SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - CIID WANAAGSAN
 
Daabaco Boggan | Print

Fiicanaa in agoontu carruurteenna la ciiddo 

          Waalid walba rag iyo dumar aad buu u jecelyahay in ilmihiisu dharka ugu qurux badan labbisto maalmaha ciidda alaab xiiso badan oo uu ku ciyaarana loo gado , agoontu iyaguna sidaasoo kalay ugu hanqal taagayaan inay  la ciidaan carruurta muslimiinta ee faraxsan, hase yeeshee ma laha aabbe u soo shaqeeya oo gaynaya carwooyinka dharka lagu iibiyo, sidaa aawadeed gudiga taakulaynta agoonta soomaaliyeed oo isu xil saaray wax u qabadka agoontii badnayd ee al xaramayn dhaqaalihii ay siin jirtay maraykanku ka joojiyay iyaga oo laabta ku haya dareenkaa agoonta waxay soo gaadhsiiyeen walaalaha soomaaliyeed ee naxariista islaamnimadu ku jirto bayaankan hoos ku qoran si ay uga qayb qaataan caawinta agoonta gaar ahaan inay ka farxiyaan maalmaha ciidda oo ay ku taageeraan wixii ay ku ciidi lahaayeen. 

       Walaal in ilaahay kuu xafido ubadkaaga noloshaada iyo geeridaadaba caawi agoonta oo ka farxi. 

Xafiiska dacwada iyo tarbiyada

dacwah@hotmail.com  

Hoos ka akhri bayaankii guddiga agoonta.

 

Ref: GTAS08/25/01                                                                       Date: 10 November 2004

 

Ujeeddo: BAAQ KU WAJAHAN SAMAFALAYAASHA SOOMAALIYEED

 

Waxaan idinku salaanay salaanta islaamka oo ah: السلام عليكم ورحمة الله وبركاته

 

Salaan ka dib waxaan alle ugu mahad celinaynaa inuu nasoo gaarsiiyay
tobankii dambe ee ramadan oo aad u fadliga badan, waxaan ilaah ka baryaynaa inuu naga dhigo kuwii ka faa’iideysta, nagana aqbalo Soonka & Qiyaamka, nagana dhigo kuwa loo dambi dhaafo lagana xoreeyo naarta
.

Walaalayaal aad iyo aad ayaad ugu mahadsan tihiin gacanta weyn aad ka geysateen Takuleynta Agoonta Soomaaliyeed, anagoo ka amba qaadayna idina xusuusinayno maalmaha kheyrka badan ee aan ku jirno oo bishan wixii wanaag ah oo dhan la laalaabo, bishana ay ka harsan tahay laba maalmood, waxaan idiin soo bandhigaynaa arimahan hoos ku xusan:-

 

Ø    Agoonta uu Guddiga Taakuleyntu xareeyay oo dhan (677 Agoon), agoonta Soomaaliyeed ee ku dacdaraysan magaalada Muqdisho oo kaliya aad iyo aad ayey u badan yihiin, marka waxaan si xushmadi ku dheehan tahay idinkaga codsanaynaa in ruuxii horay u dhaaftay Kafaala qaadka agoonta in uu ka faa’iideysto maalmahan oo uu kafaalo qaado agoonta hartay.

Ø    Ganacsatada iyo wax garad Soomaaliyeed oo gacan weyn ka geystay xareenta agoontaas kafaala qaadkana u sameeyay ayaa waxaa si naxariisi ku dheehan tahay looga codsanayaa in ay Xaqul Ciidka Agoontaas ay kafaalo qaadeen ay ku shubaan A/c agoon.

Ø    Guddigu wuxuu u mahad celinayaa Soomaalida debadaha joogta oo gacan weyn ka geystay kafaalada agoonta soona diray Xaqul Ciidka Agoonta.

Ø    Guddiga wuxuu ka codsanayaa Ganacsatada Soomaaliyeed ee balan qaaday in ay tiro agoon ah kafaaladooda bixinayaan oo wali aan wixii ay balan qaadeen u soo shubin Agoonta, in ay ka faa’iideystaan fursadan qaaliga ah una soo shubaan agoonta wixii ay u balan qaadeen.

Ø    Dadka Kafaala qaaday Agoonta una soo shubay Lix bilood ama Saddex Bilood, waxaa laga codsanayaa in ay bilaha u dhiman ay usoo shubaan agoonta.

F.G   ku hagaaj wixii aad ugu deeqeeso akoonada agoonta oo kala ah Amal a/c10106,      

        global A/C  10106,mustaqbal 22143 ,tawakal 59 ,towfiiq 00016

 

M A H A D S A N I D I I N

 

                                                                                    GuddoomiyahaGuddiga 

    C/kariim Shiikh Ibraahim

 

               Guddiga Xaruntiisu waa Muqdisho, Tell: 963444, 601989, 250725, 921487

Email: Agoontasom@globalsom.com ama Agoontasom@yahoo.com

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

Allah Is Great
TAARIIKHDA ISLAAMKA
Silsiladda Taariikhda Islaamka
Qore:Shiikh C/risaaq Macalim

Samsam Ducaale oo La soo Helay Cadeymo Muujinaya in ay Tahay Ardayad

Waa qormada ay ku saabsan tahay Faallada SomaliTalk ee bishan
Guji

 



HTML CD