SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - BOSASO
 
Daabaco Boggan | Print

Madaxweyne kuxigeenkii DGPL Maxamed Cabdi Xaashi oo loo Dhaariyay Madaxweynaha DGPL. Iyo Dabaaldagyo lagu taageerayo Dawlada Federaalaka Soomaaliyeed oo ka dhacay Boosaaso.... 

Ardaydii ka soo Qayb gashay DabaaldagaWaxaa Maanta oo Taariikhdu tahay 12-10-2004 Jagadii Madaxweynaha DGPL loo dhaariyay Madaxweyne kuxigeenkii hore DGPL Maxamed Cabdi Xaashi, Waxaa munaasabadaa Dhaartaa lagu Qabtay Xarunta Golaha Baarlamaanka DGPL ee Garoowe, Munaasabadaa ayaa waxa ugu horeentii ka hadlay Gudoomiye kuxigeenka Labaad DGPL Xassan jaamac Afqurac oo tilmaamay Dhaarta in ay farayso Dastuurka DGPL.

 
 

Waxaan la sheegin meesha uu ku maqanyahay Gudoomiyihii Baarlamaanka DGPL Yuusuf Xaaji Saciid, waxaa jira warar sheegaya in ay jiraan kuwo kasoo horjeeda Dhaarta Madaxweynaha DGPL ee Xiligaan xubnahaas ayaa la sheegayaa in ay ka mid yihiin kuwo ku jira Xubnaha Golaha Wasiirada, Golaha Baarlamaanka iyo Golaha Guurtada lakiin kuwaa ayaa Dhagaha laga furaystay Hadalkooda oo ah in Maamulka DGPL Golaheeda Baarlamaanka iyo Golaha Xukuumada ay u hartay mudo labo Bilooda mudadaa haday dhamaatana ay doonayaan in laga dhabeeyo balantii ay xukuumada gashay, Madaxweynaha Cusub ee DGPL Maxmed Cabdi xaashi ayaa Qudbadiisa Maanta ee Dhaartii kadib uu ku sheegay hadii ay suuro gali waydo in la qabto Dooroshooyin xiligii loogu tala galay uu sii hayn doono Jagadaa Madaxweynaha DGPL.

Waxaa dhanka kale la filayaa in jagada Madaxweyne kuxigeenka DGPL in loo soo doorto Ruux kale oo ah Muwaadin Reer Puntland oo ku salaysan sidii hore loogu soodoortay jagada Madaxweynaha, Madaxweyne Kuxigeenka iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka DGPL oo ku salaysan Qabiil.

Hore ayay u ahayd in loo dhaariyo Jagada Madaxaweyne Maxamed Cabdi Xaashi lakiin waxaa la tilmaamayaa in ay jirtay in ay Puntland ku mashquulsaneed ka warkeenida Shirka Dib'uheshiisiinta Kenya ee hada lagu soo doortay Madaxweynaha Dowlada Kumeelgaarka Federaalka Soomaaliyeed Col: Cabdulaahi Yuusuf Axmed. 

Waxaa Dhanka kale Maalinnimadii Taariikhdu ahayd 11-10-2004 ka dhacy Magaalada Boosaaso Dabaaldagyo aad u balaaran oo lagu tageerayo Dawlada kumeelgaarka Federaalka Soomaalaiyeed ee lagu soo dhisay Dalka Kenya oo lagu soo Doortay Madaxweyne Habeenimadii Isniinta soogalaysay oo bilaabatay  subaxnimadii Axada Tariikhdu ahayd 10/10/2004, Shirkaas oo hore loogu soo xulay Golaha Baarlamaanka DKGF Soomaaliyeed laguna soo Doortay Gudoomiye Baarlamaanka iyo Labo ku xigeen Dabaaldagaa ayaa waxa uu ka dhacay guud ahaan Magaalooyinka Gobolada Puntland.

Magaalada Boosaaso oo ah Magaalada Ganacsiga ee Soomaaliyeed ayaa waxaa ka dhacay dabaaldeg aad u balaaran oo lasoo xiray goobihiii Ganacsiga, Iskooladii iyo Xarumihii Dawlada, Dabaldagaas ayaa ugu horeentii waxaa Sacod lagu soo dhex maray magaalada dhexdeda ayadoo markii ugu dambaysay isugu yimi Garoonka Cayaaraha Kubada Cagta ee magaalada Boosaaso, Dadweynaha Dabaaldagaa sameeynayay oo isugu Jiray Xubnaha Maamulka ee Gobol iyo heer Dagmo waxaa kaloo ka qayb qaatay Golaha Baarlamaanka DGPL, Ardayda Iskoolada, Hooyooyinka iyo Culimada Diinta iyagoo Ruxayay Calanka Soomaaliyeed iyo Sawirka Madaxweynaha loo doortey Dawlada Federaalka Soomaaliyeed Col. Cabdulaahi Yuusuf Axmed oo hore u ahaa Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland.

Dadweynahaa iyo Madaxdaa ayaa waxa ay ku dhawaaqayeen halkudhig ay ka mid ahaayeen Soomaaliyeey Midooba, Waabaa Baryay Bilicsan.

 

Waxaa ugu horeentii halkaa ka hadley Gudoomiyaha Gobolka Bari Yusuf Wacays Dhado oo tilmaamay sida ay Soomaali Aduunka ku tahay Taasoo keentay buu yiri Dawlad la,aanta. Waxaa isgana halkaa ka hadlay Gudoomiyaha Degmada Boosaaso Cabdi Yaasiin Xirsi oo sidoo kale tilmaamay Dhibaatada ay leedahay Dowlad la'anta waxaa iyagana halkaa ka hadlay Wasiir kuxigeeno ay ka mid yihiin Ibraahin Cartan Ismaacil (Xaaji Bakiin) iyo Maxamed Saciid Shabeele, Waxaa iyagana halkaa ka hadlay Talixigeeno Ciidamada Daraawiishta iyo Kan  Booliska DGPL, Waxaa kaloo ka hadlay halkaa Ururada Bulshada oo ay ka mid yihiin Ururka Ardayda Puntland PSA, Ururka u heelanayaasha Danaha Haweenka WAWA. Ururka Ardayda Bari BSO.  Waxaa Isla Ururku BSO uu magacaabay Gudoomiye ku xigeen iyo Xubno kale ee Maamulka Ururka.

 

Waxaa iyagana Calanka Soomaaliyeed lagu xiray Baabuurta iyo Goobaha Shaaha laga Cabo iyagoo Dadweynaha ay ka muuqatay Farax ayaa hadana waxaa la is weydiinayay sida loo Taageeray dawladaan iyo Soomaaliya oo ku kala tagtay Dagaal sokeeye sida ay noqonayso Tageerada Gudaha Dalka ee kala Gogo,an, Waxaa kaloo la hadal hayay sida uu ku helay Col: Cabdulaahi Yuusuf Jagadaan oo ahayd si Dimoqaraadiya hadana ay aad Dadka ugu badinaayeen in uu Goboladuu Madaxweynaha ka ahaa ay yihiin kuwo Xasiloon oo aysan ka Jirin Waxyaabaha ka jira Koonfurta Soomaaliya. Dadweynaha qaarkood ayaa yiri waxa jirta Murti oranaysa "Ninkaad kabahaaga u Dhiibanayso waxaa la Fiiriyaa Kabihiisa", waxayna kusii xoojiyeen "taas ayuu ku helay Jagada Col: Cabdulahi Yuusuf".

 

c/fatax jaamac
Somalitalkpl@yahoo.com
Boosaaso, SOOMAALIYA

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 12, 2004

C/Lahi Yusuf oo Muqdisho Ka Degi Doona Jaanayo 2005
Madaxweynaha DFKMG ayaa la sheegay in uu... Guji.. Oct 12

Dagaalo Lagu Jabiyay Ciidamada Cadawga Gumaysiga Itoobiya
iyo JWXO oo soo dhawaysay dawlada Soomaaliya..
Guji oct 12

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

Allah Is Great
TAARIIKHDA ISLAAMKA
Silsiladda Taariikhda Islaamka
Hordhac | 1aad | 2aad

Qore:Shiikh C/risaaq Macalim


C/Laahi Yuusuf oo Dhoolacadaynaya kaddib markii uu ku guulaystey madaxweynanimada Soomaaliya, 10/10/2004 [sawirka AFP].. Guji...




HTML CD