SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK -  MUQDISHO

WARARKA MUQDISHO:::: SEPT 12, 2004
  • Gen,Moorgan oo sheegay inuu dib uga laabtay tagista Shirka Somalida uga socda Wadanka Kenya.
  • Col,Barre Hiirale oo sheegay inay ka go'an tahay weerar uu ku qaado..............
  • Shariif Xasan oo lagu inuu ku guulaysto doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka.

  • Col,C/llaahi Yuusuf Axmed oo taageero dhaqaale u doontay Wadanka Yemen.

  • Dr,C/qaasim Salaad oo sheegay inuu codadkiisa ku wareejin doona haddii.......

W/Q.Abdi Wali Ibraahim Aaden "Garyare"

Garyare20@hotmail.com  

 

 

Gen,Moorgan oo sheegay inuu dib uga laabtay tagista Shirka Somalida uga socda Wadanka Kenya.

 


Hiiraale

Moorgan

Gen,Maxamed Saciid Xirsi "Moorgan" ayaa sheegay inaysan suurta gal ahayn inuu iminka dib ugu laabto Shirka Soomaalida uga socda Magaalada Nairobi ee Caasimadda ah Wadan k kenya,waxaana uuitaasi daliil uga dhigay iyadoo ay jiraan dadalo loogu jiro in weerar lagu soo qaado goobaha uu isaga iyo Ciidankiisa ka daganyihiin Gobolada Jubbooyinka.

 

Gen,Mooragn oo waraysi siiyay qaarka mid ah Idaacadaha  ka jira Magaalada Muqdisho isagoo qarinaya halka uu ka joogo Gobolada Jubbooyinka ayaa waxaa uu sheegay inuu ogyahay qorshayaal uu wado Guddoomiyaha Isbahaysiga Dooaxada Jubba Col,Barre Aadan Shire "Barre Hiirale" taasoo uu sheegay inay wax wayn ka badashay qorshihiisii ahaa inuu dib ugu laabto Shirka Somalida uga socda Wadanka Kenya,waxaana uu intaasi raaciyay Moorgan inay ka go'an tahay inuu iska difaaco abaabulka dagaal ee uu ku soo wado Col,Barre oo nadar ku maray inuu weeraro Gen,Moorgan meelkasta oo uu ka joogo Gobolada Jubbooyinka,Waa sida uu hadalka u dhigaye Gen,Moorgan.

 

Dhinaca kale Gen,Moorgan waxaa uu sheegay inay jirto xiriir uu la yeeshay Beesha caalamka oo uu ka dalbaday inay dib ugu soo celiyaan Shirka Somalida uga socda Wadanka Kenya ee iminka u dhisan yahay Baarlamaankii Soomaaliya iyo sidii looga bixin lahaa kharashka looga haystay Baasaboorka,waxaana uu sheegay inay arimhaasi oo dhan laga aqbalay,laakiin waxaa uu ka gaabsaday inuu ka hadlo waxa laga yiri codsigiisii ahaa in lagu daro Xubnaha Baarlamaanka Soomaaliya loo dhisay,arintaasi ayuu waxaa uu ku tilmaamay mid aan lahayn wax muhiimad ah  oo laga gudbi karo.

 

Ugu danbeeyntii Gen,Maxamed Saciid Xirsi "Moorgan" oo ka hadlayay cida mas'uulka ka ah wixii khasaaro ah oo uu gaysto dagaal dhexmara isaga iyo Maamulka Isbahaysiga Dooxada Jubba ee uu hor kacayo Col,Barre Hiiraale  waxaan uu sheegay in haddii uu  dhaco dagaalkiisi uu yahay mid mas'uuliyadiisa uu qaadayo Col,Barre Hiiraale,waxaana uu intaasi Moorgan ku daray inay iyaga ay doonayaan inay dib u soo celiyaan xuquuqda ka maqan dadka deegaanada Jubbooyinka u dhashay oo uu sheegay in uu duudsiiyay Col,Barre Hiiraale  iyocida xulufada la ah,Waa sida uu hadalka u dhigaye Gen,Maxamed Saciid Xirsi "Moorgan".

 

Col,Barre Hiirale oo sheegay inay ka go'an tahay weerar uu ku qaado..............

 

Waraysiyadii October 2002
Waraysigii Gen. Moorgan

Waraysigii Col. Barre Hiiraale

Xildhibaan Col,Barre Aadan Shire "Barre Hiiraale" isla markaana ah Guddoomiyaha Isbahaysiga Dooxada Jubba oo dhawaan soo gaaray Magaalada Kismaanyo ee xarunta u ah Maamulkiisa ee uu uga qeyb galayay Shirka Somalida uga Socda Dalka Somaliya jaarka dhow la ah ee Kenya ayaa xalay waxa uu shaaca ka qaaday inay ka go'an tahay sidii uu u weerari lahaa Maleeshiyooyinka uu hor kacayo Gen,Maxamed Saciid Xirsi Moorgan oo uu ku tilmaamay inay yihiin kuwo ku soo xad gudbay sharciga ka jira Gobolada Jubbooyinka ee ay gacanta ku hayaan Maamulka Isbahaysiga Dooxada Jubba.

 

Col,Barre Hiiraale oo si caro leh uga jawaabayay su'aalaha la waydiinayay ee ku wajahan abaabulka Gen,Moorgan uu ku soo galay qeybo ka mid ah Gobolada Jubbooyinka ayaa waxaa uu sheegay inay Gen,Moorgan usoo jeediyeen dhowr jeer inuu ka waantoobo  waxa uu ka dhexwado Dadka walaalaha ah ee wada daga Gobolada Jubooyinka,waxaana uu intaasi raaciyay in Moorgan uu arintaasi ka dhaga adeegay laakiin ay maanta iyaga ka go'an tahay sidii ay gacan bir ah ugu qaban lahaayeen Gen,Moorgan,waa sida uu hadalka u yiri Col,Barre Hiirale.

 

Mar wax laga waydiiyay Col,Barre Hiiraale sida ay ula muuqato dadaalka dib loogu celinayo shirka Gen,Moorgan waxaa uu sheegay inay arintaasi u arkaan maadays maadaama buu-yiri uu shirkii dhamaaday isla markaana lagu dhawaaqay Baarlamaankii Soomaaliya ee dooran lahaa Madaxwaynaha Jamhuuriydda Soomaliya shanta sano ee fooda inagu soo haysa,barre ayaa intaasi ku daray bal in la cadeeyo booska uga banaan Gen,Moorgan Shirka la leeyahay dib ugu soo laabo isana uu leeyahay ha la iisoo diro Diyaarad aan ugu laabto Shirka,laakiin waxaan oran lahaa Gen,Moorgan inta hurdada ka kaco ha u soo jeesto xaalada Wadanka Soomaaliya halka ay marayso uu uu Barre ku tilmamay in iminka loo gudbay Dowladnimo qaran.

 

Col,Barre Aadan Shire "Barre Hiiraale"  iyo maleeshiyo uu wato ayaa lagu soo waramayaa inay  u dhaqaaqeen xalay Dhinaca Hoosingow oo loogu tilaamay inuu joogo Gen,Moorgan iyo Maleeshiyaddiisa duulanka ku ah Gobolada Jubooyinka, waxaana uu sheegay Col,Barre inta uusan ka bixin Magaalada Kismaanyo inay hada iyo wixii ka danbeeya ay ka go'an tahay sidii ay u cirib tiri lahaayeen Gen,Moorgan iyo Maamulka Puntland oo uu sheegay inay yihiin maskaxda ka danbeysa duulanka Gen,Moorgan uu ku soo qaaday qeybo ka mid ah Gobolada Jubbooyinka,Waa sida uu hadalka u yiri Col,Barre Aadan Shirre "Barre Hiiraale"

 

Dhanka kale Maleeshiyooyinka Isbahaysiga Dooxada Jubba ayaa shalay gacanta ku dhigay garoon diyaaradeed macmal ah oo ku yaal meel aan sidaasi uga dheereen Tuulada Samtaar kaasoo lagu sheegay inuu Gen,Moorgan damacsan yahay inuu garoon ahaan u isticmaalo,garoonka ay gacanta ku dhigeen Maleeshiyooyinka Isbahaysiga Dooxada Jubba ayaa Magaalada Xarunta u ah Maamulka Isbahaysiga ee Kismaanyo u jira 160Km oo qura.

 

Shariif Xasan oo lagu inuu ku guulaysto doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka.

 

wararka naga soo gaaraya Magaalada Nairobi ee Caasimadda au ah Wadanka Kenya ayaa shaaca ka qaadaya in musharaxa ugu cad inuu ku guulaysto xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka uu yahay Shariif Xasan  Sheekh Aadan oo ka soo jeeda Beelah Digil iyo Mirifle, waxaana baryihii ugu danbeeyay la argayay xildhibaano badan oo uu la tashiyo la sameeynayay Shariif Xasan Sheekh Aadan.

 

cod-bixin laga qaaday qaar badan oo kamid ah Baarlamaanka Federaalka ee dhawaan Soomaaliya  ayaa  ku tilmaamaya Shariifka inuu yahay shakhsiga kaliya ee ku guulaysan kara jagada Guddoomiyaha Baarlamaanka marka la bar-bar dhigo Musharixiinta kale ee loolanka kula jirta kuwasoo ay ka wada go'an tahay inay dadaal u galaan sidii ay ugu guulaysan lahaayeen jagdassi Guddoominta Baarlamaanka.

 

Shariif Xasan Sheekh Aadan waxaa uu ka mid yahay Musharixiinta ka soo jeeda Beelaha Digil & Mirifle ee ugu cad cad ku loolamida jagadaasi waxaana ay wararku intaasi ku darayaan in shariif Xasan kulamo dhowr ah la yeeshay Xildhibaanada ka soo jeeda Beeshiisa,isagoo markaasina ka dhaadhicinaya sida uu wax u rabo haddi u ku guulaysto xilka Guddoomiyenimada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliyeed ee lagu wado inay dhacdo 15-bishan,laakiin Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa lagu yaqaan inuu yahay Nin magac ku leh dhinaca ganacsiga marka laga soo tago Siyaasada  uu iminka dhaxboodayo.

 

Rajadda Musharaxan Shariif Xasan ayaa waxaa walaac ku yahay dadaalka uu isna wado Siyaasiga caanka ah ee hogaamiya garabka ka mid ah sadexda garab ee ay u kala jabtay RRA--da waa Sheekh Aadan Madoobe kaaso wado isla olalihiisa ku aadan sidii uu  ugu guulaysan lahaa Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya,iyadoo ay jirto saadaalin laga bixinayo inay jiri doonaan Musharixiin  ku hari doona Wareega ugu horeeya ee Doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka halka kuwo kale lagu wado inay inta aysan doorashadaasi bilaaban ay ku dhawaqan inay xilkaasi ka tanaasulayn,balse la argi doonee cida ku guulaysata xilkaasi Guddoomiyaha Baarlamanka Federaalka ee Soomaaliya

 

 

Col,C/llaahi Yuusuf Axmed oo taageero dhaqaale u doontay Wadanka Yemen.

 

Xildhibaan Col,C/llaahi Yuusub Axmed isla markaana ah Madaxwaynaha Maamul Goboleedka Puntland  ayaa shalay waxaa u tagay Magaalada Xarunta ah Wadanka Yemen ee Sanca isagoo markaasi kasoo aaday Magaalada Dubai ee Dalka isu taga Imaaraadka Carabta.

 

Col,C/llaahi Yuusub Axmed ayaa lagu soo waramayaa inuu halkaasi u tagay sidii uu u soo heli lahaa taageero dhaqale si uu  ugu bixiyo tartanka uu ugu jiro jagadda Madaxwaynenimada Soomaaliya shanta sano ee soo socota,waxaana inta uu joogo Yemen uu kulamo kala duwan la yeelan doonaa Madaxda Dowlad Yemen iyo qaarka mid ah ganacsatadda Soomaaliyeed ee fadhikoodu yahay Wadanka Yemen,isagoo u sharixi doona habka uu doonayo inuu ku hogaamiyo Wadanka Soomaaliya haddii uu ku guulaysto Tartanka uu ugu jiro Madaxwayninimada Soomaaliya.

 

Sida ay sheegayaan warar laga helay ilo  lagu kalsoonaan karo Korneylka ayaa waxaa uu kulan qaas ah la yeelan doonaa Injineer Muunyo Saciid oo ah  ninka gacanta ku haya qaarka mid ah Maraakiibtii ay lahaan jirtay Dowladii hore ee Soomaaliya ee uu Madaxwaynaha ka ahaa Gen,Maxamed Siyaad Barre ee burburtay mar hore isla markaana  ah iminka Ganacsade dagan Wadanka Yemen,waxaana ay inta badan  ka wada hadli doonaan sida uu injineer Muunye u fulin lahaa balan qaad lacageed oo uu horay uga balan qaaday Col,C/llaahi Yuusuf Axmed,taasoo uu rabo Korneylku inuu uga qeyb qato qorshihiisa ah inuu ku guulaysto jagada Madaxwaynenimo ee Soomaaliya,waa haddii ay soomaalida halkasi isla gaarto.

 

Laakiin waxaa injineer Muunye soo gaaraya fariimo looga diyago haddii uu Col,C/llaahi Yuusub siiyo Dhaqaalaha uu ka doonayo ee uu horay ugu balan qaaday, waxaan muuqata inuusan arimhaasi ka hadlin Ganacsade Injineer Muunye, socdaalka uu Korneylka ku tagay Wadanka Yemen ee uu kula soo kulmayo injineer Muunye iyo Madaxda Wadanka Yemen ayaa waxaa walaac ka muujiyay in badan oo ka mid ah Musharixiinta u taagan xilka Madaxwaynenimo,kuwaasoo aan haysan dhaqaale sidaasi u sii buuran oo ay ugu tartamaan xilka Madaxwaynenimo.

 

Socdaalkiisa ayaa lagu wadaa inuu ku soo af-meero Magaalada xarunta ah Maamulkiisa Puntland ee Garoowe inta aanu dib ugu laaban Magaalada Nairobi oo ay ka socdaan kulamada ay yeelanayaan Baarlamaanka Federaalka  Soomaaliya ee uu ka mid ka  yahay Korneylka,waxaana sidoo kale lagu wadaa inuu Col,C/llaahi Yuusub Axmed  Magaalada Garoowe ka sameeyo xil warejinta Madaxwaynenimada maadaama uu yahay xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya isla markaana uu dhigayo sharciga u dagsan Puntland in haddii qof ka tirsan Mamaulka Puntland  uu ku biiro Maamul kale uu xilkaasi iska wareejiyo,iyadoo la dhowrayo sharciga u dagsan Puntland ayaa waxaa ay tahay inuu Col,C/llaahi Yuusuf Axmed iska wareejiyo xilka Madaxwaynenimo,laakiin waxa muuqata inuusan Col,C/llaahi Yuusuf raali ka ahayn arintaasi oo uu ka caga-jiidayo.

 

Dr,C/qaasim Salaad oo sheegay inuu codadkiisa ku wareejin doona haddii.......

 

Dr,C/qaasim Salaad Xasan oo kamid ah Musharixiinta  tartanka ugu jita xilka Madaxwaynenimada Dowlad cusub ee Soomaaliya ayaa wararka laha helayo Magaalada Nairobi ay sheegayaan in Dr,C/qaasim uu ku wargeliyay Siyaasiyiinta aad ka isugu dhow yihiin oo ay xitaa ku jiraan kuwa jufa ahaan uu ka soo jeedo in marka uu dareemo inay rajadiisa Madaxwaynenimo ay la soo daristo mugdi xilliga la isugu yimaado Doorashada Madaxwaynenimada Dowlada Federaalka Soomaaliyeed  uu kolsoonidiisa codadka siin doono Musharaxa kale ee Danjire C/llaahi Axmed Caddow.

 

Warkan oo aan ka soo xiganey Wargeys kasoo baxa Waqooyiga Magaalada Muqdisho ayaa waxa intaasi ku darayaa in  sababta keentay xilligan inuu ka dhawaajiyo Dr,C/qaasim Salaad Xasan  ay tahay su'aalaadka kaga imaanaya Siyaasiyiinta ay aadka isugu dhowr yihiin oo la xiriiray waxa uu ka yeelayo marka ay doorshada isug soo haraan Musharixinta kale ah Col,C/llaahi Yuusuf Axmed iyo Danjire,C/llaahi Axmed Caddow,waxaana uu sidoo kale sheegay inuusan ku dayan doonin C/llaahi Axmed Caddow oo uu sheegay inuu la shaqeyn waayay markii  uu uga guulaystay Doorashadii Madaxwaynenimo ee ka dhacday Shirkii Carta ee lagu soo dhisay Dowlad uu iminka Madaxwaynaha ka yahay,laakiin waqtigeedii dhamaaday iyadoo aan qaban wax la taaban karo.

 

Laakiin qaar ka mid ah Siyaasiyiinta u taagan xilkaasi ayaa hadalka Dr,C/qaasim ku tilmamay mid wax lagu daboolayo oo aysan ahayn mid ku saleeysan xaqiiqada jira, waxaana ay intaasi ku darayaan inuu Dr,C/qaasim Salaad Xasan uu hadalkaasi u yiri sidii uu isaga fogayn lahaa wararka sheegaya inuu xiriir hoose la leeyahay Madaxwaynaha Mamul Goboleedka Puntland isla markaana kamid ah Musharixiinta ugu cad cad xilka Madaxwaynenimada Soomaaliya Col,C/llaahi Yuusuf Axmed, Dr,C/qaasim Salaad ayaa waxaan uu dhinaca kale ku cel celinayaa inuu ku raji wayn yahay inuu ku guulaysto oo uu dib ugu soo laabto xilka Madaxwaynenimo ee Dowald Federaalka Soomaaliya.

 

W/Q.Abdi Wali Ibraahim Aaden "Garyare"

Garyare20@hotmail.com  

Faafin: SomaliTalk.com | Sept 12, 2004

Suxufi Reer Somaliland ah oo Dhaawacyo Loogu Gaystay Nairobi
Waxaana arintaas lagu eedeeyey in...
Guji... Sept 12

MUSLIMIINTA WADANKA AUSTRALIA IYO DOORASHADA SANADKAN (VOTE 2004)
Mudo kayar bil waxaa wadanka Australia kadhici doonta doorashadii guud ee ... Guji... Sept 11

Botaan Barre: Shirka Kenya Waa la Majara Habaabiyay
talada Shirkana dadka soomaaliyeed waa laga weeciyay
Guji

Urur  Laga aas-aasay Gobolka Awdal
ururkaas oo lagu magcaabo "Free Awdal Forum" Guji Sept 11

Dagaal ka dhacay Waafdhuug oo gumaysiga lagu naafeeyay
wararkii Radiyo xorriyo ee maanta...
Guji...

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com
 
Allah Is Great
 
QAYBTA SEEXISKA EE ISBITAALKA MBAGATHI
Faaladii toddobaadka ee Fahad Yaasiin Xaaji Daahir Guji..


RIYAALE vs SAXAAFADDA.. GUJI


Maxamed Dheere vs Xijaabka




HTML CD