyin sare iyo
Dallacaad ku gaareen
Dugsigii aqoontana
Hoobiyaan ku duminnoo
Dooxatiyo waraabiyo
Wax aan dunidu maqalbaa
Doontii waxbarashada
Dhinacyada duleelshoo
Caruurtii dulfuushiyo
Iyadiiba dejiyoo
Dugaaggaan tilmaamaa
Dadkeenii cunaayoo
Guryaheenni soo degay.

Daadshaay qoryaha oo
Aan danteenna gaarnee
Dugsiyada imaadaay!.

War diyaar-garoobaay
Aan dugsiga aqoontiyo
Doonyaha badbaadada
Dacallada dalkeeniyo
Dockastaba ka taagnee
Dumar iyo raggeennaba
Dadow yaan la kala harin.

War diyaar garoobaay
Aan daynta nagu maqan
Dadkeennii u celinnee
Dumar iyo raggeennaba
Dadow yaan lakala harin.

War diyaar garoobaay
Aan doon aqooneed
Da’yarteenna saarnoo
Jiilalkaa danbeeyana
Dariiq toosan marinnee
Dumarkiyo raggeennaba
Dadow yaan la kala harin.

------------------------------
Yuusuf Sh.Cumar
Omar3032@hotmail.com 

Faafin: SomaliTalk.com | Sept 25, 2004

MAANSADA HORE

MAANSADA XIGTA

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
QAYBAHA DOODWANAAG
CURIYAYAASHA DOODWANAAG



HTML CD