|
Waxaa taariikhdu
markay ahayd 19.10.2004 lagu qabtay magaalada Århus
caasimada labaad ee Denmark shir ballaadhan oo
Jaaliyada Soomaaliyeed ku muujisay taageerada iyo
dareenkooda ku wajahan dawladda cusub ee Soomaaliya.
Kulankaan oo ay ka hadleen dad badan wuxuu ahaa
shirkii ku bilaabmay kuna dhamaaday si qiiro iyo
dareen aad u fog xambaaran oo aan halkan lagu soo
koobi karin. Dadka ka suulin dareenkaasi qof
walbaana wuxuu gurigiisii iyadoo qof walba wejigiisu
bedalan yahay oo aad moodidi in ay galeen hawl ay ku
rafaadeen.
Dad badan oo hadal u kacay ayaa indhahooda waxaan
ilmo ahayn laga waayey, wuxuu ahaa dareen dadkoo
dhan wadaageen. Hooyo Cambaro oo u kacday inay hadal
halkaa ka jeediso oohin iyo muraaradilaac waxaan
ahayn laga waayey, kadibna makrafoonkii looga
miciinay.
|
|
Xidhiidhiyaha kulankan
Cadirashiid Sheikh ayaa ugu horayn ku soo dhawayey
Cadisalaan Sheekh Maxamuud oo ka warramay
marxaladihii Soomaaliya soo martay waqtigii
gumaysiga, dagaalkii labaad ee aduunka, kala
qaybintii dadka Soomaaliyeed iyo xorriyadiiba.
Dr. Maxamed Duacaale ayaa ka waramay xaalado badan
oo dadka dareenkoda aad u kiciyey, isagoo yidhi qof
Soomaalieed oo maanta aan dhibaataysanayn majiro,
Dr. Maxamed wuxuu ku soo halqabsaday qoraanaga
caanka ah ee Soomaaliyeed Nuuradiin Faarax iyo
marxalado uu la ooyey, inagana innagama reebana
dareenkaa, iyadoo aynu aragno dhibaatada dadkeenii
iyo innagaba ina haysta.
Sheekh Cabilcasiis oo halkaa ka hadlay ayaa ka
waramay Hijradii nabigeenna NNKH, wuxuu u hijrooday
nabigeenu siduu u heli lahaa meel dawlad Islaam ah
ay ka abuuranto oo lugaheeda isku taagto, halkaa
waxaan ka qaadanaynaa buu yidhi inaan Diintu dawlad
ka maarmi karin, dawladuna diin ka maarmi karin.
Waxaa fiican in dadku fahmaan faa'iidada ay dawladu
u leedahay...
Daahir Cabdalle Maxamed ayaa isaguna si aada uga
hadlay dhibaatada soo waajahday ummadda Soomaaliyeed
ee qurbaha, khaasatan qoysas, isagoo khaasatan ka
hadlaya Denmark wuxuu soo qaatay tusaalooyin.
|

Cabdirashid Sheekh |
|
Kullankan ayaa ahaa
run ahaantii mid si dhab ah uga tarjumayey guud
ahaan dareenka iyo dhibaatooinka ay tabanayaan qurba
joogta Soomaaliyeed oo aan odhan karno waxaa soo
wajahay dhibaato wayn dhinacyo badan leh, khaasatan
qoysaska iyo dadka maatada ah aad ay dhibaatooyinku
aad u saameeyeen, waan arrintaa ta kalliiftay in dad
badan qarsan kari waayaan dareenkooda.
Hadaba waxa is waydiin mudan yey wax ka tabayaan
dadka Soomaaliyeed ma qabiil, ma hogaan xumo ku
habsatay mise qurbaha ayaa dhagar gaar ah ka galay?
Sua'aalahaa, jawaabtoodu waa kuwo u yaala dadka
Soomaaliyeed, waxaana odhan karnaa waxay xal heli
karaan marka ay jawaabo sax ah u helaan su'aalahaas.
Wa-billaahi tawfiiq
Jaaliyada Soomaaliyeed ee Århus, Denmark |
Diplomacy Cabdillahi |