SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Xil ma dhibe mise Xil-dhibaan?

Maxamed Xirsi
HerMoham@aol.com

Waxaa jirta oraah Soomaaliyeed oo ahayd “ magac maalin buu baxaa” (micnuhu maaha magac maalin buu tagaa) ee waxaa weeye maalin ayaa magac la bixiyaa. 

Ilaa iyo intii ay belaayadu ku habsatay Soomaaliya (laga soo bilaabo xukunkii shuuciga ee askarta 1969-1990 muddadaasoo ay Soomaaliya la mid ahayd qisadii “ridii madaxa gashatay dheriga ama aashuunka ka dibna kala soo bixi waydey; iyo 1991 ilaa maanta oo ay inagu gaallisaynayaan kuwo aan ku tilmaami karo “shayaadiin” (evils).  Kuwaanna waxaan iyagana matalay qaybtii labaad ee qisadii rida oo uu odaygii beeshu uu ku taliyey in rida la gowraco dherigana la jebiyo si uu u xalliyo dhibtaas, ka dibna oohin qabsaday oo yiri: “waxaan la ooyayaa waa cidda u talin doonta reerkaan ka dib dhimashadayda” (haddii aad u baahatid in aad akhrisatid qisada rida oo dhan waxaad ka helaysaa Shabakadaha (Web Sites) Soomaalida).  

Nasiib darrida ku dhacday Soomaaliya dhammaadkii 1990kii waxay ahayd, markii ay xukunkii dalka isku qabsadeen shuftadii uu hoggaaminayey Janan Maxamed Faarax Caydiid oo aan “maskax lahayn” iyo taliskii ku sheeggii Askarta oo uu hoggaaminayey Janan Maxamed Siyaad Barre oo waqtigaas “ilko belay”, (Thoughtless Gen. M Faarax Caydiid against toothless Gen. M Siyaad Barre).  

Wixii ay na badeen labadaas janan iyo kuwii ka farcamay: C/llaahi Yuusuf, Cumar Jees, Barre Hiiraale, Cabdi-qaasim, Morgan, Caato, Qanyare, Suudi, Riyaale, Cali Mahdi, Caydiid yare, Maxamed dheere, Shaati-guduud iyo saaxiibbadood iyo hagardaamooyinkii ay u gaysteen ummadda Soomaaliyeed cidi ma soo koobi karto oo war dhafoor ayuu ku yaal.  

Tixdan hoose waxay ka mid ahayd gabay uu tiriyey nin Soomaaliyeed oo u qaxay Kenya 1991kii: 

  • Inkastuu diktaatoor sannado  .....nagu dekaynaayey

  • Inkastuu dulmiga iyo xaqdigu   .....yiilley degelkeenna

  • Inkastuu nin-door guulwaduhu  .....darajo dheeraaday

  • Dugsiga waxan ahayn    .....duul ku nool dawladnimadiiye

  • Markiise habar-dugaag iyo ibliis ......dacalladuu laabay

  • Oo qaranki dumay           ....waanigii sii dabayshadaye

  • Doofaar nin qalay     .....waanigii deris la ahaaday

  • Daji iyo ugaali        ......waanigii daafidii cunaye

Laga soo bilaabo 1991kii, murtida iyo af-Soomaaliga waxaa ku soo siyaaday eray bixinta cusub oo badan; sidoo kale waxaa ka sii baxaya oo daciifay amaba micno beelay erayo ama murti badan hase yeeshee qoraalkani kuma saabsana eray bixin. 

Haddii aan dib ugu noqdo mowduucii Xil-dhibaanka, anigu waxaan soo kordhin lahaa oraah kale oo ah “magac maalin buu dhintaa” waxaana maanta Nairobi ku geeriyoodey eraygii Soomaaliga ee Xil-dhibaan

Waa maxay micnaha erayga Xil dhibaan? 

Xil wuxuu u dhigmaa Mas’uuliyad, erayga Xil waxaa mararka qaarkood loo isticmaalaa xumaan ama wixii xun.  Waa marka la yiraahdo: “wixii nin xil moodo ayuu nin(qof) xarrago moodaa” taasoo micneheedu yahay: wixii qof la xun ayaa qof la fiican

Erayga “Xildhibaan” wuxuu ka kooban yahay labo qaybood oo kala ah: Xil iyo Dhibaan oo ah: xumaan iyo dhib ama dhibid.  Markaas, qofka loogu yeero Xildhibaan waa iyadoo la yiri qofkaasi waa qof xilku dhibo ama ay xumuhu dhibaan.  

Haddii aynnu si kale u niraahno, Xildhibaan waa Mas’uul.  Waxaynnu haddana is waydiin karnaa: 

Waa maxay micnaha erayga Mas’uul? 

Maadaama aynnu kor ku soo sheegnay in ay isku micne yihiin Xildhibaan iyo Mas’uul, dabcan waxaynnu mas’uulkana siinaynaa sifooyinkii aynu siinnay Xildhibaanka. 

Shuruudaha qofnimo ee laga rabo mas’uulka Soomaaliyeed,

gaar ahaan waqtigaan xasaasiga ah waxaa agartidayda yar ka mid ah:

 

  • 1.  in uu yahay qof Muslim ah si buuxdana ugu dhaqmaa caqiidada Islaamka waxna ka yaqaan Diinta Islaamka;

  • 2. in uu nadiif ka yahay khiyaamo qaran iyo/ama xiriir la leeyahay cadowga Soomaaliya

  • 3. in uu aqoon fiican u leeyahay Xeerarka iyo Caadooyinka suubban ee Soomaalida;

  • 4. in uu yahay qof loo doortay xilka ama mas’uuliyadda ee uusan u isticmaalin xoog, xeelad iyo xoolo si uu u hanto xilkaas ama jagadaas;

  • 5.  inuu yahay qof u hoggaansan oo ixtiraamaya dhammaan xeerarka mas’uulnimada isla markaasna ka degaya xilka haddii ay kalsoonida kala noqdaan dadkii doortay ama uu dhammaato muddadii xilkaasi;

  • 6.  in uusan ahayn qof kali talis ah oo ku xadgudbaya xilka ama mas’uuliyadda hase yeeshee uu yahay mid la tashanaya dadka doortay kana qaadanaya talooyinka habboon ee danta guud;

  • 7. in uu yahay qof karti iyo aqoon u leh isla markaana gudan kara hawsha loo doortay;

  • 8. in uu yahay qof leh ugu yaraan heerka aqooneed ee dugsiga sare;

  • 9. in cimrigiisu u dhexeeyo 35 ilaa 65 sano;

  • 10.  in uusan qabin cudur halis ah oon dawo lahayn waqtiga loo dooranayo mas’uuliyadda;

  • 11.  in aysan ku caddayn intii uu qaan-gaaray, dambiyada iyo falalka ay ka midka yihiin:

  • b)  dil iyo tacaddi kale ee bani’aadam oo uu ku lug yeeshay si toos ah ama si dadban;

  • t)   dhac ama boob/burcadnimo ama xatooyo hanti guud ama mid gaar oo uu ku lug yeeshay si toos ah ama si dadban;

  • j)  kufsi ama/iyo gogol-dhaaf (adultry) lagu caddayn karo;

  • x) deyn/amaah guud ama gaar oo uu inkiray.

  • y)  Laga helo calaamadaha aabbe ama hooyo fiican ee qoys

  • 10.  in uu yahay qof sumcad fiican ku leh Bulshada Soomaaliyeed dhexdeeda;

  • 11.  in uu yahay qof jecel Caddaaladda, Nabadda iyo dhowrista Xuquuqaha dadka kale;

  • 12.  in uu ku sifoobo wixii kale ee an ka soo horjeedin Shareecada Islaamka ee caqliga toosan iyo caddaaladdu ay raacsiinayaan qodobbada kore. 

Dadka Soomaaliyeed oo akhrista qoraalkaan ayaan waxaan waydiin lahaa su’aalaha ka dhalan kara qodobbada hoose oo ah murti Soomaaliyeed:

  1. HADDII AAN RUN LA SHEEGIN WAXAA LA SHEEGAA WAX KALE WAANA BEENTA: (burcaddii ulakaca u burburisey dhammaan qawaaniintii Qarankii Soomaaliya miyaynu hadda u dirsannaa in ay qawaaniin inoo dejiyaan ka dibna ixtiraamaan)?
  2. nin aan kuu furi doonin yuu kuu rari: (macquul ma tahay in ad hawshaada u dirsatid cid aydnaan isku danba ahayn)?
  3. DHURWAA(WARAABE) DHOOMO(HAAMO) KU RARO: (danahaaga ma u dhiiban kartaa cadow ka dibna uga hari kartaa)?
  4. TALADAAN LA RUUGIN WAA LAGU RAFAADAA: (haddii ay maanta faraheenna ka baxdo talada ku habboon Soomaaliya yaa shaki uga jiraa in aynnu dib uga shallaayi doonno muddo dheer)?
  5. NINKAAD KABO KA TOLANAYSID KABIHIISAA LA FIIRIYAA: (aqoon iyo qiimayn miyaa inoogu harsan dadka aynnu maanta ugu wanqalayno “xildhibaanno”
  6. QUR’AAN ALIFKA KA XUMAADAY ALBAQRA KAMA TOOSO: (ka dib 15 sano oo dawlad la’aan ah, haddii aynnu dibu aasaaseeda u xilsaarno isla kuwii dumiyey tii hore, miyaysan taasi ahayn in aynnu meel dheer ka dooni doonno ama kuba diimi doonno dawladnimo dambe ee Soomaaliya)?
  7. WARAABE (DHURWAA) HOOYADIIS NOLOSHA WAA KU NUUGAA DHIMASHADANA WAA KU CUNAA: (dadka maanta loo caleemo saaray in ay yihiin “xildhibaanno” miyaysan ahayn kuwii naxariis la’aanta u xasuuqay dadkeenna, naxariis la’aanta u burburiyey una kala qaybiyey dalkeennii, naxariis la’aantana u diirtay wixii yiil nool iyo moodba? Haddana ma waxyannu u fasaxaynaa in ay dhammaystiraan maatada ku hartay dalkii iyo wixii lahaansho ah oo ay waayadaan ka unuunufeen meelaha)?
  8. NIN MEELI U CADDAHAY MEELI KA MADOW: (yaa igu diiddan in sababtii ay u fashileen 14kii shir oo ka horreeyey midkan Nairobi ay ahayd “waxaa ii cad kursiga madaxweynaha” oo kaliya? Waqtigaanna sow arrintu ma joogto isla meesheedii oo 60 uma safna jagadaas ayagoo u sii diyaarsaday kuwii u xalaalayn lahaa (xalaaleey i cafi!)
  9. NIN KAS KUU DHAAWACAY KUMA DHAYO/NIN CIRID KUGU DILEY HOOS KUUMA JIIDO: (walaalayaal, ma waxaynu caddaalad iyo dibu dhis uga fadhinaa nimankii aan “waxba” inoo hambayn: dhiig, dhaqan, dhaqaale, sharaf, dal, caqiido)?
  10. intaas an soo sheegay oo dhan dad ku sifoobay miyaynu siin karnaa magaca ama mas’uuliyadda “xildhibaan”, miyaynaan Alle ka cabsoonayn dadkeennana u turayn? Miyaynnu sharaf oo dhan ka samirnay? Miyaynnuse dawladnimo dambe ka samirnay? Miyaysan inoo ekayn in aynnu is daba qabanno?

Waxaa jirey nin qaadan waayey arrin la soo gudboonaatey ayaa waxaa laga sheegay inuu yiri: “maanigaa waalan mise Cadan baa laga heesayaa?”  Dabcan sida ay sheekadu u egtahay, ninku wuxuu joogay Soomaaliya hase yeeshee xaajada uu la dheg-ka-faaray ayuu ku meteley in ay la mid tahay qof ka heesaya Cadan lagana maqlayo Soomaaliya, taasoo uu ninku ula jeedey in waxa ka yaabiyey aysan sina u ahayn suurtogal. 

Haddaba, aniga sidaas oo kale ayaan u yaabbanahay una qaadan la’ahay in ay maanta dagaal-oogayaashii Soomaaliya u xuub-siibteen “xildhibaanno”.

Sidaas darted, shir ku sheegga Nairobi wuxuu aragtidayda yar la mid yahay: “in ay Soomaalidu ku heshiisey in aysan waligeed heshiin waa haddii aynnu oggolaanno, u sacabinno, ama xitaa ka aammusno, waayo aammus waa oggolaansho.

Waxaan ku soo xirayaa, dadka dagaal-oogayaasha la fadhiya gole ceebaadka Nairobi, waxaan ku meteley sidaan:  “haddii aynnu fuusto ka buuxinno najaaso (sida kaadi), markaana aynnu ku darno hal galas oo biyo saafi ah, fuustadaasi waxa ku jiraa ma waxay noqonayaan nadiif?  Haddiise aynnu doonno in aynnu dib u kala soocno ama u kala saarno wixii aynnu isku darnay, ma inoosoo bixi karaa galaaskii biyaha nadiifka ahi?  Qofkii iigu soo jawaaba HAA waxay ila tahay inuu fasiri doono hawl falgal kiimiya ah”.  

Waxaan halka idiinku soo lifaaqayaa tix gabay ah ookaaga digaya dagaal-oogayaasha  

  • T – Shirka dib isugu diridda ee Nairobi
  •  
  • Qaybta 1aad
  • Darxumadan ku raagnaan                 Bulshooy kaaga digayaaye
  • Dawlad li’ida raagtaan                       Bulshow kaaga digayaaye
  • Shirka lagugu dagayaan                    Bulshooy kaaga digayaaye
  • Kuwa doodda joogaan                        Walaal kaaga digayaaye
  •  
  • Qaybta 2aad
  • Dillaallada shisheeyaan                      Walaal kaaga digayaaye
  • Kuwa darinta fidiyaan                        Bulshooy kaaga digayaaye
  • Munaafaqiin la soo diray                    Ayaan kaaga digayaaye
  • Dan nimaan inoo hayn                        Ayaan kaaga digayaaye
  • Dibno malaba                                     Carrab dalableh baan kaaga digayaaye
  • Waji diirran                                         Qalbi daxala baan kaaga digayaaye
  • Dulmiga huri                                       Xaqana duudsibaan kaaga digayaaye
  • Dastuur beena                                     Xeer dool ahbaan kaaga digayaaye
  •  
  • Qaybta 3aad
  • Kuway duubayaan baan                     Walaal kaaga digayaaye
  • Dawladnimada beentaan                   Walaal kaaga digayaaye
  • Dagaal labokacleeyaan                     Misana kaaga digayaaye
  • Dib waxay ka noqon baan                 Walaal kaaga digayaaye
  • Diktatoor ibliisaan                             Walaal kaaga digayaaye
  • Qaybta 4aad
  • Kuwii qaranki dumiyaan                    Bulshow kaaga diyayaaye
  • Sow kuwii dorraad gubay                   Dalka gabi ahaantiis?
  • Sow-tay ina duqeeyeen                       Shaniyo toban diraacood?
  • Sow-tay dirir colaadeed                      Dalka oo dhan galiyeen?
  • Hubka daran dabbaabado                  Sow-tay nala duljoogeen?
  • Madaafiic diryaan culus                     Sow-taan looba meel dayin?
  • Dambas miyaanay kaba dhigin          Dhammaan degelladeennii?
  • Dadiyo duunyo wixi yiil                      Dukun-daakun kama dhigin?
  • Aaway daafihii Xamar                        Aaway daarihiisii?
  • Miyaanay dalkii qaybin                       Dariiqyadiisi kala xirin?
  • Daymo qurux Hargaysana                  Dal kaleeto kama dhigin?
  • Dekeddii Kismaayana                         Lama degaanba kama dhigin?
  • Deexdii Markaad iyo                          Baraawana warkood daa
  • Bandarqaasimkii bari                         Degaan xabashi muu noqon
  • Beledweyne kaba daran                      Dajiday ku quutaan
  • Dooyow dareer faylleh                        Baydhabaan ku diinnaa
  • Booramo daleel noqoy                        Barbarana dabayl raacday
  • Bililiqo daldalashada                          Sow kama diqoodaan?
  • Dalka duunyo wixi yiil                        Miyaanay uguba dabo tirin?
  • Aqallada dushoodii                             Miyaanay diiran gabigood?
  • Maxajabo daboollayd                         Miyaanay dukhuulayn?
  • Miyaanay dagaag iyo                          Dibad wareeg innaga dhigin?
  • Miyaanay dambiil cayra                     Dusha garabka noo surin?
  •  
  • Qaybta 5aad
  • Dagaal ooge nacabihi                        Wallaahuna danteen hayn
  • Waayagaas na duudsiyey                  Dukun-daakun naga dhigay
  • Waayaga damiirlaawe                       Daadihin amxarada
  • Dalkoo idilba iibsaday                       Dirham lacaga kala baxay
  • Waxaa iga dardaarana                      Kuna daayay hadalkaba
  • Soomaalaay danteed moog                Dhego uma daloolaay
  • Maantay darini kuu taal                    Fursad dahaba haysaa
  • Waxa aad ku doodaysid                    Duniduba maqlaysaa
  • Haddaad diiday oran layd                  Dagaal oogayaashaas
  • Waa labo mid dooree             Amaad doortay oran layd

Wa Billaahi Towfiiq

Maxamed Xirsi
HerMoham@aol.com

Afeef: Aragtida qoraalkan  waxaa leh qoraaga kusaxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | October 3, 2004

»»»DARAJO: Maansadii 22aad ee Doodwanaag
»»»DALJIR: Maansadii 23aad ee Doodwanaag


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com
 
Allah Is Great
TAARIIKHDA ISLAAMKA
Silsiladda Taariikhda Islaamka
Hordhac | 1aad | 2aad

Qore:Shiikh C/risaaq Macalim



HTML CD