SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - NAIROBI
 

101_0172

Daabaco Boggan | Print

Xaflad Lagu Soo dhawaynayo Dowladda cusub ee Somalia oo Ka Dhacday Pakistan

Warbixintii Abdifatah Mohamud Hussein
 <rizoti_jr@hotmail.com>
Pakistan

SAWIRADA XAFLADA HALKAN KA EEG.....

Xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay oo lagu soo dhawaynayey Dowladda u dhalatay ummadda Soomaaliyeed ayaa waxaa lagu qabtay 15-10-04 Hotel ka casriga ah ee Miraj Hotel oo ku yaala magaalada Islamabad ee dalka Pakistan.

101_0116
10/17/2004
101_0126
10/17/2004
101_0147
10/17/2004
101_0149
10/17/2004
101_0155
10/17/2004
101_0163
10/17/2004
101_0164
10/17/2004
101_0168
10/17/2004
101_0172
10/17/2004
101_0182
10/17/2004
101_0200
10/17/2004
102_0208
10/17/2004
102_0222
10/17/2004
102_0232
10/17/2004
102_0233
10/17/2004
102_0278
10/17/2004
102_0287
10/17/2004
103_0302
10/17/2004
103_0305
10/17/2004
103_0306
10/17/2004
103_0315
10/17/2004
103_0385
10/17/2004

Waxaa kasoo qayb galay munaasibadaas shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Islamabad iyo marti sharif kale oo ajnabi ah, iyadoo wajiyadooda ay ka muuqanaysay shacuur wadaninimo iyo farxad aan lasoo koobi Karin.

Ugu horayn waxaa lagu furay aayadaha Qur’aanka Kariimka ah iyo wacdi diini ah oo ay halkaas kasoo jeediyeen Culimadii Soomaaliyeed ee magaalada. Waxaa markaa kadib laga dhawaajiyey heesta astaanta u ah Calanka Soomaaliya, iyadoo si qiiro ku dheehantahay loogu wada istaagay.

Intaa kadib waxaa lagu soo dhaweeyey cod baahiyaha Garyaqaan Maxamuud Cabdi Cali Bayr oo si aad ah uga hadlay muhiimada ay leedahay nabada iyo dowladnimada, isagoo ku booriyey shacabka Soomaaliyeed ee walaalaha ah inay dhammaantood gacmaha is qabsadaan kana shaqeeyaan sidii horumar waara loo gaari lahaa.

Waxaa kadib hadalkii la wareegay Prof. Yusuf Hersi Ahmed oo ka hadlay taariikhdii Gobanimo doonka Ummadda Soomaaliyeed iyo sidii lagu soo helay xornimadda aan maanta ku naaloonayno. Prof. ka oo munaasibadan ka hadlayey ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed Midnimo una rajeeyey dowladda cusub guul iyo horumar.

Guddoomiyaha Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Pakistan Adan Hassan Mataan ayaa  kasoo jeediyey xaflada areyo isugu jiray guubaabo iyo waano ku jeeda dadka iyo dowladda Soomaaliyeed. Wuxuu ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay si wada jir ah u taageeraan dowladda iskana cafiyaan wixii horay u dhaxmaray dhexdooda, ciribtiraana qabyaalada. Wuxuu dowladda cusub u rajeeyey mid kasoo baxda xilka lasaaray.

Eng. Faysal Rashiid Cumar oo lahadlayey aqoon  yahanka Soomaaliyeed ayaa ugu baaqay in ay lagama maarmaan tahay inay wadankooda dib ugu soo noqdaan si ay uga qayb qaataan dib u dhiska dalka kana shaqeeyaan horumarkiisa.

Ugu danbayn, dhammaan Ummadda Soomaaliyeed ee ku nool Pakistan waxay soo dhawaynayaan una hanbalyeynayaan Dowladda u dhalatay iyo madaxwaynaheeda ladoortay Mudane Cabdullaahi Yuusuf Axmed.

Waxaa isku soo dubariday soona agaasimay xafladaan:-

  1. Abdifatah Mohamoud Hussein "Rizoti"
  2. Abdinuur Ali Gooni
  3. Abdimajid Ali Salaad
  4. Eng. Nasir Said Nasir
  5. Abdihakim Mohamed Saleeban
  6. Abdirahman Diriye
  7. Ahmed Said Qaloonbi.

    la xiriir:

    Abdifatah Mohamud Hussein
     <rizoti_jr@hotmail.com>
    Pakistan

    SAWIRADA XAFLADA HALKAN KA EEG.....

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 17, 2004

Soomaalida Toronto ee Taageertay Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya


»DHAMBAAL KA YIMID  BEESHA RAXANWEYN:::
»DHAMBAAL KA YIMID URURKA NABADA EE PUNTLAND

Eedeyn loo jeediyey Safaaradda Soomaalida ee dalka Yaman
iyo
Ugaas Max'ed Weli oo yiri: kama hor-tagayno Madaxweynaha, mana taageereyno, balse waxaan ka.. Guji

AFRIKA OO AQOONSATAY NATIIJADII KASOO BAXDAY SHIRKII SOOMALAIDA
Iyo Madaxweynaha DFKMG oo ka qaybgalay kulankii u horeeyeye ee caalami ah... Guji... oct 15

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

Allah Is Great
TAARIIKHDA ISLAAMKA
Silsiladda Taariikhda Islaamka
Hordhac | 1aad | 2aad

Qore:Shiikh C/risaaq Macalim

Slideshow image

AFRIKA OO AQOONSATAY NATIIJADII KASOO BAXDAY SHIRKII SOOMALAIDA
Iyo Madaxweynaha DFKMG oo ka qaybgalay kulankii u horeeyeye ee caalami ah... Guji...
Guddoomiyaha ururka DDP: Taageero madaxweynaha:  Wixii talo ah ee aad u baahatidna diyaar ayaan kuula nahay. Waana kuu ducaynaynaa.. Guji...
MUSTAQBALKA SUGAYA MADAXWEYNE CABDILAAHI YUSUF AXMED Faalladii Yusuf Shabac.. Guji...

Soomaalida Toronto ee Taageertay Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya


Xaflad dabaal Deg iyo Hambalyo ah oo ay dhigeen Soomalida Melbourne
»Waxaana xafladaas ka soo qayb galay Jaaliyadda Som..
»Xaflad lagu soo dhoweynayo Dawlada oo lagu qabtay MPLS
»Soomaaliyeed Sweden oo soo dhaweeyay dawladda cusub.
 Dhammaan ka akhri halkan... Guji..


bosasoSidii Boosaaso Looga Soo Dhoweeyey Doorashadii Madaxweynaha DFKMG
Iyo madaxweyne Kuxigeenkii oo PL oo lagu wareejiyey Xilka MDGPL...
Guji...

Codka Muslimiinta US ayaa u Batay Dhanka Kerry
Qormadii Xasan Jaamici...
Guji...
USA: Maroodiga (R) oo la filayo inuu dameerka (D) si xun ugu durduriyo: Wardheere
Ma Hungowday Himiladii Hargaysa?
Faalladii Asad Cadaani Ibraahim... Guji..
Somaliland Dal Dhisan iyo Dad Jihaysan
Faalladii
(diridhaba)... Guji..

 



HTML CD