SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - USA

 


USA: Maroodiga (R) oo la filayo inuu dameerka (D) si xun ugu durduriyo November 2

Qore: Maxamuud Nuur Wardheere, Minneapolis, MN, USA

Afeef: Doorasho sida ay ku dhamaan kartomana garan karo. Cilmul qaybka ilaah uun baa og: tani waa falanqayn.
John Kerry
John F. Kerry 
George W. Bush
George W. Bush

Ralph Nader

Xisbiga Jamhuuriga markii ay si ula kac ah shirweynahooda dib isugu dhigeen kuna qabsadeen New York kuna aadiyeen beryo ka hor 911 xuskeeda waa iska cadayd in labo kaclayn iman doonto oo laga hormari doono Murashax Kerry. Dadka siyaasadda indha indheeyaa waxay aaminsan yihiin in hadaladii ka soo yeerey waqtigii shirk Mayor Juliani, Senator Miller, Gov. California, iyo Dick Chaney ahaayeen dharbaaxooyin uusan ka soo waaqsan karin Kerry.

Sidoo kale xisbiga yar ee independentka oo uu madax u yahay Ralph Nader oo ka soo jeeda Lebanon ayaa sii wiiqaya Kerry waayo waxaa la saadaalinayaa inuu democratska kala haro 5% codkay heli lahaayeen taasoo guul u ah George W. Bush. Democratska waxba ulama harin Nader sidii ay uga hor istaagi lahaayeen 50 gobolba si aan loogu ogolaan inuu iska soo sharaxo waxayna yiraahdaan vote for Nader is vote for Bush.

Xisbiga jamhuurig si dadban ayey u taageerayaan Nader waayo cadowgaaga cadowgii waa saaxiibkaa. Hiil iyo hooba waa siiyaan. Sidaa darteed Nader waxaa uu hadda shuruudihii soo buuxiyey 28 state 10 kalena maxkamadaha ayaa u xukumay 17 kalena weli dacwo ayaa u socota. Gobolka Florida xataa oo si gaar ah isha loogu hayo Nader ayaa ka guulaystay democratska. Inkastoo uusan rajo ka qabin inuu guulaysto haddana dad badan oo maraykan ah ayaa ku faraxsan inuu loolanka dhex cararo waayo waxaa uu sheegaa arrimo aanay labada murashax ee kale aanay ka hadli karin sida danta maraykanka ee Ciraaq, dhibaatada Ciraaq, reer Falastiin iwm.

Carol Rov oo ah la taliyaha Bush ee dhinaca siyaasadda iyo dadka u dejiya istaraatiijiyada xisbiga jamhuuriga oo sanadkan gartay in arrinta koowaad ee dadka maraykanka ka wel welaan ay tahay ammaanka ayaa plat formkooda ugu horeysiiyey sugidda amaanka weliba ayagoo ku guulaystay inay dad badan ka dhaadhiciyaan in Bush yahay halyeyga dalka iyo dadkaba difaaca uga fiican Kerry oo ay ku subkeen qof aan qowl lahayn oo maalin walba mowqifkiisa bedela waxayna magac uga dhigeen Fil-Flop.

Kerry waxaa uu ku fiican yahay asaga oo qibrad leh codkarna ah caalamka iyo UNba laga jecel yahay iyo weliba aqoon yahanada maraykanka aad u taageersan yihiin laakiin waxaa uu ku liitaa qowl laaanta iyo asagoo dagaalka tageersan. Wuxuu yiraahdaa dagaalka ciraaq waan taageersanahay laakiin sidan uma dagaaleen keligayna kuma noqdeen waxaana loo isticmaalaa kelmadii asaga iyo Clinton soo saareen markii ay cunaqabateynta ku hayeen ciraaq oo ahayd the world is better without Sadam. Kerry dhibta kale ee haysata waa inuu 20 sano ahaa senatoor taasi macnaheeda waxaa weeye in faro laga hayo(Record) loona isticmaali karo in lagu dacaayadeeyo.

Bush waxaa uu ku fiican yahay marka loo eego dadka maraykanka waa nin daacad ah waana nin ay u hirgashay inuu geesi difaaci kara wadanka iyo dadka yahay. Wuxuuse ku liitaa dagaalka ciraaq oo dunidii gaar ahaan yurub iyo UN kala fogeeyey xiriirkoodii. Dagaalkan oo taabtay dad badan waxaa ku dhintay in ka badan 1000 waxaana ku dhaawacmay ilaa 7000. welina sidii looga bixi lahaa iyo xeelad ma helin.

Muslimiinta maraykanka iyo doorkooda

Inkastoo aad moodo inay soo baranayaan dheesha US Politics oo ay hore uga maqnaayeen ama aan lagu soo dhoweyn hadda waxay wadaan dadaal badan sida ururo badan oo islaami ah oo dadka qora si ay u codeeyaan ama dadka ayey ku dhiiriyaan in siyaasadda dalka la galo hase yeeshee fahamka siyaasadda USA weli fari kama qodna. Arrintuna aqoon laaan ka weyn sababo badan ayaa jira oo hortaagan. Sanadkii 2000 urur ka mid ah ururada muslimiinta ayaa iftooday in la taageero Bush laakiin sanadkan weli lama hayo urur iftooda. Shirweynihii muslimiinta maraykanka oo ka dhacay Chicago Sept 3-4 hogaamiyeyaasha waa diideen in ay hal murashax taageeraan.

Qaar waaxaa ay neceb yihiin Kerri oo u dhaartay Saciidiga iyo Pakistan waxayna rabi lahayeen inay taageeraan Bush laakiin muslimiinta African American ayaan la maqashiin karin Bush. Qaar muslimiinta ka mid ah ayaa isku deyey inay Kerry keenaan masaajid ama uu la shiro muslimiinta waase ku guul dareysteen. Dad daneeya codka muslimiinta ayaa ku talinaya in Muslim Americanska sanadkan codkooda ugu wada shubaan Ralph Nader xataa hadiiba uu rabo yuusan guuleysan. Waayo sanadaha danbe waa la ogaan lahaa haddii ay isu keenaan 1,000,000 cod. Waxaa kale oo ay leeyihiin Nader si sharaf leh ayuu u weydiistay codkooda arrimahoodana waa ka hadlay.

Labada xisbiba shaqaalahooda hoose ayaa weydiistey taageerada muslimka waana soo socdaan marka waxaa laga yaabaa in madaxda muslimka meel uun raacaan dhowaan.

Waxaa jira shaqsiyaad kala raacay labada murashax ee Kerry iyo Bush waxaadna ku garan kartaa shabakadaha loo furay sida http://www.muslimsforbush.com/  iyo http://www.muslimsforkerry.com/  .

Soomaalida iyo doorkooda

Soomaalida Minnesota oo ah meesha ugu soomaali badam maraykanka waa is abaabuleen oo qaarkood waxay sameeyeen labo kooxood oo la kala yiraahdo Somali American Democrats kuwaas oo ka dhex muuqday shirweynihii Minnesota Democrats. Qaarna Somali American Republics waxay ka dhex muuqdeen casho sanadeedkii Minnesota republicanska oo la yiraahdo (Lincoln Dinner). Jaaliyadaha kale ee Minnesota ayaa qiraya in Soomaalida Minnesota aad uga dhex muuqato siyaasadda gobolka.

Meelaha kafeeega lagu cabo haddii aad tagto waxaad arkaysaa ayagoo falan qaynaya siyaasadda soomaaliya iyo tan Maraykanka. Waxaad maqlaysaa ka waran doorashadii ?

Iyo tee ma tan maraykan mise Soomaaliya ama Nairobi (Mbagti)!. Oday soomaaliyeed oo kaftamaya ayaa yiri maansha ninmanka liite oo imigrant u ekaade oo loo xoog sheegay waa kuwa dameer calaamad ka dhigtay. Sow ma oga nimanka ka soo horjeeda inay maroodi calaamad ka dhigteen waa lagu dur durin

Odaygan waa ogyahay in meeshu america tahay oo dhaqanka fikradda dameer iyo Maroodo aanay meesha ka jrin ee waa kaftamayaa. Dadka maraykanka Maroodiga iyo dameerka uma muuqdo ee waxaa u muuqda arrimaha ay isku hayaan. Soomaalida sida muslimka kale iskuma raacin hal qof Bush ama Kerry. Soomaalida waa dad soo bara kacay oo aad u nabad jecel labada qofba waa Kerry iyo Bush waxay u eg yihiin niman dagaal jecel sidaas ayey ku waayayaan codka soomaalida.

Labadaba waxay ku faanaan anigaa geesi ah iyo anigaa dagaal aqaan soomaalidana nabad doon ayey jeceshahay waayo dagaal ooge hore ayuu u soo gubay. Qaarbaaba ka naxa markay maqlaan regime change waayo yaa og kan jooga iyo kan soo socda kii nabad jecel weliba Kerry oo u hanjabaya Sacuudiga iyo Pakistaan iskuma hubaan -ka roone miyaa mise ka dare. Kerry waxaa uu ahaa la taliyahii Clinton kula talin jirey inuu cunoqabataynta ku adkeeyo ciraaq iyo weeraradii la oran jirey no fly zone enforcement kaasoo dhibaato baan u geystay caruurta ciraaq.
Codka Muslimiinta US ayaa u Batay Dhanka Kerry

USA:Tartanka Aqalka Cad oo La isla soo Galayo Xayndaabka Muslimiinta Guji...

Usa:Tartanka Aqalka Cad oo Madaxa La Galay Is Gobalysi GUJI

USA:Yaad Dooran Doorashada Madaxtinimada Dalka Mareykanka GUJI

USA:Tartanka Aqalka Cad, Ninba Ceesaantii Ceelka Keen ... GUJI

Ilaa hadda waxaa cad cad Bush oo aftida haysta 52% meesha Keery haysto 45%.

Lacagta Bush haysto waa $242 million

Lacagta Kerry haysto waa $ 232 million waxaa la dhihi karaa waa isa soo gaareen.

Dadka siyaasadda indho indheeya waxay aaminsan yihiin in Bush soo bixi doono waayo asaga iyo Carl Rov iyo xisbigiisaba waxay dheelayaan patriotic card. Waxay dheelayaan qidadii laga bartay congressman Tip Oneal oo mar noqday af hayeenka houseka oo yiri all politics is local jamhuuriga si ula kac ah ayey xaaladda wadanka uga faaiideysanayaan. Waxay yiraahdaan. Difaaca wadanka kala tashan mayno UN iyo Yurub.

Gurigeena intii lagu dagaali lahaa gurigooda ha lagu dagaalo, adduunka asagaa noo baahan ee annaga uma baahnin, diplomacy iyo xiriirka wanagsan ee dibadda waajib naguma aha mana kala jeclin maraykan marka hore ka dibna caalamka (America 1st). Arrimahan oo macno u samaynaysa dad badan ayaa la filayaa in Kerry lagaga badain doono.

Sidoo kale annaga keliya ayaa difaaca karna oo nala hubaa 3 sano gudaha wadanka lama soo weerarin waayo annagaa joojinay. Ugu danbayntii dadka diinta badankood ayaa aaminsan in Bush ahlu diin yahay hadalkiisana la aamini karo si kastoo Kerry aftaham iyo waayo arag u yahay dooda in laga badiyo ayaa laga yaabaa waayo Bush aftahan ma aha laakiin waxaa suuqa u gashay waa daacad iyo waa geesi.

Afeef : mustaqbalka ilaah uun baa og- tani waa faalo- siyaasaddana isku dariishad lagana wad arko.

Maxamuud Nuur Wardheere

Minnesota, USA

mnwardere@yahoo.com 

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Sept 22, 2004

Xiddiga la Saadaalinayo in uu Noqon Doono Madaxweyne Maraykan ah oo Madow.... Akhri faaladii Aden-Gaas

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com
 
Allah Is Great
 

 



HTML CD