SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - HARGEYSA
Daabaco Boggan | Print


Looyarradii Difaacayey Samsam Oo Maxkamaddii Ay Uga Doodayeen Iyagii Ku Xukuntay Midkiiba 3 Sanadood Oo Xadhig Ah, Xabsigana Loo Taxaabay...

November 24, 2004


Warkan waxaan ka soo xiganey Halganews [hargeysa] oo kasii xigtey shabakada Somaliland.org

Afar Looyar oo u doodayey, eedda loo haystona ka difaacayey gabadh magaceeda la yidhaahdo Samsam Axmed Ducaale ayaa xabsiga loo taxaabay maanta, iyada oo midkiiba lagu xukumay Saddex sannadood oo xadhig ah.

Afarta Garyaqaan oo kala ah:
1. Dr. Yuusuf Ismaaciil Cali
2. Dr. Maxamed Siciid Xirsi
3. Dr. Fowsi Sh. Yoonis iyo
4. Dr. Cabdiraxmaan Ibraahim Caalin

Waxa laga qabtay, laguna xukumay gudaha qolka dhegeysiga dacwadaha ee maxkamadda Gobolka Hargeysa, halkaas oo ay saaka ka socotey dhegeysiga dacwadda loo haysto gabadha ay qareennada u yihiin ee Samsam Axmed Ducaale. Waxaana lagu xidhay, xabsigana loogu taxaabay Looyarada qaraar maxkamadeed oo uu gaadhey Garsoorihii dacwadda gabadhaas ka garqaadayey, isla markaana ah guddoomiyaha maxkamadda Gobolka Hargeysa, Garsoore, Cabdiraxmaan Jaamac Hayaan, kadib markii waxoogaa muran ahi soo dhexgalay hab-socodkii dhegeysiga dacwadda.

Sida ay sheegeen dad goobjoog ahaa, muranka sababay xadhigga Afarta Looyar waxa uu dhashay markii nin ka mid ah dadweynihii dhegeysanayey dacwaddu uu qoslay, isla markaana istaagey isaga oo qosol isku celinaya waqti maxkamadu socoto. Kadibna Xeer Ilaaliyaha dacwadda ku oogaya Samsam Axmed Ducaale uu maxkamadda u soo jeediyey in la xidho, dacwadna lagu oogo ninkaas, isaga oo tilmaamay nin ka tirsan Ururka Xuquuqul Insaanka ee Sama-talis oo magaciisa la yidhaahdo Cali Kaar. Waxay sheegeen dadka goobjoogga ahaa in Cali Kaar aanu ahayn qofka qoslay ama istaagey, balse uu ahaa nin dhabarkiisa fadhiyey, hase yeeshee, garsooruhu uu qaatay soo jeedintii Xeer Ilaaliyaha, isla markaana uu amray in la xidho Cali Kaar.

Sidaa darteed, looyarada u doodayey Samsam waxa la sheegay inay arrintaa ka hadleen, waxayna si kulul ugu dhaliileen garsooraha Maxkamadda go'aankaas, iyagoo ku dooday in Xeer Ilaaliyuhu aanu xaq u lahayn in uu eedeeyo ama tilmaamo qof dadweynaha dhegeysanaya dacwadda ka mid ah, balse ay tahay mid u taalla xaakimka. Waxayna ku tilmaameen tallaabadaas mid muujinaysa in aanu Garsooruhu dhex iyo daacad midna ka ahayn dacwadda.

Waxa la sheegay dood kulul oo ay Looyaradu soo jeediyeen kadib, in Garsoore, C/raxmaan Jaamac Hayaan uu faray Xeer Illaaliyaha inuu eedayn ku soo eego Afarta Looyar, taas oo Xeer Ilaaliyuhu isla markiiba maxkamadda horteeda ka akhriyey qodobo ku lid ah Looyarrada. Dabadeedna waxa uu Xaakimku ku dhawaaqay qaraar uu ku xukumay Looyarada midkiiba Saddex sannadood oo xadhig ah. Waxa kale oo uu xidhay dacwada ilaa waqti aan la cayimin.

Qodobada lagu eedeeyey waxa ka mid ah Aflagaaddo iyo inay maxkamadda horteeda uga doodeen qof aanay Qareen u ahayn.

Afarta Looyar waxa markiiba loo qaaday Saldhigga dhexe ee Hargeysa, halkaas oo si adag loogu ilaalinayey qaddan saacad ku dhow oo lagu hayey, iyada oo dadka loo diidey inay arkaan ama galaan gudaha saldhigga, waxaana isla maanta hadhkii loo gudbiyey Xabsiga Dhexe ee Hargeysa.

Gabadha ay u doodayeen Afarta looyar oo u dhalatay deegaanka Boosaaso ee maamul-goboleedka Puntland, waxa la xidhay bishii August iyadoo markaa ka timi Boosaaso, waxaana lagu eedeeyey inay u socotey falal basaasnimo ah, iyada oo tuhumada loo xidhay ay ka mid tahay inay tagtay guriga Madaxweynekuxigeenka Somaliland iyadoo sheeganaysa inuu adeer u yahay, hayb been ahna sheegatay.

Ma jiro warar rasmi ah oo ilaa iyo hadda laga bixiyey xadhigga Afarta Looyar, xaakimka maxkamadda oo aan isku daynay inaanu la xidhiidhnona way suurageli weydey.

Waa markii labaad ee dad u hadlaya ama danaynaya arrinta Samsam laga qabqabto Maxkamadda Gobolka Hargeysa. Waxaana horraantii Okt. laga xidhay maxkamadda xubnood oo ka socdey ururrada u dooda xuquuqda Aadamaha iyo mudane ka tirsan Golaha Guurtida oo dhegeysiga dacwadda gabadhaa u tegey Maxkamadda, inkasta oo qaddar saacado ah kadib la siidaayey.

Ammaanka maxkamadda ayaa aad loo adkeeyaa mar kasta oo dacwaddaasi ka socoto, dhegeysigii maantana waxa laga horjoogsadey xubno ka tirsan ururrada bulshada Rayidka ah.

Cabdirisaaq M. Dubad, Somaliland.org, Hargeysa.

Isha: Halganews | Faafin: SomaliTalk.com | Nov 24, 2004

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan
»»» :::QORAALADA LAGA QORAY SAMSAM DUCAALE:::
samsam ducaale
»Maaha Dhacdo indhaha Laga Daboolan karo

»Talo ku Socota Sasam Axmed Ducaale Abtigeed...
»Dhibka SamSam Lagula kacay waa Tijaabo bilow ah..
»Samsam Ducaale Xabsiga ayaan ku ilaalin jirey..
»Warbixin Dhab ah oo ka Timi Hargeysa
»Xagee ayey ku Danbeysay Samsam
»Samsam Axmed Ducaale iyo Hargaysa

Xagee ayey ku Danbeysay Samsam
warbixin Dhab ah oo ka Timi Hargeysa
Guji Nov18

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

Allah Is Great
CADAYMAHA SAMSAM

Eeg Sawirka oo Weyn: Caddeynta Warqadda Dhalashada

Eeg Sawirka oo Weyn: Warqadda Sugitaanka:


XAD-GUDUBYADA KA DHACA SOOMAALIYA::

GALKACYO OO NIN LAGU GOWRACAY [Nov 13, 2004]

Maxamed Dheere vs Xijaabka [March 28, 2004]

xasuuqii Dugsigii Sare ee Maxamuud Axmed Cali [Feb 10, 2004  ]Dad Mooryaanta ka daran!  [June 28, 2004  ]

XASUUQII XEEBTA JASIIRA :: MUQDISHO [Oct 11, 2003]

Dubihii ku dhacay Dugsigii Maxamuud Axmed Cali [Sept 9, 2003 ]

Kufsi iyo isbaaro! [Aug 26, 2003

Falal Kufsi Iyo Dil Iswata Oo Ku Soo Kordhay Muqdisho  [Agoosto 6, 2002 ]

Baaqii Amnesty International oo Af-Soomaali Loo Rogey [7 November 2002 ]

DHIBAATOOYINKA XILIGAN COLAAADAHA SOO GAADHAY DADKA REER BANAADIRIGA AH [Dec 3, 2002]

Dilkii Suldaan Hurre [8/17/02]



HTML CD