SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - SILSILADII DOODWANAAG

Cali Maxamuud Xiirane
Xiirane2@hotmail.com
London, UK



Cali Maxamuud Xiirane

  DULMI-DIID

Cali Maxamuud Xiirane
    London, UK


Tixdan maansada ah waxaa curiyey Cali Maxamuud Xiirane oo ku nool magaalada London ee carriga ingiriiska, waxayna ku soo biirtay taxanaha Doodwanaag 11/9/2004, Waana maansadii 19aad ee silsiladda Doodwanaag.

Ujeeddo:Maansadu waxay qeexeysaa in addoomaha ilaahay oo idil ay hal aabbo oo Aadan ah (C.S.) ka soo farcameen, sidaa awgeed aysan waxba is dheereyn xagga abtirsiga. gaar ahaan waxay sii tilmaamaysaa in Ummadda la yiraahdo Soomaalida ee ku nool Afrikada bari ay wadaagaan wax badan oo wanaag ah oo uu eebbe ku mannaystay. Isla markaana ay haystaan dhul muhiim ah oo aad u nacfi badan.

Intaa kadib maansadu iyadoo ka duulaysa ujeeddada guud ee silsiladda Doodwanaag oo ah in looga doodo si miyir qab ah dhibaatooyinka jira iyo waxyaabihii sababay, isla markaana xalka la baadi goobo, ayay maansadu si aad ah ugu dheeraatay qodob aad u muhiim ah oo uu hal-abuurku u arko inuu ka mid yahay arrimaha sababay musiibada maanta ummadda ku habsatay.

Arrinkan uu curiyuhu ka hadlayo oo ah Dulmiga soo jireenka ah ee takoorka iyo waliba ku tumashada xuquuqda kan tabarta yar, ayuu aad ugu dhaliilayaa bulshada oo uu u arko in aysan taasi qaldantahay, waayo waxa isaga dhex yaacay wixii samaa iyo wixii xumaa!!. Curiyuhu wuxuu is barbardhigayaa dhowr tusaale oo ah arrimo ay bulshadu ka faanto in lagu faanase mudan, isagoo sidoo kale xusaya dhaqammo ay bulshadu ku faanto, oo dhab ahaan in laga faano mudan.

Ugu dambayntii wuxuu Cali ummadda ugu baaqayaa in ay degdeg uga towbad keenaan qaladaadkaa soo jireenka ah ee ay jaahilnimadu keentay ayna raalli galin ka dhiibaan dulmiga aanay mudnayn ee ay muddada aadka u dheer walaalahood la daba joogeen. Sidoo kalena isagoo ka codsaday dulmaneyaasha cafis iyo inay la yimaadaan samir iyo dulqaad badan taasoo rabbi ka abaal marin doono, kana digtoonaadaan dabinnada uu cadawgu maleegi karo isagoo ka faa’iideysanaya arrintaan haybsooca ah iskana dhigaya mid u danaynaya dadkaan ayaga ah, laakiin danihiisa u duul ah.


Dadkoo laysku wada daray
Ilaah darajo siiyoow
Duqii aadan baa dhalay
Waxan nahay durriyadiis
Markaan taas ka soo dego
Duulkeenan Soomaal
Dirka ummad quraan nahay
Afrikaan degaankana
Docda bari ku naallaa
Daa’ in baa ku mahadloo
Nimco badan ku duugoo
Dalku waana dihanyahay
Waana daakhil weynyahay
Duunyo waa ka buuxdaa
Dahab waa dhex yaallaa
Nimcaa laga durduurtaa.

Diin quroon rumeyniyo
Doodda hadalka keenniyo
Diirkaan ka simannahay
Dad walaalahaan nahay
Ninkii dood ka keenana
Waa dan iyo xeeshiis
Isagiyo dadnimadiis!!.

Dhanka kale haddaan dayo
Arrin baanan iga dagin
Madaxayga dawakhiyay
Doodduna waxay tahay
Haddaan diir wadaagnoon
Nahay duul is dhalayoo
Dariiqii rasuulkiyo
Islaannimo ku daahira
Maxaa laysku dilayaa?
Maxaa duhur dharaareed
Dumar loo kufsanayaa?
Culimada da'wayntaa
Maxaa loo daldalayaa?
Digsiyada bukaannada
maxaa loo dafaayaa?
Maxaa dooxitaan iyo
Dagaalada na badayoon
Nabaddii u diidnoo
Samihiina naga dedey?
Dandarriyo Musiibadan
Horta yaa dalbadayoo
Fitno deeq ka dhigayoo
Sharta soo dageey yiri?!

Goortaan daraasiyo
Daalacasho aadeen
Diiwaanno waaweyn
Sadarradood dul joogsaday
Dagaal oogeyaashiyo
Shisheeyaha dagaaggoo
Danahood u duulka ah
Wixii noo darraa iyo
Halka naga dalooshee
Daad nooga soo galay
Doodwanaag bahdeedii
Duruustii ay bixiyeen
Shay laga il duufoo
Halistiisu darantahay
Oon laga digtoonayn
Dadku badi u moogyahay
Oo qoowmkan dummiyoo
Dam ka siiyay baa jira !!!

Anigoo daldalan iyo
Aan jeclayn darooryiga
Daabacan labaadeen
Doodwanaag ku soo daray
Waxaan uga danleeyahay
Miinada la duugiyo
Daratada fideysiyo
Cudur naga dahaarnaa
Inaan daah ka rogo oo
Si bal daawo loo helo
Nabarkii an dooxoon
Wixii dagay ka daadshoon
Maddiil uga dillaacshaa .

Haddaan dulucda maansada
Ujeeddada u daadego
Dulmiyada dhexdeenniyo
Cudur dabakaruubiyo
Wax dabiib ka raagoo
Ciqaabteedu darantoo
Nagu daahay baa jira!!

Haddaan sii durkiyo oon
Doodda hoos u sii galo
Kuu qabiil derderey iyo
Mid qabkiisu dummiyiyo
Duf ku bexe halkiisee
Dammiin kaan ahaynoo
Daki garashadiis loo
Xaqa aan ka dudinoo
Dulmi aan u dhalannoow
Su'aalahan ku soo durug.

Ninka daawad dhicid iyo
Ducufadoo la baadiyo
Dadqalnimo ku faanoo
Dulmigaba ka taajira
Oo gacal ku duul iyo
Didso geel agoon iyo
Daydaynimo ku nool iyo
Midka qaanso daaco leh
Diirdiir ordaayiyo
Dabataagtii cawshiyo
Deerada ku baacshee
Xalaashiisa doontee
Duurjoogta daaqdiyo
Bahallada la deriskeen
Isagoon dad soo dhicin
Sagaarada dabaayee
Dubta hilib ugaareed
Horto darajo yaa mudan
Oon dirac ku sheegnaa?!.

Dabbaalnimadu waa shile
Kuu dadkiisu doortoo
Dallacoo xil qaadoo
Damaciisu waaloo
Dakhligii miskiinkiyo
Dhigaalkii dantii guud
Qasnad gaar u duwayoo
Dibadaha wax gaystoo
Daar wayn ka jeexdoo
Dibbirada calooshooy
Xaaraantu diishiyo
Dibi madaxi yeeshoo
Isagoo duddumo la eg
Meelaha dalqamayoo
In mar kale la duubiyo
Inuu dallaco sii raba
Iyo tacbade diirrane
Webiyada degtoodiyo
Duurkaa ku nooloo
Daabtay yaambadiisoo
Dhididkiisu da’ayoo
Digirtiyo gallaydiyo
Khudradaha la diirtiyo
Dalaggiisa beertoo
Gaadiid dameeriyo
Digaag xoolo haystoo
Digdigtaan la wado iyo
Aan colaadba daakhilin
Degannadana quudiya
Horto darajo yaa mudan
Oon dirac ku sheegnaa?!.

Daalimkiyo afmiishaar
Dayuuskaan xishoonee
U adeega duul kale
Oo dhaqanka diintiyo
Inaan nabad ku daaqniyo
Wax kastoo inoo dana
Wanaaggeenna diidee
Colaaddoonan damin iyo
Wixii dabargo'eenna ah
Saxiixyada ku duugoo
Doolarkaan suntaa iyo
Dabbaabbaad la yiri hoo
Daarihii bilnaa iyo
Dugsiyadii aqoontiyo
Dhulkaagii ku soo dumi
Iyo midka dabaashee
Subax diiq markuu ciyay
Dambiishiisa qaatee
Dooni horay u raacee
Shabakadaha daadshee
Kalluun dufan macaanoo
Dawadiisu badantahay
Qubo soo daldalayiyo
Mallaay dibadda loo diro
Mowjadana dibrinayaan
Horto darajo yaa mudan
Oon dirac ku sheegnaa?!

Inkastoon damqanayoon
Dibnihii cantuuggoo
Dareen culus i saaqoo
Ilmo dimbiq i leedahay
Wali dooddi kama bixin
Halkii ii darnayd iyo
Doogtii kamaan hadal
Dulucdaydu waa wali
Aanna sii durduriyee
Kuu qabiil derderey iyo
Mid qabkiisu dummiyiyo
Duf ku bexe halkiisee
Dammiin kaan ahaynoo
Daki garashadiis loo
Dulmi aan u dhalannoow
Su'aalahan ku soo durug.

Jaqafyada duqooboo
Ay daxashu fuushiyo
Ninkii daasad uu helay
Daash weyn u waabtee
Damalluu u shiday iyo
Dab ku soo dhalaalshee
Ku garaacay dubbahoo
Dowladdoon ku caawinin
Dadka baahidoodii
Qalabkii dagaalkiyo
Digsiyiyo suxuun iyo
U diyaarshay maacuun
Dalka soow wax uma qaban
Mise waa la weel duwi
Dambi buu kasbadayoo
Hoos baaba loo dayi?

Isagoon dakane iyo
Dulmi looga yaabayn
Daqosh kii samaystee
Iimaanku deeqee
Dadaal lagu ammaaniyo
Kartidiis dugsanayee
Farsamadii dalleeyee
Wax kastaba dabbarayee
Wixii naga dillaaciyo
Dacaskiyo kabaha tola
Dalka soow wax uma qaban
Mise waa la weel duwi
Dambi buu kasbadayoo
Hoos baaba loo dayi?!

Haddii aan dubkeenniyo
Degelkaan ku noolniyo
Diintoon wadaagniyo
Danwadaagba aan nahay
Hadba dumarka tuu rabo
Ama damac ka soo galo
Haddii aanay diidayn
Isna anshax la duro iyo
Ceeb uu ka daahiray
Dayacayn salaaddoo
Diintiisu wacantahay
Derisnimo u dheertahay
Dadabgalid markay tahay
Dermo golaha ay taal
Waayeel la soo dumo
Laga doono ehelkeed
Maxaa loogu diidaa?
Sheekada dellegan iyo
War daciyo khurraafaad
Maxaa loo daldalayaa?!.

Inkastoon damqanayoon
Dibnihii cantuuggoo
Dareen culus i saaqoo
Ilmo dibiq i leedahay
Wali dooddi kama bixin
Halkii ii darnayd iyo
Doogtii kamaan hadal
Dulucdaydu waa wali.

Duqoowdiyo waxgaradkiyo
Aqoonyahan da’ wayn iyo
Doorkii abwaankiyo
Culimada dikrida oo
Daalacday qur’aankoo
Axaadiista daba gala
Iyo ruux damiirloow
Jawaabteeda doonoo
"U darnoow walaalkaa"
Maxaa loo daliishaday?!

Waxaan taa ku darayaa
Beeni way ku dilataa
Waa lagu dambaabaa
Dabka naartey kugu ridi
Daacaddaan hungoobeyn
Runta yaan la dabamarin
Caado yaan la doorbidin
Xaqa yaan la duudsiyin!.

Haddey dhego daloolaan
Qalbi naga dahaarneyn
Caqliguna daboolneyn
Aayadaha la diideyn
Dagaallada sokeeyiyo
Cudurradan na daashaday
Duufaannadaan kacay
Abaaraha dalkii rogay
Darbiyada na kala xiray
Bulshadaa la kala diray
Tuugannimo la doorbiday
Xirfadaha dib loo dhigay
Waxa loogu dowgalay
Aqoon darrida diintiyo
Jaahilnimo duqoowdiyo
Balaayo aan dagaynoo
Dusha nooga raran wali!.

Waxaan uga dan leeyahay
Nabsi waa ma daaloo
Hadduu sida diyaarado
Daqiiqado yimaadoo
Dhaqso soo degdego iyo
Diiddiin siduu wado
Hadduu soo yar daahaba
Mar buu soo degaayoo
Deegta kaa koraayoo
Dacay kaa lulaayoo
Ku dabraa sidii awr!

Walaalaan dulleynoo
Kibir lagu duqeeyoo
Tookh lala dul joogoo
Durkinnoon takoornee!
Miyaan dacarta loo degin?
Miyaan daannadeedii
La durduuran maantaba?

Waxaa kuu daliil cada
Dacda waanagaa naal
Dalkeennii colaadiyo
Abaaraa is dabayaal
Waa taa ka daaf iyo
Daraf duunyo eber tahay
Waa taa an diihaal
Darxumada ku sugannahay
Waanagaa dagaagnoo
Dibadaha u yaacnoo
Dawarsiga ku wada nool!.

Meel dulmi ka dhacayoo
dhiig islaam ku daataan
Dambar laga dhameynoon
Laga doogsaneeynine
Dowladimadii waa taa
Daafida la dhaafsaday
Waa kaas danaha guud
Dabadhilifku maamulo
Waa taa daciifnimo
Daafac aan la kari karin
Waa taa aan dammane iyo
Wada nahay ka sii daran
Waa taa aan duggaaggiyo
Cadowgeen u daggannahay!!

Talo waa tan duushoo
Heshiiskii la dabarjaray!.
Waa tan duubabkeennii
Doqomadu ay laayaan
Dallaal aniga ii noqo
Lagu dilo nin-doorkii
Inay doodda celiyaan
Waa tan laga daboolaba
Kii nabad daneeyaa
Xabsiyada u daadego
Waa taa Diktoorkii
Damiin uu waxbarayaa
Waa taa ducaaddii
Dibjirradu ay gowrici
Duuflaalka waa kaa
Dadkeennii muteysteen!!

Dalkxiiskeennii waa kaa
Duggaafadaha loo rogay
Darbijiif dhallaan yara
Dugaag uu ku cunayaa
Waakaa dukaamadi
Lagu gado daroogada!

Doofaarka waa kaa
Qaar daanka galiyeen
Dumarkeenni badidood
Dhaqankii ay duubeen
Waa taa rag diracyo leh
Qaar dhegaha loo duray
Dariiqaan istaagnaba
Waa tan nalagu diimoo
Qaar nagu digtaanoo
Qaxootigii didaayiyo
Diiratadii gunta ahayd
Duqsiyadii ku caan nahay!!

Soomaali dayaceey
Walaakeed ku diraneey
Cadowgeed u dabaceey
Inkastuu dix-dhagaxeed
Ilaah janno dabaalsii
Kugu sheegay doorkii
Oon murtidu kugu duxin
Hadal lama dul fuulee
War hooy maan idiin digo!

Daabbadda sabayseed
Tubantiin dusheediyo
Doontaad la socotaan
Way sii dagaysaa
Haddaan laga digtoonaan
Oon xummaanta duuggaa
Duco iyo run sheeg iyo
Lagu doorin toowbada

Darbigiyo alwaaxyada
Midka daab u haystiyo
Kan daloolinaayiyo
Midka gaas ku daadshiyo
Kii taraq ku daariyo
Kan shiraaca duubtiyo
Midka dakhalka jebin raba
Haddaan ciidan loo dumin!.

Hirar dabaq ka wayniyo
Markay halistu darantahay
Iska daba wareeg iyo
Ina doowdar baan ahay
Anaa doolli dili jiray
Damdamtaan naqaanniyo
Anigaa dumminayee
Dhinacayga ii daa
Haddaan laga dallicinoo
Aan geesi daacadoo
Dersi kara amuuraha
Aan darawal laga dhigin!.

Haddaan dhallin diyaariyo
Ikhyaar naga duceystaa
Nafta deeq ku bixinoo
Degellada kuweenna ah
Daafac loo adkaynoo
Inuu cadowgu daakhilo
Nagu falo dayuusnimo
Diidnay aanay dhihinoo
Degin meel dhufaysoo
Aanay doonan geerida!.

Indheergarad damqanayaa
Haddaanay kala dambayntii
Sharci diin ku dhisan iyo
Wax maatida daryeeloo
Ay ku doogsadaan iyo
Qorshe soo dejininoon
Shacabkuna la daadihin
Wallee waan degeynaa
Waana dayro gabonnimo !!

Dulmi soo jireeniyo
Wixii daqalka naga riday
Duriddiyo xadgudubkiyo
Daaquudka koray iyo
Diimahaan la garanayn
Haddaan daawo loo helin!.

Durriyaddaan dhalayniyo
Da'da soo koraysaba
Dugsiyada haddii aan
Is daryeelka lagu barin
Lagana deyrin quursiga
Wallee waan dagaynaa
Waana dayro gobannimo!!

Intaas waa digniin iyo
Dareenkii i saaqiyo
Damqashada xanuunkii
Suugaanta ii diray
Kana daali maayee
Aan sooba duubee
Dulmanoow walaaloow
Daahir waxan ku leeyahay:

Dahabka iyo luulkiyo
Dheemanka la daawado
Waxa maal dunida yaal
Haddii layku soo daro
Dirhamkuba ma goyn karo
Wax lagugu daweeyoo
Daqarradi ku gaariyo
Dambigii lagaa galay
Diiwaanno buuxshoo
Daliil looma heli karo
Wixii lagugu dayrshee
Xal sideen u doonnaa?!

Dafiraad ma fiicnee
Shalay iyo dorraataba
Bulshadaan dayacantaa
Adigaa dabbarayoo
Dadaalkii farsamadiyo
Dushaadeey ku huruddee
Adigaa dulqaadkiyo
Ka yaqaan dariiqee
Hadday maanta dagantahay
Daruurtaan tagnaa iyo
Dusha saraan laleynaa
Maroodigii dulweyniyo
Dafo xoog leh baan nahay
Haddii daaf ay noqotoon
Bilaash doobbintii jirin!.

Digdigtii iyo faankii
Hadduu Gabbalkood dumayoo
Qabiilkey dugsanayeen
Durba qaar inkirayoo
Kuwii shalay la duri jiray
Maanta laysku dilayoo
Dacwo laysku dhiiboo
Misna laysu diidaba!.

Wax laguu darraadaba
Dalaafkii hadduu yimid
Hadday dani run sheegtoo
Dayrkaa la tubanyahay
Inaad daadahaysood
Deggenaan faraysood
Sii daryeesho mooyee
Daa'im inu ku saacido
Waa ehel dambaabee
Ha ku dayan walaaloow!!.

Waxa iga dardaarana
Dirediraha baasiyo
Dulmiloow shisheeyiyo

Mid necbaan la duufiyo
Cadow kuu dahsoon iyo
Dillaallada ka dheeroow
Dayaxaa iftiimiyo
Dhaqankaagi diintiyo
Daawgii rasuulkiyo (SCW)
Dugso samirka waligaa
Kalsoonida ha sii dayn
Walaal waa la doogiye
Dhaqso yaan la dacaroon
Yey degdegi wax kuu dhimin
Dayrna waan sugaynaa
Uu khayrku da'o iyo
Gugoo noo darooroo
Insha-Allaahu doorkaan
Dambarsane ayaa curan
Inta samaha doontoo
Ka damqaday dhibkaagoo
Kula duuban baa badan!

Daahiroow walaaloow
Ma daalaha wax garadkiyo
Culimada ducaaddiyo
Doorkii abwaankaa
Dareen kula wadaagoo
Ergo daacadaad heli
Rag ka diiray xumihiyo
Ciidan dirirayaa jira
Iyagoo dirays qaba
Waxa ay dalbanayaan
Dibindaabyadii hore
Diyadaad lahayd iyo
In daynkii laguu gudo
Xaal laguugu sii daro
Dallacaad laguu qoro
Damaashaad la wada galo
Oo laguu dabbaaldego!.

Waxan dooddi uga baxay
Dulmi kii u haystoo
Diintiisa jecel bay
Ducadiis ajiibtee
In cuqdaddii ay duushoo
Ay shiddo dareertoo
Dadku miyirsadaanoo
Iftiin uu u daarmaa
Dar ilaah widaayoow
Duco caama noo mari
Aamiinna igu daa!!
_________________________

      Cali Maxamuud Xiirane
       Xiirane2@hotmail.com
              London, UK

 

Faafin: SomaliTalk.com | Sept 13, 2004

MAANSADA HORE

MAANSADA XIGTA

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
QAYBAHA DOODWANAAG
CURIYAYAASHA DOODWANAAG



HTML CD