SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - GALKACYO
 
Daabaco Boggan | Print

AFAR QOF OO SUBAXNIMADII IID KU GEERIYOOTAY MAGAALADA GALKACYO, MID KAMIDANA LABIREEYAY.

Sabti November 13,11,04

Galkacyo (Somalitalk)

Shacabkii oo fadhiya goobtii salaada iida lagu tukanayeySALAADII CIIDA OO SIWEYN LOOGU SOO BAXAY
Magaalooyinka Hargaysa, Boosaaso iyo Muqdisho ayaa kamid ahaa meelaha sida weyn looga ciiday Sabtidii. Waxaa sidoo kale kumaan qof salaadii ciida u dareereen magaalooyinaka Nairobi, Toronto iyo Minneapolis..  Guji...
»IID MUBAARAK: HAMBALYADII BAHDA SOMALITALK EE IIDA
»CILMI KORORSI::
IIDAHA iyo SALAADAHOODA
»BAAQ SAMAFAL:: Fiicanaa in Agoontu Carruurteenna La Ciiddo

Waxaa saaka gudaha magaalada Galkacyo lagu bireeyay nin lagu magacaabo Yaxye oo uu bireeyay gacankudhiiglaha haatanna marxuunka ah ee lagu magacaabo Cismaan Sh, Axmed, ninkan ayaa bireeyay marxuunka xili ay dadku ka soo baxeen salaada iida, waxa uuna kubireeyay tooray.

Gacan ku dhiiglahan ayaa kadib marka uu gaystay dilka u soo cararay dhinaca saldhiga booliska oo ku,yaalay agagaarka goobta ninka uu ku dilay, ciidanka oo soo qaaday maydka ninka uu bireeyay ayaa damcay in ay gacanta kudhigaan gacan ku,dhiiglahan waxa uu isna isku dayay in booliska uu rasaas ooda kaga qaado waxa uuna watay gori aan lagaranay cida uu markaa u watay.

Midkamida booliska ayaa isagu xabado ku furay gacan-kudhiiglaha waxa ayna rasaastu kahaleeshay qaarka dhexe ee aaga caloosha, kadibna booliska ayaa ula cararay isbitalka isagoo dhaawaca daqiiqado kadib ayuu isna geeriyooday.

Mar aan wax ka waydiiyay mid,kamida walaalaha marxuunka bireeyay marxuunka kale ayaa Somalitalk uxaqiijiyay in ninkani uu ahaa nin horey maskaxda uga jiranaa balse mudo dhexe lamooday in uu soo ladnaaday waxa uu intaa ku daray in saaka ay labadoodu goobta salaada iida ku soo wada tukadeen ayna weheliyeen caruurta ay kala dhaleen labadan walaalaha ah ee uu haatan midkood geeriyooday.

Labada nin ee midna la gowracay midna la toogtey labaduba waxay ka soo jeedan hal-beel oo ah Beesha Cumar Maxamuud.

FALKA KALE AYAA AH WIIL YAR OO UU LIQAY YAMAYSKA BIYAHA EE GALKACYO.

wiil yar oo da,diisa lagu qiyaasay illaa iyo 12,jir ayaa saaka maydkiisa laga soo helay banaanka baliga biyaha ee yamayska, wiilkan oo ay soo qaadeen maydkiisa ayaan in mudo ah lagaran cida dhashay ayadoo labo maalmood kahor ay biyuhu liqeen waxaan badalmay wajigiisa, saacado badan kadib ayaa lagartay waxaana ay reerkiisu xaqiijiyeen in labo maal-mood ka hor ay waayeen ayagoo baafinayay inta uu maqnaa oo dhan. 

FALKA SADEXAAD AYAA AHAA SAAKA WIIL YAR OO ISNA UU GAARI KU DILAY MAGAALADA. 

wiil yar oo da,diisa lagu sheegay inta u dhexaysa 10-12 jir ayaa saaka gaari ku jiiray agagaarka laamiga wayn ee magaalada galkacyo.

Saaka oo ay dadku badi iidayeen ayaa waxaa wadada ku batay caruur badan oo wadada hadba dhinac u qaadaya gawaarida ayaa iyana waxa ay saaka ku badnaayeen wadada ayadoo ay si xowliya u socdeen wadada dhexdeeda.

 sahrasiglan siglan
sahrosiglan@mail.com 

SomaliTalk |  13/11/2004


CAABUDWAAQ: DAGAALO KA SOO CUSBOONAADAY DAGMADA CAABUDWAAQ.

Friday, November 12, 2004.

CAABUDWAAQ (Somalitalk).

Shan qof ayaa ku geeriyootay tiro kalana waa ay ku dhaawacantay kadib markii ay dagaalo ka soo cusboonaadeen bartama magaalada caabudwaaq.

dagaalkan ayaa dhexmaray labo jifo oo ka soo jeeda beesha mareexaan ee wadadaga gudaha magaalada caabudwaaq.

dagaalkan ayaa ka bilowday kadib markii xabad lagu toogtay nin u shaqaynayay hay,ad samafal,

dilkan ayaan ahayn mid salka ku haya aano qabiil, dilkan lagu toogtay marxuunka ayaa ahaa mid la isku maan dhaafay lacag ay soo gaarsiisay hay,ad samafal ayna maamulka lacagtan gacanta ku hayeen ninka geeriyooday iyo midkale oo ka soo jeeda jifada wax-dishay, lacagtan oo ay ku murmeen labada nin ee ahaa kuwii ay hay,adu gacanta ugalisay.

hay,adan ayaa lacagahan ugu talo gashay in lagaarsiiyo goobaha ay kajireen abaaraha ba,an ee halakeeyay deegaanka caabudwaaq iyo nawaaxigiisa.

wali majiraan waan waan rasmiya oo la tilmaami karo ee laga gaaray dadaaladii ka dhacay magalada wallow ay jiraan dadaalo ay haatan wadaan odoyaasha beesha ayna ku doonayaan in ay soo afjaraan dagaalka u dhexeeya labada jifo ee mareexaan. 

sahrosiglan@hotmail.com

12/11/2004


RW: Hambalyo Ummada Soomaaliyeed
»Prof: Geedi  oo Ciidul Fidriga ugu hambalyeeyey  umada Soomaaliyeed
»Nairobi Waxaa Ka Biloowday Takbiirta Salaada Ciida iyo Dabaaldaga
»Ciidul Fidriga oo looga diyaar garoobay Soomaaliya
»Shir muhiim ah oo beesha reer awsaciid uga furmay magaalada NRBI
... Dhammaan ka akhri halkan... Guji...


Waftiga Soomaaliyeed & Qahira
»Waftiga uu hoggaaminayo MDFKMG oo Sabtida ka dhoofaya Qahira
»Waraysi: C/kariim Axmed Cali, Xildhibaan baarlamaanka Soomaalida

.
.. Dhammaan ka akhri halkan... Guji...
Aaskii Yaser Arafat ee Ramalah
»Yasser Arafat oo Magaalada Qaahira loogu dhigay Tacsi Qaran
»Marxuum Yasser Arafat oo lagu aasay Magaalada Ramalah
...
Dhammaan ka akhri halkan.. Guji...
Wararka DGPL ee Maanta:::
»Warsaxaafadeed uu Qabtay Gudoomiyii hore Baarlamaanka DGPL
»Madaxweynaha DGPL oo Booqasho ku tegey Laascaanood
»Madaxweynaha DGPL oo Gudoomiye Cusub u magcaabay Boosaaso
... Dhammaan ka akhri halkan.. Guji...

Wararka Xoriyo Doonka Ogaden
»Dad shacab oo ciidanka gumaysiga Itoobiya ay xabsiyada dhigeen
»Dagaallo Dhexmaray Cjwxo iyo nacabka Gumaygisa Itoobiya
...
Dhammaan ka akhri halkan... Guji...

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

Allah Is Great
TAARIIKHDA ISLAAMKA
Silsiladda Taariikhda Islaamka
Qore:Shiikh C/risaaq Macalim

Samsam Ducaale oo La soo Helay Cadeymo Muujinaya in ay Tahay Ardayad

Waa qormada ay ku saabsan tahay Faallada SomaliTalk ee bishan
Guji

 



HTML CD