SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - SILSILADII DOODWANAAG

Cabdi khayr C/qaadir (Kawtame)
Kawtame24@hotmail.com
Khartuum, Suudaan



Cabdi khayr C/qaadir (Kawtame)

Dan-guud

Cabdi khayr C/qaadir (Kawtame)
Kawtame24@hotmail.com
Khartuum, Suudaan


Maansadaan waxaa curiyey abwaan c/khayr c/qaadir maxamud (kawtame) oo ku nool magaalada Khartuum ee waddanka Suudaan. Maansadani waxay ku soo biirtay silsiladda Doodwanaag 14 ogoosto 2004, waana maansadii 17aad ee Doodwanaag.

Maansada Dan-guud waa maanso xambaarsan Digniin, waano iyo tusaaleyn ku wajahan ummadda Soomaaliyeed.


Deelleyda maansada
Aan soo dikeeyoo
Aan dareersho maantee
Waa doodwanaagoo
Waa daw sareeyoo
Waa dahab caddaanoo
Waa hadal la doortoo
Waa deeq illaahoo
Waa dadaal rageede
Dirka daadaheeyee
Danta guudna eegow
Daa’imkay ha idin bado
Darajo iyo sharaf badan.

Annagana dadaalkaas
Doodaas ad curiseen
Daa’imkay ha nagu laro
Dawo dhaba ha noqotoo
Dadku samo ha daaqoo
Daalkana ha mayrtoo
Ha daroorto samadoo
Waxii daxal arlada yiil
Daadkuna ha qaadoo
Dalagguna ha beermoo
Dadku nabad hawada dago.

Kuu damacu waashee
Dubanaayey nabaddana
Duufaan ha qaadoo
Dubbe baas ha gaaroo
Dawlad wacan ha dhalatoo
Dahabkii xabaalnaa
Shidaalkii daboolnaa
Macdantii dalkeenniyo
Nimcadii ku duugnayd
Dhamaan daah halaga rogo.

Intaas waa duciyo arar
Mid kalaan ku darayaa
Daliil dhabana ila arag:

Door-roonoow waxaa jira
Daba-dhilifyo baasoo
Danta guud an eegeyn
Dabuubtoodu been tahay
Wax dalqada la mariyiyo
Dabcigood hunguri yahay
Inay dunida daaqaan
Dawladaha shisheeyaha
Doollar ay ka qaataan
Hoteelada dangiigaan
Marba meel u duulaan
Waana nimanka daranoo
Qabiillada danqinayoo
Da’ yarteenna lumiyoo
Daahaaya nabaddoo
Danaamaadka ololiyo
Madaafiicda kala daran
Nagu soo daldalayoo
Dadka kala dilaayoo
Malintaan is dubannaba
Qosol digix kasiiyoo
Darxumada ka taajira !!.

Annaguna dabbaalnimo
Haddaan dabo - ruclaynoo
Aanan laga digtoonaan
Waan danseegaynaayoo
Waan diyoobaynaayee
Waa inaan ka durugnaa
Oo aan ka diidnaa
Dibindaabyadoodiyo
Dabinkeey dhigaayaan.

Dakharkoodu waynaa
Dacartoodu kululaa
Daafkoodu ba'anaa
Naxariis ka dadanaa
Jaahil duufsi badanaa
Ninka dagan u daranaa
Ku daneeysi jecelaa
Diimoonaa balaaydu
Ka il duufsanaa xaqa
Daafici ogaa balo
Daldalidda ku luranaa
Marba kii u daran iyo
U dulleysanaa cadow !!

Dullaalada is biirsaday
Iyo umulo-dooxyadu
Diif bay na badayaan
Waxay duugayaan nabad
Waxay doonayaan hurin
In dadkeennu dabar go'
Amuu kala dareeroo
Duqa boqolka jira iyo
Kan daqiiqad joogaba
Baabuur dushood iyo
Ay doonyo raacaan
Ku dhuuntaan diyaarado
Dambiil maran ay qaataan
Diihaal la luudaan
Hadba doqosh istaagaan
Dawarsina dan moodaan
Qayrkoodna daawado
Ku raaxeyto dighasada
Dhaqankoodi diintiyo
Sharaftiina uu duro !!.

Waxaan taa ku darayaa
Dad islaama baan nahay
Duulkii Maxamed ( NNKH) baan nahay
Misna Duul walaaloon
Kala durugsanaynoo
Isku daahan baan nahay
Aan danteenna eegnoo
Aan dunida gaarnee
Soomaalaay dadaaloo
Dhexda maro ku duuboo
Waxii daal nasoo maray
Dabaakh aan ka bixinee
Mar bal daya aduunyada
Misna daya dantii guud
Dayac saan u nahay iyo
Daciifnimada teenna ah.

Taariikhda duuggaa
Marka daaha laga rogo
Dawlad baan lahayn waa
Afrikadan ka dooroo
Ay duni ammaantee
Maxaa dacarta nagu laray?

Xaabshaanka daadoo
Dul sabbeeya biyihiyo
Maxaa dogob gabooboo
Nin walbaa dardarayoo
Layska wada darbeeyiyo
Ducuf liita naga dhigay?

Daa’imow Illaahow
Adaa dunida uumoo
Adaa deeqa bixiyee
Dawlad suuban noo dhali
Dooggiina noo baxi
Xooluhu ha darareen
Dambarkooda duunyada
Dadkoo dhami ha maaleen.

Deel kale waxuu yahay
Qaranimadu waa dahab
Waa nolosha dunidoo
Waa danaha ummaddee
Dadow aan dadaalnoo
Dusha aan mar fuulnoo
Aan nabad daneeynoo
Dabka baxaya daminnee
Mar bal daya duruufaha.

Dibadaha dadkaa jira
Walaalihii la kala diray
Isku soo dabbaaloo
Dalkoodii ha gaareen
Farxad ha isku duuleen
Hal mar ha isku duubmeen
Ilmo ha isku daadsheen
Waxii daal xun soo maray
Durba ha si illoowsheen
Damaashaad ha dheeleen
Dadku nimco hawada dago.

Maahmaah da’ wayn baa
Dawgeeda waxay tiri
Ninkii hadal dareershaa
Kama bogan dantiisii
kii doodda koobana
Dowgii kamuu tagin
Danteeduna waxay tahay
Inaan dulucda raacnaa
Aan doorar naqonnoo
Aan farxad ku daahnee
Mar bal daya dalkeenoo
Suu yahay ka diirnaxa !



Cabdi khayr C/qaadir (Kawtame)
Kawtame24@hotmail.com

Khartuum, Suudaan

Faafin: SomaliTalk.com | August 20, 2004

MAANSADA HORE

MAANSADA XIGTA

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
QAYBAHA DOODWANAAG



HTML CD