SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - INDIA
Daabaco Boggan | Print


DHALEECAYN KU WAJAHAN XUKUUMADDA IYO MAXKAMADAHA SOMALILAND KIISKA SAM SAM

 

Qalinkii MOHAMED ABDI HASSAN (DIRIDHABA)

KARACHI, PAKISTAN.


Mobile: 00-92-300-2600907


E-mail:
diridhaba2001@hotmail.com

"waxay Sam-Sam i xasuusisay sannadkii 1997-kii aniga oo arday yar ahaa: "muddo 25 cisho ah ayaanu ku jiray xabsiga dhexe ee magaalada Hargeysa, iyada oo uu na xukumay wasiir, weligay ma maqal wasiir qof ku xukuma inuu jeelka galo."... ilaahay ayaan ku dhaartaye waxaan kala garan waayey wakhtigaasi waxaan galabsaday..." Diridhaba


Waxaa Ayaan darro weyn ah Cadaalad darrada aan geedna loogu soo gabban ee ka dhex aloosan Maxkamadda xarunta Somaliland ee Hargeysa, Xarunta Maxkamaddu waa hoyga cadaaladda Somaliland, waa Hoy laga filaayo inay Miisaan dhex dhexaad ah u noqoto dhammaan Bulshada reer Somaliland iyo qofka aan Somaliland u dhallan labadaba, Cadaaladdu Maaha mid u xaglisa dhinac ee waa mid ilaahay dartii ugu adeegta shucuubta kala duwan ee ku dhaqan goob sida dalka Somaliland oo kale, Xukuumaddii keli talisnimada ku caanka ahayd ee Maxamed Siyaad Barre waxaa lagula dagaalamay lugtana jabiyey waxay ahayd oo loo wada fadhiyey waa cadaalad darro, Maxamed Siyaad barre iyo qoyska uu ka dhashay iyo ragga ku xeeran iyo weliba intuu garanayo cadaaladdii dalkii la odhan Jiray "JAMHUURIYADDII DIMUQRAADIYADDA SOOMAALIYA" muu qaban jirin lagumana xukumi jirin ee cadaaladda Xukuumadaasi lagaga takhalusay waxay qaban jirtay dadka masaakiinta ah, shacabka aan waxba galabsan, hooyooyinka, caruurta iyo Birmo gaydada, kumanaankii dhalinyaro ahaa ee ka hayaamay maalinta cad Hargeysa,Burco, Berbera, iyo magaalooyinka Somaliland waxaa qudhaata ee dhigooga kicisay waxay ahayd cadaalad darrada uu maamulkii Siyaad barre ku dhaqaaqay Shacabka Somaliland ee lagu xasuuqay boqolaalka birmo gaydada ah, ee diyaaradda hadhka cad loola dhacay shacabka hargeysa, burco, berbera, iyo magaalooyinka Somaliland ee haweenka Somaliland loogu kufsaday, ee caruurta loogu gumaaday.

Xabisga Looyaradii Samsam... Nov 2004
Qoraalada laga qoray  

Cadaaladd darradu waa midda bara bixisay seddexda milyan ee qof ee Somaliland, guryahoodu u burbureen, hantidooduna u baabaday, Somaliland xukuumadeeda loogama fadhiyin in tii laga dagaalamay ay kula kacdo dadka Birmo gaydada ah dadka aan waxba galabsan, dadka aan itaalka lahayn.

hargeysa
BEERTII XORRIYADA, HARGEYSA  

Sida dhawaan saxaafadda Soomaalida ee kala duwan lagu shaacinaayey waxaa xabsiga magaalada Hargeysa loo taxaabay gabadh yar oo magaceeda la yidhaahdo Sam-Sam, walaahi ayaan ku dhaartaye waxay Sam-Sam i xasuusisay sannadkii 1997-kii aniga oo arday yar ahaa da'dayduna ay ahayd da'da Sam-Sam oo kale ayaa waxaa habeen ka mid ah habeenadii 1997-kii la iga qabtay meel u dhaw Masaajid ku yaalla magaalada Hargeysa aniga oo ku sii socda salaaddii Cisha markaa waxaan ka mid goob aan ka baran jiray Culuumta Computerka, waxaan gacanta ku wattay shandad ay iigu jireen buugaag iyo waraaqo, markaan soo gaadhay abaaro meel u dhaw Masjidka goor aan saacadda ku tilmaamay 7:00 fiidnimo Magaalada Hargeysa ayaan ka war hellay askar dhinac kasta iga taagan oo budh la dhacaya dhalinyaro aanu isku da'a ahayn aqoon badanna isku lahayn xaafadna wada geli jiray waan joogsaday aniga oo isleh bal waxa meesha ka socda mise askartii ayaa xagayga ku soo dhaqaaqay waxaan ka war hellay dhirbaaxo iyo feedh mar i wada cuskaday markaan dhulka ku dhacay aniga oo garan la' waxaan galabsaday ayaa waxaa la iga saaray suunkii aan surwaalka ku xidhna waxaana la iga furay kabahii aan xidhna garbaduub inta la ii xidhay ayaa gaadhi ay reer Hargeysa wakhtigaasi u yaqaaneen "Shabagleh" la igu tuuray, laba habeen iyo laba maalmood ayaan ku jiray saldhiga dhexe ee magaalada Hargeysa Habeenkii Seddexaad ayaa aniga iyo dhalinyaro aan ku qiyaasay 20-neeyo waxaa saqdii dhexe goor aan ku qiyaasay 2:00 habeenimo nalaga soo saaray qolol yar yar oo aanu ku jiray waxaana aan ka war hellay nin cod dheer ku hadlaya oo leh "waar indhaha ka xidha indha ka xidha!!" waxaa nalaga xidhay indhaha iyada oo maro madow kurka naloo geliyey, wakhtigaasi maan garanayn meel la nagu wado gaadhigii na waday markuu istaagay ayaa iyada oo katiinado nagu xidhanyahiin waxaa nala keenay meel askar badan oo aan tiradooda ku qiyaasay ilaa 1000 askari oo dhar (uniforms) kala duwan xidhan oo saacadda wakhtiga danbe gaardiyeynaya, waxaa naloo soo dhaqaajiyey meel qolol badanleh, qol weyn oo aan ku qiyaasay hoolalka shirarka oo kale oo uu dhex yaallo miis aad u dheer ayaa nala keenay, waxaa miiska hareerahiisa fadhiya ilaa shan nin, markaa anigu waxaaban islahaa wakhtigaasi xilligani malaha waa la idin sii daynaya, waxaa markaa nala fadhiisiyey goob aad moodo kuraasta meelaha masrixiyadda oo kale (theatre) markaa waxaan u fiirsaday qoraalka ku dul qoran ninka gudoominaya meesha nala keenay waxaa ku qora "axmed jambiir Suldaan, Wasiirka arrimaha gudaha SL" dhinacyada ninkaasi waxaa ag fadhiyey ilaa afar nin oo kale oo ay ka mid ahaayeen nin Dacas la odhan jiray oo alla ha u naxariistii dhintay hadda oo ahaan jiray janeralka ciidamada Somaliland, iyo nin kale oo ahaa taliyaha ciidamada Booliiska Somaliland oo la odhan jiray Cilmi Kabaal, balse labada nin ee kale maan garanayn inkasta oo nin mar danbe meesha fadhiyey uu iigu sheegay inay kala ahaayeen Wasiirkii Maaliyadda ee hore Caynab iyo Wasiirkii hore gaashandhiga hadana ah wasiirka dibu dejinta Somaliland Cabdilaahi Dirawal (waxaan ka cudur daaranaya labada masuul oo aanan hubin inay meesha fadhiyeen) markaa Axmed Jambiir oo wakhtigaasi ahaa Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland ayaa wuxuu bilaabay hadallo ay ku jirto Hanjabaad wuxuu yidhi "u yeedha taliyahii ka masuulka ahaa xadhiga kuwan yar yar ee aan edaabta la barin" waxaa goob midigtayda ah ka soo booday askari wuxuuna sallaan militery oo  adag siiyey Axmed Jaambiir Suldaan, salaanta ka dib ayuu Axmed Jambiir askariga  weydiiyey sida uu usoo qabtay, wuxuuna ku jawaabay askarigii "Mudane Wasiir mid kasta waxaan ku qabtay faash aan cadka iyo jiidhka kala reebayn waana ciyaala suuq ee ciqaabta asluubta ha la mariyo!!!" markii askarigii dhamaystay hadalkiisa ayuu Wasiir Jambiir wuxuu ku amray askariga inuu dibadda iskaga baxo, inyar ka dib ayuu Axmed Jambiir wuxuu bilaabay dacwad wuxuu yidhi "Saacadda laga bilaabo waxaad ku xukumantahiin xadhig u dhexeeya 6 bilood oo ciqaab guud ah, wuxuuna ka akhriyey waraaq qeexaysay gudida nabad gelyada deg deg ah, ilaahay ayaan ku dhaartaye waxaan kala garan waayey wakhtigaasi waxaan galabsaday, waxaan tin ilaa cidhib noqday jidhiidhico, kama naxsanayn naftayda oo qudhaata iyo cadaalad darrada weyn ee i asiibtay aniga iyo dhalinyarada kale ee nala xukumay, balse waxaan ka yax yaxay cadaalad darrada haysata dadka kale ee kiisaska lagu soo qabtay ee maxkamadaha dalku xukumaan, muddo 25 cisho ah ayaanu ku jiray xabsiga dhexe ee magaalada Hargeysa, iyada oo uu na xukumay wasiir, weligay ma maqal wasiir qof ku xukuma inuu jeelka galo.


Farshaxankii Amiin Caamir... Guji

Aniga oo ku hadlaya magacayga iyo magaca inta jecel cadaaladda Somaliland waxaan dhaleecayn badan dhabarka u saaraya Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Daahir Riyaale Kaahin, Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Mudane Axmed Yuusuf Yaasiin, iyo dhammaan xukuumadooda, iyo Maxkamadda gobolka Hargeysa oo noqotay bulaacad jaban oo ciddii awooda lihi adeegsato, waxaan ku dhaleecaynaya Gabadha yar ee aan gaadhin wakhti la istaajiyo maxkamad ee kiiskeedu meel walba gaadhay, waxaan maanta u diray waraaq ururka xuquuqda Aadamaha ee AMNESTY INTERNATIONAL, iyo ururka xuquuqda aadamaha ee qaramada midoobay inay kiiskaasi faraha la galaan, waxaan ka codsanaya dhammaan garyaqaanada Somaliland inay ka dhiidhiyaan falkani waxshinimada ah ee lagula kacay gabadhan yar ee la yidhaahdo Sam-Sam, waxaan ka codsanaya dhammaan aqoonyahanka iyo mutacalimiinta Somaliland iyo Saxaafadda Somaliland inay igu soo biiraan olole balaadhanna loo gallo sidii xorriyadda iyo xaqqa Sam-Sam loo soo celin lahaa, Waxaan kale oo aan ku biiraya dhaleecaynta ay soo jeediyeen ururka Coalition for justice in Somaliland iyo ururka kale ee African Rights, aniga oo dhaleecaynta la qaba qareenadii difaacayey Sam-sam oo xabsiga loo taxaabay, waxaanan leeyahay waa in sida ugu dhakhsaha badanleh loo soo celiyo xorriyadda garyaqaanada.

Fadlan haddii aad jeceshahay sinaanta iyo qaranimada iyo cadaaladda Somaliland u dagaalan xaqqa Sam-Sam fadlan haddii aad jeceshahay inaad ku biirto dedaalkaasi igala soo xidhiidh

MOHAMED ABDI HASSAN (DIRIDHABA)
KARACHI, PAKISTAN.
E-mail: diridhaba2001@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | November 27, 2004

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

Allah Is Great
CADAYMAHA SAMSAM

Warqadda dhalashada ee Samsam...


XAD-GUDUBYADA KA DHACA SOOMAALIYA::

GALKACYO OO NIN LAGU GOWRACAY [Nov 13, 2004]

Maxamed Dheere vs Xijaabka [March 28, 2004]

xasuuqii Dugsigii Sare ee Maxamuud Axmed Cali [Feb 10, 2004  ]Dad Mooryaanta ka daran!  [June 28, 2004  ]

XASUUQII XEEBTA JASIIRA :: MUQDISHO [Oct 11, 2003]

Dubihii ku dhacay Dugsigii Maxamuud Axmed Cali [Sept 9, 2003 ]

Kufsi iyo isbaaro! [Aug 26, 2003

Falal Kufsi Iyo Dil Iswata Oo Ku Soo Kordhay Muqdisho  [Agoosto 6, 2002 ]

Baaqii Amnesty International oo Af-Soomaali Loo Rogey [7 November 2002 ]

DHIBAATOOYINKA XILIGAN COLAAADAHA SOO GAADHAY DADKA REER BANAADIRIGA AH [Dec 3, 2002]

Dilkii Suldaan Hurre [8/17/02]



HTML CD