SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK -  WARAR

WARAR GOOS GOOS AH::::
  • MID KAMID AH WAKIILADII SHIRKADII AL-BARAKAAD OO MUQDISHO LAGU DILEY
  • Waa sidee Dareenka Dadka Reer Nairobi ee Codbxintii madaxweynaha Dowladda federaalka KMG ah ee Soomaaliya
  • Dr Cabdi Fitaax Macalin Husen Waxaan wax wayn ka qaban doonaa dhismaha isbitaala
  • XUSKII SHANAAD EE NAADIGA SAXAAFADDA SOOMAALIYEED
 MID KAMID AH WAKIILADII SHIRKADII AL-BARAKAAD OO MUQDISHO LAGU DILEY ASAGOO KASOO BAXAY SALAADII CISHAHA:::

WQ. amiinkhasaaro yuusuf <amiinkhasaaro@hotmail.com> Muqdisho

WAR DEGDEG AH::: Oct 13, 2004::: Waxaa caawa  magaaladda muqdisho lagu diley mid ka mid ah mikiilayaashii shirkaddii al barakaad oo lagu magacaabo Cabaas Cabdi Jimcaale,  waxaa la dikey waqti uu caawa ka soo baxayey masaajid salaadii cishaha ka dib. Waxaa wararku tibaaxeen in marxuumka ay dileen koox dabley ah oo ku sugeysey masaajidka agtiisa, waxaa kaloo la dhaawacay mid ka mid ah ilaaladiisa,  ila hadda lama garanayo sababaha loo diley wadaad kaas, wuxuu dilkani ku soo beegmay xilli saddex barri ka hor la doortay madaxweynaha soomaaliya.


Waa sidee Dareenka Dadka Reer Nairobi ee Codbxintii madaxweynaha Dowladda federaalka KMG ah ee Soomaaliya

Anab Mohamoud Abdulle <canabmumtaz@hotmail.com>

 
Magaalada Nairobi oo ay ku sugan yihiin soomaalida aad u badan oo isku jira ganacsato,kuwo u yimid dhoof,kuwo deegaan ahaan u jooga,arday iyo waliba qaar u yimid shirka kana kala yimid wadamada gudaha iyo dibada ayaa ah meel ka duwan aragti ahaan Doorashadii Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmad,goobaha kale ee ay soomaalida ku nooshahay dalka dibadiisa ama gudahiisa sababta oo ah waxay indho ahaan iyo dhaga ahaanba kaga dhawaayeen  kumanaanka soomaaliyeed ee ka fog shirka dareenkooduna waa mid kala duwan siyaabo kala duwana leh.
 
Laga soo bilaabo bilowgii shirka ee Eldoret iyo ilaa haddadan waxaa waxay dadka Nairbo kala barteen siyaasiyiin badan oo ku sugnaa shirka,waxayna keentay in ay dareemo kala duwan ka qabaan ama ay ka sii faaleeyeen qaabka ay kala noqon karaan marka ay xil qabtaan qaarkoodna ku tilmaamayay in xil aan loo dhiibin maadaama sida ay u arkaan ay yihiin kuwa dagaalka sababay.
 
Maalintii ay bilaabatay codbixinta doorashada madaxweynaha qofba mid ayuu madaxa u saarayay in uu helayo xilka adag ee madaxweyne,qaar ka mid ah dadweynaha oo goob u ahaa goobta codbixintu ka dhacaysay qaar kalena ay kala socdeen TV_yada STN iyo RTD ayaa markii ay dhamaatay codbixintii doorashada wareegii ugu dameeyay uuna hogaaminayay C/llaahi Yuusuf Axmad waxay abuurtay jawiyo kala duwan.
 
 
Habeenkii doorashada markii ay dhamaatay meelo badan oo ah Deegaanka islii lagama seexan iyadoo baabuur lagu xiray codbaahiyeyaal laguna lamaaniyay heesihii wadaniga ayaa laga maqlayay meelo badan iyagoo ku wareegayay magaalada.dadkana waxay iskugu hambalyeeynayeen Hambalyo dowladda soomaaliya u dhalatay.
 
 
Dareenka ay ka muujiyeen dad badan Madaxweynenimada C/llaahi Yuusuf Axmad.
 
Qaar waxay ku faraxsanaayeen in ay somaaliya dhibka ka baxayso cidii doontaaba madax ha u noqotee(xitaa ajnabi)kana wayn tahay maslaxadda soomaaliyeed iyadoo sameeyaynayay dabaaldagyo nabadeed oo ay ku muujinayeen sida ay ugu farxeen in la soo afjaray shirkii daba dheeraa si ay u yaraadaan xadgudubyo badan oo soomaalida Nairobi kuwa kale ee aduunkaba laga galo.Ilayn dowlad xumi xitaa waxay dhaantaa dowlad La'aan.
 
Kuwo Kale ayaa ka xumaa in uu madaxweye Noqdo C/llaahi Yuusuf (Kenyanka markii ay damcaana in ay u hambalyeeyaana la dagaalayay)Waayo hadaladda laga hayo sida ay hadalka u dhigeen una sheegeen somalitalk ayaa ahaa kuwo lidi ku ah qaranka soomaaliyeed iyo Nabad ka dhalata soomaaliya waxayna intaas ku dareen in godob badan laga tirsanayo haday ahaan lahayd siyaasiyiin u dhashay PL,Dalka la baxay Somaliland iyo hadalo kale sida Argagaxisada waa in lala dagaalamo la saaxiibka Itobiya oo ay ku tilmaameen cadawga soomaaliyeed dhamaantood marka la isku darana ku sheegayay in aysan u suurta gali karin Corneylka in uu hogaamin karo dalka ma ahan C//laahi yuusuf laakiin kuwa la mid ah oo dhan kaga soo horjeeday in ay qabtaan hogaanka dalka.
 
Balse guud ahaan marka la isku daro waxaa badan inta danaynaya in la helo amaan iyo xasilooni ku dhisan cadaalad waayo dhibka dowlada la'aaneed ee ka jira soomaaliya saamayn wayna ku yeeshay soomaali meel walba oo ay joogto ayaa ah mid ka dhigaya in la teegeero Dowladda ka dhalata shirkan muddda ka socday dalkan,iyadoo waliba ay beesha caalamku diyaar u tahay in ay soomaaliya xiligan taageeraan,waana middas mida ay baddi dadka reer kenya ee soomaalida ahi qabaan si guud markaan warbixintan uga sameeyayna ay iisoo baxday arrintan.
 
 
Ka Qaybgalka Munaasaba Caleema saarka Madaxweynaha Dowlada F.KMG C/llaahi Yuusuf Axmad iyo soomaalida Nairobi.
 
Dadweynaha ku nool Magaalada Nairobi  oo siyaabo kala duwan usoo dhaweeyay doorashadii madaxweynaha jamhuuriyadda Federaalka KMG ah ee soomaaliya ee axadii dhacday ayaa bari waxay isku diyaarinayaan in ay ka qaybgalaan caleema saarka madaxweynaha dowlada KMG C/llaahi Yuusuf Axmad.
 
Suuqyada waawayn ee ku yaala xaafadaha soomaalida ee islii ayaa waabariga bari Albaabada loo laabayaa sida balanta ah iyadoo la wada aadayo munaasabada caleema saarka  madaxweynaha oo horay soomaalida loogu casuumay in ay ka soo qaybgalaan,waxaana socda olole iyo isku diyaarin munaasabadaas.
 
Mar aan booqday maanta galinkii dambe suuqyadaas waxa ay ganacsato iyo dadka daganba aad u hadal hayaan in soomaaliya ay guul u tahay in ay ka gudubtay caqabadihii shirka hor yaalay muddo laba sano ahna ka socday dalka kenya in ay ka soo baxdo dowlad iyo madaxweyne si cad loo doortay qaabkay doontaba ha ku timaadee.
 
Maxay ka Aaminsan yihiin Dhaarinta.
 
Dadka ayaa ku kala duwan aragti ahaan Dhaarta Barri maanta mar aan la kulmay mid ka mid ah dadkaas ka qabgalkiisa dhaarinta Madaxweynaha ayaa yiri horta maxaa lagu dhaarinayaa C/llaahi Yuusuf Diin ahaan.isagoo intaas ku daray sida uu hadalka u dhigay in muusigii lagu saaray calanka soomaaliya markii C/laahi lagu dhawaaqay in uu yahay Madaxweynaha soomaaliya uu ahaa mid aan ahan kii astaanta u ahaa calanka soomaaliya ee lagu yiiqanay,waxa uu intaasi ku daray in xiray goobtyiisa shaqo laakiin uusan aadin doonin goobta caleema saarka.
 
 
Badi dadka soomaaliyeed ayaa qaba in ay ka qabgalayaan si ay aduunka ugu muujiyaan taageeradooda iyo baahida ay u qabaan Dowlad ka hana qaada dalkooda ka dib dhowr iyo toban sano oo aysan jirin dowlad dhexe,waxayna diyaarsadeen boorar ay ku qoran yihiin hadal murtiyeedyo kala duwan sida  ay ii sheegeen dhamaantoodna ka hadlaya sida ay u danayanayaan dowlad soomaaliyeed.
 
Ugu dambayntii munasabada caleema saarka oo bari ka dhacaysa halkii ay ka dhacday codbixnta doorashada madaxweynaha ee garoonka kasarani ayaa waxaa ka soo qaybgalaya madaxweynayaal ka tirsan ururka midnimada Afrika, madaweynayaasha wadamada urur goboleedka IGAD,jaamacada carabta,wakiilada shirka ee Midawga Yurub,Qm,Mareykanka iyo wadamo kale,waxaa ka soo qaygalaya dhaarinta madaxweynaha ee bari dadweyne aad u badan,waxaana si toos ah looga daawan karaa STN,RTD iyo qaar ka mid ah TV yada kenya iyo kuwa Carabta.

Anab Mohamoud Abdulle <canabmumtaz@hotmail.com> | Nairobi


WAXAA BARITO OO KHAMIISA LA CALEEMA SAARAYA MADXWAYNAHA CUSUB EE SOOMAALIYA CACDULAAHI YUUSUF AXMED  WAXAANA HORYAALO AMUURO ADAG

axmeddheere65@hotmail.com  Axmed Muuse Cabdulle(Idaawaqaca) Kenya,Nairobi

Madaxwaynah jamhuuriyada federaaliga ku meel gaarka ah ee soomaaliya Mudane Cabdulaahi Yuusuf Axmed ayaa Maalinka Khamiista ee Taariikhdu Tahay 14 l bisha 10 ee Ogtobar lagu caleemo Saarayaa Magaalada Nairobi , 

Waxaa caleemo saarka Madaxwaynaha ka soo qayb gali doono Madaxbadan oo aduunka kakala socda iyo Dadwayne Gaaraya ku dhawaad 10.000 kun oo qofood xidhibaanada Doowlada Federaaliga ku meelgaarka ah ee Soomaliya , 

Dhinaca kale Madaxwaynaha Barito Xilkiisa loo dhaarin doono ayaa maalmahan waxa uu magaalada Nairobi kulamo is dabo jooga kula lahaa madax badan oo dunida ka tirsan sida Jaamacda Carabta Midoowga Afrika Midoowga Yurub Mareykanka iyo Siyaasiyiin Soomaaliyeed  isaga oo ay ujedadiisu tahay in hore loo sii qaado howlaha Nabada , 

Madaxwaynaha waxaa horyaala amuuro adag oo ay ka mid tahay amaanka iyo dhaqaalaha oo aad  ulita iyo in hogaamiyaasha kooxaxa uu ku qanciyo in doowladiisa ay aqbalaan  

Dhibaatda ugu wayn waxa ay ka taagantahay cida loo magacaabi doono raaysul wasaaraha oo ay hungiri ka qabaan dhamaan hogaamiyaasha siyaasada soomaalidu in loo magacaabo , 

Intii aysan bilaaban doorashada Madaxwaynaha maalinkii Axada waxaa la dhariyay Utartamayaasha Jagada Madaxwaynaha waxa ayna ku dhaarteen in ay Hubkooda wareejin doonan lana shaqayn doonaan Ninkii la doorto, 

Laakiin kulan  ka dhacay Aqalka Madaxtooyada ee wadanka Kenya oo la iskugu yeeray dhamaan Ragi looga awood roonaaday Xilkas waxaan iyagu imaan Dr Cabdi Qaasin Salaad Xasan Madaxwaynaha Dowlada Ku Meelgaarka ah iyo Maxamed Cumar Xabeeb Maxameddheere iyo Al Xaaj Muuse Suudi Yalaxow iyo Sheek Maxamed Yasiin Ismaaciil oo iyagu ka mid ahaa ragi lagu maquuniyay Kasaraani istadiyom oo ah goobti Doorashada Madaxwaynaha  

Hadaba madaxwaynaha Barito la dhaarinayo oo maalmahaan aad moodo in u wado Din u heshiisiin iyo kulamo gooni gooni ah oo uu la leeyahay Hogaamiyaasha siyaasada ayaa laga sugayaa in uu waajibkiisa uguto si daacada oo waliba waxaa la filayaa in uu dhawaan xal kama danbeys ah ka gaaro in uu magacaabo raysul wasaare awoodiisa siyaasadeed leh oo aan aheen nin uun lagu doorto waxa uu leeyahay hub badadan  hadanba la arki doonee sida xaalku noqdo


Dr Cabdi Fitaax Macalin Husen Waxaan wax wayn ka qaban doonaa dhismaha isbitaala

axmeddheere65@hotmail.com Axmed Muusse Cabdulle(Idaawaqaca) Kenya,Nairobi

Dr Cabdi Fitaax Macalin Husen Waxaan wax wayn ka qaban doonaa dhismaha isbitaalada Iskuulada Hayadaha Dowlada iyo dhamaan adeega guud ee Bulshada soomaaliyeed ka maqan
 

Dr Cabdi Fitaax Macalin Huseen oo ah madaxa shirkakada Muflax Export&Import Kboo hada Booqasho ku jooga wadanka keenya Gaar ahaana magaalada Nairobi ayaa faalo ka bixiyay qaabka oo doonayo in uu doowlada cusub ul shaqeeyo hadee buu yiri soomaalidu ka shaqeyaan nabada iyo is xaqdhoowrka , 

Dr Cabdi Fitaax Macalin Husseen waxa uu sheegay soomaaliya in ay soomartay burbur dhinac walba leh uuna lumay adeegii dadwaynaha iyo kii doowlada loon baahanyahay in dib loo nooleeyo 

Dr Cadi Fitaax Macalin Xussen waxa uu sheegay in uu wado Labo shirkadood oo Soomaliya ka kaalmeeynaya dhinaca dhismaha guryaha xafiisyada iyo dib u dhiska dalka Dr Cabdi Fitaax Macalin Husseen waxa uu saxaafda u soo ban dhigay Sawiradan isagoo runtii ay Wariyaashii goobta joogay aad ula yaabeen dhismayaal cajiiba oo goobta lagu soo bandhigay  

Dr CabdiFitaax Macalin Hussen waxa uu sheegay in uu taagrayo doowlada Soomaaliyeed hadii ay nabada iyo xasiloonida ka shaqeeyso isagoo sheegay in manta looga baahanyahay aqoonyahnka soomaaliyeed in uu dalkiisa ku la soo laabto aqoontii uu dibadaha ka keenya waana waxanagu kalifay ayuu yiri in aan keeno shirkadahan si aan dalka iyo dadka soomaaliyeed dhismihiisa uga qaybqaadano. 

Dr Cabdi Fitaax Macalin Husseen waxa uu sheegay in shirkadahan xaruntoodu tahay wadanka Imaaraadka Carabta isagoo saxaafada hor dhogay Waraaqihii cadeeynayay in ay ka howlgalayaan soomaaliya balse ayuu yiri wax walba waxaa asl ama saldhig u ah nabada ayuu yiri 

Waxaan wax wayn ka qaban doonaa dhismaha isbitaalada Iskuulada Hayadaha Dowlada iyo dhamaan adeega guud ee Bulshada soomaaliyeed ka maqan


XUSKII SHANAAD EE NAADIGA SAXAAFADDA SOOMAALIYEED

W/D:- Faarax Maxamed Cali
Email: farahblue_545@hotmail.com 

Waxaa maalintii shalay ahayd isla xarunta Naadiga Saxaafadda Soomaaliyeed lagu qabtay sannadguuradii 5-aad ee ka soo wareegtay xilligii la aasaasay naadiga Saxaafadda Soomaaliyeed ee ku beegan 14/10/1999, inkastoo laba maalmood laga soo mariyay xafladdaan maadaama la isku diyaarinayo RAMADAAN.

Xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa waxaa ka soo qaybgalay inta badan raggii hore ee saxaafadda Soomaaliya caanka ku ahaa ka hor intii aanay dhicin dowladdii Maxamed Siyaad Barre.

Waxaa halkaas hadal gaaban ka soo jeediyay Eng. Mukhtaar Xasan Maxamuud wuxuuna sheegay in ujeedooyinka loo aasaasay naadiga saxaafadda ay tahay isku keenidda dhamaman bahda saxaafadda Soomaaliyeed isagoo sheegay inay arrintaasi ku guulaysteen, wuxuu sidoo kale sheegay in saxaafadda ay haatan ka madax bannaan tahay maamullada isla markaana ay tahay haya’dda keliya ee xilkeeda gudatay muddadii ay socdeen dagaallada sokeeye, isagoo sidoo kalena dardaaran buuxa u soo jeediyay dhamaan bahada saxaafadda, isagoo carrabaabay inay ku amaanan yihiin gudaha xilkooda ayna iska ilaaliyaan khaladaadka dhici kara. Waxaa sidoo kale xafladdaasi ka hadlay madax ay ka mid yihiin: agaasimihii hore ee Warfaafinta Mudane Sheegoow, isagoo isna caddeeyay in naadiga Saxaafadda uu ku guulaystay hadafkii loo dhisay ee ahaa tababarka suxufiyiinta da’ yar ee Soomaaliya, waxaa isna halkaasi ka hadlay Cumar Sheekh Aadan oo isna ka mid ah ruug-caddaayaasha Saxaafadd ee Soomaaliya, waxaana taariikh yar kaddib uu ardayda nadiga saxaafadda kula dardaarmay in ay ka fogaadaan waxyaabaha keeni kara khaladaadka.

Munaasabaddaas waxaa ku lifaaqnayd shahaado bixin iyadoo arday dhameysatay koorisyo kala geiddan la guddoonsiiyay shahaadada saxaafadda ee Naadiga saxaafadda Soomaaliyeed, waxaana haddii aan soo qaadanno qaar ka mid ah magacyadii ardaydii qalin jabisay ka mid ahaa: Daahir Xuseen Xasan, C/qaadir Maxamed Axmed, C/qani Nuur Aadan, Fartuun Xasan Maxamuud, Fadowso C/llaahi Maxamed, C/raxmaan Shariif Maxamed, Faarax Maxamed Cali, Shaakir Maxamed C/lle, Faarax Cilmi Xiddigoow, Canab Maxamed Cabdi, Yurub Rashiid Sheekh, Farxiyo Maxamed Maxamuud, Zam-Zam Axmed Maxamed iyo Maria Maxamuud Xassan.

Marka loo fiiriyo qaybaha kale ee saxaafadda waxa uu naadigu kaga duwan yahay isagoo tababarro ay bixinayaan khubaro ku xeel dheer arrimaha saxaafadda ay siiyaan ardayda ku soo bar-baareysa saxaafadda Soomaaliya, iyadoo taasna ay uga hambalyeeyeen qaybaha kala geddisan ee saxaafadda caalamka oo ay hor kacayso Hey’adda BBC-da iyo weliba IFJ.

Waxaa sidoo kale naadiga ku baheysan saddex jiil saxaafadeed oo kala ah raggii soo aas-aasay saxaafadda Soomaaliya, kuwii bartay saxaafadda ka hor dhicitaankii dowladdii Maxamed Siyaad Barre, kana soo shaqeeyay T.V-gii Soomaaliaya, Wargeysyadii iyo waliba Idaacaddi Qaran iyo sidoo kale dhallinta da’da ya ee ku bar-baareysa saxaafadda, waxaana naadiga saldhiggiisa ugu weyn uu ku yaallaa magaallada Muqdisho, iyadoo xarumo ku kala leh Gobollada Qaarkood ee dalka Soomaaliya, waxaana marka laga soo tago tababarka saxaafadda uu sidoo kale naadigu bixiyaa tababarrada Computer-ka, barashada Internet-ka iyo waxyaabaha ku Milan iyo qaybo kale oo muhiim ah.

W/D:- Faarax Maxamed Cali
Email: farahblue_545@hotmail.com 

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 13, 2004


Ururka DDP, Beesha Cabdi Koombe, Jaaliyadda Malaysia, Jaaliyadda London Ontario oo Taageray Dawlada Cusub
Qoraalada hambalyada iyo taageerada ah...
ka akhri halkan...  Oct 13

bosasoSidii Boosaaso Looga Soo Dhoweeyey Doorashadii Madaxweynaha DFKMG
Iyo madaxweyne Kuxigeenkii oo PL oo lagu wareejiyey Xilka MDGPL... Guji...

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com
 
Allah Is Great
TAARIIKHDA ISLAAMKA
Silsiladda Taariikhda Islaamka
Hordhac | 1aad | 2aad

Qore:Shiikh C/risaaq Macalim
kaah



HTML CD