SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
FAALLADA - SOMALITALK
FAALLADA WARGEYSKA ::: EDITORIAL::::
Daabaco Boggan | Print


Faallada Bishaana Waxaan ku soo Qaadanaynaa Samsam Axmed Ducaale iyo Hargaysa

Qaybaha Qormada:

» Hordhac
» Samsam Axmed Ducaale oo La soo Helay Cadeymo Sheegaya in ay Tahay Ardayad 
»Samsam Axmed Ducaale iyo Hargeysa
»Xaaladda caafimaad ee Samsam Axmed Ducaale oo laga dayriyay
»Marwo Caasha Axmad Cabdalla ka hadashay arrintan Zamzam, iyo Dadka soomaaliyeed ee NBI oo iswaydiinaya sababta looga hadli waayay arrinta Gabadha.

Hordhac:

Waxaan kusoo qaadanaynaa Faalada Somalitalk bishaan “ Dulmiga Samsam Axmed Ducaale iyo waxa la gudboon Maamulka Daahir Riyaale Kaahin iyo shacabka reer SL” waxaan ku faalaynaynaa dhacdo layaab leh oo ka dhacday Ismaamulka la magac baxay Soomaaliland, dhac dadaan oo ka fajicsay dhaga badan oo maqlay warar kii kusaab sanaa gabadha yar ee la yiraahdo Samsam Axmed Ducaale, gabadhaas yar oo safar ku gaartay magaalada Hargaysa iyadoo u socotay Abtigeed oo ku jira Maamulka halkaa ka dhisan.

Inta aynaan u gelin faallada bisha, waxaan akhristayaasha halkan ugu soo bandhigeynaa erayadii qaraabada iyo macallimiinta Samsam iyo waraaqaha cadaynaya da'deeda, waxaana arintaas idiin soo gudbinaya weriyaha SomaliTalk ee Boosaaso C/fatax Jaamac oo la kulmay qaraabada iyo macallimiinta gabadha, taas oo ay u cadeeyeen in da'deedu tahay 16-jir ahna ardayad dhigata dugsi sare. Waana kan C/fatax oo arintaas ka warbixinaya:

Samsam Axmed Ducaale oo La soo Helay Cadeymo Muujinaya in ay Tahay Ardayad 

Samsam Axmed Ducaale

Eeg Sawirka oo Weyn: Caddeynta Warqadda Dhalashada

"Waxaa noo suura gashay in aan helno waraaqihii aqoonsiga iyo sawiro ay leedahay Samsam Axmed Ducaale oo ah Ardayad dhigan jirtay Dugsiga Sare ee Imaamu Nawawi, waxaa noo suuru galiyay waraaqahaa in aan helno walaalkeed Duuje [Axmed Maxamud Ducaale "Duuje"] oo ay samsam yihiin Ilmo adeer waxaana arinataa uu iigu sheegay in Gabadha samsam ay u tagtay Hargaysa Abtigeed ayna aad ula yaabeen arintaan la sheegayo in ay Samsam ku eedeysan tahay, waxaa kaloo aan wax ka weydiiyey Duuje meesha arinta Samsam ay hadda marayso waxa uu ii sheegay in ay wali leeyihiin eedeysane weeye Samsam doonaysay inay shirqoosho madax ka tirsan Maamulaka Somaliland, Waxaa kaloo oo ii sheegay in ay Hooyadeed hadda ku sugan tahay Hargeysa markii halkaa ay Tagtayna lagu Xiray lakiin hadda ay soo daayeen.

Waxaa kaloo noo suuro gashay in aan wax ka weydiino Samsam arinteeda Maclimiinteeda u dhigi jirey Iskoolka oo aan kula kulmay Iskoolka ayna ii sheegeen in ay Samsam ahayd Gabar aad u edeb badan, Arintaana ay la yaaban yihiin ayna ka codsanayaan Maamulka Somaliland in ku dhaqmaan Hab Bini'aadannimo oo ay Samsam Xoriyadeeda u soo celiyaan.

Waxaa iyagaa Baaqyo kala duwan ka soo saaray Arinta Samsam hay'adaha xuquuqda Insaanka iyo Hay'adaha Arimaha Bulshada (NGO) ee fadhigoodu yahay Puntland ayagoo ugu baaqay Maamulka Somaliland in ay Samsam u soo celiyaan Xoriyadeedii Magdhawna ka bixiyaan wixii gaaray."
[C/fataax Jaamac | SomaliTalk | Boosaaso | somalitalkpl@yahoo.com].

Faallada Bisha November:

Eeg Sawirka oo Weyn: Warqadda Sugitaanka:

  • Samsam iyo Safarkeeda Hargaysa
    Samsam oo ah gabar da' yar ayaa xiligii fasaxii sannad dugsiyeedka [Bishii Siddeedaad ee Sannadkan 2004] waxa ay u safartay Hargeysa halkaas oo uu ku nool yahay nin Abtigeed ah oo ka tirsan maamulka Somaliland, kaddibna waxa ay ka habawday gurigii abtigeed.

Si kastaba arintu ha ahaatee gabadhaas waxay tag tay guriga Madaxwayne ku xigeenka Axmed Yuusuf Yaasiin, halkaas oo ay kala kulan tay dhibaatooyin cul culus, oo isugu jira Kufsi, jirdil, qaawin iyo xabsi. [Eeg baaritaankii hore]. 

Hadaba hadaan ku bilowno Faaladeena war-saxaafadeedkii kasoo yeeray Maamulka lamagac baxay SL, Taliyaha Booliska, Maxamed Cige Cilmi, oo yiri gabadhu waxay u socotay inay wax shirqoosho, gashaantina ma’ahan!!! 

Aragtida Warka Taliyaha Booliska 

Waxaan ka soo xulanaynaa Qodobadan kooban … 

  • Inuu cadeeyey gabadhu inay gaartay guriga Yaasiin.
  • In da’deedu tahay 20 iyo kawayn
  • Inay u socotay inay wax shirqoosho.
  • Inay sheegtay in ay ka danbeeyaan niman wax dililahaa.
  • Inaan la kufsan lana fara xumayn.
  • Inuu isagu goob joog ka ahaa hortiisana madaxa looga qaawiyey.
  • Isla markaana in labaaray oo aysan inan ahayn naag wayna ay tahay oo nin leh.
  • Inay xiran tahay maxkamadna la saari doono.

Waxaa mudan in la is Waydiiyo Su’aalahaan 

Wuxuu ku adkaystay Taliyuhu in gabadha da’deedu tahay Labaatan jir iyo ka wayn, halkaana waxaan ku haynaa sida idiin ka muuqata sawirka gabadha iyo dhalashadeedaba, xiligay dhalatay, hadaba haday beenowday taliyaha warkiisii  maxaa lagudboon Maamulka SL iyo shacabkiisa?. 

Gabadhu sidee bay ku gaadhay guriga Yaasiin oo usii dhaaftay waar diyihii?, Waardiyaha sidee buu ku sii daayey gabar aysan aqoon ama aysan garanayn ina aayaheeda?, dabcan Soomaali waa istaqaan nin walba waxaa waar diyeeya kuwa dad u xiga e ?. 

Haday gabadhu wax dililahayd aaway waxay wax ku dili lahayd ama ay isku difaaci lahayd haday ku guul daraysato shirqoolkeeda?. 

Macquul matahay inay gabar yar oo intaa leeg lala  socod siiyo hebel iyo hebel ayaa ninkaas dilaya ee naga sii horay oo noo sii sahami ama sii hilaadi?. 


...maxaa loo baaray gabadha hadaan la kufsan?...


Wuxuu taliyuhu sheegay inaan gabadha la fara xumayn hadana wuxuu sheegay in dhakhtar la geeyey oo aan la kufsan, inana aysan ahayn, hadaba waxaa is waydiin leh maxaa loo baaray gabadha hadaan la kufsan?, maxay tahay waxa keeni kara in la fiiriyo gabadha  Laguna xadgudbo xurmadeeda?. 

Inay xiran tahay oo la horkeeni doono Maxkamad, hadana ay kasoo wareegtay  mudadii la xiray bilo, arintaana illaa hadda aan wax ka sheeqeeyey aysan jirin, waxaana warar nagu soo gaarayaan in gabadha caafimaadkeedu u xun yahay, hadaba Maamulka SL iyo shacabkiisa ma Islaanimaa?, ma xaqbaa?, ma Soomaalinimaa?, ma banii aadanimaa? in gabar yar oo wadankeedii joogta saas loo dhibaateeyo Maamulka SL-na ku daawadaan Mudane iyo Marwaba?. 

Hadaan si fiican ugu fiirsano hadalka Taliyaha waxaa noo soo baxaysa ugu horaytiiba Masuuliyad xumadiisa iyo xataa inuusan garanayn in waxaan uu ku hadlayo ay yihiin wax kayd u ah oo duuban, waxaa kaloo hadalkiisa kujira is burin, waxaase taas ka sii yaab badan aaway Qaybihii kale ee Booliiska maxaa ninka ugu sareeya Kiiska ka bilaabay oo hortiisa loogu baaray gabadha, miyeysan jirin danbi baaris wax layiraahdo?, hadayba jiri lahayd arintu waa siduu hadalka u dhigay e. 

Waxaase isku fuuqsaday waxaas oo dhan markuu been cad ka sheegay gabadha da’deeda oo uu ku ad kays tay inay naag wayn tahay  sida hada idiin muuqatana ay ku cadahay gabadha da’deeda iyo xiliga ay dhalatayba, taasi miyeysan ahayn khiyaamo sharci iyo shacaba, waxaana u daynaynaa arintaan xukunkeeda 1-Maamulka Riyaale 2- Shacabka reer SL 3- Umada Soomaaliyeed. 


...sidee lagu aamini karaa ninkii falkaan gaystay isla markaana ah xaakimkii...


Hadaba waxaan horay loo arag arintaan oo kale hadana ka dhacday xubnihii ugu sareeyey Maamulka guryahoodii, waxayna u muuqataa in dulmigaan markuu dhacay uu Maamulku waayey xal kale oo uu sumcadiisii ku ilaalin karo illaa inuu kusii dhaco danbigii hore mid ka wayn oo ah in gabadhu u rahmanaato - waa lagu dulmiyey sidaa daraadeed xal kale mahayno inaan sii kordhino ma’ahane. Waxaan uga goleenahay hadalkaan waxaa kasoo yeeraya Maamulka in gabadha Maxkamad lasoo taagi doono taas oo ka cajabisay umada Soomaaliyeed waayo waxaan marna dhacayn anaa ku dulmay, kuna xiray, kuguna dacwinaya hadana ku xukumaya. Aaway Gabadha Qareenkeedii u doodi lahaa, sidee lagu aamini karaa ama raali loogu noqonayaa ninkii falkaan gaystay isla markaana ah xaakimkii.

Mudane Axmed Yuusuf oo arintu Gurigiisa ka dhacday 


Axmed Yuusuf Yaasiin

Daahir Riyaale Kaahin

Hadaan u leexano xagga Axmed Yuusuf Yaasiin, oo dad badan is waydiinayaan maxaa ku kalifay nin wayn oo xilkaas ku magacaaban inay ka dhacaan gurigiisa falka intaas leeg?, maxaase aamusiyey oo uu uga hadli la’yahay dhacdadaan taariikhiga ah?, waxaa noo soo baxday markaan baaray arintaan inuu yahay Yaasiin nin Suufi xag jira oo Qubuura galeen ah, wadaada iyo dadka u nasab sheegtana aad u neceb, taasina ay kaliftay dhacdadaan foosha xun oo markuu arkay gabar indha xiran uu muujiyey nacaybka uu u qabo wadaada uuna ku cabiray inuu ku fasaxay gabadhii waardiyihiisii, arintii markay faraha kabax dayna loo rogay in la bad baadiyo sharafta Yaasiin meeshii loo hiilin lahaa Samsam. 

Aan kaba dhigno inuu necebyahay qolo khaasa amaba jecelyahay Yaasiin, suurta gal matahay ninka ku magacaaban xilkaas wayn ee ah Madaxweyne Kuxigeenka, ama noqon kara hoggaankii berri, inuu kula kaco falal kan oo kale ah gabar yar oo ilmi hiisa oo kale ah.

Haddaan kaba soo qaadno inay arintu u dhacday sida loo sheegayo, Mudane Yaasiin gabadha tuhmay inay shirqool ahayd soo ma ahayn inuu gabadha ku wareejiyo Hayadaha ku shaqada leh amaba uu abtigeed la xariiro, Maxaa kalifi kara inuu go’aan kaas dag daga ah qaato, Arinteena Xukunkeedu waa sidii tii hore oo kale. 

Saxaafada SL 

Hadaan jalleecno dhinaca Saxaafada SL oo runtii ku ka cay arin ka dhana saxaafada oo ah inay qariyaan oo aysan ka hadlin dhac dadaan wayn, oo mud nayn in aad looga hadlo xaqiiqadana ay raadiyaan kadibna ay umadda iyo Shacabka reer SL-ba usoo ban dhigaan sida wax u dhaceen, taasoo kalifi lahayd inuu san ku dhiiran Mudane Yaasiin arintaan haduu dareemayo inay ka danbayso Saxaafad xor ah oo ka turjumaysa Rabitaanka shacabkeeda, Ilaa hadana shacabka Reer SL waxay dhowrayaan kaalintii kaga aadanayd dowr kooda. 

Xisbiyada Mucaaradka 

Dhanka kalana Xisbiyada Mucaaradka oo sheegta haday qaban lahaayeen Talada wadanka inay iyagu dhaami lahaayeen Maamulka Mudane Riyaale & kii ka horeeyeyba, oo iyana af kooda xan jaysatay ilaa hadana wax war ah aysan kasoo bixin taasoo ceeb ku ah sida ururada Mucaaradka ah u shaqeeyaan taasoo ah inay arintaan oo kale xil iska saaraan oo baaraan xaqiiqadeena banaanka soo dhigaan, iyagoo ka helaya laba arimood oo muhiim ah inay dulmiga diidaan xaqana u hiiliyaan iyo inay ku kasbadaan kal soonida shacabkooda oo bari markii doorasho timaado ay ka guulaystaan dhanka ka soo horjeeda laakiin fursadaas waxay u muuqataa mid luntay labada dhinacna waxay u egyihiin kuwa isku mida. 

Haddaan isku soo xoorino waxaa muuqata in falkaan dhacay sida maamulku u sheegayana uusan xaqiiqo ahayn, arintaana waxay u muuqataa mid ay gaysteen Madaxwayne ku xigeenka iyo ilaaladiisa kadibna dowladii ay ku adkaatay inay dhabarka u ritaan ceebtaas wayn iyo inay maxkamad soo taagaan dadkii ka danbeeyey falkaan, ayna ka doorbideen inay difaacaan Yaasiin meeshii ay daacada u hiilin lahaayeen. Arintaan oo lagu soo xasuusanayo ku celcelinta SL ka go’eeda Soomaaliya, markii lagala doodana ay yiraahdaan waxaa nalagu dulmiyey Doladii Siyaad Barre, sidaa daraadeed mar danbe nala dulmin mayo, taasoo nasiib daro ah inay waxay ka cabanayeen ay iyaga laftigoodii ku kacaan. 

Maxaa la gudboon Maamulka Madaxwayne Daahir Riyaale Kaahin? 

  • Inay Samsam usoo celiyaan sharafteedii iyo xoriyadeedii oo ay ka sii daayaan xabsiga aysan mutaysan, caafimaadkeedana wax ka qabataan
  • Inay arintaan ka soo saaraan war-saxaafadeed cad oo xaq ah
  • Inay xilka ka xayuubiyaan Madaxwayne ku xigeenka Axmed Yuusuf Yaasiin
  • Inay Maxkamad soo taagaan cidkasta oo ka danbaysan falkaan si toos ah iyo si dad ban ba. 
  • Ugu dan bayntii inay ixtraamaan Diinta Islaamka kana dig toonaadaan ku xad gudubka shareecada iyo sharafta dad ka Islaamka ah, khaasatan dumarka oo Diintu xurma gooni ah siisay.

Maxaa lagud boon Guurtida iyo Cuqaasha SL, Shacabka SL, Saxaafada SL iyo Soomaalida kaleba?. 

  • Inay arinta Samsam Axmed Ducaale meel uga soo wada jestaan ayna ku wada dadaalaan sidii xabsiga dulmiga ah looga sii dayn lahaa.
  • Inay u gurmadaan gabadhaas yar caafimaadkeena ay xaqiijiyaan ayna xil iska saaraan sidii ay dhakhtar dag dag ah ay u heli lahayd.
  • Inaan laga aamusin arintaan wayn ee Saxaafada noocyadeeda kala duwan iyo umadda Soomaaliyeedba ay meel uga soo haraan Samsam arinteeda.
  • Inay ilaaliyaan dhaqanka suuban ee horay Soomaalidu u lahayd.

Hadda iyo Caafimaadka Samsam

Wararka ugu dambeeyey ee ka imanaya hargaysa ayaa tibaxay in caamfimaadka Samsam laga dayriyey, hadaba Cabdi Xasan oo ka tirsan bahda Somalitalk ee Muqdisho oo arintaas ka warbixnaya waa kan:
Xaaladda Caafimaad ee Samsam Axmed Ducaale oo Laga Dayriyay

Samsam Axmed Ducaale oo sidaan horeba baaritaan aan samaynay ku ogaanay in loo gaystay xadgudub aan la soo koobi karin oo isugu jira kufsi, jirdil iyo ku xabisid meel aad u liidata,ayaa garyaqaanada iyo hay,adaha u dooda Xuquuqda aadamaha oo ay hormuud ka tahay Raaqiya Oomaar waxay sheegayaan in Samsam ay lasoo gudboonaatay xaalad aad u adag iyagoo ka dayrinaya caafimaadka gabadhaas yar oo da,deedu tahay 16jir, islamarkaana ahayd ardayad dhigata Dugsiga sare ee Immaam Nabawi ee magaalada Boosaaso. Garyaqaanada udoodaya ayaa maamulka magaalada Hargaysa ka codsaday in xaaladda ay gabadhaasi ku sugantahay wax laga qabto, ayagoo walaac ka muujiyay madax adaygga ka imaanaya maamulka Hargaysa, oo ay ugu horeeyaan madexweyne ku xigeenka Somaliland Axmed Yaasiin oo sida laga warqabo sabab u ahaa silic-dilyada ku timid gabadhaas da'da yar ee sida kama'da ah u timmid gurigiisa.

Sidoo kale waxaa lanoo xaqiijiyay Samsam hooyadeed oo daba socota arrinta gabadheeda qudheeda markii hore la qabtay oo markii danbe damiin lagu soo daayay, haddana ay murugo la ooyayso guriga walaalkeed oo ah wasiir ku xigeenka Ciyaaraha Soomaliland. Garyaqaanadu waxay sheegeen tacadiga loo gaystay Samsam masuuliyadeeda waxaa dusha uridanaya Madexweyne kuxigeenka Somaaliland Axmed Yuusuf Yaasiin iyo Taliyaha Booliska Maxamed Cige Cilmi, ayagoo hore u codsaday inuu iscasilo Taliyaha booliska Somaliland maadaama uu hadalo beena ka sheegay xaqaa'iqa jira.

Samsam Axmed Ducaale oo 2 bilood iyo bar ku qabirnayd jaylka nadaafadda ka liita ee magaalda Hargaysa ayaa ilaa hadda helin maxkamad caddaalad ku dhisan oo si xaqiiqo ah u baarta tacadiga loo gaystay gabadhaas yar, sidoo kale waxaa hanjabaad iyo xarig loo gaysatay dad isku dayay inay ka hadlaaan xadgudubka lagula kacay Samsam, oo isugu jira ururo udooda xuquuqda banii'adamka iyo waliba dad si islaanimo ah isugu dayay inay gabadhaas ugu hiiliyaan.


Saro-Wiwa


Sani Abacha

Waxaa dad badan oo isku raaceen in arrinta Samsam caalamka iyo ummadda soomaaliyeed hagradeen, waayo dhacdadaas waa kasii xuntahay tii loo gaystay Saro-Wiwa-hii Nayjeeriya oo qaylo dhaantii ka dhacday xiligaas soo dedejisay Xukunkii qalafsanaa ee Sani Abacha.

Ken Saro-Wiwa hadaladiisii intii uu xabsiga ku jirey waxaa kamid ahaa: "Waxaa maxkamada saarani waa qaranka Nigeria, iyo inta hadda xakunta iyo inta gacan siisa. Ma ahi mid ka gabada ka hor imaanshaha caddaalad darida iyo caburinta. Militarigu arintan keligood kuma dhaqaaqin, waxaa gacan siiyay in badan oo siyaasiyiin ah, qareeno ah, xeer beeg ah, aqoon yahano ah iyo ganacsato, kuwaas oo dhammaantood isku qarinaya ayagoo sheeganaya in ay hawshooda gudanayeen, waa rag iyo dumar aad uga baqaya in ay surweeladooda ka dhaqaan kaadidooda..." [Eeg halkan].

Ehelada samsam ayaa iyagu aad moodaa inayba nolosha Samsam quus ka joogaan waayo waxa leeyihiin xitaa hadii xoriyadeedii loo soo celiyo nafisyan ayayba la qabsan karin dhaqanka iyo duruufaha ku gadaaman Gayigeenna.
[Cabdi Xasan Somalitalk.com | Muqdisho | Email: abdi172@hotmail.com]

Inta aynaan u gudbin gabagabada qormadan, waxaan dul mari doonaa in ummadeen ay weli ku hareen dad damiir leh oo ka gilgilanaya xaq darada - taas oo laga filayo gebi ahaan shacabka. Hadaba waa tan Canab Mumtaas oo ka tirsan bahda SomaliTalk ee Kenya oo arintaas warbixin kooban ka qortay:
Marwo Caasha Axmad Cabdalla ka hadashay arrintan Zamzam, iyo Dadka soomaaliyeed ee NBI oo iswaydiinaya sababta looga hadli waayay arrinta Gabadha.
 
Arrintan oo ah mid aad u fool xun dhawaana ka dhacday gobolada W/galbeed ee Soomaaliya ayaa dadka Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Nairobi iyo madaxda Soomaaliyeed oo aan ka wareystayba ku timaameen arrin aan la qaadan karin in gabadh intaa la'eg meel looga dhac, waliba iyadoo dadka arrintan ka dambeeyay aysan ahayn dad caadi ah ee ah dadkii sheeganayay in ay matalaan shacabka hadana u bareeray in ay caadifad kula dhacaan ruux si aan ula kac ahayn ugu yimid.
 
Casha Axmad Cabdalla oo ah Marwo ka mid ah BFKMG ah ee Soomaaliya una dooda xuquuda haweenka Somaliyeed ayaa ka mid ahayd xubnihii baarlamaanka ee arrintan ka hadlay, waxay ku tilmaantay arrintan mid lala yaabo, ayna u bandhigayaan hay'addaha u dooda xuquuda insaanka iyo kuwa u doodaba caruurta, waxayna intaasi ku dartay in sharciga lala tiigsado cidii dambigeeda lahayd arrintan si toos ah oo aan leexasho lahayn.
 
Marwo Caasha Axmad waxay intaasi raacisay in mas'uul sheeganaya in uu meel sare maamulka ka joogo in uu dhibaato intaas la eg kula kaco muwaadin Soomaaliyeed, oo aan waxba u dhibin, waxayna ugu baaqday in arrintan sida ugu dhaqsaha badan wax looga qabto, haddii faraha laga laabtana ay keeni karto in ay noqoto wax mar walba soo noqnoqda. Waxaa kale oo ay ugu baaqday in ay soo baaraan arrintan hay'addaha wadaniga ah ee u dooda xuquuqda muwaadiniinta Soomaaliyeed.
 
Qaar kale oo ka mid ah baarlamaanka ayaa laf ahaantooda la yaab ku tilmaamay in arrintan ay ku kacaan maamulka somaliland, madaxweyne ku xigeenka waxaa u furnaa ayay yiraahdeen waddo ah in uu wax waydiiyo inanta ka hor inta uusan ilaaladiisa ka adeejinin, mas'uuliyiinta waxaa lagu yaqaanay in ay ilaaliyaan sharafta muwaadiniinta iyo amaankoodaba, haddii ay bilaabayaan iyaga in ay burburiyaan sharafta shacabka, dhaawacna u gaysanayaan waa wax aan indhaha laga laaban karin, kuna taliyay waxgaradka iyo culumada deegaankaaas iyo guud ahaan dadka soomaaliyeed in ay arrintan wax ka qabtaan, iyagana balan qaaday in kala hadli doonaan dadka ay quseyso arrintan.
 
Mid ka mid ah Dhalinyarada Magaalada NBI oo arrintan ku tilmaamay arrin mucjiso, waxa uuna is waydiiyay in dadka Somaliland oo iskugu jira culumo, waxgarad, madax dhaqameed iyo, rag & haween, dhalinyaro iyo dad u dooda xuquuda insaanka waxa ay arrintan wax uga qaban la'ayihiin iyagoo waliba awooda, una ah goob joog, ma maamulka ayaa caburis ku haya oo aysan hor dhigi karin xaqiiqda, mase iyagaan kala jeclayn, waxa uuna ku tilmamay mid argagax leh oo u baahan in cadaalada la mariyo cidii gaysatay kana dambaysay falkan, haddii kale ay caadiyan iska noqon doonto haddii aan maanta wax laga qaban.
 
Ugu dambayntii dhacdadan waa mid aad looga xumaado, qof walba oo leh damiir islaanimo iyo somalinimo, waxayna abuuri  kartaa su'aal ah, maxaa intaas loo marsiiyay gabadhaas mar hadii aan laga helin wax dambi ah?Dadku miyaanay ahayn kuwo ku dhaqma diinta islaamka? mase waa kuwo iska sheegta? dadka deegaankuse maxay uga hadli waayeen arrintan naxdinta leh? intaas marka si dagan loo miisaamo waxaa soo baxaya in wax dambi ahi aysanba dhaceenhadii wax walba sida ay yihiin loo qaato looguna dhaqmo,waana mid dareen naxdin leh ku abuuri karta qof kasta oo arrintan maqla.
[Canab Mumtaz | Somalitalk | Nairobi | Email:  canabmumtaz@yahoo.com]

Gababago:

Isku soo xooriyoo, marka loo kuur galo dhammaan arimaha ku xeeran Samsam Axmed Ducaale waxaa ka soo baxaya in gabadhaas da'da yar ay safar caadi ah ku aadey meel kamid ah dalkeeda hooyo, safarkeeduna uu ahaa qaraabo salaan iyo in ay abtigeed xilliga ay iskuulka fasaxa ka tahay ku soo qaadato magaalada Hargaysa, kaddibna ay ka luntay halkii ay ku socotay oo tagtay guriga madaxweyne ku xigeenka SL, Axmed Yuusuf Yaasiin. Madaxweyne ku xigeenku gabadhii habowga ahayd ma hagine, wuxuu ku dalbaday ilaaladiisa, kuwaas oo meeshii ay uga naxariisan lahaayeen kula kacay falal argagax leh. Kaddibna loo gudbiyay Maxkamad uu qareen ka yahay isla qofkii dembiga ka galay, waa maxkamad aan ilaa hadda dhammaadkeedu muuqan, gabadhana aan loo ogolayn qareen madax bannaan ama xor ka ah gacanta maamulka, arintaas oo xad gudub ku ah xuquuqda bini'aadamka ka dhaxaysa, meel ka dhacna ku ah diinta Islaamka, oo aan boos ku lahayn dhaqanka suuban ee Soomaalida.

Samsam oo Xorriyada loo soo celiyo, isla mar ahaantaana ciqaabta la mariyay mid u dhiganta la mariyo intii falalkan argagaxa leh ka dambaysay, oo kuwaas la hor keeno maxkamad, ayaa maamulku ku heli karaa sumcad. Sii socodka arintan xorriyad ka qaadka ahna waxay sharaf dhac iyo sumcad xumo weyn iyo waji gabax ku noqon doontaa inta hadda ka tirsan maamulka, taas oo taariikhda u geli doonta.

Faallada Somalitalk ee Samsam

Waxii Talo iyo tusaale la xiriirta qoraalkan waxaa lagu soo hagaajin karaa:
SomaliTalk.com
Email: somalitalk@hotmail.com

###

ISha Sawirada:
http://en.wikipedia.org
http://yahoo.com Search
Http://google.com Search

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 5, 2004

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

Allah Is Great
CADAYMAHA SAMSAM

Eeg Sawirka oo Weyn: Caddeynta Warqadda Dhalashada

Eeg Sawirka oo Weyn: Warqadda Sugitaanka:


 



HTML CD