SOMALITALK.COM | RAMADAN | SIIRO | SAXAABADA | SALAT ZAKAT 
newaamo dahabshiil
 

P
A
L
T
A
L
K

 www.PalTalk.com

 

PALTALK

ADEEGSIGA PALTALK:::


Muxaadarooyinka Ka Socda PALTALK::::

  • Muxaadarooyinka Toddobaadkan ka socda Masjid Shaafici ee Minneapolis: Waqtiga ay PalTalk kasoo gelayaan ka eeg Halkan...

Paltalk si aad uga dhegeysatid Mu'tamarka ama Kulan Diineedkii 4aad ee W/Ameerika oo ka socda Minneapolis, raac habkan:

  • Soo diyaari barnaamijka 'Paltalk'.
  • Guji 'Groups'
  • Laba-jeer oo xiriir ah guji: "By Language/Nationality/Other"
  • Laba-jeer oo xiriir ah guji: Somali Islamic Ahlusuna waljamacah center.
  • Muxaadarooyinka masjid shaafici waqtigooda ka eeg Halkan...
  • Haddii ay hadda kuugu horeyso 'Paltalk' fadlan akhri qoraalka hoose oo sharaxaad ka bixinaya adeegsiga barnaamijka.

Adeegsiga PalTalk
[Haddii aad weli adeegsatid noocii [Hore ee PalTalk Guji halkan]

Marka la soo rogto baraanmijka PalTalk, waxa uu ka muuqan doonaan shaashada guud ee kambuyuutarka (ama Desktop) - eeg sawirka hoose..

Haddaba si aad u adeegsatid PalTalk, raac habkan:

1. Marka hore soo diyaari barnaamijka PalTalk:

  • Guji All Programs > paltalk > Paltalk
  • ama Laba-jeer oo xiriir ah guji magaca 'PalTalk' ee ka muuqda shaashada kambuyuutarka [ama desktop] - Eeg sawirka sare.

2. Waxaa markaas furmi doona shaashada hoose, taas oo ah meesha lagu qori doono magacii naanaysta ahaa ee aad hore u samaysatay, kaddib guji badhanka 'Login'. - Dabcan naanays cusub ayaad samaysan kartaa haddii aadan hore barnaamijka uga samaysan. [Si aad naanays cusub u samaysatid guji badhanka ay ku qoran tahay 'Get a Paltalk Nickname'.]

Shaashada hoose waa tan soo bixi doonta haddii la samaysanayo Naanays cusub.. waa marka la gujiyo badhanka aan kor kusoo xusnay ee 'Get a Paltalk Nickname', haddii aad leedahay naanays aad u adeegsan jirtey Paltalk, waxaad markaas u gudbi doontaa qodobka 3aad ee hoose.

3. Marka la gujiyo 'Login' waxaa soo bixi doona shaashada hoose, guji barta ay shaashadaas kaga qoran tahay 'Groups' - Bartaas oo ah meesha laga biiri karo kooxaha markaas kujira barnaamijka.

4. KOOXAHA:: marka la gujiyo 'Groups' waxaa soo bixi doona shaashada hoose oo ah qaybta laga heli karo kooxaha markaas ku jira khadka. Qayb kasta waxa ay ka kooban tahay kooxo. Haddaba laba-jeer oo xiriir ah guji kooxda aad rabtid in aad dhegeysatid ama hadalkooda ka qayb qaadatid. Tusaale ahaan guji meesha ay ku qoran tahay:
"By Language / Nationality / Other"
- qaybtaas waxaa badanaa laga helaa goobo ay Soomaalidu macluumaadka isku dhaafsadaan.

5. KUBIIRIDDA QOLKA:: Shaashada markaas soo bixi doonta waa tan laga xulan karo qolka la rabo in lagu biiro ama la dhegeysto. Qolkasta waxaa ku hor qoran inta qof ee markaas ku jira. Haddaba laba-jeer oo xiriir ah guji qolka aad rabtid. Magaca qolkasta waxaa ku hor qoran inta qof ee qolkaas ku jira.Tusaale ahaan guji qolka:
Somali Islamic's Ahlusuna waljamacah center.

6. GUDAHA QOLKA: Marka la dhex galo qolka, waxaad arki doontaa in dhanka midig ee shaashada barnaamijka ay ku taxan yihiin 'naanaysaha' dadka markaas kujira qolka. Qofka ugu sareeya liiskaas ayaa ah kan markaas hadlaya - waxaana lagu gartaa cod-laliyaha ku hor qoran magaca . Waxaa kale oo suurtagal ah in qoraalada si toos ah loogu qori karo barnaamijka dhankiisa hoose.

Haddii aad rabtid in aad ku hadashid barnaamijka Paltalk waxaad u baahan tahay cod-tebiye (Microphone) iyo saamacad (Speakers).

Si aad u hadashid guji badhanka (ama batoonka) ay ku qoran tahay 'Push to Talk' oo ah dhanaka hoose ee barnaamijka Paltalk - waxaad hadli kartaa marka naanaystaada uu ka hor muuqdo sawirka cod-tebiyaha. Haddii aad rabtid in aadan maqal codka, guji batoonka aamusinta ee ay ku qoran tahay 'Mute'.

Gacanta taago haddii dhawr qof kaa horeeyaan, taas oo macneheedu yahay 'ii ogolaada in aan hadlo gacanta ayaan taagtaye". - Si aad gacanta u taagatid guji batoonka ay ku qoran tahay 'Raise Hand' kaas oo ka muuqda dhanka sare ee shaashada barnaamijka Paltalk.

7. QOLALKA KHAASKA AH:
Batoonkaas ay ku qoran tahaya 'Add to Favorites' waxa uu suurta gelinayaa in qol ama qolal (ama kooxo) lagu daro qaybta khaaska kuu ah ee aad had iyo jeer si fudud u booqan kartid. Tusaale ahaan haddii la rabo in qol lagu daro qaybta khaaska ah ee loo yaqaan 'Favories', waxaa la raacayaa habkan:
. Hagaha ku calaamadi kooxda ama qolka
. Kaddib Guji batoonka 'Add to Favorites'.
. Wixii intaas ka dambeeya, markasta oo la soo galo paltalk waxa kooxdaasi si fudud looga heli karaa qaybta 'Favorites' - Eeg sawirka hoose.

8. QOL CUSUB:
Waxaa suurtagal kuu ah in aad qol cusub samaysid, kaas oo aad mas'uuliyadiisa adigu yeelan doontid, waxaad mas'uul ka noqon doontaa dhammaan wax kasta oo ka yimaada qolkaas. Haddaba haddii aad rabtid in aad samaysid qol cusub, guji batoonka 'Create Group', kaddib raac xeerarka shaashadaha halkaas kasoo bixi doona. Marka la sameeyo qol ama markasta oo la doono waxaa qof kale lagu casumi karaa in uu qolka kusoo biiro, si taas loo sameeyo guji batoonka 'Invite'.

8. Waxaa xusida mudan in codka ay maqlayaan, qoraalkana ay arkayaan dhammaan dadka ku jira qolka. Waxaadna ogaataa in aad mas'uul ka tahay ficil kaaga, ama waxa uu sababo ficilkaagu, sidaas daraadeed waxaa haboon in aad si mas'uuliyadi ku jirto u adeegsatid barnaamijkan. PalTalk waa barnaamij yeelan kara faa'iidooyin farabadan haddii si cilmiyayasan loo adeegsado. Waxaad samayn kartaa qol la isku dhaafsan karo cilmiga, waxaad dadka uga faa'iideyn kartaa aqoonta aad u leedahay wax dadka anfacaya, adigoo gurigaaga jooga ayaadna cilmiga gaarsiin kartaa meel fog. Waxaa kale oo xusid mudan in barnaamijkani uu halistiisa yeelan karo, sidaas darteed, waxaan muhiim ah in aad ogtahay qolka aad geleysid waxa uu ku saabsan yahay.


Adeegsiga Noocii Hore ee PalTalk

Marka la soo rogto baraanmijka PalTalk, waxa uu ka muuqan doonaan shaashada guud ee kambuyuutarka (ama Desktop) - eeg sawirka hoose..

Haddaba si aad u adeegsatid Paltalk, raac habkan:

1. Marka hore soo diyaari barnaamijka PalTalk:

  • Guji All Programs > paltalk > Paltalk
  • ama Laba-jeer-oo-xiriir ah guji magaca 'PalTalk ee ka muuqda shaashada kambuyuutarka [ama desktop] - Eeg sawirka sare.

2. Waxaa markaas furmi doona shaashada hoose, taas oo ah meesha lagu qori doono magacii naanaysta ahaa ee aad hore u samaysatay, kaddib guji 'Sign On'. - Dabcan naanays cusub ayaad samaysan kartaa haddii aadan hore barnaamijka uga samaysan.

3. Waxaa soo bixi doona shaashada hoose, guji barta ay shaashadaas kaga qoran atahay 'Groups' - waa haddii aad rabtid in aad ku biirtid kooxaha markaas kujira barnaamijka.

4. KOOXAHA:: Waxaa markaas soo bixi doona shaashada hoose oo ah qaybta laga heli karo kooxaha markaas kujira khadka. Qayb kasta waxa ay ka kooban tahay kooxo, inta kooxood ee qaybtaasi tahayna waa tan ku hor qoran magacyada kooxda. Haddaba laba-jeer-oo-xiriir ah Guji kooxda aad rabtid in aad dhegeysatid ama hadalkooda ka qayb qaadatid. Tusaale ahaan guji meesha ay ku qoran tahay:
"By Language / Nationality / Other"
- qaybtaas waxaa badanaa laga helaa goobo ay Soomaalidu macluumaadka isku dhaafsadaan.

5. KUBIIRIDDA QOLKA:: Shaashada markaas soo bixi doonta waa tan laga xulan karo qolka la rabo in lagu biiro ama la dhegeysto. Qolkasta waxaa ku hor qoran inta qof ee markaas ku jira. Haddaba laba-jeer-oo-xiriir ah guji qolka aad rabtid. Tusaale ahaan guji:
Somali Islamic's Ahlusuna waljamacah center.

6. GUDAHA QOLKA: Marka la dhex galo qolka, waxaad arki doontaa in dhanka midig ee shaashada barnaamijka ay ku taxan yihiin 'naanaysaha' dadka markaas kujira qolka. Qofka ugu sareeya liiskaas ayaa ah kan markaas hadlaya - waxaana lagu gartaa cod-laliyaha kuhor qoran magaca . Waxaa kale oo suurtagal ah in qoraalada si toos ah loogu qori karo barnaamijka dhankiisa hoose.

Haddii aad rabtid in aad ku hadashid barnaamijka:
. Waxaad u baahan tahay cod-tebiye (Microphone) iyo saamacad (Speakers)
. Si aad u hadashid guji (oo hoos u hay) batoonka 'Ctrl' (ee teebka kambuyuutarka)  - waxaad hadli kartaa marka ay naanaystaadu ugu kor marto liiska.

7. Waxaa xusida mudan in codka ay maqlayaan, qoraalkana ay arkayaan dhammaan dadka ku jira qolka. Waxaadna ogaataa in aad mas'uul ka tahay ficil kaaga, ama waxa uu sababo ficilkaagu, sidaas daraadeed waxaa haboon in aad si mas'uuliyadi ku jirto u adeegsatid barnaamijkan. PalTalk waa barnaamij yeelan kara faa'iidooyin farabadan haddii si cilmiyayasan loo adeegsado. Waxaad samayn kartaa qol la isku dhaafsan karo cilmiga, waxaad dadka uga faa'iideyn kartaa aqoonta aad u leedahay wax dadka anfacaya, adigoo gurigaaga jooga ayaadna cilmiga gaarsiin kartaa meel fog. Waxaa kale oo xusid mudan in barnaamijkani uu halistiisa yeelan karo, sidaas darteed, waxaan muhiim ah in aad ogtahay qolka aad geleysid waxa uu ku saabsan yahay.

Waxaa iskusoo dubaridey:
Maxamed Cali
MPLS, MN, USA
somalitalk@hotmail.com

 

Fadeexada Paltalkga: iyo Dulmiga Walaasha Muslimada ah

AKHRI QISADII PALTALK

Carruurtaada u Akhri Qisadii ku dhacday gabadhii yarayd.... Guji


KHATARTA INTERNETKA::: DIGNIIN KATIMID INTERNETKA OO KUSOCOTA AABAYAASHA IYO HOOYOOYINKA SOOMAALIYEED IYO GUUD AHAAN SOOMAALIDA


COMPUTERKAAGU MA KU XIRAN YAHAY INTERNETKA ... AKHRI HALKAN


SOMALI CHAT


Soomaalida Minneapolis oo $160,000 ugu Deeqay Mashruuca Abuubakar
Soomaalidii xalay isugu timid mu'tamarka ka socda Minneapolis ayaa mashruuca Abuubakar u ballan qaaday in..
Guji... Sept 6


. Passward : Qofna ha'usheegin, weligaa iyo abidkaa.
. Username & Email: oo qura isticmaal marka aad kujirtit qolka kaftanka (chat)
. Cinwaankaaga: Weligaa qof ha'ugusheegin Internet-ka dhexdiisa.
. Email aadan garanayn: meesha iyo qofka soodiray hadii aad hishid , tirtir adiga oo aan furin. Waxaa lagayaabaa in uu kulifaaqanyahay cudurka Kambiyuutarka burburiya.
. Qoraalka aad kuqortid Internet-ka, xusuusnow in aysan ammaan ahay ama xafidnayn oo ay dadka udhexeeyaan.
. Taxadar markasta oo aad Internetka dhex-mushaaxeysid.
. Ballan meel cidla'ah weligaa hakula dhigan qof aad ku kulanteen Internetka.
. Hubsiinyo hal baa lasiistaa ee ogsoonow. Hana Ilaawin tala saarka Rabi.
. Tababar carruurtaada si ay u ahaadaan kuwo ka badbaada khataraha Internetka.

. Taariikhdii Imaamul Bukhaari
.
Taariikh-dii Imaamul Muslim

(C) SomaliTalk.com | Daabacaad:: September 4, 2004