SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK  - MAQAAL
Daabaco Boggan | Print


MAALMULKA HARGAYSA, BBC LAANTEEDA AFKA-SOOMAALIGA OO ISKU BAHAYSTAY  XADGUDUBKA XAQUUQDA MUWAADINKA SOOMAALIYEED

 

Faysal Siciid Warsame

Email: Daljir_7@hotmail.com

 

Oct 22, 2004

  

Akhristoow Maaha maqaalkaygani mid aan si gaar ah ugu durayo, BBC iyo qaabka ay u shaqaynayso, balse waa mid ay kasbatay BBC iyo shaqaalaheeduba in aan wax ka qorno.

 

Ka gadaal markaan akhriyay Maqaalo lagu soo qoray Shabakadaha wararka qaarkood oo ku saabsan qadiyadda ZAMZAM AXMED DUCAALE, oo ah Gabadh Soomaaliyeed 18 Jir ah, ayay igu dhalatay inaan ku taageero qalinka bal in uu codkaygu taageero u noqdo Dhibanahaas.

 

Qadiyadani waa Dhacdo foolxun oo an wali hore looga arag mid la mid ah Gayiga Soomalida, sida laga wada dhereg san yahay arintani waxa ay dhacaday Badhtamihii bisha August Markaas oo ZAMZAM ay u socdaashay Magaaladda Hargaysa iyadoo ku socota Abtigeed Maxamuud Siciid Maxamed oo ah Wasiir ku xigeen maamulka Hargaysa ka mid ah, Gabadhaas Yari waxa ay ka codsatay wadihii Gaadhiga inuu geeyo Guriga madaxweyne ku xigeenka oo ay markaas ku khaldaysay Wasiir ku xigeenka.

 

Markii Wadihii Gaadhigu uu geeyay gurigii Madaxweyne ku xigeenka, oo Askartii ilaalada ahayd ay  waraystay  ka dib,  Askartii waxa ay Bilowday inay u hana janbaaan iyagoo handadaya, isla markaana mid ka mid ah Askartii ayaa ka dhuftay Xijaabkii ay Sidatay ZAMZAM, markaasna waxa ay bilowday inay iska caabido oo kab ayay ku halgaaday, askartiina hal mar ayay Gabadhii yarayd sidii shinida ku dageen.

 

 iyagoo garaacaya, waxaa soo baxay Madaxweyne Ku xigeenka Maamulka Hargaysa Axmed Yasiin Ducaalle, markii loo sheegay arinta, iyadoo loo raaciyay inay Tahay Argagixiso isaga dili lahayd, ma uu odhan war maxaad ku qabateen gabadhan yar, xitaa ma uu waraysan, isla markiiba waxa uu yidhi xidha oo geeya Saldhiga, intaa wixii ka danbeeyay ilaa wakhtigan hada aan joogno ZAMZAM waxa ay ku dacdaraysan tahay Xabsiyadda Hargaysa iyadoo waliba Loo  Gaystay Kufsi iyo Jidh dil ka baxsan Shareecaada islaamka iyo Dhaqanka Suuban ee Soomaliyeed, kaas oo Colaad kasta oo dhacda aan wax dhib ah loo Gaysan Jirin Biri Ma gaydada(Maatada iyo Caruurta).

 

Anigu Shaksiyan Markii aan Ogaaday arintan oo ah uun dhor maalmood ka hor markii Dadka u dooda Xuquuqda ee hargaysa la xidhxidhay, oo ahayd marka kaliya ee ay arintaasi banaanka u soo baxday, oo BBC ay ka hadashay. oo wariyaheeda Hargaysa Axmed Siciid Cige uu ka waramay Dad u dooda Xuquuqda oo hargaysa Lagu xidhay, sababta loo xidhayna ay tahay Qadiyada ZAMZAM, Balse Nasiib daro ay tahay in aanu ka waramin Arinta ZAMZAM iyadoo dhamays ah.  isagoo kaga Baxay kaliya waxa lagu eedeeyay Basaasnimo.

 

Arintan oo dad badani aanay Si wayn u dareemin ilayn  isha Kaliya ee Soomaalidu warka ka qaadato ayaa ahayd BBC, iyaduna waa BBC-ye waxa ay Saartay Buste qoyan oo kama ay hadlin arintan.

laanta Af-ka Soomaliga oo ahayd meesha kaliya ee ay umada soomaaliyeed u arkaysay inay tahay Dhexdhexaad, lagu kalsoonaan karo warkeeda,  ayaa hada waxa cadaatay inay u xuubsiibatay mid ka mid ah qabqablayaasha Dagaal ee dalka halakeeyay, iyadoo adeegsanayso Warbaahinteeda, ilayn hore ayaa loo yidhi “dhagax meel dhow ayuu ku dhacaa Dhawaaqna Meel dheer”.

 

BBC waxa laga rabay inay qadiyadan sida ay tahay uga hadasho iyadoo la rabay inay xitaa waraysato dhinacyadda ay arintani taabanaysay sida:- Madaxweyne ku Xigeenka, Ninkii ay u socotay ZAMZAM ee ahaa Abtigeed waa Wasiir ku xigeenkee, Waalidka ZAMZAM dhalay siiba Hooyadeed oo hada joogta Hargaysa, iyo ZAMZAM laf ahaanteeda, si loo ogaado Xaqiiqada Jirta, lakin ayaandaro ayay u tahay BBC inay ka gaabsatay arimahaas, Sow taasi marka cadayn mayso in BBC iyo Maamulka Hargaysa ay ku heshiiyeen  ku Xadgudubka Muwaadinka Somaliyeed.

 

Mar kaliya ayaa  Dareenkii Shacabka Waxaa  soo jiitay sidii ay  shabakadaha wararka Somalidu, uga  hadleen arintan  oo runtii aad loogu mahadiyey. Lana odhan karo waxay Buuxiyeen kaalintii ay Banaysay BBC.

 

Si hadaba aan u ogaado arintan waxa ka jira ayaan la hadlay Saaxiibo  iyo Asxaab  aan ku leeyahay hargaysa, min bilow ilaa dhamaadna  waxa ay ii xaqiijiyeen in ay arintaasi jirto, ayna tahay mid aad iyo aad looga xunyahay, falkaas waxashnimada ah, waxayna iigu dareen in waxyaalaha lala yaabay ay ka mid tahay, in Madaxweyne ku Xigeenku uu aaminsan yahay inay dilayso ZAMZAM, wuxuuna ku andacoonayaa in uu ku riyooday inay dili doonto Gabadh  yar oo ka imaan doonta bariga Somaliya.

 

Habada marka aynu eegno sida uu u hadlayo Masuulkaas waxa ay ka fogtahay Caqli  Saliim ah, runtiina Maaha mid looga fadhiyo qof darajada Madaxweyne ku xigeen ah inuu ku hadaaqo waan ku riyooday iyo hadalo khurafaad ah oo aad moodo in Habartii Shaqlan ahayd ay u soo sheegtay.

 

Waxkasta oo dhaca, Dhibaato Kasta oo umada kala gaadha, si kasta oo la isu colaadinayo, waxa dhaqanka soomaaliyeed ka fog, in Maxasta iyo Biri Magaydada la waxyeeleeyo, ku darsoo waliba dadku waa Abtiyo, Seedi, ilmaadeero walaal ah dhamaan waa ul iyo dirkeed.

 

Biyo Dhaca qoraalkayga,

 

Dhamaan shacabka reer Hargaysa, inta ay ku jirto diir damqanaya iyo ehelnimo waxaan idinka codsanaynaa inaad u guntataan sidii ZAMZAM AXMED DUCAALE loogu soo celin lahaa Xoriyadeeda.

 

Waxaan kale oo soo jeedinaynaa, Soomali way is wada ogtahay wax u kala qarsoon ma jiro, hadalada Hadaaaqa ah ee lagu majaro habaabinayo shacabka  ee la leeyahay waxay ahayd argagixiso iyo nin bay dili lahayd, war wax qarsoomi karaa ma jiraan in aanay ZamZam ahayn qof wax dilayana way cadahay, waayo dee qof da’diisu intaas tahay oo safar ah isla markaana aan aqoon u lahayn magaaladda ay soo gashay, waxa kaliya ee loo baahna waa in si degan loo baadho.

 

Ninkii ay u socotay ee la yidhi waa Wasiir ku xigeen ee Abtigeed ahaa isagana waxaan leenahay, waxaa nasiib daro iyo liidasho, iyo ihaano  kuugu filan sida caruurtaadii loo jirdilayo oo loo kufsanayo adiga oo soo taagan, oo aan ilaa hada hadal iyo wax ficil ah oo aad leedahay midna lagaa  maqal ilaa imika. Marka ilaahay hakuu naxaristo, wax jira ma tihide?

 

Waxaan ugu baaqaynaa  Maamulka hargaysa inay arintan si taxadar leh u eegaan oo fiiriyaan Cawaaqibka ay keenayso.

 

Shicibkani hore ayuu uga soo daalay in la isku diro oo hadalo loo kala qaado. Marka waxaan idinku baaqaynaa inaad sida ugu dhakhsaha  badan, aad ZAMZAM u siisaan Xoriyadeeda.

 

 

Shacabka Soomaaliyeed iyo dhamaan Shabakadaha warwararka Soomaaliyeedna waxaan ku Boorinayaa in aan laga daalin ka hadalka Arintan jeero aynu aragno in Qalinku wax xorayn karo.

 

BBC iyo Shaqaalaheeda waxaan leeyahay mar waxaad ahaydeen isha kaliya ee dadku wax ka qaataan, waxaad gaadheen heer qofku marka uu  war sheego la yidhaahdo BBC miyay Sheegtay  calashaan si loo Hubiyo in warkiisu sax yahay si kale hadaan u dhigno waxay ahayd kalsoonida shicibku u qabay BBC.

 

Maantana waxaan aragnaa inaad ka qayb qaadanaysaan Danbiyda Dalka ka dhacaya Kuwooda ugu foosha xun oo aad waliba lug toos ah ku leedihiin.

 

Idinkana waa BBC hadaad tihine intaas ayaa idiin ku filan waano, waxaana imaan doonta maalin ay umadu idin la xisaabtami doonto.

 

 

Faysal Siciid Warsame

Bosaso, Puntland

Somalia

 

Email:- Daljir_7@hotmail.com

             Hogolroob@hotmail.com  

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 22, 2004

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

Allah Is Great
 

Caddaymo ku saabsan da'da Samsam Axmed Ducaale... GUJI...
 

 




HTML CD