SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - NAIROBI

C/LAAHI YUSUUF OO LOO DHAARIYAY MDFKMG:::

SomaliTalk.com | Nairobi | Oct 14, 2004

DHEGEYSO WARBIXINTII VOA EE MAANTA:::
 




C/lahi Yusuf: xafladii dhaarta(Sawirka AP)

Maanta (14/10/2004) ayaa C/laahi Yuusuf Axmed loo dhaariyeye madaxweynaha Soomaaliya. Xafladaas oo ka dhacday garoonka weyn ee kubada ee Moi, madaxada dalaka ka soo qayb galay waxaa ka mid ah: Djibouti, Yemen, Rwanda, Kenya, Uganda, Rwanda,  Nigeria. [Madaxweyne Mwai Kibaki (Kenya), Olesegun Obasanjo (Nayjeeriya), madaxweyne Ismail Omar Guelleh (Djibouti), madaxweyne Ali Abdallah Salleh (Yemen), madaxweyna  Paul Kagame (Rwanda), madaxweyne Yoweri Museveni, madaxweyne kuxigeenka Koonfur Afrika Jacob Tsuma, Ra'iisul waasaaraha Tanzania Frederick Sumaye iyo madaxweyne kuxigeenka Suudaan Osman Tah. Xoghayaha ururka Arab League Mr Amir Musa iyo madaxkale.]

21-madfac ayaa la riday xafladii dhaarta.

Munaasabadaas waxaa ka soo qayb galay Soomaali aad u farabadan oo deggan Kenya.

Dhanka kale waxaa lagu soo weriyey in magaalada Muqdisho hadda uu qiimaha Hubku hoos u dhacayo.

Maalinta Jimacada waxaa la qaban doonaa kulankii IGAD oo ku saabsan Soomaaliya, waxana uu kulankaasi ka dhici doonaa Hoteelka Grand Regency Nairobi.

Dhanka kale warbaahinta Kenya waxa ay weriyeen in la adkeeyey ammaanka magaalaada nairobi oo ay Soomaali aad u farabadni kusoo qulqulayaan si ay xaflada dhaarta madaxweynaha uga qayb qaataan, ciidamada dharcaddka Kenya ayaa shalay ku mashquulsanaa hubinta ammaanka garoonka dhaartu ka dhici doonto, waxa kale oo aagaas lagu soo daayey eyda urisa babaanada..

Magaalooyinka Qurbaha ee la qorsheeyey in xaflad weyn lagu dhigo waxaa kamid ah Minneapolis oo ay Soomaalidu isugu iman doonaan xarunta 'Minneapolis Convention Center 5:00pm-11:00pm waqtiga Minneapolis.


KUMANAANKUN OO QOFOOD OO IS KUGU JIRA XIDHIBAANO SAXAFIYIIN IYO DADWAYNE IYO DIBULUMAASIYIIN SHISHEEYA AYAA KU SOO QULQULAYA GOOBTA LAGU CALEEMO SAARI RABO MADAXWAYNE CABDULAAHI YUUSUF

axmeddheere65@hotmail.com Axmed Muuse Cabdulle(Idaawaqaca) Nairobi,Kenya

Kumanaan kun oo qofood ayaa ku sii qulqulaya garoonka Kasaraani Istaadiyoom oo ah goobta lagu caleemo saarayo Madaxwaynaha Jamhuuriyada Federaaliga Ku meegaarka Ee Soomaaliya Madaxwayne Cabdulaahi Yuusuf Axmed, 

Dad badan oo soomaaliyeed oo iskugu jira Xidhibaano Aqoonyahano Siyaasiyiin horoo caana Ganacsato Dhalinyaro iyo Dhalaankii aan iyagu ku Caqliyeeysan Nidaamka Doowladnimo ayaa wadooyinka waaween Ee Magaalada Nairobi ku Ciidaya oo sameynaya Damaashaad ay ku taageerayaan Madaxwaynahooda Cusb wallow aysan ogeen waxa ay kala kulmi doonaan Dowlada Cusub, 

Dhinaca Kalle waxaa la filayaa in ay ka soo qayb galaan Madaxwaynayaal gaaray ilaa iyo 10 Madaxwayne iyo Dubulumaasiyiin kaloo badan oo Beesha Caalamka oo dhan ka socda Si walba xaalku ha ahaadee waxaad moodaa in Maanta si aada loo Camiri doono Garoonka iyadoo ay dadku si aada iskugu Cariirinayaan Baabuurta loo Yaqaanoo TX iyo Mataatuuda oo soomaalidu u taqaalo B.Lka, 


C/LAAHI YUSUF OO KU GUULAYSTEY MADAXWEYNAHA SOOMAALIYA

Hadba waxii ka soo kordha waxaan idinkugu soo gudbin doonaa Wararkeena Danbewaloow laga yaabo in ay dib udhacdo oo waxaan wararka ukla Tabinayaa idaacado dhawr ah waxaadna si toosa Ugala Socon Kartaa Idaacada .hornafrik.iyo Isswiss Radio oo aan Filayo in aad si toosa uga Bogan Doontaan iyo Wabseedka..

FAALLO::: Saadaal laga bixinayo Qofka uu C/laahi Yuusuf u magacaabi Doono Ra'iisul Wasaaraha Somalia.

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 14, 2004


WARAR GOOS GOOS AH::::
»Wakiil kamida Wakiilada Barakaad oo Caawa lagu toogtey Muqdisho
»Waa sidee Dareenka Dadka Reer Nairobi ee Codbxintii MDFKMG
»Khamiista oo La Caleema Saari DOono C/Laahi Yuusuf
»Dr Cabdi Fitaax: Waxaan wax ka qaban doonaa dhismaha isbitaalada
»Xuskii shanaad ee Naadiga Saxaafadda Soomaaliyeed
Dhammaan ka akhri halkan...

Ururka DDP, Beesha Cabdi Koombe, Jaaliyadda Malaysia, Jaaliyadda London Ontario oo Taageray Dawlada Cusub
Qoraalada hambalyada iyo taageerada ah...
ka akhri halkan...  Oct 13

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com
 
Allah Is Great
TAARIIKHDA ISLAAMKA
Silsiladda Taariikhda Islaamka
Hordhac | 1aad | 2aad

Qore:Shiikh C/risaaq Macalim


Dadweynaha isugu yimid xafladii dhaarinta 14/10/2004 Nairobi:

Madaxweynaha Soomaaliya, Abdullahi Yusuf Ahmed, dhanka midig, oo uu dhaarinayo afhayeenka baarlamaanka, Shariif Hassan Sheikh Aden, khamiis, Oct. 14, 2004, Nairobi,Kenya | Sawirka AP

C/lahi Yusuf Axmed, Madaxweynaha la dhaariyey [sawirka standard.



kaah



HTML CD