SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - SILSILADII DOODWANAAG

Anwar Maxamed Diiriye
Anwar@usfamily.net



Anwar Maxamed Diiriye

Dul-Ka-Xaadis!

Anwar Maxamed Diiriye
Minneapolis, MInnesota, USA


Maansadan Dul-Ka-Xaadis oo ah maansadii 18aad ee Silsiladda Doodwanaag, waxay taxanaha ku soo biirtay 10kii Sebteembar, 2004. Maansadu waxay ka digeysaa dhibka iyo hallaaga ka imman kara cudur, cudur lagu daweynayo oo daawo looga deyayo.

Dul-Ka-Xaadis waxay tilmaamaysaa caddaalad darrada ka taagan shirka Soomaalidda uga socda Embagathi, waxayna ka dardaar werinaysaa indhoolaha usha u haya ruux ay u dhan yihiin lixdiisii lixaadba oo aan kan fiyoobi eray ka oran karin halka loo wado. Dul-Ka-Xaadis waxay bulshadda tusinaysaa sida uu dulmigu xaqa uga itaal roonaaday oo weliba loogu wada sacab tumayo. Waxay maansadani u bandhigaysaa dhallinta Soomaaliyeed in ay waajibkooda u soo toosaan oo ay kaalintooda buuxshaan, daba-ka-naaxyadana cashar baraan oo ay ka xorreeyaan majaraha maamulka dalkooda & danaha ummaddooda.


Inaan daribtii feentoo
Cadkaygii daweystaan
Dannigayga geliyee
Markaan yare is duubaba
Waan soo dikhoodaa
Wax baa hadalka ii dira
Damqa boogahaan dhayo

Beribaa duleedkaas
Degelkaas bulshadu taal
Koox is daadaheysoo
Rafiiqnimo is dalabtoo
Himbiriirsi daymada
Humbuleyn dayacanoo
Duudkuna u muuqday
Duurka isla aadeen
Hadalkana dibnaha kore
U diideen dhammaantii
Daan-buurka hoosiyo
Faq bay darajo moodeen
Koox koox u kala dude

Daandaansi iyo kibir
Maal duunyo haystiyo
Daacaddoo sabool maran
Ayaa daan iskula baxay
Dulmigaana sare jiray
Danna saasay moodeen!

Nacas iyo dadkiisooy
Darajadu u buuxdiyo
Geesi dhiiggu da’ayoon
Dirham xoolo lagu arag

Doc kalay u bayreen
Dulmigaana sare jiray
Danna saasay moodeen!

Jaahil daaman weynoo
Magac loogu daw galay
Iyo kuman cilmigu degey
Oon laga dambeynayn
Iyana way is doorteen
Dulmigaana sare jiray
Danna saasay moodeen!

Doqontii na dubatee
Na dishee na dooxdana
Weli lama daldalinoo
Reerka lagama dabargoyn
Waxaa nooga sii daran
Immikaa la doortoo
Dallacaado loo tolay
Lagu yiri na daadihi
Quracoow docdeer aad
Qansaxoow ku dabafayl
Qayb-qaybti lagu daray
Dul ka xaadis weeyaan
Dacartiina lama dhayin!

Eray waliba daw lehe
Hadmaa duul caddilanoo
Daacuun saf marayoo
Dabiib loogu tegi laa
Fayrasoow dawee iyo
Dugaagoow u tali iyo
Ducoy adigu joog iyo
Habaaroow dilaandili
Duxda looga dhigayoo
Dadki aysku raaceen?
Cajab weeye daah rogan
Dul ka xaadis weeyaan
Dacartiina lama dhayin!

Dulli laguma waaree
Gooraad dan mooddaba
Xaqow soo dillaacoo
Feeraha ka daacoo
Darbigaaga soo jebi

Dul sabbee adduunkoo
Midkii adi ku dagi jiray
Hawla siman dan-yarahee
Runta dibedda soo dhigo
Halagaa dambeeyoo
Ha laguu dan sheegtee
Haddii kalana dookhaa
Iyo debecsanaantaa!

Wixii laga dardaarmaba
Dib ha loogu aayee
Dhallintii dalkaygaay
Hawl baa idiin dagan
Daleeshaa idiin taal
Haddaad dhiig mar diiriyo
Wadne dacarta neceb iyo
Qarannimo dalbaysaan
Ka soo toos dangiigoo
Maskaxdiinu waa dare
Xargo adag u daabaca
Danta guud u wada kaca
Markay koox yar daashaba
Koox kale ha dirirtoo
Dawlis adag ha soohdoo
Ha yureyso dulimada
Iyo daba-ka-naaxyada
Yeeshay micida doofaar
Iyo aragga daanyeer
Damiirkii ka foofee
Ka dulloobay waa hore

Sirta doqon ma garatee
Faataxa dushaa sare
Uurka aan u daadegin
Dul ka xaadis weeyoo
Daa’im lagama dhuuntee
Afkan uu dafacu galay
Yaa laga dedaayaa
Dabin loo dhigaayaa?

Malaa waa dadkeenaan
Sidii duunyadoo kale
Hadba dhan u dillaamee
Durbaankiyo mashxaradaha
Sacab lagu dinnaahshiyo

Heesahoo is doorshiyo
Ku abbaaday dacaygee
Qabqablaha dagaallama
Ka sugaaya daw bixin
Iyo reerahoo dega
Berrin daaqsin wacanoo
Diifta ay ku reebaan
Haddii kale dadweynoow
Su’aashaasi duluc lehe
Idinkaan idiin diray
Afkaygana dibnuhu xiran
Intay Deeqi maqan tahay!
Daawad ehelka neceb tahay!
Gobaad ay dibbood tahay!
Ergaduna dadqalatee
Kursi lagu dawaafiyo
Boqol doonka ay tahay!
Nabaddoonku duran yahay!
Doora-weyne uu yahay!
Xaajana dellegan tahay!
Madashuna duleed taal!
Xaqsoorkeedu dilan yahay
Dayaxuna madow yahay!



--------------------------
Dhammaad
Anwar Maxamed Diiriye
Anwar@usfamily.net

 

Faafin: SomaliTalk.com | Sept 13, 2004

MAANSADA HORE

MAANSADA XIGTA

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
QAYBAHA DOODWANAAG
CURIYAYAASHA DOODWANAAG



HTML CD