SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - SILSILADII DOODWANAAG

Ing. Maxamed Cali Cibaar
Delft, The Netherlands
Mohamed_ebar@hotmail.com



Inj. Maxamed Cali Cibaar

Dulqaad

W.T. Inj. Maxamed Cali Cibaar


Dulqaad, waa maansadii 21aad ee silsiladda Doodwanaag, waxaana curiyay Inj. Maxamed Cali Cibaar, oo deggan magaalad Delft, ee waddanka Holland. Waxay maansadu ku soo biirtay taxanaha Doodwanaag 23kii Sebteembar 2004.

Qaybteeda hore, waxay maansadu tilmaamaysaa ujeeddada laga leeyahay maansadan iyo kuwa ay bahwadaagta yihiin, oo ah in lagu gargaaro, oo lagu garab-galo inta dulman, iyadoo laga yuraynayo daallimiinta iyo inta dulmi ku noolka ah. Waxaa kale oo ay maansadu waano iyo taageeraba u soo jeedinaysaa tifaftirayaasha bahda Doodwanaag, oo har iyo habeenba u soo jeeda sidii ay silsillad- suugaaneeddan sameddoonka ahi u gaari lahayd himiladii khayrka ee ay hiigsanaysay.

Maansadu waxay si qoto-dheer uga warramaysaa abuurka Eebbe, deeqdiisa iyo naxariistiisa aan qiyaasta lahayn. Waxay maansadu xustay sida uu Alle-Wayne aadamiga ugu abuuray dabeecado kala duwan oo shar iyo khayrba leh,taasoo ah xigmad rabbaaniya oo ujeeddada laga leeyahay ay tahay in aan wax ka baranno. Maansadu waxay aad ugu fogaatay Dulqaadka iyo qiimihiisa. Waxayna inta wanaagga u duuban kula dardaarmaysaa dulqaad badan, iyo inay ku sabraan imtixaannada adduun ee horyaalla.


Haddii aan damiirkiyo
Dareenkaygu ii dirin
Oon dulmiga koray iyo
Xume lagula dirirayn
Xaqna lagu difaacayn
Daabacaadda suugaan
Waa ila daldalanoo
Deelleyda kama helo
Dacarteed wax kuma falo
Dibnahayga uma furo
Dooddeedu way halis!.

Dabci waxaan u leeyahay
Haddii laygu dilayana
Runta daah ma galiyoo
Kama doorto beentoo
Allaa deeqa bixiyee
Sida ducufta qaarkood
Doolar kuma gorgoriyoo
Darajada ay leedahay
Baahidayda kuma dilo!.

Diintu waxay faraysiyo
Waaajibaad dusheeyda ah
Halgan laysku dummayiyo
Gobonnimo u dirir iyo
Danta guud markay tahay
Kama dibu-guryeeyoo
Inta duubanaysaan
Dadaalkay wadaan iyo
La galaa dagaalkoo
Dadka woow horreeyaa.

Darmaantayda khayr-qaba
Horaan ula dardaarmoo
Aan ugu duceeyoo
Iska daba wareeggiyo
Daandaansi lama barin
Daashashka caruurtiyo
Deriskiyo sokeeyaha
Dayrka kuma ag meertoo
Halkay dirirtu taalloo
Daafac laga galaayay
Ku dedegi taqaannaa
Haddii dabinno loo dhigo
Dalaq kuma tiraahdoo
Aayar bay ka duushaa
Dersi aan u dhigay iyo
Arrin baa ku soo duxa
Daa’ in baana garab gala.

Darajada ilaahay
Dadku uma sinnaadee
Doorkii Suldaanoow
Hiilkii dulmanihiyo
Danyar garabgalkeediyo
Daallimmiin yurayntii
Dareenkaan wadaagniyo
Duullaannadeenniyo
Dar ilaahay wacadkii
Haddii aan il duufoon
Daba maro ujeeddadi
Kugu dhaarshey Daa'ime
Saaxiib ha igu dayn!.

Dawankaan ruxayniyo
Murtidaan da’ leydee
Danta loo abuuree
Darkeedii la yimidoo
Daacigiyo danaystiyo
Mid dammani damceenee
Ninba daraf ka soo galay
Adigoow Diktooree
Daadihinta howlaha
Diiradda u qaadoo
Daldalool waxyeeliyo
Dabac yuusan gelinoo
Yaan dalowyo laga ridin!.

Curin lagu degdegay iyo
Dafdaftiyo fudaydkiyo
Hadal iska darooriya
Wax suugaanta dilayiyo
Deelqaaf ha saamixin
Dabaylaha sumoobiyo
Duufaan wax lula iyo
Hadduu daad ku soo galo
Dugsi looga dhuuntoo
La duggaashanaayiyo
Noqo Damal har waynoo
Caddaaladda ku sii durug.

Maansadii la soo diro
Digo hoos ka nool iyo
Fikir dire-diraaliyo
Haddii dalab ay leedahay
Ama ay dalqamid tahay
Xigmaddii ka duushoo
Ka diisdiisan miisaan
Daaf iyo kud wadatadu
Dayrka yaaney soo gelin
Adoo qalinka daacada
Diilintii casayd iyo
Areyada digniintaa
Dusha uga calaamadin
Dambigaaga maahee
Dib ninkeedi ugu celi!.

Qaar baa ka dudayoon
Doonayn wax khayr loo
Balaayada u diranoo
Jidka isku dadbaayee
Midka inuu na dooxiyo
Dibindaabyadeenniyo
Doc-wareenka wada ee
Daahiddeen asoo raba
Isku dayi daddaabayn
Waa nin geeri doontaye
Diyaaradahan lalayiyo
Dabbaabbaad cartamayaba
Hadduu dibri is leeyuu
Shaaggooda doorbiday
Cadow lama daryeelee
Adigoon u diirnixin
Dardar wuu mutaystaye!.

Dunidaan la yaabka leh
Waagii dillaacoo
Da'i kuu siyaaddaba
Hawlo kuu dihnaa iyo
Duruus baad ka barataa.

Bal dadoow dhammaantiin
Dhanka sare mar ila daya
Cirkan nalagu daaheen
Daxalaysaneyneen
Midab doorsomayneen
Dildillaac lahayneen
Abid soo dummayneen
Docna tiir ku mudan jirin!.

Marna badaha daawada
Hadday maalin daadaan
Dunidoo dhan rogayoo
Markab lagu dalxiisiyo
Doon lagu badbaadiyo
Dabaal looga bixi karin
Oon Dayr horjoogiyo
Darbi celinayaa jirin!

Xidiguhu ka sii daran
Adoon Dooribayn iyo
NASA kuu dardaarwarin
Mar indhaha ku sii daa
Waxaa lagu daraandaro
Dabarro isku celiyiyo
Dowlis xariga ma lahoo
Midba diilin gaaroo
Aan laga duwayn iyo
Dhabbaan lagu duqaynayn
Daw bay ku socotaa
Oo sooma daataan !.

Barafkaa dusheenneen
Nagu soo dillaamayn
Fiiriya daruuraha
Raxmadaha darooriyo
Soo daaya roobkee
Durdurrada xareeddiyo
Balliyada dif siiyee
Dooggiyo cagaarkiyo
Soo bixiya daaqeey
Xooluhu ku dararaan
Ee laga duwaayeen
Naytarajiin dabartiyo
Kiimiko diqaysiyo
Curiyana ku duubmayn
Oon Aysiidh da’aayiyo
Danab ina halaagiyo
Noqonayn sun noo daran.

Mid kalaa ka sii daran
Malyuunnada duggaaggee
Haddii nalagu soo diro
Dadku maran lahaa iyo
Duunyada an dhaqannee
Hadday amarka diidaan
Nagu duufi karayee
Daa’ im noo cabiidsheen
Dambarkooda maalneen
Kaan doonno qalannee
Dusha nooga raranoon
Doo iyo dig leenahay
Oon lagaba doodayn
Daahir, Faarax waydiin
Horta wuxu ma dayn baa?!
Mise deeq Ilaahay?!
Mise dooddii shuuciga
Wayska shay dabiiciya?!.

Intaas waxaa ka sii daran
Dhulkan noo degaankee
La isaga dambaabee
Miskiin lagu dulmaayee
Diktaatoorro baasiyo
Daaquud ka taliyaan
Ama lagu dakeeyee
Dahab iyo shidaal iyo
Macdan laga daldalayee
Khudradaha la diirtiyo
Dalagyadu ka baxayaan
Daakhilka guntiisa ah
Dambaaburo Folkaaniyo
Waxa dabab holcaayoo
Hal daqiiqo gudaheed
Dunidaba rogaayoo
Rabbi naga dabooloo
Dadku uba war haynoo
Dammanaan la moogyahay!.

Allaa kala dabbarayoo
Khalqigiisa deeqee
Naxariis daraaddeed
Waxa nalaga dayriyo
Waxa noo diyaariyo
Dambiyada kuweenna ah
Ooy darajadiisii
Qaarkeen dafirayaan
Qaar kalena durayaan
diintiina awgeed
Qaar lagu dubbeeyoo
Ay juhalo doobbiyi
Duni ugu sarreeyaan
Sidii duqii Fircoon iyo
Dulkii Samuud iyo
Reer Caad dirkoodiyo
Dayuusiinti reer Luud
Isagoo dam siin kara
Uu ugu dulqaatoo
Degganaan u sugayoo
Naar ugu diyaarshoo
Malaa’ igo diyaar ahi
Diiwaanno waawayn
Ay ula dul joogaan
Dadna qaar u moogyahay
Dib markaan u eegaan
Daciifnimada aadmiga
Dabbaalnimo la yaabaa!.

Rabbigeen dul-badaniyo
Xigmaddiisa durugtiyo
Abuurkiisa kala duwan
Markuu yare daymoodaba
Addoonkii damqanayeey
Cabsidiis degtaayoo
Degdeg toowbad keenoo
Digrigiyo xusuustiyo
Ducooyinka badsada ooy
Ilmadiis disleeysaa!.

Midna daxal ku raagtiyo
Dunuubtiisi badatoo
Madow daamur noqotaa
Qalbigiisa duugtoo
Duqsiyada sidoodii
Qurun sii dabaaliyo
Intaad duni ku nooshay
Dacaygii Iblayskiyo
Duufsashada Shaydaan
Sharta dabagal mooyee
Khayrba kuma soo duxo
Ha yeeshee ku diin ma leh
Waa xikmad dahsoonoo
Waxa loo danleeyahay
Dhabta inaan ku durugnoon
Rabbi deeqihiisiyo
Duruufaha ogaannaa.

Qorrax aan damayn iyo
Dayax fiidki nuuriyo
Iftiin daarma laylkoo
Daawad lagu miraa jira.
Gudcur laga ducaystoo
Bahallada dugaaggiyo
Tuugadu danaystaan
Dam habeena baa jira!.

Xeer la isku daayoo
Lagu kala dambeeyoo
Ummad kala dabbaaliyo
Dastuur qoran ayaa jira.
Duudsii kan liitiyo
Fitno soo dusaysiyo
Sharci dowdar leeyoo
Lagu dabargo'aa jira.

Daawiyo nafaqo iyo
Dhereg lala dangiigsado
Deeq caafimaadbay
Qaar ku diirsanaayaan.
Qaarna Duumo iyo Furuq
Cudurrada dilaaga ah
Diihaal ku raagiyo
Darxumay la liitaan.

Dayr baa barwaaqaa
Doog iyo xareed iyo
Dhulku daaqsin leeyoo
Dambarkeedu badanyahay.
Abaar daalisa ahoo
Xaalufisa degaankoo
Lagu diimo baadkiyo
Marna waaba dabadheer.

Daaskiyo bakhaarkiyo
Dabaqyada u leeyahay
Midaan dago ka bixin iyo
Bakhayl diiddan baa jira.
Agoomaha dayacan iyo
Danyar iyo masaakiin
Mid dabbari yaqaanniyo
Deeqsi lagu hirtaa jira.

Dukaammaan la tirin karin
Taajir daaro badan loon
Xaaraanta daynoo
Damac waalan baa jira.
Faqiir gaajo dilatoo
Iimaanku deeqoo
Xalaashii daydayayoo
Daa'in mahadiyaa jira.

Ruux iska dabbaaloo
Damiinoon wax garan iyo
Dulli aan xishoonnoo
Duuflaala baa jira.
Ruux laga dambeeyoo
Caqli deeq u helayoo
Bulsho daadaheeyiyo
Mid ducaysan baa jira.

Fulay daamman waynoo
Marka foodda lays daro
Dawakhoo wareeroo
Dib u cararayaa jira.
Dulmi geesi diidoo
Nacabkiisa didiyoo
Guushuba la deristoo
Laga wada durkaa jira.

Daaquud an nixinoo
Dhaqankii Dajaal liyo
Xaqa qaar la diriroo
Ku duullaana baa jira
Mu'min diinta jeceloo
U darbada jihaadkoo
Naftiisii ku deeqoo
Ka difaacayaa jira.

Qaybahaa la kula duway
Daaf inuu ka wada dhigo
Daa'imkeen ma waayine
Waa xikmad dahsoonoo
Waxa loo danleeyahay
Dhabta inaan ku durugnoon
Rabbi deeqihiisiyo
Duruufaha ogaannaa.

Waxaan taa ku darayaa
Dib u milicsigeediyo
Taariikhda duuggaa
Daalacashadeedii
Cid xaq daadahaysoo
La dagaali xumahoo
Loo daadshay ubaxyoo
Loo tumay durbaannoo
Iyagoon la daqarrayn
Dabacsani ku helay guul
Dabbaaldegayna lama arag.

Waxan ula dan leeyahay
Khayrkaan daneeyaa
Mu’min daacdaan ahay
Haddaan ficil ku daabnayn
Dallacaad laguma helo!.

Waxaa taa daliil u ah
Aayadaha Diintee
Soow Quraanka daabacan
Casri Daa’in kuma oran (suuradda Al-Casri)
"Dadku way qasaareen
Duul rumeeyay weynoo
Ku dadaalay kheyrkoo
Xaqa isku dardaarmoo
Markuu xaalku daranyahay
U dulqaata mooyee!".

Midna waan ka digayaa
Doorarkii asxaabtii
Haddii lala dersaayoo
Mabda'oodi lagu dayan
Oon sharaftan duugniyo
Diintoon gargaarniyo
Loo dagaali gobonnimo
Heeryadan dusheenna ah
Yaan durduro koow, laba
Dejinteeda lagu filan!!.

Waxaan ula danleeyahay
Duco waa halkeedee
Waa arrin dadaal iyo
Abwaan hurdo ka duushiyo
Dirhamkoo la quuriyo
Danab hura naftiisiyo
Deegta qori la saartiyo
Mudan dhiig u daatoo
Aan dawarsi lagu delin!.

Dabuubtaydu waxay tahay
Dawyada la marayaa
Waa degin colaadeed
Way dabinno badanyiin
Inta dulmiga diiddana
Qaar waa la duudsiyi
Qaar duunyadoodii
Dahabka iyo kaydkii
Waxay doollar haysteen
Ayaa duhur dharaareed
Lagu dhici dariiqyada
Dambi nimaan lahayn baa
Xabsi -daa 'in loo diri
Ama waa la dilayaa
Daldalaad la surayaa
Kii samir dugsada iyo
Midkuu daadku qaadaba
Imtixaan dulqaadkoo
Dad ku kala haraa iman!

Degmo idil xasuuq iyo
Dubashada dhallaankiyo
Waayeel la dabar-jaro
Duulalka ka taajira
Inkastooy dulloobeen
Ogoow doqommo maahoo
Dunuubtooda yaabka leh
Qiil bay u dayayaan
Daliilkoodna wuxu yahay:

Da'aaddii horeetiyo
Dhaqankii buu durayoo
Sanabyadii duqoobee
La durraamanaayuu
Qaarkood duddumiyoo
kan tolkuu u daranyahay.

Digdigteenna beenta ah
Duugaay aqoontiyo
In jahligu dallaco oo
Dowladninmo la wiiqoo
Danta gaar la koriyuu
Dibjirkani dhaliiloo
Dhagahuu dabooshee
Isna waa Kacaan-diid

Dacartiyo dhunkaashiyo
Daasadaha ciiddiyo
Dacda soo uraysaa
Digsigay ku karayeen
Oon niri digaag iyo
Dhaylaa ka soo degi
Yuu ka riday daboolkoo
Wixii daakhilkiiseey
Dadki nagu arkeenoo
Dibindaabyadeenniyo
Sirtaan damacsanayn buu
Duul iska hurdaayoon
Digniin qabin u sheegoo
Kanna waaba Qaran-dummis.

Kanna waa ka daranyoo
Ragga dhegaha duran iyo
Dumar laysku guurshiyo
Sinaduu ka dayrshoo
Mid casrigan ka daahiyo
Waa jaahil doqonoo
Duufsada bulshada oo
Danihii galbeedkiyo
Dimuqraaddi ka hor yimid
Argagixiso daran iyo
Asal-raac dabaadiya!.

Danta aan ka raacee
Dulucdaydu waxay tahay
Oo iga dardaarana
Inta duuban maantee
Xaqa daafacaysaay
Ha dambayso libintuye
Dulqaad yaan la moogaan!!

Anoon buugag daabicin
Dooddana ku dheeraan
Waxaan diirran uga baxay
"Rabbigii na dilayoow
Wuxuu doono yeeloow
Ducufaanu wada nahay
Deeqdaa ku nooloo
Misna wada danbiilaa
Dowgii badbaadiyo
Adigaa dariiq wacan
Noo doori karayee
Duulkaad nimcayseen
Caradaa ku deginoon
Dulli noqonin baadiya
Oo dunida khayr iyo
Naxariis ku daaqoo
Aakhirana dalsami iyo
Jannadii durduurtoo
Aad daryeesho naga yeel ".

--------------------------------
Aamiin Aamiin Aamiin
--------------------------------

Ing. Maxamed Cali Cibaar
Delft, The Netherlands

Mohamed_ebar@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Sept 25, 2004

MAANSADA HORE

MAANSADA XIGTA

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
QAYBAHA DOODWANAAG
CURIYAYAASHA DOODWANAAG



HTML CD