SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - HARGEYSA
Daabaco Boggan | Print


  • Raaqiya Oomaar oo Shaaca Ka Qaaday in "Samsam ay Sheegtay in ay kufsadeen Lix-nin oo ah Ciidanka nabad Sugidda ee loo yaqaan 'CID'"
VOA oo Raaqiyo Oomaar ka Waraystay Arimaha Samsam iyo Looyaradeeda la Xiray:

RAAQIYO OOMAAR: "Samsam Waxa ay Sheegtay in 6-nin oo ah Ciidanka nabad sugida ay Kufsadeen"

Nov 25, 2004

Dhegeyso Waraysigii VOA ee Rakiya Omaar [English]

Raaqiya Cabdillaahi Oomar, Hargeysa: Tel: Mobile (252-2) 428-330 ama (252-2) 30-2500
Amnesty International
http://www.amnesty.org/

U.N. Human Rights
http://www.ohchr.org/english/

Human Rights Watch
http://www.hrw.org/

Human Right International
http://www.hri.ca/

Baaqii ay Hay’adda u doodda Xuquuqda Aadaanaha ee Amnesty International u  dirtay ka qayb-galeyaashii shirkii nabadda ee Eldoret | 7 November 2002
Baaq: Akhri | Video: Dhegeyso 

Idaacada Codka Maraykanka ee Voice of America [VOA] qaybteeda Afrika ayaa waraysi la yeelatay Raaqiya Cabdillaahi Oomar, oo ah Agaasimaha hay'adda Xuquuqda Aadamiga ee Bariga Afrika, oo goob joog ka ahayd markii qareenada Xabsiga loo taxaabay. Waxa ay raaqiyo sheegtay in afarta qareen ee la xiray ay u doodayeen gabar yar oo da'deedu hadda tahay 17-jir, taas oo lagu soo eedeeyey in ay qorsheyneysay basaasnimo iyo shirqool la sheegay in lala maaganaa madaxweyne ku xigeenka Somaliland, taas oo ay Raaqiyo Oomaar sheegtay in ilaa hadda aan la soo bandhigin wax cad oo muujinaya in gabadhaasi ay wadey shirqool.

Waxa ay Raaqiyo Oomaar shaaca ka qaaday in: Samsam ay sheegtay in markii la xiray si is-daba joog ah (ama soo noq-noqod ah) loo kufsaday, oo ay kufsadeen lix-nin oo ka tirsan ciidanka nabad sugida ee loo yaqaan CID.

Raaqiyo Oomaar waxa ay VOA u sheegtay in Samsam laga qabtay guriga madaxweyne kuxigeenka, kaddibna la geeyey xarunta dhexe ee booliska ee Hargeysa, halkaasna ay Samsam sheegtay in fiidkii lala bixi jirey oo la kufsan jirey, lana garaaci jirey. Halkaas oo Samsam ku jirtey 20 ilaa 25 maalmood, kaddibna loo dhaadhiciyey xabsiga Dhexe ee Hargeysa.

Raaqiyo Oomaar waxa ay sheegtay in dacwadii Samsam dib loo dhigay xilli aan la cayimin, taas oo ay tiri ma garan karo waxa loola jeedo, maalmo amase bilo.. Waxa ay Raaqiyo sheegtay in ay rumaysan yihiin sababta Looyarasda loo xiray in ay tahay isku dayd Somaliland ay isku dayeyso in kiiska Samsam dib loo dhigo, maadaama kiiskani fadeexad ku noqday Somaliland, waa sida ay hadalka u dhigtay'e.

Hadalkii uu taliyaha Booliska Somaliland u sheegay Yuusuf Garaad ee ku saabsanaa Samsam, taas oo Taliyihu [Maxamed Cige Cilmi] sheegay in Samsam ay tahay naag weyn oo dhawr iyo labaatan jir ah  oo xaas ah: ka Dhegeyso Halkan ama dhageyso halkan

Samsam waxa ay sheegtay in lix nin oo ah ciidanka nabad sugidda ah ay kufsadeen:  Dhegeyso Waraysigii VOA ee Rakiya Omaar

Mar wax laga weydiiyey eedeynta Samsam loo soo jeedinayo oo ah basaasnimada iyo shirqoolka, waxa ay Raaqiyo ku jawaabtey waxaan u malaynayaa in saraakiisha sarsare ee Puntland haddii ay rabaan in ay dilaan madaxweyne ku xigeenka Somaliland in aysan u soo diri lahayn gabar yar oo 17-jir ah oo aan wax hub ah sidan oo aan weligeed imaan Somaliland, oo aan magaalada kala garanayn, oo aan wax aqoon ah u layn Somaliland.

Waxa ay Raaqiyo weydiisatey Somaliland in:

  • In si shuruud la'aan ah oo degdeg ah loo siidaayo Afarta Looyar ee u doodayey Samsam
  • In dib loo furo kiiska dacwada ee Samsam iyo Dareewalka si ay degdeg dawadu ugu dhammaato.. waxana ay halkaas ku dartay in aysan caddaalad ka filayn laakiin ugu yaraan in ay dacwadu socoto... [Raaqiyo waxa ay sheegtay in dareewalkana la garaacay, si xuna loola dhaqmay..]
  • In jagada laga xayuubiyo xaakimka iyo qareenka xukunka xariga ah ku xakumay afarta looyar iyo in baaritaan madax bannan lagu sameeyo sidii ay arinta u maareeyeen
  • In la ogolaado dhakhaatiir ka yimaada dibada si ay u baaraan Samsam kufsiga lagu sameeyey, waxana ay Raaqiyo Oomaar intaas ku dartay in aysan wax kalsooni ah ku qabin dhakhaatiirta ay Somaliland magacawday ama xiriir la leh.

Dhegeyso Waraysigii VOA ee Rakiya Omaar [English]

TEXT: VOA:: Read English version.... | Rakiya Omaar
Human Rights Lawyers Imprisoned in Somaliland

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 25, 2004


  • Guddoomiyaha Maxkamadda Hargeysa oo Sheegay in "Qodobka 270-aad ee 'Xeerka Ciqaabta Guud'
  • Ururka SAMOTALIS oo si kulul u cambaareeyey xadhigga Garyaqaanadaas
  • Raaqiya Cabdillaahi Oomar oo si kulul u cambaaraysay Xadhigga Afartaas Garyaqaan
  • Ururka Qareenada Somaliland ee SOLLA ayaa isna cambaareeyay Xadhigga Afartaas garyaqaan
  • "Xadhiga La’la Beegsaday Afartii Garyaqaan Waa Talaabo Lagu Duudsinayo Xuquuqdii Ay Lahayd Samsam Axmed Ducaale" Somaliland.Org Editorial

November 25, 2004

Samsam Axmed Ducaale waxaa dib loogu celiyey xabsigii, kaddib markii xabsiga loo taxaabay afartii qareen ee ayada difaacayey...

Guddoomiyaha Maxkamadda Hargeysa oo Sheegay in "Qodobka 270-aad ee 'Xeerka Ciqaabta' Loo Adeegsadey Afarta Qareen si Xabsi Loogu taxaabo"

November 25, 2005

Guddoomiyahay Maxkada Hargeysa, Cabdiraxmaan Jaamac Hayaan oo u waramayey Axmed Siciid Cige ayaa sheegay in Qareenada xabsiga loo taxaabay (garyaaqanada u doodayey Samsam) loo cuskaday Qodobka 270-aad ee "Xeerka Ciqaabta Guud", waxana uu intaas ku daray in garyaqaanada uu "Rafcaan u furan yahay"...  Lama sheegin waqtiga markale Samsam Axmed Ducaale maxkamad lasoo taagi doono. Warbixinta Xarigga Afarta Qareen: Ka Dhegeyso halkan... ama Dhegeyso Halkan

Ururka Qareenada Somaliland Oo Sharci Darro Ku Tilmaamay Xadhiga Looyarada
Somaliland.Org — Hargeisa, Somaliland — 25 November, 2004

Ururka Qareenada Somaliland ee SOLLA ayaa sheegay in xadhiga Afarta Looyar aanu ahayn mid sharciga waafaqsan, isla markaana ay u arkaan mid xaqiraad ku ah mihnadda qareenimada iyo kaalinta ay kaga jiraan hawlaha Garsoorka.

Warsaxaafadeed uu ururku xalay soo saaray oo uu ku saxeexan yahay guddoomiyaha ururka, Dr. Xasan Axmed, waxa uu duray qodobka xeerka Ciqaabta ee garsooruhu u cuskaday xukunka Looyarada.

Xuseen Dalmar Ismaaciil oo kamid ah ahaa askartii ilaalada Saldhiga Dhexe ee Hargaysa oo ka Warbixiyay Xaalaad Sasam... Guji...

"Qodobka 270 Xeerka Ciqaabta oo ah Aflagaaddo Garsoore ma aha mid loo cuskan karo [xadhiga looyarada]. Sababta oo ah, waxay gudanayeen waajibaadkooda sharciga ah ee dadka ay difaacayeen," ayuu yidhi warsaxaafadeedku. Waxana uu intaa ku daray in garyaqaanadu ay xaq u lahaayeen in la siiyo wakhti ay iskaga difaacaan eedahaas loo soo jeediyey.

"Mana ahayn in loo cuskado [xukunkooda] sida uu tilmaamayo qodobka 129aad, Xeerka Habka Ciqaabta," ayuu yidhi.

Warsaxaafaddeedka ururka Qareenadu waxa uu sheegay in haddii uu jiro dembi loo haysto Afarta Looyar ay jireen dariiqyo kale oo loo mari lahaa, sida, canaan, ganaax, shaqo joojin, iwm. Sidaa darteed, waxaanu u aragnaa ayay yidhaahdeen Qareenadu "Mid xaqiraad ku ah mihnadda qareenimo iyo kaalinta ay kaga jiraan hawlaha garsoorka iyo u adeegga dadweynaha".

Waxa kale oo ay warsaxaafadeedka ku sheegeen in tallaabooyinkan oo kale ay luminayaan dammaanad qaadkii gudashada mihnadda qareenimo, taasina ay u muuqan karto inaan la rabin garsoor ku dhisan Caddaalad.

Ururka Qareenadu waxa uu ugu baaqday hay'adaha Garsoorka in ay si degdeg ah xorriyadooda loogu soo celiyo Afarta Qareen si ay ugu adeegaan ummadooda ay dacwadaha u hayaan. Waxayna ka digeen in qareenada lagula kaco falal noocan ah, loona hoggaansamo shuruucda dalka iyo heshiisyada caalamiga ah ee Ilaalinta xuquuqda Qareenka.

Cabdirisaaq M. Dubad, Hargeysa


Ururka Qareenada & Cadaalada oo Canbaareyey Xadhiga ay kula kacday Maxkamadu Looyaradii Samsam Ahmed

Nov 25, 2004


Samsam Axmed Ducaale

Hargeysa (Halganews) Ururka Qareenadda iyo Isbahaysiga Cadaalada Nabad Somaliland, (Coalition for justice and peace for Somaliland), ayaa si kulul u Cambaareeyay go'aanka Guddoomiyaah Maxkamadda Gobolka Hargeysa ku xidhay Afar Garyaqaan kuna xukumay Mid Saddex Sannadood oo xadhig ah.

Ururka SAMOTALIS oo ah urur wadani ah oo ka shaqeeya ilaalinta Xuquuqda Aadamiga kana mid ah Isbahaysiga Caddaaladda iyo Nabadda ee Somaliland, aya si kulul u cambaareeyey xadhigga Garyaqaanadaas, oo ay ku tilmaameen inuu yahay mid majarihii ka leexiyay Dacwadda lagu oogayay Haweenay lagu Eedeeyay inay basaasaysay Somaliland, oo dhagaysiga dacwaddeedu shalay ka socotay Maxkamadda.

"Hay'adaha Distoorka ka masuulka ah waxaanu ugu baaqaynaa inay arrinta soo farogeliyaa kiiskana lagu soo celiyo Majarihii laga leexiyay", sidaa waxa yidhi Guddoomiyaha Ururka SAMO-TALIS Cabdiraxmaan Cartan, oo shalay ka hadlayay shir jaraa'id oo uu ku qabtay Xafiiska ururkiisa ee magaalada Hargeysa, waxaanu intaas ku daray, "Arrinta shalay Maxkamadda ka dhacday waanu cambaaraynaynaa."

Xasan Guure, oo ka mid ahaa Saraakiisha sar sare ee ururkaas SAMO-TALIS oo isna shirkaa Jaraa'id ka hadlay ayaa xukunkaa ku tilmamaay xukunka xadhigga garyaqaanada mid fool xun, "Waxaad moodaa in xukunku sida uu u socdo uu ahaa mid Xaakinka iyo Xeer ilaaliyuhuba ay amar qabeen," ayuu yidhi Mr. Guure. Waxa uu intaas ku daray "Arrintu waa mid yaab lehi! Berigii Faqashtii ayaa maqli jiray nin baa lagu xidhay Ku QOSLE KABTAN KUFAY, imikana Dembigeenu ma wuxuu marayaa KU QUFACE".

Mr. Guure, oo ka mid ah Mujaahidiintii Ururki SNM, waxa uu sheegay in Caddaalada daradu tahay waxyaabihii ay ka dagaalameen Shacbiga Somaliland, "Ummaddu arrimaha noocan ah ma geydo umana qalanto oo hore ayay Caddaalada darro uga dagaalantay."

Waxa uu sheegay in Maxkamadda Gobolka Hargeysa aanay u muuqanin mid dhex dhexaad ah, "Sidaa daraadeed" ayuu yidhi, "Waxaanu codsanaynaa in Kiiska laga wareejiyo oo loo dhiibo Maxkamad aanu ku kalsoonahay."

Waxa iyana Shirkaa Jaraa'id ka hadashay Raaqiya Cabdillaahi Oomar, oo ah Agaasimaha hay'adda Xuquuqda Aadamiga ee Bariga Afrika, isla markaana ah xubin ka tirsan Isbahaysiga Caddaalada iyo Nabadda ee Somaliland, (Coalition for justice and peace for Somaliland), oo si kulul u cambaaraysay Xadhigga Afartaas Garyaqaan, "Xadhigga lagu riday Afarta Garyaqaan waan Cambaaraynayaa" ayay tidhi Raaqiya Cabdillaahi Oomar.

Marwo Raaqiya, waxa iyada oo daba socota hadal uu Garyaqaan Cabdiraxmaan oo ka mid ah Afarta Garyaqaan ee laxidhay ku yidhi Guddoomiyaha Maxkamadda, ay sheegtay in Garsooruhu mamnuuc ka tahay inuu kiis ku dhagaysto meel aan ahayn maxkamadda, "Garyaqaan Cabdiraxmaan waxa uu ku yidhi Shalay Garsooraha Maxkamadda. Waxa la ogaaday in aad adigu Garsoorow aad Xabsiga ugu tagtay Gabadha Eedaysanaha ah oo aad ku waraysatay.

Haddii ay arrintaas uu Garyaqaan Cabdiraxmaan sheegay run tahay waxa caddaynaysaa garsooruhu in aanu ahayn dhex dhexaad, waayo?, Garsooraha waa ka Mamnuuc inuu kiis ku dhagaysto meel kale oo aan ahayn Maxkamadda." ayay tidhi Marwo Raaqiya Cabdillaahi Oomaar.

"Taliyaha Boolisku waa kii yidhi, Maxkamadda horteeda ayay ka qiratay gabadhaasi Dembiga. Maalin walba waan tagayay Maxkamadda oo maan arkin meel ay ku qiratay...."
Raaqiya C/laahi

Raaqiya C/laahi, oo daba socotay hadal uu Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland, Maxamed Cige Cilmi , ka sheegay Laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da Badhtamihi Bishii Ramadaan oo ku sheegay in Haweenayda Eedaysanaha ahi ay Maxkamada horteed ka qiratay Dembiga lagu eedaynayo, waxa ay tidhi "Taliyaha Boolisku waa kii yidhi, Maxkamadda horteeda ayay ka qiratay gabadhaasi Dembiga. Maalin walba waan tagayay Maxkamadda oo maan arkin meel ay ku qiratay. Markaa arrintan uu Garsoore Cabdiraxmaan sheegay haddii ay run tahay waxa ay caddaynaysaa in garsooraha inanta Xabsiga loogu geeyay oo inta culays la saaray ay dabadeedna halkaa ka hadashay."

Dhinaca kale Ururka Qareenada Somaliland ee SOLLA, ayaa isna cambaareeyay Xadhigga Afartaas garyaqaan oo ay ku tilmaameen xukun sharci daro ah. Warsaxaafadeed ay soo saarayeen ayayna ku sheegay Guddoomiyaah Ururkaa Qareenada Somalland Dr. Xasan Axmed, waxa ay ku sheegeen in xadhiggaasi uu baalmarsanayahay Sharciga, "Waayo" ayay yidhaahdeen, "Qodobka loo cuskaday ee 270 X.Ciqaabta oo ah Aflagaado Garsoore ma aha mid loo cuskan karo sababta oo ah, waxay gudanayeen waajibaadkooda sharciga ah ee dadka ay difaacayeen".

Waxa uu ururka SOLLA sheegay in ay Garyaqaanadu xaq u lahaayeen in la siiyo wakhti ay iskaga difaacaan Eeddaas loo soo jeediyay oo uu ku tilmaamay mid sharci darro ah," "Mana ahayn in loo cuskado sida uu tilmamaayo qodobka 129aad, Xeerka habka Ciqaabka" ayuu yidhi Warsaxaafadeedka SOLLA oo uu kusaxeexanaa guddoomiyaha uurkaasi Dr. Xasan Axmed.

Waxa kale oo Ururka Qareenada Somaliland sheegeen in aanu guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Hargeysa xaq u lahayn inuu qaado Dacwadda, "Waayo" ayay yidhaahdeen "Garsooruhu wuxuu dhibane ka yahay Dacwadda loo haysto".

Waxa ay Ururku War saxaafadeedkooda ku sheegeen in haddii uu jiro dembi loo haysto gareenada ay jireen dariiqyo kale oo loo mari lahaa sida Cannaan, Gannax, Shaqo joojin IWM, "Sidaas darteed" "Waxaanu u aragnaa mid xaqirad ku aha Mihnadda Qareenimo iyo kaalinta ay kaga jriaan hawlaha Garsoorka dalka iyo u adegga Dadweynaha", waxa ay intaas ku dareen, "Tallaabooyinkan oo kale waxay luminayaan dammaanad qaabkii gudashada Mihnadda Qareenimo, taas oo uu muuqan karta in aan la rabin garsoor ku dhisan Caddaalada."

Ugu damabayn waxa ay ururka SOLLA u soo jeediyeen Hay'adaha Garsoorka in si deg deg ah xoriyadooda loogu soo celiyo Afarta Qareen, si ay ugu adeegaan ummadooda ay dacwooyinka u hayeen, isla markaana waxa ay ka digeen in aan qareenada lagula kicin falalkan oo kale loona hoggaansamo shuruucda dalka iyo heshiisyada caalamiga ah ee ilaalinaya xuquuqda Qareenka.

C/fataah Hassan
reporter@halganews.com


Xadhiga La’la Beegsaday Afartii Garyaqaan Waa Talaabo Lagu Duudsinayo Xuquuqdii Ay Lahayd Samsam Axmed Ducaale.
Somaliland.Org Editorial — Hargeisa, Somaliland

Xadhiga La’la Beegsaday Afartii Garyaqaan Waa Talaabo Lagu Duudsinayo Xuquuqdii Ay Lahayd Samsam Axmed Ducaale.

Maxkamadda Gobolka Hargeysa waxa in mudo ah ka socday Dhegeysiga Dacwad xasaasi ah oo Ciqaabeed oo lagu soo oogay Gabadh yar oo 18 jir ah. Sida la sheegay, Samsam Axmed Ducaale, 18 jir, oo ka timi Magaalada Boosaaso, waxa loo xidhay eed la xidhiidha in ay tagtay Guriga Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland, iyada oo uu Xafiiska Xeer Ilaalinta Dawladdu ujeedadooda ku sheegay in ay basaasayeen Madaxweyne ku-xigeenka, isla markaana doonayeen in ay waxyeelo u geystaan isaga iyo gurigiisa.

Haseyeeshee Qareenada difaacaya Samsam Axmed Ducaale oo tiradoodu tahay afer garyaqaan ayaa sheegay in gabadha yar oo ah dambilaawe u socotay si ay u soo booqato Dad ay qaraabo yihiin oo Hargeysa deggan in lagula kacay Kufsi iyo jidh-dil intii ay xidhnayd ee Boolisku gacanta ku hayay.

Dacwadan ayaa soo jiidatay dareenka iyo indhaha dhinacyo badan oo ay ka mid yihiin Ururada u dooda Xuquuqda Aadamiga, kuwa Bulshada rayidka ah iyo hay’addo Caalami ah oo daneeya Arrimaha Carruurta iyo Xuquuqul Aadamiga, kuwaas oo isha si weyn ugu hayay dacwadan ay ku eedaysan tahay Samsam Axmed Ducaale.

Waxaase mudadii dacwadan dhagaysigeedu ka socotay maxkamada jirtay cago juglayn iyo xadhig ay xukumada Somaliland ula tagtay qaarkamida Hay’adaha Xuquuql Insaanka, ee iyagu u yimid in ay dacwadaa dhagaystaan.

Waxayna arrinta Samsam cirka iska shareertay, xiisad siyaasadeedna ka abuurtay Hargeysa, bishii October, kadib markii boolisku qabqabtay, isla markaana muddo saacado ah la xidhay hawlwadeenno ka tirsan ururrada waddaniga ah ee u dooda xuquuqda Aadamaha iyo mudane ka tirsan Golaha Guurtida oo dhegeysanayey dacwadda gabadhaas oo ka socotey Maxkamadda Gobolka Hargeysa, taas oo kaga cadhaysiisay ururrada Xuquuqul Insaanka iyo kuwa kale ee Bulshada Rayidka ah, booliska iyo xukuumaddana ku cambaareeyey xadhigga masuuliyiintaas iyo inay ku xadgudbeen xuquuqda muwaadiniinta iyo shuruucda dalka.

Warbaahinta dowladdu maamusho ee Radio Hargeysa iyo wargeyska Maandeeq ayaa iyaguna noqday kuwo iyagu lagu weeraro ururrada Bulshada Rayidka ee Somaliland, iyagoo isticmaalaya weedhaha caadada u ah (Stereotype) ee ay warbaahinta dowladdu had iyo goor ugu jawaabto mucaaridkeeda ama cidda wax ka sheegtay, isla markaana ku tilmaamaya ururrada Xuquuqul Insaanka Somaliland kuwo ay ka dambayso cid kale ama u adeegaya cadowga Somaliland iyo Cabdillaahi Yuusuf.

Waxaase oo dhan waxaa ka sii daray dhacdadan maanta ka dhacday Hargeisa, ee Garsoorihii dhagaysanay dacwadan lagu soo oogay Samsam uu kula kacay afartii garyqaan. Garwadeenadan oo iyagu u tafo xaytay in ay difaacaan inantan yar ee ilaa iminka waxa ay galabsatay aanay cidina garanayn. Kufsi iyo Jidh dilna la filayo in ay kula kaceen askartii iyo NSS tii Madaxweyne Rayaale, mudadii ay ku xidhnayd jeelka Hargeisa.

Hadaba iyada oo markani aanay ahayn, markii ugu horaysay ee aanu ka hadalno dhibaatiyinka loo gaystay inantan Samsam Axmed Ducaale, ayaa falkan ugu danbeeyay u aragnaa in uu yahay mid xad gudub iyo amar ku taaglaysi ah. Waxaan shabakada Somaliland.Org canbaaraynaysaa xadhigan foosha xun iyo xukunkan qayrul dastuuriga ah ee lala beegsaday Afarta Garyaqaan oo kala ah:

1. Dr. Yuusuf Ismaaciil Cali
2. Dr. Maxamed Siciid Xirsi
3. Dr. Fowsi Sh. Yoonis iyo
4. Dr. Cabdiraxmaan Ibraahim Caalin

Xukumadi waa in ay deg deg ku sii daysaa Afartan Garyaqaan. Hadii ay taasi dhici waydana waxaa rumoobaysa tuhinkii horeba u jiray, kaas oo ahaa in Samsam Axmed Ducaale danbi laga galay, talaabadan ugu danbaysa ee ay xukumadu iyo xaakinkii dacwadan dhagaysanayay ay qaadeena tahay talaabo la doonayo in arintan lagu daboolo.

Gabagabdii, Waa in shacabka reer Somaliland ka dhiidhiyaan dulmigan iyo xadgudub kan ay maamulkii Riyaale iyo hay’adihiisa sirdoonku ay kula kacayaan dadka. Dawladuna ogaataa hadii aanay xaqdhawrin sharciyada iyo qawaaniinta dalka u yaala, in cida ugu horaysa ee waxyeeladu ka soo gaadhsyaa ay noqonayso Xukumada lafteeda.

Maamulka Shebekadda Wararka Somaliland (http://Somaliland.org)


MAXKAMADD HARGEYSA OO XADHIG SANNADO AH KU XUKUNATAY 4 GARYAQAAN

Hargeysa(Jam)-Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Hargeysa, Cabdiraxmaan Jaamac Hayaan, ayaa Saddex Sannadood oo Xadhig deg-deg ah ku xukumay Afar Garyaqaan, oo Difaacayay Haweenay lagu eedeeyay inay Basaasid ku samaynaysay Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland oo dhagaysiga dacwadeedu ka socotay Maxkamadda Shalay.

"Soomaalidu waxay lahayd wax loo yaqaano xeerka biri ma geydo! waxaana reebanaa in la dilo haweenka, caruurta, waayeelka, Ergada iyo culumada...." Mumtaz

Xukunkan Xadhigga Looyarada ayaa waxa uu ka dambeeyay muran ka dhex abuurmay Garyaqaanada iyo Xaakinkii Maxkamadda, ka dib markii Xeer ilaaliyaha Gobolka ee oogayay Dacwadda lagu eedaynayo Haweenaydaas uu qof ka mid ah dhagaystayaashii ku amray inuu istaago, isla markaana sheegay in uu xidhanyahay, kadib, markii laga dhex qufacay Maxkamadda, taas oo mid ka mid ah Afarta Garyaqaan ka dalbaday Xaakinkii Maxkamadda inuu ka joojiyo Xeer ilaaliyaha Awaamiirta uu ka dhex bixinayo Maxkamadda.

Mr.Cabdiraxmaan Cartan, oo ah Guddoomiyaha Ururka SAMO-TALIS, oo ah urur Samofal Wadani ah oo ka shaqeeya ilaalinta Xuquuqda Aadamiga, oo isagu fadhiga Maxkamadda goob joog ka ahaa ayaa Jamhuuriya, u sheegay in dalabka garyaqaanada ka dib muran ka dhex bilaabmay Guddoomiyaha Maxkamadda iyo Garyaqaanada, markaas oo Guddoomiyaha Maxkamaddu ku amray Xeer ilaaliyaha inuu Dacwad ku soo oogo Afarta Garyaqaan, oo uu ku eedeeyay inay u hoggaansami waayeen Awaamiirta Maxkamadda.

Mr.Cartan, waxa uu sheegay in arrintaasi ay sababtay in Dhagaysigii Dacwaddu uu soo gebo-geboobo, isla markaana aan wakhti cayiman loo qaban, “Waxa la yidhi Xilli Aan Mudaysnayn.”

Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Hargeysa Mr.Cabdiraxmaan Jaamac Hayaan, oo Jamhuuriya, isku dayay inuu wax ka weydiiyo dhacdadaas ayaanay u suurto gelin.

Garyaqaanada oo kala ah Garyaqaan Maxamed-Siciid Xirsi, Garyaqaan Cabdiraxmaan Ibraahim Caalin, Garyaqaan Foosi Sheekh Yuusuf iyo Garyaqaan Yuusuf Ismaaciil Cali, waxa isla shalay loo gudbiyay Xabsiga Dhexe ee Magaalada Hargeysa.

Jamhuuriya

Warbixin Dhab ah oo ka Timi Hargeysa [Hargaysa]

Looyaradii Difaacayey Samsam oo Xabsiga Loo Taxaabay
Afar kamid ah Looyarradii Difaacayey Samsam Oo Maxkamaddii Ay Uga Doodayeen Iyagii Ku Xukuntay Midkiiba 3 Sanadood Oo Xadhig Ah, Xabsigana Loo Taxaabay...
Guji...

  • Qoraalada laga qoray arimaha Samsam | 1 | 2 | 3 | 4 | 5 | 6 | 7 | 8 | 9 | 10 |

Isha: Halganews  & Somaliland.org | Jamhuuriya | Faafin: SomaliTalk.com | Nov 25, 2004

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan
»»» :::QORAALADA LAGA QORAY SAMSAM DUCAALE:::

»Maaha Dhacdo indhaha Laga Daboolan karo

»Talo ku Socota Sasam Axmed Ducaale Abtigeed...
»Dhibka SamSam Lagula kacay waa Tijaabo bilow ah..
»Samsam Ducaale Xabsiga ayaan ku ilaalin jirey..
»Warbixin Dhab ah oo ka Timi Hargeysa
»Xagee ayey ku Danbeysay Samsam
»Samsam Axmed Ducaale iyo Hargaysa

Xagee ayey ku Danbeysay Samsam
warbixin Dhab ah oo ka Timi Hargeysa
Guji Nov18

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

Allah Is Great
CADAYMAHA SAMSAM

Warqadda dhalashada ee Samsam...

 


XAD-GUDUBYADA KA DHACA SOOMAALIYA::

GALKACYO OO NIN LAGU GOWRACAY [Nov 13, 2004]

Maxamed Dheere vs Xijaabka [March 28, 2004]

xasuuqii Dugsigii Sare ee Maxamuud Axmed Cali [Feb 10, 2004  ]Dad Mooryaanta ka daran!  [June 28, 2004  ]

XASUUQII XEEBTA JASIIRA :: MUQDISHO [Oct 11, 2003]

Dubihii ku dhacay Dugsigii Maxamuud Axmed Cali [Sept 9, 2003 ]

Kufsi iyo isbaaro! [Aug 26, 2003

Falal Kufsi Iyo Dil Iswata Oo Ku Soo Kordhay Muqdisho  [Agoosto 6, 2002 ]

Baaqii Amnesty International oo Af-Soomaali Loo Rogey [7 November 2002 ]

DHIBAATOOYINKA XILIGAN COLAAADAHA SOO GAADHAY DADKA REER BANAADIRIGA AH [Dec 3, 2002]

Dilkii Suldaan Hurre [8/17/02]



HTML CD