SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK -  LAASCAANOOD

Ma Hungowday Himiladii Hargaysa?. 

Asad Cadaani Ibraahim

assadlaska@yahoo.com

Laascaanood, Soomaaliya

Waxaa jirtay In ay markasta ku hamiyaan siyaasiyiinta Reer Hargaysa Gaar ahaan kuwooda gooni isu taaga u heelani in ay had iyo jeer u heelan yihiin in ay mar uun Xuduuda wixii hore loo odhan jiray Somaliland ay malayshiyadoodu gaadho, taas oo noqotay himilo ay adkaatay hir galinteedo. 


Madax dhaqameedyada Laascaanood


Laascaanood

Waxaanu hubaal ah  in xilligii uu hogaanka u qabtay Riyaale Kaahin maamulka la magac baxay Somaliland kaas oo isagu ahaa maqaar saar, ay arrimaha iyo siyaasadii ay hiigsan jireen siyaasiyiinta reer Hargeysa sidii ay u gaadhi lahaayeen xuduuda Riyada ku dhisan  ay geed sare ku laalan tay , iyada oo uu ku talaabsadey Riyaale Kaahin talaabadii ugu khatarsanayd ee Awarkii Somaliland adhaxda ka kala jibisay markii uu Booqashadii lala yaabay uu ku yimi magaalada Laascaanood isaga oo quudaraynaaya in uu hal dhaxa laba shinbirood kuwada dilo. 

Waa tan koowaade in uu u xaqiijiyo beelaha Reer Shiikh Isixaaq in uu gaadhay goobo ay ku hungoobeen siyaasiyiintii ka soo jeeday mudadii dheerayd ee ay hogaanka u ahyeen Maamulka Ismagacaabay, oo ay ku dhiiran waayeen in uu isagu tagay , isaga oo laba arrimoodba ka doonaya waa tan koowaade  in uu taageero kaga helo isla markaana shacbiyada ku samaysato xilligii wax doorasha lugu naanaysay ay ka dhacaysay maamulka la magac baxay Somaliland iyo in uu tuso Reer Khiikh Isixaaq in uu daacad u yahay hogaanka Somaliland , oo lee yahay waykaas reer Shiikh isixaaqoow anigu gaadhay halkii aad gaadhiweydeen idinka oo intaas xilka hayey taasina waxay daliil u tahay daacad nimadey Somaliland-nnimada. 

Waxa Kale oo uu Doonayey Riyaale in uu Ku beer laxawsado Beelaha Dhulbahante iyo Warsangali oo ay xilli xilliyada ka mid ah beesha Gedibiirsay Isbaahaysi  siyaasadeed ay lahaan jireen xilligaas oo ay Soomaalinnimada u ololayn jireen, in uu iyagan u sheego in wali isgarabaysigii siyaasadeed  jiro in kastoo duruufaha siyaasadeed is badeleen,  isaga oo iyaga is lahaa hadiiba ay doorashadu goobo ka mid ah dhulkooda ka hir gasho halaguugu rido wixii Doorasha loo suuro ekeeyey. 

Iyada oo ay himilooyinkaas uu hiigsanyey Riyaale Xilligii uu Laascaanood Tagey oo dhan ay kala tureen sadex Baroon oo ka mida mujaahidiinta Ciidamada Daraawiishta Puntland Taas oo ku kaliiftay in uu u adkaysan kari waayo sadexda baroon iyo wiilashii saarnaa hadhgalayna uu ka huleelay Koonfurta Magaalada Laascaanood , Taasina waxay meesha ka saartay dareenkii uu xanbaarsanaa Riyaale , waxaana ay cadaysay Mawqifkii iyo dareenka Reer Sool, Sanaag Iyo Cayn, in aanu marnaba liicayn mawqifkooda Soomaaliweyn ee ay taagan yihiin xilligii la doonaba hala arkee. 

Talaabada Labaad ee uu qaaday Riyaale ee uu maanta si uu ka yeelo garan la yahay waxay noqotay Ciidamo uu soo tubay Jiida hore ee gobolka Sool, kuwaas oo uu ku tilmaamay maamulkiisu in ay soo xidhayaan Xuduudii Ingiriisku ka tagey, iyada oo ay kuna yimaadeen sida ay sheeganayaan qaylo dhaan kaga timi raga siyaasada deegaanka hore looga muquuniyey oo hada door biday in ay Riyaale gaashaan ka soo dhigtaan si ay damacooda  siyaasadeed u fushadaan, waxaa hadaba isweydiin mudan kuwaasi Riyaale ma jarbay ka tuurayaan mise dan ayey u wadaan?. 

MAGAALADA LAAS CAANOOD

Eeg Sawirkas oo weyn

Xaalada maanta Riyaalena ay tahay Xagu Gabi-Xaguna Gabi Gudcur daaha Sooragay iyo Labadar mid lagu dooransii in uu sidii uu ka yeeli lahaa ciidamadaas garan la yahay Horena u wadi kari waayey dibna u celin kari waayey, iyada oo labada jeerba ay Riyaale ku tahay Guul daro weyn oo aanu ka soo waaqsan Karin , oo aanay u suurta galin karayn in uu kursiga ku sii fadhiyo xilliga yar ee ka hadhsan sidii dhidibada loogu taagi lahaa dawlada Soomaaliyeed.

 Waa tan koowaade haddii uu Riyaale Ciidamadiisa dib u celiyo ma  heli karo wuxuu ku qanciyo kuwa xagjira ee ka soo jeeda beelaha Reer Shiikh Isixaaq ee ku mamay wax lagu magcaabo Somaliland, iyada oo uu xilka halkaasi kuwaayi karo. 

Tan labaad ee iyaduna u furani Riyaale waxay tahay isaga oo Dagaal qaada, taasina ay ka daran tahay tan hore , iyada oo ay hadaba muuqato sida loogu diyaar garoobay Ciimada beelaha Waqooyi Galbeed , oo ay xaaladu maanta u muuqato hadii dagaal ka qarxo Halka ay maanta isku hor fadhiyaan lamada ciidan uu noqon karo mid lagu wiiqmo, isla markaan isu badelo dagaal  qabiil, waxaana taas daliil u ah Ciidamada ka soo jeeda dhinaca Maamulka Somaliland oo durtaba furfur ku bilaabmay markii ay iskaga soo baxeen askar ka tirsanayd Ciidanka Maamulka lamagac Baxay Somaliland  oo u dhashay Gobolka Sool, iyada oo qaab dhismeedka ciidamada Maamulkaasi uu yahay mid aad u jilicsan oo marka xabadu afka ka baxdo aan la karanayn halka ay umuuri ku danbayn doonto iyaga oo aan deegaan kodii joogin dhibaato badanina la soo darsayso.. 

Somaliland : The poor idea
Free Awdal Forum

Halka Ciidamada Puntland ay Taageero shacab iyo dhuleedba ka helayaan Jiida ay ku sugan yihiin, iyaga oo haatanba meeleeyey kuwii ka soo galay dhinaca Maamulka Beelaha W/Galbeed, xaaladuna ay ku danbayn doono Maamulkii la magacaxay Somaliland ee Beelaha Hargeysa Iyo Burco ee ku faani jiray Nabad oo dhul iyo dheefba waayey kana dara goobaha ugu daran dunida ee dagaalada sokeeye ka socdaan , Colaad iyo hurgumooyinkeedna dhax xaluusha. 

Haddaba miyaanay u muuqan  Hankii Iyo Himiladii Reer Hargeysa Oo Hungowday , iyo  Riyaaloo Koorihii Faraska uu fuushan yahay ugo’ayo. 

Asad Cadaani Ibraahim
assadlaska@yahoo.com
Laascaanood Soomaaliya

Afeef: Aragtida qoraalkani waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | October 2, 2004


Waraaqo uu Kujiro Hilib Doofaar oo Loo Diray Soomaalida NewZealand
Waraaqahaas oo xambaarsan nacayb iyo cabsi gelin..
Guji...
Booliska Scotland Yard ee Britain oo u kuura galay Gudniinka fircooniga ah: warbixintii Ridwaan..
C/RAXMAAN JAAMAC BARRE IYO TARTANKA  MADAXTI-NIMADA
Qaybtii 3aad ee  tartamayaasha madaxweynaha. Fahad...

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com
 
Allah Is Great
TAARIIKHDA ISLAAMKA
Silsiladda Taariikhda Islaamka
Hordhac | 1aad | 2aad

Qore:Shiikh C/risaaq Macalim
TACSI::::
Marxuum Bashiir Ducaale Saalax oo ku Geeriyoodey Pakistan::: Guji
CIIDAMADA SOMALILAND OO SOO GAADHAY MEEL HAL KILOMETER U JIRTA LAASCANOOD Guji...
Somaliland : The poor idea
Free Awdal Forum
Ma Dooneysaa Nabad iib ah?
Booqo Jawhar
BBC: LAMA RAACIN RAADKII RAAGE IYO MAXAMED C/LAHI [Sahal]

»BBCda Af-Soomaaliga Oo Dhex Dhexaadnimadii Ka Guday! [Faarax]

RIYAALE vs SAXAAFADDA



HTML CD