SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK -  AUSTRALIA

MUSLIMIINTA WADANKA AUSTRALIA IYO DOORASHADA SANADKAN (VOTE 2004)

MOHAMED WALI (XIISH)
AUSTRALIA MELBOURNE.

xiish3@hotmail.com

Mudo kayar bil waxaa wadanka Australia kadhici doonta doorashadii guud ee baarlmaanka iyo axsaabta wadanka. Doorashadan oo loo yaqaan (The federal election 2004). Doorashadan oo dhacda afartii sanaba mar waxaa ay shacabka Austuraaliyaanku u codeeynayaan bisha tobnaad sagaalkeeda (oct. 9). Hadaba doorashadan oo kusoo beegantay xili adag waxaa sanadkan tartan ugu jira hoogaanka axsaab badan oo midwalba uu u tartamayo in uu yahay xisbiga ku haboon hoowsha daboolikarana baahida shacbka Austuraaliyaanka. Laakiin markii lamilicsado dhinaca kale waxaa lagu tilmaamay in ay noqon doonto doorashadii ugu adkeeyd uguna dheereed xaga ololaha (kaambeeynta) aysameeynayaan axsaabta ee soomarta taariikhda wadanka Australia. 

 
Waxaa kaloo doorashadan ay heegan iyo feejignaan ku abuuratay muslimiita wadanka Australia.
Waxaa kunool wadanka Australia muslimiin gaadheeysa ilaa halmilyan. Muslimiita wadankan oo badankood kasoojeedo kuwa kayimd bariga dhexe (middle east) iyo koonfur bari ee qaarada eeyshiya( south east asia) iyo tiro aan badnayd oo kasoojedo qaarada afrika, iyo jasiiradaha yaryarka ah ee xuduuda laleh wadanka Australia xaga badda.   
 
Doorashada sanadkan ayaa waxa ay kutilmaameen axsaabta wadanka in ay noqon doonto mid aan sahlanayn xisbi walbana uu raadinayo inuu kahelo kalsooni shacabka gaar ahaan muslimiita. Hadaba  maxay yihiin sababaha iyo arimaha keenay in ay noqoto doorashadan mid ay aad uxiisaynayaan muslimiintu? jawaabaha ay kabixiyeen muslimiitu waa jawaabo kala duwan oo aan hal meel taabanaynin ee taabanayo meelo badan, waxaan doodo iyo waraysi lasameeyay musliin badan oo qaarkood ay ii sheegeen in ay doorashadan tahay mid ( do or die) oo ay kutilmaameen mid aan lookala hadheeynin hadii aan nahay muslimiin. 
 
Xisbiga talada wadanka haya hada oo ah sixbiga libaraalka (liberal party). Xisbigan oo talada qabtay sanadkii 1996. Doorashadii kahoreeysay doorashadan hada dhacaysa ayuu xisbigan marlabaad talada ku guuleeystay doorashadaas oo dhacday sanadkii 2001. Waa markii sadexaad ee uu rabo inuu talada qabto hadii ay tan dhacdana wuxuu gali doonaa taariikhda xisbiga liberaalka oo aan mudo intaas dhan aan talada wadanaka qaban.  Hadaba xisbigan oo intii uu talada wadanka hayay ayaa wuxuu xisbigan layimid siyaaso cusub gaar ahaan marka la eego xidhiidhka uu laleeyahay caalamka.  
 
1- AUSTRALIA = AMERICA.
 
siyaasada xisbigan ayaa waxa ay noqotay mid marka la eego xidhiidhka kadhexeeya Australia iyo mareeykanka in ay siyaaday intii uu talada wadanka hayay xisbigan, taa soo dhalisay in go'aan walba oo u qaato xisbigan marka la eego arimaha laxidhiidha nabadgalyada, dhaqaalaha, ay siyaasadiisu lamid tahay go' aamada mareeykanku qaadanayo. Lakiin laga soo bilaabo sanadkii 2001 ilaa hada waxaa uu xisbiga talada haya uu qaatay go' aamo farada badan oo ka cadheeysiisay dadbadan gaar ahaan musliminta wadanka kunool kabadci markii uu mareeykanku go' aansaday inuu kuduulo wadanak ciraaq, Australia waxa ay noqotay wadankii sedexaad ee raaca go'aanka mareeykanka marka laga reebo ingiriiska.   
 
2- NABADGALYO LAAKIIN MAYA DAGAAL (PEACE NOT WAR.)
 

John Howard, Ra'iisul wasaaraha Australia
Doolada Australia waxa ay u dirtay wadanka ciraaq ciidamo gaadhayo laba kun.  Inbadan oo muslimiin ah ayaa waxa ay kutimaameen go'aankaas inuu ahaa khalad uu galay ra'iisulwasaaraha wadanka oo ah (JOHN HOWARD) oo uu ka galay danbi wadanka kadib markii ciidamo uu u diray wadankaaa ciraaq. Go'aankaas laga soo bilaabo ayaa siyaasada wadanka ay isbadashay oo ay Australa noqotay soona gashay liiska. sanadkii 2002 bishii tobnaad ayaa dhacday dacdadii lagu magacaabay (BALI BOMB). qaraxaas oo sababay in ay kudhinteen austuraaliyaanku dad gaadhayo ilaa sideetan qof.  qaraxaas kabacdi ayaa siyaasada wadanka waxa ay isu badashay in ay loolan lagasho kana qayb qaadanayso dagaalka loogu jiro ladagaalanka argagixisada (THE WAR ON TERROR.).   
 
3- ASAL AHAAN DADKII HORAY U DAGANAA [INDIGENOUS PEOPLE].

waxaa sida in badan aad lasocotiin dadka looyaqaan indhigniska oo ah asal ahaan dadkii horaan udagnaa wadanka Australia ayaa ayagu marwalba waxa ay sheegtaan in aan loola dhaqmin siwanaagsan oo ayna muteeysan taa soo ay isku tilmeen in ay yihiin dadkii lahalmaamay (the forgotten generation). xuquuqda dadkan ayaa ah siyaasad marwalba taagan sidii ay uheli lahaayeen xuquuq dhamaytiran ahna arin adag oo laxadhiidha doorashada sanadkan.

 
 
4- JEMAAH ISLAAMIYAH.

Waa arin ay marwalba iswaydiiyaan dadka kuhoowlan arimaha amaanka ee wadanka Australia sidii laga yeeli laahaa uruukaas oo ay Australia kudartay liiska argaxnimada. urukaas ayaa ay dowlada  wadankan dusha ay kasaartay in ay kadanbeeyeen qarixii bali iyo midkii khamiistii kadhacay wadanka indinuusiya magaalada jakaarta kasooherjeedka safaarada australia ay kuleedahay indinuusiya. Inbadan oo wax kasheego arimaha amaanka ayaa waxa ay tilmaameen in ay tahay cabsi soo food saartay amaanka Australia iyo sidii ay ula dhiil garayn lahayd ururkaas iyo gaar ahaan xidhiidhka Australia iyo wadanka Indoniisiya oo aan xog saas ah lahayn iyo Australia oo aan xidhiidh fiican lalahayn wadamada deriskiida. si walba hakutilmaameen waxaa ay inbadan oo Australian ah ay dareemayaan dabeesha in ay usocoto meel kale oo dawladoodu ay  xooga saarayso wax ayna maslaxada wadanku kujirin iyo shacabkuba. 

 
Ugu danbeeyntii Doorashada sanadkan ayaa markii la eego arimahaas ay noqotay mid muhim u leh muslimiita oo ayagu aan jecleeyn xisbiga talada hayo kana soo horjeeda ayna doonayaan in ay kaqaybqaataan sidii talada uu uga dagi lahaa xisbigan. laakin maalmuhu way tirsan yihiin, waa mid cadaan doonta markii lagaadho sagaalka bisha tobnaad. marwalbana aan idiin soo tabin doono wixii laxidhiidha doorashadaas, insha Allah..
MOHAMED WALI (XIISH)
AUSTRALIA MELBOURNE.

Faafin: SomaliTalk.com | Sept 11, 2004 

Botaan Barre: Shirka Kenya Waa la Majara Habaabiyay
talada Shirkana dadka soomaaliyeed waa laga weeciyay
Guji

Urur  Laga aas-aasay Gobolka Awdal
ururkaas oo lagu magcaabo "Free Awdal Forum" Guji Sept 11

Dagaal ka dhacay Waafdhuug oo gumaysiga lagu naafeeyay
wararkii Radiyo xorriyo ee maanta...
Guji...

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com
 
Allah Is Great
 
SOOMAALIDA AUSTRALIA IYO DAAFAHA DUNIDA
Warbixintii Xiish



HTML CD