SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK -  XORRIYO

Barnamujka caawa Radio Xoriyo ka baxaya waxuu ka kooban yahay.

  • Dad rayad ah oo cadowga Itoobiya ku laayay meelo kala duwan.

  • Ururka xuquuqul insaanka Ogaadeenya (OHRC) iyo ururka dhalinyarada Ogaadeenya (OYA) oo lagu Sooray in ay Baahiyaan Masiibada haysata Ogaadeenya.

  • Xukuumada Itoobiya oo sheegtay in ay badalayso Baasaboorkeeda.

  • Dagaalo dhexmaray Labada shacab ee Soomaalida iyo Oromada.

  • Baraamuj gaar ah oo aanu ku soo qaadan doono maqaal uu mudane C/hi Mukhtaar ugu magac daray Ummad lama gumaysan karo hadayna iyadu raali ka ahayn iyo suugaan halgameed. 

  • HALKAN KA DHEGETYSO » R A D I O   X O R I Y O

Dad rayad ah oo cadowga Itoobiya ku laayay meelo kala duwan. 

  • Liiska Shacabka ay Xabashidu Ku Laysay Dhulka ay Xoogga Ku Haysato

Sidii caadada u ahayd wuxuu ciidanka calooshiisa ugu shaqeeya  taliska Itoobiya ku laayey dad shacab ah oon aan waxba galabsan meelo kala geddisan oo dalka Ogadenya ka mid ah. 

Waxaa ka mid ah inta hadda na soo gaadhay:  

29/08/04 Lahelow waxay ciidamada gumaysiga itoobiya  ku dileen 7 qof oo shacab ah, waxaana marxuumiintaas ka mid ah:

  • 1- C/karim Muse

  • 2- Cabdi Geele

  • 3- Cadaawe Maxamed iyo

  • 4- Colow Qureesh

31/08/04 Ceel Berde waxay ku dileen ciidamada gumaysiga Itoobiya ee loo tababaray ku xadkudubka xuquuqda aadamaha labo nin oo lagu kala magacaabi jiray. 

  • 1- Cabdi Weli Xareed Yarow iyo

  • 2- Shukri Cumar

Isla bishii sideedaad 25 keedii  waxay ciidamada dulmiga waheshada ee gumaysiga Itoobiya ku dileen magaalada Godey nin lagu magacaabi jiray.

  • 1- Mukhtar Adan Deer  Waxayna sidoo kale dhaawacyo halis ah u gaysteen dad badan oo ay ka mid ahaayeen:

  • 1- Baahiya Ciilmooge

  • 2- Saynaba C/lahi Xassan

  • 3- Yuusuf Cali Nuur iyo

  • 4- Cabdi Jaamac

Ciidamada cadawga Itoobiya waxay sidoo kale 28/08/04 Qudhac Dhabab oo Farmadow u dhow ku dileen marxuumka lagu magacaabi jiray:

  • 1- Cabdi Beddel

Ciidamada naf lacaariga ah ee gumaysiga Itoobiya waxay sidoo kale xabsiyada u taxaabeen dad badan oo ay ku xidh xidheen dagmooyin iyo Tuulooyin ka tirsan gobolada Ogadeenya.  

Xadhigan dadka shacabka ah loo gaystay oo aan loo kala miidaan dayin ayaa waxaa ka mid ah meelaha ay ciidamada cadawgu dadka ku xidh xidheen Magaalada Gurdumi oo ay  26/08/04 ku xidh xidheen. 

  •  1- Maxamed Cali Beddel

  • 2- Ducaale Maxamed Gaani

  • 3- Gaagaab Aw Adan

  • 4- Shukri C/lahi Beddel

  • 5- Abiib C/lahi Adan

  • 6- Maxamed Ismacil Cabdi

  • 7- Adan Dheeg Cumar

  • 8- Ibrahim Maqiiq.

Sidoo kale waxay ciidamada gumaysiga Itoobiya Magaalada Caado ku xidhxidheen dad ay ka mid yihiin: 

  • 1- Xassan Buraale

  • 2- Bashir Sh. Axmed Deeq

  • 3- Tube Xassan

  • 4- Dhicis Xasan Daahir

  • 5- C/lahi Axmed Gurey

  • 6- Muxumed Sh. Biixi

  • 7- Xassan Muxumed.

Sidoo kale magaalada Wardheer waxay ciidamada cadawgu ku xidh xidheen:

  • 1- Bashiir Maxamed

  • 2- Muxumed Mataan

Wararka iyaguna naga soo gaadhaya Magaalada Qabridaharre ayaa sheegaya in ay ciidamada cadawga Itoobiya xabsiyada u taxaabeen dad aad u badan oo ay tiradoodu kor u dhaaftay 50 Qof. Dadkan ayay ciidamada Itoobiya xabsiyada u taxaabeen kadib markay iskaga hor yimaadeen qaar ka mid ah maamulka maqaar saarka ah ee gobolka, in ay u badheedhaan Lacagta Itoobiya oo sarifkeedu hoos u dhacay, ganacsatada oo iyaguna isticmaalaa lacagta shilin  Soomaaliga ah ayaa diiday in ay u badheedhaan Lacagta Itoobiya oo sarifkeedu hoos u dhacay inay wax qiimaheeda ka badan ku sarifaan. 

Dhinaca kalana: Sida ay qortay shabakada internetka ee Qoraxay Online, waxaay ciidamada gumaysiga Itoobiya toddobaadkii hore ku xidheen magaalada Qabridaharre ee gobolka Qorraxay, gabadh uur leh oo lagu magacaabo Sahro Maxamuud, tasoo ay si xun xabsiga dhexdiisa ugu jidhdileen, ka dibna uu halkaas ilmo mayd ahi kaga soo dhacay. 

Gabsdhaas ayaa markii denbe lagu soo furtay lacag gaadhaysa 100 Bir. Ma aha markii ugu horraysay ee ciidamada Itoobiya ay gabadh u dhalatay Ogadenya kula kacaan arrintan oo kale, waxaan cidna ka daahnayn sida ay arrimahanoo kale caadiga uga noqdeen ogadenya. 

Ururka xuquuqul insaanka Ogaadeenya (OHRC) iyo ururka dhalinyarada Ogaadeenya (OYA) oo lagu Sooray in ay Baahiyaan Masiibada haysata Ogaadeenya. 

Ururrada udooda Xuquuqda Aadanaha Ogadenya ee OHCR iyo ururka Dhalinyarada Ogadenya ee OYA ayaa lagu martiqaaday kulan wayn oo uu soo qabanqaabiyay ururka lagu magacaabo African Medical and Research Foundation (AMREF), waxaanuu kulankaasi badhtamihii toddobaadkii hore ka dhacay magaalada Toronto ee cariga Canada. 

Masuuliyiintii ka socday labadan urur ee Ogadenya waxay madashii kulankaas ku soo bandhigeen daraasado iyo xogo muujinaya dhibaatada uu gumaysiga Itoobiya ku hayo dadwaynaha soomaalida Ogadenya, waxayna daaha ka rogeen xadgudubkayada dhinaca xuquuqda aadanaha  ee xukuumada Itoobiya ay kula kacdo dadwaynaha Ogadenya

Iyo weliba sida ay isaga hortaagto in kaalmo la gaadhisiiyo dadwaynaha ku tabaalooba macaluusha ka dhacda dalka Ogadenya. 

Dadkii kulankaas ka soo qayb galay oo isugu jiray masuuliyiin iyo shaqaale ka tirsan ururo samafal ah, macalimiin iyo arday, ayaa su’aalo Ogadenya iyo guud ahaanba Geeska Afrikaba ku saabsan waydiiyay masuuliyiinta labadan urur ee dhibaatada Ogadenya soo bandhigayay. 

Ururka AMREF waa urur 40 sano soo jiray oo fadhigiisu  yahay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, wuxuuna 13 laamood ku leeyahay qaaradaha Afrika, Amerika iyoYurub, wuxuuna si toos ah uga shaqeeya arrimaha caafimaadka, hormarka iyo baadhitaanka. 

Xukuumada Itoobiya oo sheegtay in ay badalayso Baasaboorkeeda. 

 Xukuumada Itoobiya ayaa sheegatay in ay samayn doonto Baasaboor cusub oo lagu badali doono midkii horay u jiray. Sababaha dhaliyay talaabadan ayay xukuumada Adis Ababa ku tilmaantay mid la xidhiidha dhinaca amaanka, kadib markii la sheegay in uu faraha u galay Baasaboorka Itoobiya dad aan Itoobiyaan ahayn iyo in hab aan sharci ahayn loo isticmaalay. 

Wasaaradaha Arimaha dibada iyo Gudaha ee Itoobiya ayaa ku hawlan fayl garaynta Baasaboorka cusub oo lagu wado in uu bilawdo todobaadka soo socda.  

Waaxda Socdaalka Itoobiya ayaa sheegtay in ay dukumiintiyo gaar ah u samayn doonto dadka Muslimiinta ah ee Xajka aadaya. Dadka Muslimiinta ah ee Xajka aadaya  ayaa la sheegayaa in laga qaadi doono faro. Talaabadan midab takoorka ah ee dadka muslimiinta ah lagu soo rogayo ayaa waxaa cabasho ka muujiyay muslimiinta Itoobiya. 

Dadka wadanka Itooboiya ayaa 70%  lagu sheegaa in ay yihiin muslimiin, hasa yeeshee maamulka wadankaas ayayna wax muuqda ku lahayn. Si kastaba ha ahaatee dad badan ayaa qaba in talaabadan loola jeedo dadka Muslimiinta ah ee Itoobiya iyo in lagu kontaroolo dadka ka soo horjeeda xukumada Itoobiya. 

Dagaalo dhexmaray Labada shacab ee Soomaalida iyo Oromada. 

Wararka naga soo gaadhaya magaalada Jigjiga ayaa sheegaya dagaalo beeleed oo ku dhex maray qaar ka mid ah shacabka Soomaalida Ogaadeenya iyo qaar ka mid ah shacabka Oromada tuulada Madar oo ka tirsan ismaamulka Soomaalida Ogaadeenya. 

 Dagaalkan oo ay ku dhinteen maalintii u horeeysay 9 ruux oo dhamaantoodba Soomaali ah ayaa la sheegayaa in uu ka bilawday sheegashada tuulooyin badan oo ay labada maamul ku muran sanaayeen. 

Baarlamaanka xukuumada gumaysiga Itoobiya ayaa 11 bari ka hor ku dhawaaqday in afti laga qaadi doono dadka ku dhaqan in ka badan 484 tuulo oo ku taal xuduuda u dhaxaysa Labada ismaamul ee Soomaalida iyo Oromada. Dadkaas ayaa la shegayaa in la waydiin doono dhinaca ay raacayaan Labada maamul ee Taliska EPRDF u adeega. 

Isku dhacan dagaal ee labada shacab ee walaalaha ah dhex maray ayaa waxaa qorsheeyay Xukuumada Itoobiya oo ku caanbaxday hurinta colaada shucuubta ay guamysato. Dad xogogaal ah ayaa noo sheegay in ay dagaaladan ku lug leeyihiin ciidamada EPRDF ee ka amar qaata taliska argagaxa iyo khilaafaadka shucuubta ku caan baxay ee Itoobiya. 

14.09.2004

C/nuur Sh. Mohamed

raadioxoriyo@yahoo.com

Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 19 MB ee dhererkeedu yahay 15670 KHZ, Maalmaha Talaadada iyo Jimcaha 7: 30PM waqtiga Afrikada.

Qoraalkan waxaa leh xorriyo      

Faafin: SomaliTalk.com | Sept 14, 2004

Diidis Dagaal iyo Doonis Nabadeed oo ku aadan Jubooyinka
Warsaxaafadeed ka soo baxay Gedo Intellectaul Group Guji

WARSAXAAFADEED: AFHAYEENKA GOLAHA SRRC EE W/AMERICA
Cabdi Barre Axmed ayaa si kulul u canbareeyey Col.Barre Hiiraale iyo Gen.Axmed Warsame iyo ganacsato..
Guji

Gen. Moorgan oo Sheegay inuu dib uga Laabtay Tagista Shirka Kenya
iyo Col. Barre Hiirale oo sheegay inay ka go'an tahay weerar uu ku qaado Moorgan... Guji... Sept 12

Suxufi Reer Somaliland ah oo Dhaawacyo Loogu Gaystay Nairobi
Waxaana arintaas lagu eedeeyey in...
Guji... Sept 12

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com
 
Allah Is Great
 
QAYBTA SEEXISKA EE ISBITAALKA MBAGATHI
Faaladii toddobaadka ee Fahad Yaasiin Xaaji Daahir Guji..



HTML CD