SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAYSI

Botaan Barre: Shirka Kenya Waa la Majara Habaabiyay, talada Shirkana dadka soomaaliyeed waa laga weeciyay

"...dadkii la hogaamin lahaa hadii ay iyaga wax hogaaminayaan uma arko in shirkan mira badan ka soo baxayaan..." "...shirkana waxa uu socdaa nidaamki carta, waxa kaliya ay kula duwan yihiina waa in kan ku badan yihiin qabqablaayasha dagaalka, kaasna waxaa ku badnaa aqoonyahano iyo salaadiin..." Bootaan

waxaa wareysigan qaaday Canab Mumtaz.
somalitalk.com. Nairobi.  

Waxaan wareysi kula yeelanay magaalada Nairobi mid ka mid ah siyaasiyiinta ka soo horjeeda shirka,isla markaana ka mid ahaa xisbiyadii halganka xornima doonka soomaaliyeed laguna magacaaabo Bootaan Barre Samatar. wareysigana waxaa uu u dhacay qaabkan. 

 
 
Bootan Barre Samatar. 
 
S. Qaabka uu shirka u socdo maxaad ka qabtaa? 
 
J.Waxaan u arkayay shirkan inuu yahay mid looga baxayo dhibaatada Dowlad la'aaneed ee ka jirta dalka, mudo markii uu socdayna waxaan arkay in shirkan la majara habaabiyay, in talada dadka soomaaliyeed laga weeciyay, gacantana ay u gashay IGAD iyo Beesha caalamka(IPF), faragalina ku sameeyay Xulida baarlamaanka taasna ay iska cadahaya, waxaa kale oo ay talada ka qaateen una arkeen dad kaligood wax goyn kara hogaamiyayaasha dagaalka. Shirkan in laga leexiyay nidaamkii saxda ahaa waxaa tusaale kaaga filan waxaa ugu horeeya oo aan ka xusi karaa haweenka oo ahayd in 12/% laga siiyo hadda ay haystaan qaar wax ka yar 5, halka kuwo kalena aysan haysaninba. 
 
S. Shirkan waxay dad badan qabaan in uu yahay midka ugu rajada dhaw, dhinaca ka soo qayb galka hogaamiyayaasha siyasada iyo waliba beesha caalamka, miyaan loo dhamayn adiga aragti ahaan? 
 
J. Shirkan looma dhama, siyaasiyiina ma joogaan ee waxaa ka soo qayb galay oo kaliya Qabqablayaasha dagaal oogayaasha ah, umana arko in ay xal keeni karaan hadda ayaanba waxaan garan karnaa wararka maalamahan soo baxaya ayaaba muujinaya inuusan socon karin shirkan, waayo dagaal oogayaashi awooda la siiyay kaligood ayaa wax qasaya. 
 
S. Waxaa jirta in hadda uu shirka gabagabo yahay lana dhisay baarlamaan ay soo xuleen siyaasiyiinta iyo madaxda dhaqanka  beelaha soomaaliyeed sida ay IGAD cadaysay,sideed u aragtaa qaabka loo xulay? 
 
J. Marka hore sidii sharciga ahaa waxay ahayd in baarlamaanka ay ka taliyaan siyaasiyiinta iyo madax dhaqameedka beelaha, isla markaana ay u wada dhamaadaan dhamaanba beelaha soomaaliyeed, waxaa muuqata in ay maqan yihiin beelo badan oo aan laba xusiba dalkana dagan, deegaana ku leh, xuquuqdii ay lahayeena laga tagay, dhinaca kale waxaa jira xildhibaano baarlamaanka ku jira oo aysan xulin siyaasiyiinta iyo madaxdhaqameedkaba oo ay IGAD soo magacaabatay wadamada safka hore gaar ahaan, ayna ka warqabaan dadka oo dhan, wadamada dhaqaalaha shirka bixiyana ay ka warqabaan, wadamada midawga yurub, QM, iyo jaamacada carabtaba. sidoo kale baarlamaanka waxay ahayd in lagu saleeyo xulasho, sida shahaado, waxaaana jira hadda in aysan jirin wax lagu soo xulay dadkan oo aqoon ah waayo wax walba waxay u baahan yihiin hogaamin toosan, dadkii la hogaamin lahaa hadii ay iyaga wax hogaaminayaan uma arko in shirkan mira badan ka soo baxayaan.
 
S.Sida ku xusan Axdiga KMG ah xulida baarlamaanka way u wada siman yihiin siyasiyiinta iyo odayasha dhaqanka, haddii ay kaalintoodi gabeen madaxda dhaqanka ma waxaad ku eedaynaysaan IGAD?
 
J. Sida warbaahinta ay maalin walba ka sheegaan odayasha waa duudsiiyay xaqoodi, wax awood ah oo ay ku leedahayna ma jirto, haday talo dhaqan ahaan lahayd wax badan ayaa hagaagi lahaa soomaliduna waxay ku shiri jireen geed hoostiis wax walbana u dhamaysan jireen, IGAD haddii aysan fara galin ku samayseen shirkana waxaan hubaa in uusan qaateen laba sano iyo wax u dhaw waayo soomalida waa dad is afyaqaana oo wax walba meel isla dhigi kara heshiis buuxana gaari lahaa mar hore, eedna maahan ee waa wax loo wada jeedo oo iska cad in IGAD ay wadato shirka. 
 
S. Maadaama aad dhaliiil u soo jeedinaydisay shirkan kenya, ma waxaad qabtaa in uu ka wanaagsanaa kii carta ee lagu soo dhisay Dowlada KMG ah? 
 
J. Maya, waxaanba qabaa in uu shirkaasi ahaa midka keenay (4.5) afarta iyo barka, lana mid ah in soomaaliya qaar badan tahay qaarna yahay. kuwo badan yihiin kuwona ay yar yihiin, midna dheer yahay midna gaaban yahay. waana wax ku xun taariikhda dambe ee soomaaliyeed, shirkaas carte ayaana ahaa midka dhibkaas horseeday ilaa maantana uu socdo, waxay ahayd in baarlamaanka lagu saleeyo gobol, waayo cid cirka ma timid ma jirto, shirkana waxa uu socdaa nidaamki carta, waxa kaliya ay kula duwan yihiina waa in kan ku badan yihiin qabqablaayasha dagaalka, kaasna waxaa ku badnaa aqoonyahano iyo salaadiin.
 
S.Baryahaan waxaa socda olole dagaal oo laga cabsi qabo inuu ka dhaco kismaayo dagaalkaas sidee u aragtaa? 
 
J. Waxaan aniga u arkaa soomaaliya in dhulka wada wadaagto, waana wada dagaan waxaana jirta in mudo sanado ah dadkii daganaa deegaankaas ay maqan yihiin, labada dhinacbana uu mid walba u socdo deegaankiisii, waxaana wanaagsan in aysan dagaal qaadine si maslaxad ku jirto ay ugu laabtaan deegaanadooda, si nabad ahna ay ugu wada noolaadaan, waxaana eeda saari lahaa IGAD waayo Morgan waxa uu ka mid ahaa saxiixayaashii laguma darin baarlamaanka, kamana aysan hadlin arrintaas, gaar ahaan ninka shirka hogaamiya ee kiplagat uu mar walba eed saarayay Morgan isagoo aan ka hadlin ka tagida Barre Hiraale oo ahaa mudane baarlamaan uu aaday kismaayo, marka kuma tilmaami karo in IGAD ay dhexdhexaad ka tahay arrimaha shirka. 
 
S. Maxaad u soo jeedin lahayd dadka soomaaliyeed ee rajada wayn ka qaba shirka ka socda kenya? 
 
J.Waxaan u rajaynayaa nabad, waxaan qabaa dhibaato walba ha jirto in ay lagama maarmaan tahay in soomaaliya ay dhexdeeda ka heshiiso, la wada hadlo waxyaabaha dhex yaalana ay uga wada hadlaan si soomaalinimo ah, kuna dadaalaan in nabad waarta laga dhex dhaliyo dadka soomaaliyeed ee dhibaatada dagaalada sokeeye ay soo martay taladoodana aysan ka sugin shisheeye ee ay iyagu isku tashadaan wax walbana ay nabad ku wada noolaanshaha ka hormariyaan. 
 
waxaa wareysigan qaaday Canab Mumtaz.
somalitalk.com.
Nairobi.  

Faafin: Somalitalk.com | Sept 11, 2004

BulhanDowlada Soomaaliyeed waxaa la dhisi doonaa bishan dhamaadkeeda
Sidaas waxaa yiri Gudoomiyaha Baarlamaanka ee KMG oo u warameyey... Guji...

» MAGACYADA XILDHIBAANADA OO DHAMEYSTIRAN

QAYBTA SEEXISKA EE ISBITAALKA MBAGATHI
Faaladii toddobaadka ee Fahad Yaasiin Xaaji Daahir Guji..

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com
 
Allah Is Great
MASHRUUCA

Waa mashruuc kaaga baahan taageeradaada, maskax, muruq iyo maalba... GUJI

PALTALK:::
Waa maxay Paltalk, sideese loo adeegsadaa... Guji...

MADHOODHOW
Wuxuu ku Qadeeyaa Qaadka, Wuxuuna ku Casheeyaa Ciidda, Oolyadana wuu ku Qubeystaa: Waxa uu ku nool yahay magaalada Muqdisho, magaciisuna waa... Guji...
 
FILIMADA ANSHAXA XUN
Filimada anshaxa xun, ruugidda Qaadka iyo isticmaalka Daroogadu Saamayn intee le'eg Bay ku Leeyihiin Faafidda Cudurka AIDSKA ee Soomaaliya.. Guji...
 
GALCAARKA
Fulinta Dhaqantoosinta iyo La dagaallanka HIV/AIDS-ka:
Ka digtoonaansho qorshaha shisheeye oo ah mindi laba-afle ah...
Guji
 
CAAFIMAADKA
AIDS | CHOLERA | SOKOROW | JABTADA | SHIFO
Faarax Axmed Muuse | Karachi
 
QISO NAXDIN LEH
Fadeexada Paltalkga: iyo Dulmiga Walaasha Muslimada ah....... GUJI....
 
SAWIRRO XAMAR
XAMAR DAAWO DACALLADA.. SAWIRRO

 



HTML CD