SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Yaa ku haboon madaxweynaha soomaaliya Xildhibaan cabdulahi yusuf iyo cabdulahi axmed cawdow ? 

W/Q: Mohamed Ali Farah
m_alishiino@hotmail.com

Ilaah baa mahad leh naxariis iyo nabad gelyo korkiisa ha ahaato suubane Nebi maxamed (s.c.w)

Marka  la eego dhibaatada soomaalida ay u heshiin wayday muda dhan 14ka sano ayaa la orankaraa waxaa ugu wayn in lagu heshiin la’yahay hogaanka wadanka iyada oo markaas wadanka dhexdiis ay ka soo baxeen ka gadaal markii dowladii dhexe ee soomaaliya burburtey  hogaamiye kooxeedyo ( war leaders) . marka aad ugu fiirsato mid kasta oo ka mid ah maanta hogaamiyaasha kooxaha soomaaliya  ayaa qorshaha ugu wayn ay leeyihiin tahay in uu isaga madaxwaynaha soomaaliya noqdo , waxaa jiray is fahan waa u dhexeeyay hogaamiyaasha wadanka   in mudo ah , hadaba waxaa la is orankaraaa maanta sidii hore waa dhaantaa siyaasada wadanka , iyada oo ay tusaale inooku filantahay in maanta hogaamiye kasta oo ka mid ah hogaamiyayaasha isku haya siyaasada wadanka uu maanta diyaar u yihiin in si democratic ah lagu soo doorto ,   

Hadii aan u soo noqdo u jeedada qoraalka , waxaa jirta sida aynu la soco ilaa 70 musharax ku waas oo u tartamaya hogaanka wadanka , hadaba marka aad u fiirsato musharaxiinta ayaa qorsha yaashooda kala duwan yihiin .qaar doonaya in ay musharaxnimadaa magac ku helaan iyaga oo markaas udan leh in ay taariikhda u gasho in ay mar isu soo taageen madaxtinimada soomaaliya , qaar qorsha hoodu yahay in ay wasaaradaha wax ka helaan , qaar doonaya in ay cod badan helaan kolkaana ay soo saaraan raga ay isku siyaasada yihiin , iyo kuwa ay ka go’antahay in ay xilka qabtaan dadaal badana ugu jira hogaanka wadanka . 

Si kastaba ha ahaatee marka la eego 70ka  musharax , ayaa waxaa la orankaraa waa ugu cad cad yihiin labada musharax ee kor ku xusan waa Xildhibaan  C/laahi Yusuf Ahmed iyo Cabdulahi Axmed Cadow  hadaba akhriste su’aashu waxa ay tahay yaa ku haboon hogaanka wadanka xiligaan la jooga.?

marka la eego maanta mar xalada wadanka ku sugan yahay ayaa iyadu ah mid aad u adag , iyada oo markaas loo baahan yahay  in wax laga qabto nabadeenta wadanka Hubka dhigista maleeshiyooyinka  , iyo in ay dowlada hanato guud ahaan wadanka oo dhan , sida aynu la socono  waxaa ka jira wadanka hogaamiya kooxeedyo  hadaba waxaa loo baahan yahay in ninka loo dooranayo madaxwaynaha soomaaliya u noqdo nin xiriir wayn la leh hogaamiyaasha kooxeedyada , waxaa kale oo aan meesha ka maqnayn in uu hogaamiyaha wadanka noqdo nin daacad ah umaduna wada aamin santahay , mow qif iyo siyaasad cad  leh  , dib u dhisna ku samayn kara  wadan bur bursanaa 14 sano . waxaa kale oo aan meesha ka maqnayn in shaqo loo abuuro maleeshiyooyinka hubka laga dhigayo  

marka la eego Cabdulaahi axmed cadow  ayaa isagu ah  nin aan sidaas dadka badankii u aqoon siyaasadiisa , iyada la orankaro  dadka badankii waxa ay barteen xiligii dhismihii dowladii carte, isaga oo markaas ah nin wax ka qabankara dhib u dhiska wadanka shaqooyina u abuuri kara maleeshi yooyinka  dadka badankiina aamin sanyihiin , ,hadaba waxaa la orankaraa waxaa jira wax yaala badan oo loo baahan yahay in wax laga qabto oo uu san cadow u lahayn awood in uu wax ka qabto  .sida aynu la socono hada ka hor  waxaa madaxwayne loo doortey  cabduqasim salad xasan isaga oo ahaa nin dadka soomaaliyeed aad ugu kalsoon yihiin , taageero buuxdana ka helay dhamaan shacabka soomaalida 98% , iyada oo sidaas ay tahay  dowladisii waxa ay dhaafi wayday xaafad ka mid xaafadaha magaalada muqdisho , cabdulahi axmed cadow isagana waxaa la orankaraa waxa u marayaa wadadii c/qaasim , carqaladaha soo food saari kara waxaa ka mid ah  isaga oo ah nin aan wadanka meelna ka talin in muda ahna wadanka dibadiisa ku maqnaa , hadii la doortona mogdisho oo u dhashay gacan ku qaban Karin iyada oo markaas  hogaamiyaasha badankood ay ka soo horjeedaan ,  

dhinaca kale xildhibaan cabdulahi yusuf axmed ayaa isagu ah  nin muda aad u dheer ku jirey siyaasadda soomaaliya isaga oo markaas ka soo qayb qaatey burburkii dowladii dhexe ee soomaaliya , xildhibaan cabdulahi yusuf axmed  waxaa uu dadaal dheeraad ah usoo galay in mar uun uu noqdo madaxwaynaha wadanka soomaaliya ,

marka la eego xiligaan la joogo ayaa la orankaraa waa nin ku haboon xilka madaxwayne nimo ee soomaaliya marka loo bar bar dhigo cabdulahi axmed cadow  , tusaale ahaan wadanka waxa uu u baahan yahay in dowladu ay ka taliso wadanka oo dhan , xildhibaan cabdulaahi yusuf ayaa hada si toos ah gacanta ugu haya 5 gobol oo ka mid ah 18 Gobol ay ka kooban tahay soomaaliya , xildhibaan cadbulaahi yusuf axmed hadii uu noqdo  madaxwaynaha wadanka waxaa jira wax yaala badan oo ay isaga hor imaan doonaan ku xigeenadiisa iyo barlamaankaba , isaga oo ah markaas nin keligii taliya ah , go’aankiisa ma ahee aan go’aan kale qaadan , sidoo kale waxaa aan meesha ka maqnayn in uu dagaal la geli doono dadka ka hor yimaada xukunkiisa waa sida  caadadiisa tahay , waa nin lagu tilmaamo xukun jacayl  isaga oo markaas wax kasta oo uu madaxwayne ku noqonkaro mudnaanta siiya , marka la eego siyaasada Xildhibaan cabdulaahi yusuf ayaa  ah mid iska cad , isaga oo ah nin mowqifkuusu cad yahay , hadana waxaa  yaalaha wax yaalaha uu wax ka qaban karo waxaa ka mid ah  sida  gacan ku qabadka wadanka guud ahaan , isaga oo ah nin karti u leh iyo xir fad military ,

Hadaba akhriste waxa aynu sugnaa waa doorashada madaxwayaha soomaaliya ay yeelandoonto dowlada federalka soomaaliya , ninka ku soo baxa labada musharax

 WABILAAHI TOWFIIQ

W/Q: Mohamed Ali Farah
m_alishiino@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | October 2, 2004


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com
 
Allah Is Great
TAARIIKHDA ISLAAMKA
Silsiladda Taariikhda Islaamka
Hordhac | 1aad | 2aad

Qore:Shiikh C/risaaq Macalim



HTML CD