SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK -  NAIROBI

 XALAY SAQDII DHAXE AYAA LA DOORTAY GUDOOMIYIHII BAARLAMAANKA FEDERAALKA EE SOOMAALIYA SHARIIF XASAN SHIIQ ADAN 161 COD AYUU KU GUULEESTAY

Axmed Muuse Cabdulle(Idaawaqaca) Kenya. Nairobi
axmeddheere65@hotmail.com
 


Shariff Hassan Sheikh Adan, Beesha  Digil-Mirifle | Waa ganacsade ganacsi ku leh Dubai.
Sawirka: China News

Xaflada waxaa ka soo qayb galay wasiirada arimaha dibada ee Urur goboleedka IGAD IPF beesha caalamka iyo dhamaan wadamada daneeya arimaha soomaaliya Jaamacada Carabta Mdoowga Afrika Midoowga Yurub wadama Mareeykanka iyo Danjirayaasha Wadama safaaradaha kuleh wadanka Kenya

Ayadaha quraanka ka dib waxaa hadalkii qaatay Gudoomiyihii Baarlamaanka Gumeelgaarka ah ee soomaaliya Xirsi Bulxan Faarax oo isagu bilaabay in uu Mid mid ugu yeero Musharaxiintii Soomaaliyeed oo iyagu gaarayay11 Xubnood Magacyada Musharaxiinta  

Doorashada tartanka guddoomiyaha baarlamaanka oo Shalay galab si rasmi ah uga bilowday madasha shirka dib u heshiisiinta Soomaalida ee Nairobi ayaa waxaa caawa ku guuleystay Shariif Xasan Sh. Aadan.

Doorashada guddoomiyaha baarlamaanka oo socotay muddo dheer ayaa xubnaha baarlamaanka bilaabeen inay u diyaargaroobaan qaabka cod bixinta galabta 5:00.

Labada musharax ee ugu cad cadaa tartanka guddoomiyha baarlamaanka oo kala ahaa Sheekh Aadan Madoobe iyo Shariif Xasan Sh. Aadan ayaa Shariif Xasan uu ku guuleystay 161 cod halka Sh. Aadan Madoobe uu helay 104 cod

Musharaxiinta guddoomiyaha baarlamaanka oo gaarayay 11 ayaa kala ahaa Zakariya Maxamuud Xaaji Cabdi, Hilowle Imaam Cumar, Cabdi Cabudle Jiniboqor, Xuseen Cismaan Xuseen, Shariif Saalax, Maxamed Cabdi Yuusuf, Xirsi Aadan Rooble Axmed Ibraahim Maxamuud, Shariif Xasan Sh. Aadan, Sh Aadan Madoobe, Cabdala Deerow Isaaq.

Mar aan wax ka waydiiyay qaabka ay u dhacday doorasha Cabdalle Deeroow Isaaq, Sakariye Maxamuud Xaaji Cabdi Huseen Cusmaan Huseen oo dhamaantood looga adkaaday Doorashada waxa ay ii sheegeen in ay si hagar la aan ah ula shaqeeynayaa Gudoomiyaha Baarlamaanka Doowlada Fedaraalka Soomaaliya

Dhinaca Kalle Sh Adan Modoobe ayaa sheegan in Doorashadu ku dhacday qaab lacageed uuna sheegay in ay tahay xaqdaro Balse waxaa sawaxan iyo foori canbaareen ah u jediyay Xilibaanada Soomaaliyeed oo iyagu si aan haga la heen u doortay Shariif Xasan Shiiq Adan Gudooomiyaha Cusub waxa u ku Guuleestay 161 Cod halka Ninkii isaga Kuxigay uu helay 104 Cod waa Sh Adan Madoobee

LIIBIYA OO BILOWDAY MUSAAFURINTA SOOMAALIDA:::
Wararka ka imanaya dalka Liibiya ayaa sheegaya in dalkaasi bilaabay in uu musaafuriyo Soomaalida kaddib markii lagu soo waramay in ay Soomaali badani u tacaburaan Liibiya si ay uga sii aadaan Yurub - Safarka Liibiya iyo Yurub waxaa ku le'day Soomaali farabadan intii ay Soomaaliya dawlad la'aanta ahayd.

Markii xilka lagu wareejiyay Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliyeed waxa uu sheegay una mahad celiyay dhamaan intii dooratay iyo intii aan dooran waxaa kaloo uu mahad aad u balaaran u celiyay Ururgoboledka IGAD iyo Beesha caalamka isagoo sheegay in maalinka Maanta ah 10.00 saacada Magaalada Nairobi La dhamees tiri doono Hoowlaha dhiman

Axmed Muuse Cabdulle(Idaawaqaca) Kenya. Nairobi
axmeddheere65@hotmail.com


Shaqada Ugu Horeysa ee Baarlamaanka KMG

Baarlamaanka Kumeel gaarka ee Soomaaliya oo hadda ku shirsan caasimada dalka Soomaalida deriska la ah ee Kenya, hawlaha hadda ugu horeeya ee laga filayo waa:

  • Doorashada Madaxweynaha dalka, taas oo la filayo in doorashada la qabto Sept 22 - Waxaa la sheegay in jagadaas ay u sharaxan yihiin 60 musharax.
  • Madaxweynaha marka la doorto hawshiisa ugu horesa waa in uu doorto Ra'iisul wasaare soo dhisa dawladda Kumeel gaarka ah.
  • Dawladaas iyo baarlamaanka oo wada socda oo la geeyo dalka Somaaliya si ay Soomaalida u horseedaan dawlad rasmi ah iyo ammaanka oo la sugo.

WARGEYSYADA ADDUUNKU WAXAY KA QOREEN SOOMAALIDA::: GUJI

Faafin: SomaliTalk.com | Sept 16, 2004


WARARKII XALAY::::

Shariif Xasan Sheikh Aadan oo Noqday Guddoomiyaha Baarlamaanka KMG

Sept 15, 2004

Wararka ugu dambeeyey ee ka sdoo baxaay Nairobi ayaa sheegay in guddoomiyaha baarlamaanka KMG ee Soomaaliya loo doortay Shariif Xasan Sh. Aadan. Waxaana wararku sheegeen in uu helay in ka badan 160 cod oo uu kaga guulaystey tartamihii ugu soo dhowaa oo ah Shiikh Aden Madoobe oo helay in xoogaa ka baday 100 cod.. Guddoomiyaha cusub ee loo doortay Baarlamaanak KMG ah waxa uu bedelayaa guddoomiyihii kumeel gaarka ahaa ee baarlamaanka kumeel gaarka ah mudane Xirsi Bulhan Farax.

Guddoomiyaha cusub ee baarlamaanka KMG ayaa metelaya madaxa ugu sareeya Soomaaliya inta laga dooranayo madaxweyne.

Al-Jazeera oo ka warbixineysey doorashadii baarlamaanka ee lagu doortay guddoomiyaha cusub ayaa sheegtay in qaar kamid ah xildhibaanada ay ku tilmaameen doorashadaasi in ay ahayd mid ku dhacday si musuqmaasuq ah. "Xaqiiqadii halkan waxaa yaal musuqmaasuq, mana aqbali doono guuldarada doorashadan" sidaas waxaa yiri Muhammad Nur oo ay soo xigatey Al-Jazeera qaybta wararka Carabta.

Dhanka kale sida laga soo xigtey hay'adda Reuters, xilligii ay doorashada guddoomiyaha baarlamaanku ka socotey Nairobi (Sept 15) waxaa dagaal ka dhacay Gobolada Jubbooyinka Soomaaliya. [wararkii ugu dambeeyey Tixraac halkan..]

Shaqada ugu horeysa ee Baarlamaanka KMG ee Soomaalida ee ku shiraya kenya waa in ay doortaan madaxweyne KMG ah oo ay yeelato Soomaaliya, taas oo la filayo doorashaad madaxweynaha in la qaban doono Sept 22keeda, kaddibna in baarlamaanka loo rari doono gudaha Soomaaliya si loo soo afjaro laba sano oo Soomaalidu ku shirayeen kenya iyo 13 sano oo dawlad la'aan ah - dabcan madaxweynaha la doortona uu raaco baarlamaanka.

Faafin: SomaliTalk.com | Sept 15, 2004


Wararkii hore::

SEPT 15::: Mudane baarlamaanka KMG ka mid ah oo xalay ku geeriyooday  Nairobi & Doorashadii Gudoomiyaha oo dib loo dhigay.

Canab  canabmumtaz@yahoo.com
SomaliTalk.com | Nairobi

 
Mudanahan oo lagu magacaabo faarax xasan maxamad (Allaha u naxaristo) waxa uu ka mid ahaa ergadii ku sugnayd shirka ilaa bilowgiisi,waxa uuna hadda ka mid ahaa xildhibaanada baarlamaanka Kmg ah.
 
Geerida marxuumka ayaa ka dambaysay kadib markii uu ka dhacay bus-kii waday xildhibanada maalmihii dhaarta, kadibna uu lug ka jabay,dhaawacaas ayaa keenay in dhowr casho kadib lagu sameeyey Qaliin,sidaasna uu xalay ku geeriyooday.
 
Gudoomiyaha baarlamaanka ee KMG ah ayaa sheegay in aysan suurta gal ahayn in ay dhacdo galabta Dhaarinta gudoomiyaha baarlamaanka tasida marxuumka awgiis, loona dib dhigay ilaa caawa hadii ay suurta gal noqoto in ay dhacdo.
 
Xirsi Bulhan farax gudoomiyah baarlamaanka ee KMG oo ku hadlaya magaciis iyo kan mudanayaasha ayaa tacsi gaar ah u diray marxuumka eheladiisa, caruurtiisa iyo saaxiibadisaba in uu ka siiyo samir iyo iimaan, janadii fardowsana uu Alle ka waraabiyo marxuum Faarax Xasan Maxamad.
 
Waxaa tacsi taas la mid ah u diray dhamaan baarlamaanka wakiilada IGAD ee shirka Siyaasiyiinta iyo ergada dhamaantood iyagoo u rajeeyay Naxariista Alle Iyo janadiisaba in uu helo.
 
"INNAA LILLAAH WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN"
 
Dhinaca kale waxaa magaalada magaalada Nairobi soo gaaray Wasiirada arrimaha dibada ee IGAD oo kulankooda maanta labada duhurnimo uu ka dhici doono xarunta shirka ee Mbagathi oo ah halka ay ka dhacayso doorashada gudoomiyaha baarlamaanka caawa.

Canab  canabmumtaz@yahoo.com
SomaliTalk.com | Nairobi

Faafin: SomaliTalk.com | Sept 15, 2004

"IGAD oo La Wareegtey Awoodii Beelaha Soomaaliyeed"
»Warsaxafadeed kasoo baxay guddiga xalinta khilaafaadka
»Isbahaysi Cusub oo laga sameeyey Nairobi, Kenya...
»Kulankii wasiirada arrimaha dibada ee IGAD oo ...
Dhammaan ka akhri halkan...

Liiska Shacabka ay Xabashidu Ku Laysay Dhulka ay Xoogga Ku Haysato  
Wararkii Radiyo Xoriiyo ee maanta...  Guji  

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com
 
Allah Is Great
 
QAYBTA SEEXISKA EE ISBITAALKA MBAGATHI
Faaladii toddobaadka ee Fahad Yaasiin Xaaji Daahir Guji..

TAHNIYAD AROOS.

Maamulayaasha iyo howlwadeennada wargeyska Haldoor ee afka Soomaaliga ku soo baxa kana soo baxa magaalada Khartoum ee xarunta dalka Suudaan  oo kala ah dadkan hoos ku xusan, ayaa waxey hambalyo iyo bogaadin hawada u marinayaan arooska iyo aroosadda Munniir Sheekh Cabdullaahi Xaaji Cabdi iyo Khadro Sheekh Ibraahim Sheekh Cabdiqaadir oo 13/9/2004, ku aqalgalay xaafadda Hillaac ee magaalada Baladweyn ee xarunta gobolka Hiiraan Soomaaliya.

Waxey bahda wargeyska lammaanaha Alle uga baryayaan noolal aayatiin wacan nabad iyo wanaag badan guri lagu nastiyo kheyr oo lagu nagaadaa. Iyo iney noqdaan kuwii kala hela ubad dalkooda, dadkooda, danahooda, dariskooda iyo diintooda anfaca ee loo aayaa laguna aayaa.
Aamiin-Aamiin.
 
1- Abwaan Maxamed Cabdiqaadir [Stanza] Guddoomiye.
2- Mudane Mahad Xaashi  tafatire.
3- marwo  Khadro Cali Yuusuf    lataliyeguud.
4- Marwo  Sacdiyo Cismaan Cali  xogheyn.
5- Mudane Cabdullaahi Axmed Dayib   xubinguddi.
6- Mudane Cabdirashiid Caalin   xubinguddi.

Hambalyada ku hagaaji:: ayaandhalad5@hotmail.com




HTML CD