SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - SWEDEN

Wakiilka Somaliland Sweden u fadhiya oo Beeniyey Warar ku soo baxay Shebekadaha Koonfurta Somalia. 

Waxa aan aad uga xunahay wararka aan sal iyo baarka toona lahayn ee xubnaha ka falaagoobay dadkooda iyo dalkoodaba ay ku faafinayaan mareegaha internetka.


Ismail Hurre Buubaa

29/ 9-2004 waxa wareysi siiyay idaacad kutaal muqdisho nin ka tirsan xubnaha ka falaagoobay umadooda, taas oo caalamka oo dhan ay ka jiraan xubno ka hor yimaada danta umada ay ku abtirsadaan iyaga oo ka door bidda danahooda shaqsi, ninkaas oo magaciisa la yidhaahdo Ismail Hurre Buubaa. 

Waraysigaas oo ah mid uu codkiisa ku hadlayo waxa uu ku sheegay in Wasiirka Maaliyada ee Somaliland Mudane Hussein Ali Dualeh (Awil ) uu ku tegay safar magaalada Nairobi isagoo u gudbiyey dawladaha IGAD waraaqo aanu  sheegin waxa ku qoran, warkaasi waa waxba kama jiraan, Wasiirka Arimaha Debeda ee Somaliland Marwo Edna Adan Ismail oo aanu wada xidhiidhnay galabta (30/09-04)waxa ay ii xaqiijisay in aanay jirin haba yaraatee safar uu ku tegay dalka Keniya wasiirku.  

Waxa ah wax lala yaabo idaacada as muqdisho oo heli karaysa in ay la xidhiidho wasiirka weydiisana in uu tegay Nairobi iyo in kale waxa ay ugu soo gudbisay dhegeystayaasheeda warkan dhinaca ah.

Waxana aan idaacadaas muqdisho iyo xubnaha ka falaagoobay umadoodaba u sheegayaa in ay Somaliland ka gudubtay xili lagu gilgilo warar been ah.  

Hussein Mohamed Ali ( Hussein Wadadyare)
 Wakiilka Jamhuuriyada Somaliland ee Sweden
 
waxaa soo tebiyey: Osman Abdillahi Sool.....Freelance Journalist. Copenhagen.
 <sooldhuub@hotmail.com>

Faafin: SomaliTalk.com | October 2, 2004


Waraaqo uu Kujiro Hilib Doofaar oo Loo Diray Soomaalida NewZealand
Waraaqahaas oo xambaarsan nacayb iyo cabsi gelin..
Guji...
Booliska Scotland Yard ee Britain oo u kuura galay Gudniinka fircooniga ah: warbixintii Ridwaan..
C/RAXMAAN JAAMAC BARRE IYO TARTANKA  MADAXTI-NIMADA
Qaybtii 3aad ee  tartamayaasha madaxweynaha. Fahad...

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com
 
Allah Is Great
TAARIIKHDA ISLAAMKA
Silsiladda Taariikhda Islaamka
Hordhac | 1aad | 2aad

Qore:Shiikh C/risaaq Macalim
TACSI::::
Marxuum Bashiir Ducaale Saalax oo ku Geeriyoodey Pakistan::: Guji



HTML CD