SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK  - MUQDISHO
Daabaco Boggan | Print


Waxaa la soo ogaadey in Axmed Yassin -waa madexwyne ku xigeenkee- uu yahay dadka lagu tilmaamo FOOXLAYAASHA, oo si wayn u neceb dadka ku dhegan xijaabka, sidaas awgeedna uu ka argagaxay Samsam oo xijaabnayd sidaas darteedna uu ugu dalbaday askar, askartiina ay Samsam fara-xumeeyeen
Oct 20, 2004

Maxamed Cige Cilmi, Taliyaha Booliiska Somaliland ayaa yirir: "Horta gabadhu Carruur ma ahan, waa naag xaas ah oo nin leh oo 20-jir iyo siyaado ah, 16-jir ma'ahan shaqona kuma laha...  Dhakhtarka waa la geeyay waxna waa laga soo waayey... Waa la i kufsaday ma ay dhehin.. Wasiirka wasaarada dhallinyada iyo isboortiga ayaa abtigeed ah... Maxkamad sharci ayaanu geyn..." waxana uusidaas sheegay waraysi uu la yeeshay Yuusuf Garaad..
Oct 22, 2004
"Samsam Axmed Ducaale waa ardayad 16-jir ah oo Dugsiga Sare ee Imaamu Nawawi, Boosaaso, hargeysa waxay u aadey Abtigeed" sidas waxaa yiri  Axmed Maxamud Ducaale "Duuje"..  
Nov 5, 2004

Gabar-ta yari waxa ay si khalad ah ugu dagtay guriga Madaxweyne ku xigeenka Axmed Yuusuf Yaasiin oo ay hareer joogan boolis tiro badan
Nov 18, 2004


Waxaan kamid ahaa askartii Samsam ku ilaalin jirtey saldhigga Dhexe  magacayguna waa  Xuseen Dalmar Ismaaciil, No. Askarnnimo waa 4483.
Nov 19, 2004
Looyarradii Difaacayey Samsam ayaa Maxkamaddii Ay Uga Doodayeen Iyagii Ku Xukuntay Midkiiba 3 Sanadood Oo Xadhig Ah, Xabsigana Loo Taxaabay...
Nov 24, 2004

Raaqiyo Oomaar ayaa shaaca auu la yeeshay VOA ku cadaysay in "Samsam ay Sheegtay in 6-nin oo ah Ciidanka nabad sugida ay Kufsadeen"
Nov 25, 2004

diridhabaMaxamed cabdi (Diridhaba) ayaa yiri: "Sam-Sam Waxay i xasuusisay 25 cisho oo ayaanu ku jiray Xabsiga dhexe ee Hargeysa"
Nov 27, 2004

cabdiwaaxidC/Waaxid Khaliif ayaa yiri "Dhibaatada Gaartay Samsam Dadweynaha Caadiga ah Shuqul kuma laha.."
 Nov 27, 2004

Dhibka SamSam Lagula kacay waa Tijaabo Bilow u ah Mujtamaca oo dhan waana cadowtooyo tii ugu waynayd
Canab Mumtaz

Maaha Dhacdo indhaha Laga Daboolan karo biri-mageydada Bahdeeda lagu ciqaabay, Samsam Ducaale... Xassan Mataan

Baaritaan ku saabsan Faraxumaynta iyo Xabsiga loo gaystay Samsam Axmed Ducaale iyo Dilkii loo gaystay Marxuum Cabaas Cabdi Cali.  

October 20, 2004

Waxaa noo suurtagashay inaan wax ka ogaano asbaabaha keenay in la xiro lana faro xumeeyo, waa sida haya,adaha xuquuqda Aadamaha udooda xaqiijiyeene, Samsam Axmed Ducaale oo ah gabar yar oo hadda madaxa la gashay 16 sano ayaa ilo kala duwan noo sheegeen in arinteedu madaxa la galayso oo ugaar tahay madaxweyne ku xigeenka Somaliland, taaso salka ku haysa kala afkaar duwanaasha Xagga diinta, haddaba waxan idiin soo koobin baaritankii waxa nooga soo baxay Sidatan:  

Samsam oo ah gabar ciyaalo madarisa oo ka timmid Gobalka Bari ayaa si kama ah u timmid guriga madexwyne ku xigeenka ayadoo moodaysay guriga abtigeed oo ah wasiir ku xigeen, haddaba waxaa dhacday in waardiyaashii guriga ay ugu yeereen madexweynaha ku xigeenka,taasoo ka fajicisay madexwyne ku xigeenka dabadeedna sas iyo baqdin ka qaaday aragtida gabadha maadaama ay xijaabnayd Samsam oo waliba indho shareernayd, ayadoo Axmed Yassin -waa madexwyne ku xigeenkee- uu yahay dadka lagu tilmaamo FOOXLAYAASHA, oo si wayn u neceb wadaadada dhalinyarada ah iyo kuwa ku dhegan xijaabka, ayadoo doodo iyo muramo badan ay isku hayeen wadaadaas.

Waxaana madexwene ku xigeenku si xanaaq iyo caro leh u amray in Samsam u baaritaan iyo xarig lagu sameeyo isagoo raaciyay waa mu,aamaraad la rabo in laygu khaarijiyo, Waardiyaashii oo amarkii kululaa ee madexwyne ku xigeenka fulinaya waxay gabadhii u gaysteen baaritaan naxariis daro ah iyagoo aakhirkiina ay faro xumeeyeen oo dhamaan wixii gabarnimo lahayd laga takhalusay, kadibna gabadhii si loo qariyo uurku taaladaas waxaa loogu marmarsiiyooday waxay rabtay inay khaarijiso madexweyne ku xigeenka, taasoo ka degi wayday dhamaan Soomaalida caqliga usaaxiibka ah waayo gabadh 16 sano jirta mu,aamaraad ay hindisi karto ayaa iska yar bay leeyihiin . 

Waxaa isku soo duubo dhacdadaas isugu biyo shubanaysaa -walow uuna amrin in la kufsado Samsam- madexweyne ku xigeenku inuu sabab u ahaa dhibka ku dhacay Samsam, maadaama loo baahnaa inuu si caqli saliima u yiraahdo adeer yaad doonaysay? maxaad usocotay? ee inuu kula galgasho wixii u dhexeeyay isaga iyo wadaadada ay kala fikirka ahaayeen una qaato qof isaga khaarijnaysa meesha ma oolin ayay dadka isku raaceen.  

Xagga Cabaas Cabdi Cali oo asbuucii la soo dhaafay lagu dilay xaafadda Suuqa xoolaha isagoo ka soo baxay masaajidka,ayaan waxaa iyana baaritaankii nooga soo baxay sidatan;  

Cabaas Cabdi Cali oo ahaa allaha u naxariistee nin taqiya oo aan jeclayn dadka Isticmaala Qaadka iyo sigaarka, ayaa waxaa maalmo ka hor u yimmid dhalin yaro ay ilmo adeer yihiin oo ka codsaday inuu shaqaaleeyo maadaama ay ka jajaban tahay ,waxaa la soo wariyay inuu yiri shaqo idiima hayo,haddi dabka idinka dansan yahay oo aad gaajaysantihiin wixii aan idiin awoodo ayaan idinku kaalmayn,dad arrinta la scoday waxay sheegeen inuu lacag fiican siiyay dhalintaas ay xigtada ahaayeen balse uusan jeclaysan qaabka ay u dhaqmayaan oo malaha ay ka mid yihiin ruugista qaadka iyo Dhuuqista Sigaarka iyo waliba hubka qarqarka usaaran,waxaa la sheegay inay muddo ku soo noqnoqonayeen oo ka quujeenayeen inuu meeleeyo,balse u ku gacansayray, ka dibna waxaa la xaqiijiyay inay dhalintaas ay dad isu xigaan gacantooda ku baxay Marxuum Cabaas Cabdi Cali oo la isku raacay inuu ahaa nin aad iyo aad u dhowrsan oo ehellu diina. 

Waxaa moodaa isku soo xooriyoo in utina qarsoon oo xagga kala fikirka ah ay jiraan kuwaasoo u dhexeeye,kuwa waxay liqaan mooyaane aan wax kale ku xisaabtamayn iyo kuwa micnaha Aduunka loo yimmid fahamsan oo ah inaad si nadiif ku dhaqantid oo laguu abuuray in wadadii ilaahay jeexay martid. 

 
Cabdi Xasan Somalitalk.com/Muqdisho
 abdi172@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 20, 2004


 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

Allah Is Great
 

Caddaymo ku saabsan da'da Samsam Axmed Ducaale... GUJI...
 

 




HTML CD