SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - FAALLO
 
Daabaco Boggan | Print

SHIRKA DIB U HESHIINTA OO DHAMAADAY MUDDO LABA SANO AH KA DIB, HEERARKII UU SOO MARAY MUDADAAS LABADA SANO AH OO KOOBAN.

Anab Mohamoud Abdulle
SomaliTalk.com | Nairobi
canabmumtaz@hotmail.com

 
QAYBTA 1AAD.
 
Iyadoo maanta ay ku beegan tahay sanad guuradii labaad ee shirka dib u heshiisinta soomaaliyeed oo muddo laba sano ah ka socday dalka kenya,haatana uu dhamaaday mar hadii ay baarlamanka soomaliyeed doorteen madaxweyne ayaan dadweynaha soomaaliyeed ee daneeya shirka doorbidnay inaan waxyar dib u xasuusino dhacdooyinka shirka soo maray oo kooban mudadii uu socday ilaa dhamaadkiisa oo ah marka la caleema saaray madaxweynaha Jamhuurida FKMG ah ee soomaaliya Mr.Abdullahi Yussuf Ahmad.
 
QAYBTA 1AAD.
 
ELDORET WAA MAGAALO CAYNKEE AH:::
Shirka dib u heshiinta soomaaliyeed oo bilwday sanadkii labada kun iyo labada"15/10/02"waxaa lagu qabtay magaalada Eldoret oo galbeed ka xigta magaalada Nairobi 300km.shirkan waxa uu daba socday kii lagu qabtay jamhuuriyada jabuuti oo lagu soo dhisay Dowadi KMG ahayd ee Soomaaliya bishii ogosto sanadkii labadii kun"29/8/2000"xiligaas oo shirkii wadama IGAD oo ka dhacayay magaala madaxda suudaan ee Qarduum, Dowlada KMG ah ay codsatay in la sii wado dadaalka dib u heshiisiineed ee soomaaliya xiligaas oo ay jireen khilaafyo xoogan o ka dhex jiray Dowladii KMG ahayd ee siyaasiyiinti ka soo horjeeday.

Wadamadii IGAD ayaa isku raacay in shir guud la qabto oo la iskugu keenayo dhamaan dhinacyada kooxaha siyaasadeed iyo Dowlada KMG ah si xal guud loo helo Dowlada loo la isku raacsan yahayna loo dhiso,figaradaas ka dib waxay wadamadii IGAG isku raaceen in shir wayne dib u heshiisiin ah lagu qabto Dalka kenya  sidaasna lagu wargaliyay dhamaanba siyaasiyiinta in ay ka soo qayb galaan.

[President Moi]
Moi

Bishii Ogtobar shan iyo tobankeedi sanandkii labada kun iyo labada"15/10/02"ayaa shir lagu qabtay magaalada Eldoret oo dhowr boqol km u jirta magaalada Nairobi waxaana si rasmi ah u furay shiraas Madaxweynihii hore ee Dalka kenya Mr.Daniel Arab Moi.waxaana ka soo qayb galay siyaayiinta soomaaliyeed oo xubno ka tirsanaa Dowlada KMG ah.

Waraysigii SomaliTalk ee Cali Maxamed Xasan oo ku magac dheer Cali-Daacuun Guji......

Waxaa dhacday in dad badan oo sheeganayay in ay matalaan beelaha ay si xad dhaaf ah u buuxiyeen madasha shirka,waxaana dhibaato ka timid sidii loo kala saari lahaa ergada saxda ah ee ka timid dalka,kala yaraynta ergada lagu hayay waxaa qasaare ka soo gaarayay mid ka mid ah ergadii oo loo diidanaa in uu ka mid noqdo liiska ergada oo lagu magacaabo Cali Daacuun waxa uuna ka jabay gacan kadin markii uu iska soo tuuray daar laba dabaq ah oo ku taalay hotelka sirigwa oo ay daganaayeen ergada iyo siyaasiyiinta.

Isla bishii ogtobar 27-keedi hogaamiyayaasha siyaasada ayaa saxiixay heshiis xabad joojineed,isla bishii ku xigtay waxaa jabiyay heshiiskaas qaar ka mid ah hogaamiyayaasha siyaasadeed ee ku sugnaa shirka,waxayna qaarkood dib ugu laabteen dalka soomaaliya.

Isla bilahaas uu  shirka bilawga ahaa waxaa ku geeriyooday hotelka uu ka dhacayay shirka Abuukaate Raajis oo ka mid ahaa ergadi shirka dib u heshisiinta ku sugnaa,waxaa kale.

Muddo ka dib waxaa shirka loo soo raray bishi febraayo ee sanadkii labada kun iyo sadaxda xarunta college-ka isgaarsiinta ee kenya ama Mbagathi,oo isna magaalada u jira 20km.waxii xiligaas ka dambeeyay waxaa abuurmay isbahaysiyo siyaasadeed iyo bulsho rayid iyadoo lagu dhawaqay ururka G8,oo ay samaysteen qaar ka mid ahaa ururka SRRC oo siyaasad ahaan is fahmi waayay.

Muddo yar ka dib markii la soo raray shirka waxaa geeriyooday Gen maxamad Nuur Gabyoow oo ahaa siyaasi caan ka ahaa somalia kadib markii xanuunsanaa mudo isbitaalna ku jiray.

Qaar kale oo ka mid ah ayaa ku biiray urur la baxay samata bixin oo ay ku midoobeen dooxada jubba iyo kuwo ka soo tagay G8 iyo RRA "Xaabsade"Xubnihii ka socday Dowlada KMG ah ayaa shirka dib ugu laabtay kadib markii dowladu ay amar ku siisay in aysan tagin shirka maadaama heshiiskii laga weeciyay siduu ahaa iyo qaabkii qorashaha ahaaba,xubanahaas oo ku adkaystay in ay ka qaybgalayaan shirka maadaama shirku yahay dib u heshiisiin sidaasna uga qaybgalay.

Khilaafkaas ayaa dowlada KMG ah laba qayb ka dhigay iyadoo Xasan Abshir iyo Cabdala Deerow oo kala hogaaminayay labada Golle ee Dowladda ay ku waayeen xilalkoodi sidaasna dowladda KMG ah ay ku noqotay laba garab,Madaxweynaha ayaa kadib u soo magacaabay labada golle labada mas'uul oo matala Dowladda KMG ah,xubnahan oo ku tala jiray in ay xaadiraan shirka ayaa waxaa ka hor yimid kuwii horay u joogay iyadoo maalin maalmaha ka mid ahna ay dhacday in dhacdo xun ka dhacday kulankii ergada shirka oo ay goobjoog u ahaayeen wakiilada IGAD ee shirka,sidaasna uu ku baaqday shirkii,xubnahan oo kala ahaa Maxamad Abdi Yuusuf Iyo Cali baashi waxaa ku adkaatay ka dib in ay ka qayb galaan shirka iyadoo IGAD ay muhiimada siisay dadkii wax badan shirka ku sugnaa balse sharci ahaan looga adkaaday in ay matalaan TNG.ugu dambayna waxaa shirkaas u matalayay TNG Maxamad Abdi yuusuf Iyo Cali Bashi.

Bishii November waxaa lagu dilay Nairobi Sh,ibraahim oo ka mid ahaa xildhibaanadii Dowladii KMG ah u joogay shirka Darwalkisi iyo nin kale oo ganacsade ah,kadib markii maydkooda laga helay meel dhowr talaabo u jirta xarunya shirka ee Mbagathi,dhacdadan ayaa lagu soo xiray nin MP ka ahaa Kenya oo soomaali ah,kadib markii lagu tuhmay sida ay sheegeen goob joogayaal lana dhowr bil ah xabsi ahna la sii daayay kadib markii ay booliisku shegeen in ay ku wayeen wax dambi ah sida ah sida ay sheegeen sidaasna uu kiiskaas ku burburay.

Bishaas ka dib waxa uu shirku ku soo beegmay sanad guuradiisi 1aad iyadoo aysan jirin wax u qabsoomay dadka soomaaliyeed mudadaas sanadka ah,iyadoo waliba ay u dabaal u dageen qaar ka mid ah ergada soomaaliyeed ee ku sugnayd shirka,Halka qaar kalena ay ka walwalsanaayeen furada ka luntay dadka soomaaliyeed mudada sanadka ah.si kastaba ha ahaatee munaasabadaas oo aan  ahayn mid sidaas u sii wayn waxaan kula kulmay goobtii ay ka dhacaysay dad qaba figrado kala duwan,waxaana ka hadlay Mowliid macaane Morgan iyo Qaar ka mid ah ergada shirka ee xiligaas.

Waxii ka dambeeyay mudadaas waxaa la sameeyay in guddiyo kala duwan oo ay ka mid ahaayeen guddiga dastuurka,dhaqaalaha,dib u heshiisiinta,Hubka dhigista iyo Xalinta Khilaafaaka oo mid walba gooni uu u soo diyaarinayay barnaamijyadaas iyadoo mid walba uu ka koobnaa xubno isku dhaf ah oo ka kala socday ergada,bulshada rayidka iyo siyaasiyiinta.

Guddiyadaas ayaa qabtay howlo kala duwan.oo midba uu kan kale uu ka adkaa haba ugu sii adkaado kii samaynta dastuurka oo uu muran badani ka dhashay,iyadoo la keenay muddo hal mar todobo buug ka wada hadlaya dastuurka KMg ah ama Axdioga KMG ah. 

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 15, 2004


Dr.C/qaasim oo ka Digay in caalamku dayaco Dowladan Cusub
»GEN. CALI XAASHI BARAALE: "14-sano ayaa naga khasaartay ...
»Sidee u arkeen waddamada Carabta Doorashadii….
»Gen.Galaal "ciidanka xooga waxaa diyaar u nahay dowladda cusub…"
»Nin ganacsade ah oo lagu dilay deegaanka Afgooye..
»Banaan bax aan sidaas u weyneyn oo looga soo horjeedo..
»Warqad qoraal ah oo loo diray C/llaahi…
»Dadweynaha ku nool degmada Cadaado oo taageeray doorashada …
Dhammaan ka akhri halkan... Guji Oct 15

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

Allah Is Great
TAARIIKHDA ISLAAMKA
Silsiladda Taariikhda Islaamka
Hordhac | 1aad | 2aad

Qore:Shiikh C/risaaq Macalim

kaah


C/Laahi Yuusuf oo Dhoolacadaynaya kaddib markii uu ku guulaystey madaxweynanimada Soomaaliya, 10/10/2004 [sawirka AFP].. Guji...

TAARIIKHDA C/LAAHI YUUSUF.... GUJI..

 

C/RAXMAAN JAAMAC BARRE

C/raxman Jaamac  iyo Tartanka Madaxweyne
Qiimaynta Tartamaha
Guji

IBRAHIM MAXAMED-DEEQ
Saxafiga Siyaasiga Noqday
Waraysigii iyo warbixintii Fahad Yaasin Xaaji..  Guji
C/LAAHI YUUSUF AXMED
C/Lahi Yuusuf & Tartanka Madaxweyne
Waa qormadii qiimeynta tartama-yaasha... Guji
MENGISTU vs SOMALIA
Madaxweyne Gaaray Hadafkiisii iyo Khudbadiisii Xusuusta Reebtay.. Guji
C/QAASIM SALAAD XASAN
C/Qasim & Tartanka Madaxweyne: Madaxweynaha D.K.G. waxaa Guji
YAA MADAXWEYNE KU HABOON
fahadWaa barnaamij taxane ah oo ku saabsan ragga ugu cad-cad Shirka Kenya Guji
 



HTML CD