SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - USA

 


Codka Muslimiinta US ayaa u Batay Dhanka Kerry

Qore: Avv. Sh. Xasan Jaamici | Minneapolis, MN, USA

John Kerry
John F. Kerry 
George W. Bush
George W. Bush

Ralph Nader

Warar laga soo xigtay hay'adda Zogby International for George Town University oo sameysay tirokoob iyo ururin codbixin la xiriiray Muslimiinta Maraykanka ayaa waxay ogaadeen in Muslimiinta Maraykanka ay si aad u xoog badan u taageersan yihiin xisbiga dimoqraadiga ee ay hogaaminayaan John Kerry iyo Edward. Hay'addan oo bishan September 15,2004 la xiriirtay misaajido kala duwan ee waddanka Maraykanka ku yaal ay waxay gaartay 1,700 oo muslimiin ah oo xaq u leh inay codeeyaan ayaa la weydiiyey cidda ay codka siin lahaayeen. Waxayna u kala codeeyeen sidan:

Magaca Musharaxa
Kerry ......... 76%
Nader ........ 11%
Bush ......... 7%

Hay'addaasi waxay tilmaamtay hadday wax ka khaldameen tiro koobkaasi waxaa khaldami kara oo keliya -2.3%. Natiijadad tirokoobkaasi wuxuu tilmaamayaa haddii Muslimiinta ay maanta codeyn lahaayeen in 76% ay u codeyn lahaayeen Kerry. Tani, waa isbedel aad u weyn kolka loo fiiriyo doorashadii 2000 oo ay muslimiinta badankoodu ugu shubeen Bush. Warbixintaasi waxay tilmaamaysaa in ururada muslimiinta ee Maraykanka ay si firfircooni ku jirta isu nidaaminayaan isuna diyaarinayaan doorashada madaxweynimada ee 2004. Warbixinta waxay tilmaamaysaa in 53% ee Muslimiinta Maraykanka ay soo jeedinayaan inay si wadajir ah u codeeyaan (bloc voting). Muslimiinta Maraykanka waxay miisaamayaan labada musharax oo kala ah Bush iyo Kerry midka haddii loo doorto ay dhibtiisu yartahay kolka ay timaado kala doorasho laba dhib badan oo laga fursaneyn iyagoo ka duulayo mabaadi'da Islaamka ee oranaysa markay laba dhib kala dooro ay noqoto dooro ka dhibta yar.

Muslimiinta codeynaya badankooda waxay ka kala imaanayaan: Madawga muslimiinta ee Maraykanka u dhashay, Afrikaanka qaatay dhalashada Maraykanka ee soomaalida ay ku jirto iyo Carabta iyo Eeshiyaanka dhalashada waddanka qaatay.
»USA: Maroodiga (R) oo la filayo inuu dameerka (D) si xun ugu durduriyo Wardheere

USA:Tartanka Aqalka Cad oo La isla soo Galayo Xayndaabka Muslimiinta Guji...

Usa:Tartanka Aqalka Cad oo Madaxa La Galay Is Gobalysi GUJI

USA:Yaad Dooran Doorashada Madaxtinimada Dalka Mareykanka GUJI

USA:Tartanka Aqalka Cad, Ninba Ceesaantii Ceelka Keen ... GUJI

Muslimiinta Maraykanka ayaa si firfircoon ayaa waxay isu diyaarinayaan maalinta codbixinta ee 2004. Iyagoo ku heshiiyey howlaha soo socda:

1-In fasax la qaato maalinta codbixinta in kasta qof kastoo Maraykan ah uu xaq u leeyahay inuu qaato 2 saacadoo oo uu ku codbixiyo.

2- In la diyaariyo basas lagu qaadayo dadka waa wayn si loo geeyo goobaha codbixinta.

3- In masaajidaha qaarkood ay noqdaan goobaha dadka codeynayo laga kaalmeeyo sida Masjida Amaan ee MAS-InverGrove, Masjidka Darul Hijra, Masjidka Umutu Muhammad iyo Masjid Al-taqwa.

4-In misaajidahaasi iyo kuwa kale dadka laga diiwaan geliyo intaan la gaarin October 14,2004.

Haddaba maxaa tala u ah muslimiinta Maraykanka:

1-Inaad is diiwaan geliso haddaad heysato dhalashada Maraykanka.

2-Inaad ka fiirsato cidda aad codkaada siin laheyd waayo aakhiro waa lagu weydiin ciddaad taageertay.

3-Inaad cod bixiso waa lama huraan xitaa haddaad u aragto labada nin inayan jirin farqi saa u wayn. Xusuuso mabda' oranaya laba dhib haddaan laga fursaneyn midka fudud u door muslimiinta.

4-Ogow in codkaaga isbedel uu ku sameynayo waxa ka socda gudaha iyo dibadda Maraykanka:

A-Gudaha Maraykanka: muslimiinta ku xir xiran gudaha Maraykanka si xaq la'aan ah ama sharic daro u fahiya xabsiyada Maraykanka. kuwa kalana la dhoofiyey iyagoon xaqooda la siin kuwaasoo gaaraya in ka badan(1670)muslimiin oo lagu dhoofiyey laba sano gudahooda. Muslimiinta Maraykana oon la sinneyn dadka kale, iwm.

B-Dhibaatooyinka dibadda: Dagaalka ciraaq oo uu Bush ku fashilmay. Afganistaan oo ka jirta xasilooni daro iyo jaho wareero oo iyadan fashal kale ah. Arinta Falastiin oo caddaalad daro wayn ka jirta. iyo Arinta Soomaaliya oo daacad laga aheyn.

Muslimiinta ood mooddo baryahan inay hurdada ka kacayaan ayaa waxaa lama huraan ah inay ka qeyb galaan kacdoonka lagu saxayoo khaldaadka dowladda Bush.

Haddii aad rabto inaad ka qayb qaadato howlaha la xiriira isbedelada dhacaya iyo nidaaminta codka muslimiinta ee gobolka Minnesota soo qeyb gal kulanka MAS-MN ee nidaaminta codka muslimiinta ee ka dhacaya Masjidka Ummu-Muhammad 315 E. Lake Stree, Minneapolis, Mn55408 saacadda 1:30pm duhurnimo.

Wixii faah faahin ah la xiriir sister Anne (Mahaba)(651)457-7170 ka dib riix number (0)eber. Haddii cid dowladda ka mid ah sida FBI ama police kula soo xiriiraan adigoon faah faahin siin u sheeg inaad qareen leedahay ka dibna nagala soo xiriir isutaga Civil Liberties Defense Task Force (651)204-0200 sida ugu dhaqsaha badan.

 
Avv. Sh. Xasan Jaamici,

MAS-MN Freedom Foundation Director

Minneapolis/St.Paul, MN USA

hmohamud@midmnlegal.org 

-dhammaad- 


somalitalkHabeenkii Showrka Soomaalida Minnesota
Habeenamadii sabtidu soo geleysey ayaa waxaa magaalada Minneapolis kulan aad u heersareeye waxaa kuyeeshay dhammaan qaybaha kala duwan ee Jaaliyaadda.. GUJI... 23/12/2002

GALABTII "BARO XUQUUQDAADA" IYO SOOMAALIDA MINNESOTA  


Faafin: SomaliTalk.com | Sept 24, 2004

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Xiddiga la Saadaalinayo in uu Noqon Doono Madaxweyne Maraykan ah oo Madow.... Akhri faaladii Aden-Gaas

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com
 
Allah Is Great
 

 



HTML CD