SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
FAALLADA - SOMALITALK
FAALLADA WARGEYSKA ::: EDITORIAL::::
Faallada SomaliTalk waa fallo bille ah oo aan ugu talo galay in aan kusoo qaadano hadba mowduuc. Maantana waxaan kusoo qaadanaynaa doorashada madaxweynaha Dawladda FKMG.
Daabaco Boggan | Print

Faallada Somalitalk ee Doorashada Madaxwaynaha Dawladda FKMG... 
  • SomaliTalk.com | Oct 17, 2004

Qaabkii Doorashada iyo Codbixinta 

Waxaa lasoo gaaray kaddib markii laba-sannadood dalka Kenya shir uga socday Hoggamiyaasha kooxaha isku hayey Soomaaliya, in lagu dhawaaqo ninkii noqon lahaa Madaxwaynaha Soomaaliya, muddo badan ayaa shirkaan dib loo dhigay ama uu u ekaa mid aan waxba ka soo baxayn, dad fara badana quus ay ka muujiyeen, haddaba wax walba waxay leeyihiin waqti aysan dhaafayn, Oktoobar tobankeedii Saacada Afrikada Bari mayrkay ku aadanayd 1:30pm ayaa waxaa bilow day in loo yeero Xildhibaanadii Baarlamaanka Soomaaliya si ay ugu codeeyaan ninka ay la rabaan inuu hoggaamiyo wadanka shanta sano ee soo socota. 

Waxay Nasiib u yeesheen dad farabadan oo jooga daafaha dunida in ay si toos ah barnaamijkii doorshada ugala socdaan khadadka Internetka, iyo in badan oo jooga Woqooyiga America khaasatan Minnesota inay u dareeraan Goobo tirsan sida: Riverside Restaurant oo ay ka heli karaan TV-ga STN oo loo sugayey Mudo sida Dowlada ka dhalan doonta Kenya, kaas oo si toos ah (live) u soo tabinayey doorashada Madaxwaynaha bilow ilaa dhamaad. 

Soomaalida Minneapolis oo daawanayey doorashadii madaxweynaha | Sawirka SomaliTalk.com

Waxaa cidna ogayn qofka soo baxaya oo loo dooran doono iyo qaabka ay u dhacayso doorashadu, waxaa markiiba dadbadan ku qanceen qaabka codbixinta oo ahaa qaab aad looga soo shaqeeyey, sanduuqada codka lagu ridayey oo aah mid dhalo ah oo loojeedo waxa gudihiisa ku jira, taasna waxaa kasii daraa markii codkii lagu tiriyey dadka hortooda iyadoo Musharaxiinta dad matalaya ay goob joog ay ka ahaayeen. Arintaas oo cod bixinta ka dhigtay mid qiimo weyn u leh shacabka Soomaaliyeed maadaama qofka ugu codka bataa uu ku helay codkaas si xor ah.
sanduuqa cod bixintaSanduuqa cod bixinta
Sanduuqyada codbixinta oo ahaa dhalo looga jeedo xaashiyaha cod bixinta ee lagu ridey | Sawirka AP

Wareegii koowaad ayaa waxaa soo baxday natiijadii Musharaxiinta tartameyey oo ay kasoo gudbeen lix Musharax, oo uu hogaaminayey C/laahi Yuusuf.

Waxaa is garab fadhiya C/laahi Yuusuf iyo C/laahi Cadow

Waxoogaa biririf kadib waxaa lasoo gaaray xiligii Wareega labaad, intuusan bilaabanba waxaa tanaasulaad muujieyey saddex musharax inaysan galeyn wareega labaad, waxaa isku soo haray saddex Musharax, wax xoogaa kadib waxaa soo gaba gaboobay cod tirintii halkaas oo ay isku soo hareen Laba cabdulaahi, oo iyagu markii hore la is agfa riisiyey sida in la ogyahay inay isku soo hari doonaan, iyagoo ay ka muuqatay daris wanaag iyo wada hadal mar mar, waxaa kaloo wajigooda ka muuqday labadoodaba dhiilo ah tolow malagaa guugalaysan mise waad guulaysan.


C/lahi Yusuf

C/lahi Caddow

Max'ed Qanyare

C/rxman Jama

C/Qasim Salad

Ing. Caddow
Waa lixda musharax ee u gudbey wareega labaad, kana soo gudbey wareega oo ay ku tartameen 26 musharax.

Waxaa isla markiiba bilaamay cod tirintii wareega sadexaad intaan wax qumanba la tirin waxaa dhacday cilad farsamo oo xaga dabka ah oo hakisay mudo dhan halsaac cod tirintii, taasoo shaki galin kartay dadka aan goob jooga ahayn in wax la isdaba mariyo.

Shariif Xasan Sheikh Aadan: Afhayeenka Baarlamaanka Soomaaliya.. Baarlamaanku waxa uu ka kooban yahay 275 xildhibaan

Waxaase si fiican loo arkayey sanduuqyada Waraaqaha codbixinta kujiraan, iyadoo uu xilkasnimo dheeraad ah uu muujiyey Gudoomiyaha Baarlamaanka guud ahaan shirka iyo  ku habsagii sanduuqii furaa ee markaas gacanta lagu hayey oo mudadii halka saac ahayd aan meela uga nuuxsan, taas oo la oran karo waa howl karnimo dheeraad ah oo uu muujiyey, mudana in looga mahad celiyo Shariif Xasan Sheikh Aadan. 

Waxaa dib u bilaabatay cod tirintii wageerigii saddexaad taasoo ninkii ku dhawaaqyey uu aad ugu celceliyey magaca C/laahi Yuusuf ilaa uu marmar ku khaldo Musharaxa kale ee latartamaya, xoogaa yar kadib waxaa lagu dhawaaqay inuu yahay Madaxwaynaha kusoo baxay doorashada C/laahi Yuusuf Axmed, islamarkiiba waxaa aqbalay in laga guulaystay C/laahi cadow, halka C/laahi Yuusufna uu khudabadiisii ugu horaysay halkaas ka jeediyey, khud-badaas oo koobnayd mahad naqna u badnayd ayaa lagu soo xiray shirkii doorasha Madax waynaha Soomaaliya. 

Doorashadii kadib 

Guushuu gaaray C/laahi Yuusuf iyo riyadiisii rumowday muddo dheer kadib ayaa dadku ka bixiyeen faallo dheer oo u arkeen siyaabo kala duwan: 

  • Waxaa aad loola yaabay soo bixida C/laahi Yuusuf oo dadka intiisa badan aysan filayn iyo waliba ku guulaysigiisa tiro aan inaba caadi ahayn 189 cod.
  • Doorashadii dadku waxay u arkayeen mid u dhacday si cadaalad ah maadaama wax qarsoon aysan jirin, xildhibaanadii la tartamyeyna qaylo kasoo yeerin.
  • Inta badan dadku waxay muujiyeen soo dhawayn iyo farxad dowladaa Soomaaliyeed oo dhalatay taageero iyo hambalyona way u direen.
  • Dad fara badan baa u riyaaqay iyagoon jeclayn C/laahi maadaama Baarlamaanka intii  badnayd ay doorteen.
  • Dadka qaar ayaa walaac ka muujiyey laakiin aamus ku jawaabay iyagoo khayr alle ha ka dhigo ku ducaynaya.
  • Madaxwayne C/laahi oo muujiey wax yaabo aan lagu aqoon, dabac sanaan iyo Ha la i cafiyo anna waan cafiyey dadka.
  • Dad fara badan baa walaac ka muujinaya sida Dowlada C/laahi Koonfur uga shaqayn doonto siiba Xamar, iyadoo laga qiyaas qaadanayo fashilkii ku dhacay C/qaasim oo kasoo jeeda Xamar.
  • Dadka intiisa badan  waxay qabaan in aan la hor ordin Dowladaan cusub oo loo kaadiyo laguna qiimeeyo waxay la timaado.
TAAGEERADA DAWLADU HESHAY:::

Maxaa Laga Filayaa Dowlada  Cusub  

Waxaa aad loo dhowrayaa qaabka uu u dhiso Madaxwaynaha cusub, C/laahi Yuusuf, dowladiisa iyo cida uu u magacaabo Raysul Wasaaraha iyo waliba qaabka uu dadwaynaha Soomaaliyeed uu ula hadlo oo sugaya khud booyinkiisa iyo hadalada kaga aadan dhinac yada bulshada ee kala duwan.  

Waxaa iyana Muhiim ah Dowladan Cusub taageerada ay ka hesho Caalamka haday noqon lahayd mid aqoonsi iyo mid dhaqaala deg deg ahba. 

Waxaa kaloo lagu qiimaynayaa Siduu ula dhaqmo Madaxwayne C/laahi dhinac yada ay isku hayeen xag siyaasadeed iyo xag shaqsiyadeedba, haddaan si kale u niraahno dad yowga ay isku hayeen si guud iyo si gaaraba. 

Soomaaliya waa dal la xaalufiyey oo xataa aan lahayn guryo ay hay'adaha dawladu ka hawl geli karaan, hantidii qaranka oo dhamina waxay ku burburtay dagaalkii sokeeye ee 14ka sano, sidaas daraadeed waxaa dawladda la gudboon in ay karti dheeraad ah ka muujiso sidii ay shacabka ugu wacyi gelin lahayd in ay ka qayb qaataan dib u dhiska dalka, aaminaadda shacabkuna waxay mar kasta ku xiran tahay sida laga arko dawladda.


Burburka ku dhacay Soomaaliya, dib u dhiskana waxaa laga sugayo shacabka iyo dawlada oowada jira

Khudbadii Dhaarta  

Waxaa loo qabtay Madaxwaynaha Cusub xaflad lagu maamuusayey dhaarintiisa oo aad looga shaqeeyey, ayna kasoo qayb galeen madax sar sare oo Africa u badan, halkaasna ay hambalyo uga soo jeediyeen madaxwaynaha iyo shacabka, kuna booriyeen inay la shaqeeyaan dowladaan cusub, Madax waynahana waxay xasuusiyeen in masuuliyad wayn dusha loo saaray.

Xafladii dhaarinta madaxweynaha Soomaaliya oo ay ka soo qayb galeen madaxda wadamada Soomaaliya deriska la ah, marka laga reebo Itoobiya oo uusan ra'iisul wasaaraha dalkaasi ka muuqan xaflada dhaarta iyo kulankii ka dambeeyey ee IGAD ee looga hadlaayey arimaha Soomaaliya... Madaxweynaha Soomaaliya, Abdullahi Yusuf Ahmed, dhanka midig, oo uu dhaarinayo afhayeenka baarlamaanka, Shariif Hassan Sheikh Aden, khamiis, Oct. 14, 2004, Nairobi | Sawirka AP

Hadaan usoo noqono Khudbadii C/laahi Yuusuf Axmed waxay ahayd khudbad wacyi galin ah, wuxuuna dadka ka codsaday hub dhigid iyo wada shaqayn, beesha caalamkana isagoo ku cecelinaya wuxuu waydiistay taageero Ciidamo shisheeye, iyo dhaqaalaba leh. 

Haddaan faalo kooban kabixino khudbadii Madaxwaynaha, inteeda badan waa wanaag sanayd, waxaana xusid khaas ah mudan qodobkii ku wajahnaa Waqooyi galbeed,  waxaase  dadka  indha indheeya siyaasada iyo Soomaalida dhagaysanaysay khudbadii inteeda badan markiiba kala soo baxeen saddex qodob oo mudan taxadar:


Shidane Arone oo 16-jir ahaa oo sannadkii 1993 ay ciidamada kanada ku dileen Soomaaliya, kaas oo dacwadiisii ilaa hadda ka socoto dalka Canada. Wiilkan Soomaaliga ah oo aad loo garaacay, waxaa dilkiisa lagu soo eedeeyey ilaa siddeed askari oo Canaadiyaan ah. Kyle Brown oo kamid ah askartaas ayaa lagu helay dembiga ah dil-aan-ukas ahayn, waxaana lagu xukumay shan sano oo keliya. Clayton Matchee oo asagana dembiga lagu soo eedeeyey ayaa markiiba is-daldaley, laakiin ma dhiman waxase la sheegay in maskaxda dhaawac ka gaarey, kaas oo ilaa hadda dacwadiisu socoto, waxaana la filayaa in baarlamaanka Canada soo saaro xeer waafaqsan xukunka maxkamada sare oo xukunkeeda kama dambaysta ah uu ku beegan yahay June, 2005.

1. Ciidamada shisheee oo wadanka la keenayo, Soomaalida aan ku cusbayn dhibkii ay ka tageena ilaa hadda ka dhawaaqaya dhaga Soomaalida, waxaa xusid mudan Wiilkii yaraa ee Kanadiyaanku ku faraxumeeyeen Baladwayne Iyo dhibaatooyin kale oo aan lasoo koobi Karin.

HALISTA CUDURKA AIDS-KA
aidsWaraysi: Gabar Soomaaliyeed oo Qabtey AIDS
& ka Akhri
Halkan

Dhammaadkii 2003 waxaa lagu qiyaasay in dunida inta qabtey cudurka AIDS ay gaarayeen ilaa 37.8 million oo qof. Qiyaastii saddex meelood oo laba meelood (2/3) oo dadkaas ka mid ah waxay ku nool yihiin qaarada afrika inta ka hooseysa saxaraha (25 million). EEG: www.unaids.org


Haddaan usoo noqono ciidamada Afrikaanka dhibkooda iyo dheeftooda waxaan shaki lahayn dhibaatadooda in badan tahay, walibana xaga caafimaadka wadanka oo dhan ay qal qal galin karaan sababi karana dhimasho iyo bukaan socod joogta ah, sida macluumaadka lahayo sheegayo ciidamada Madaxwaynuhu codsaday in ay aad u qabaan cudurka dilaaga ah ee AIDS-KA taasoo la oran karo waxay sababi kartaa cawaaqib xumo kadaran dowlad la’aanta, waxaana haboon in aad looga fiirsado taxadarna laga muujiyo, keenista ciidamo shisheeye.

2. Odayga oo sheegay inay jiraan dad qas ka shaqeeya qasna ka wada Soomaaliya, uusana qar sanayn, waayo baladii aad qarsato waa ku qarsataa, marka horena walaalow in lagu dayeyo kadibna la iska qabanayo ilaa dantaa ku jirtee, isla markaasna odayga wuxuu sheegay inuu ahaa nin dagaal hadana ka tanaasulay, uuna ahaa 25 sano kahor ninkii ugu horeeyey oo jabhad hubaysan madax u noqday, hadaba  taasi miyey san ahayn qaska odaygu sheegay, waxaase is waydiin leh yaa wayso u dhowrayd 14-kii sano oo lasoo dhaafay.

3. Mudane C/laahi wuxuu kaloo afka ku dhuftay inay jiraan ururo kaloo hubaysan uusana doonayn inuu magacaabo laakiin u baahan in dadka lagu soo daro oo la dhaqan toosiyo, taasoo dad badan u fahmeen Madaxwaynu inuu Wadaadada weer qaaca kaga dhigay, tasoo muujinaysa xinifta ka dhaxaysa isaga iyo wadaada, oo dad badan filayeen inuu dib u dhigan doono, maadaama uu hadda cusubyahay una baahan yahay taageerada shacabka Soomaaliyeed.

Isku soo xooriyoo maanta dowladda cusub waxay haysataa buug cusub waxayna ku xirantahay hana qaadkeedu hadba sida ay wax ugu qorto buugaas cusub iyo tix galinta rabitaanka dadkeeda. 

Gabar Soomaaliyeed oo indhashareer xuiran oo calanka Soomaaliyeed luleysey, xafladdii calemo saarka madaxweynaha Dawlada Federaalka Soomaaliya... Madaxweyne C/laahi Yuusuf Axmed, xafladii caleemo saarka madaxweynaha Soomaaliya ee shanta Sano ee soo socota | Sawirka AP

Maxaa Lagudboon Dowlada Cusub 

  • Ø Inay muujiso Cadaalad iyo xaq soorid.        
  • Ø Inay san Ku kicin wax yaabo Diinta lidi ku ah oo Kicin kara Shacaka Soomaaliyeed ee Muslimka ah.
  • Ø Inay Raysul wasaare u doorato nin kasoo jeeda  Koonfurta Soomaliya kasbana kara Shacabka Reer Muqdisho.
  • Ø Inay muujiso wada tashi fara badan cid kastoo muhiim ah ama ka hor imaan karta dowda.
  • Ø Inay xaq dhowrto rabitaanka shacabka Soomaaliyeed
  • Ø Inaysan Caburin Saxaafada Xorta ah
  • Ø Inaysan qiimayn yuuyahay ee ay qiimayso muxuu yahay
  • Ø Inaysan iska indha tiring shacabka Soomaaliyeed ee Muslimka ah oo fursad u helay 14-kii sano oo burburka inay bartaan diintooda kuna dhaqmaan inay san sina u aqbalayn  ka yeelayn cidna waxii kasoo horjeeda Diintooda.
  • Ø In ay dawladdu wax ka qabato arimaha bulshada sida: caafimaadka, waxbarshada, biyaha, korontada, wadooyinka, iwm.
  • Ø Inay muujiso Cadaalad iyo dulqaad iyo tanaasul dhinac walba ah.

Ugu danbaytii waxaan u rajaynaynaa dowlada cusub khayr, dad waynaha Soomaaliyeedna inay tijaabiyaan dowladaan ee aysan ka hor imaan iyadoon wali dhaqaaqin, kuna qiimeeyaan hadba waxay la timaado. 

Faallada Soomalitalk ee Doorashada Madaxwaynaha.

Waxii Talo iyo tusaale la xiriirta qoraalkan waxaa lagu soo hagaajin karaa:
SomaliTalk.com
Email: somalitalk@hotmail.com

###

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 17, 2004

ISHA Qaar kamida sawirada: Google Search

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

Allah Is Great
TAARIIKHDA ISLAAMKA
Silsiladda Taariikhda
Qore:Shiikh C/risaaq

Xaflad lagu soo Dhawaynayey Dawlada Cusub ee Soomaaliya
iyo dareenka jaaliyada Soomaaliyeed ee Denmark Guji...
DIBLUMAASI SOOMAALIYEED: AYNU TAAGEERO LA GARAB IS TAAGNO DOWLADDA CUSUB
Maxammedyerow Abuukar qunsul ka noqday dalka UAE ayaa.. Guji
Free Awdal Forum oo Dhambaal u Diray Madaxweynaha
"Hadaan nahay reer Awdal waan ogsoonahay in koox yari afduubtay waqooyi iyagoo ku majaro habaabiyay"... Guji...
Somali Concern Group (SCG) waxey soo dhoweyneysaa dhameystirka shirka Somalida oo muddo  labo sano ah ka socday waddanka Kenya iyo doorashadii bisha 10 keedii lagu doortay madaxweynaha.. Guji...
AFRIKA OO AQOONSATAY NATIIJADII KASOO BAXDAY SHIRKII SOOMALAIDA
Iyo Madaxweynaha DFKMG oo ka qaybgalay kulankii u horeeyeye ee caalami ah... Guji...
Guddoomiyaha ururka DDP: Taageero madaxweynaha:  Wixii talo ah ee aad u baahatidna diyaar ayaan kuula nahay. Waana kuu ducaynaynaa.. Guji...
MUSTAQBALKA SUGAYA MADAXWEYNE CABDILAAHI YUSUF AXMED Faalladii Yusuf Shabac.. Guji...
101_0172Xaflad Lagu Soo dhawaynayo Dowladda cusub ee Somalia oo Ka Dhacday Pakistan
Waxaa kasoo qayb galay shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Islamabad iyo Guji

Soomaalida Toronto ee Taageertay Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya
Xaflad dabaal Deg iyo Hambalyo ah oo ay dhigeen Soomalida Melbourne
»Waxaana xafladaas ka soo qayb galay Jaaliyadda Som..
»Xaflad lagu soo dhoweynayo Dawlada oo lagu qabtay MPLS
»Soomaaliyeed Sweden oo soo dhaweeyay dawladda cusub.
 Dhammaan ka akhri halkan... Guji..

bosasoSidii Boosaaso Looga Soo Dhoweeyey Doorashadii Madaxweynaha DFKMG
Iyo madaxweyne Kuxigeenkii oo PL oo lagu wareejiyey Xilka MDGPL...
Guji...

kaah



HTML CD