SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - KENYA
 
Daabaco Boggan | Print

  • Ra'iisulwasaaraha Soomaaliya Prof: Maxamed Cali Geedi  ayaa umada Soomaaliyeed hanbalyo ku aadan Ciidul Fidriga u diray shir jaraa'id oo arimo badan looga hadlay  
  • CIIDUL FIDRIGA OO LOOGA DIYAAR-GAROOBAYO MEELO BADAN OO KAMIDA GOBOLADA PUNTLAND.
  • Magaalada Nairobi Waxaa Ka Biloowday Takbiirta Salaada Ciida iyo Dabaaldaga Ciida
  • Shir muhiim ah oo beesha reer awsaciid uga furmay magaalada Nayrobi looguna tacsiyeeyay Ra'iisul wasaaraha
Ra'iisulwasaaraha Soomaaliya Prof: Maxamed Cali Geedi  ayaa umada Soomaaliyeed hanbalyo ku aadan Ciidul Fidriga u diray shir jaraa'id oo arimo badan looga hadlay  

Axmed Muuse Cabdulle(Idaawaqaca)
Kenya,Nairobi Somalitalk
axmeddheere65@hotmail.com

 Hanbalyada Ciida Waxaa farxad wayn ii ah in aan munasaba ciidul fidriga ah hal kaan uga hambalyeeyo iyo bogaadin ugasoojeediyo shacabwaynaha soomaaliyeed iyo aduub waynaha islamka waxaana urajaynayaa inay sanadkaan sanadkiisa kale ku ciidaan barwaqo iyo nabad  waxaan ilaahay uga baryayaa in ilaahay waafajiyo qayrka bishaan  iyo fadligeeda aduun iyo akhiraba  

Tacsi ku aadan geeridi Carafaat Anigooo ku hadlaya magacayga iyo magaca dowlada soomaaliyeed iyo midka umada Soomaaliyeed waxaan halkan tacsi Tiiraanyo Badan uga dirayaa Shacabka iyo Doowlada Reer Falastiin Geeridi Hogaamiyihii Reer Falastiin Yaasir Carafaat Alaha unaxariistee,

Yaasir Carafaat waxa uu aha  halgaamaa geesi ah oo ku adag Qadiyadiisa iyo danaha shacabka Reer Falastiin waxaana ale uga rajeeynayaa in alla naxariistiisa ku waariyo , 

Rajadii  shirkii Soomaalida Sidaad la socotaanba shirkii soomaalida waxaa ka soo baxay natiijo wax ku ool ah oo waxaana lagu soo doortay Baarlamaan Cadaalad iyo dimuquraadiyad lagu Soo doortay waxaana Baarlamaanku doortay Gudoomye Baarlamaan iyo ku xigoono si xaq iyo cadaalad ah waxaa kaloo Baarlamaanku Doortay Madaxwaynihii Dalka Soomaaliya oo isagana si cadaalada ku yimid oo aan musuqmaasuq laheen   

Madaxwaynuhina waxa uu soo Doortay Wasiirka koowad guushaas shirka lagu gaaray ayaa ka turjumeeysa in umada Soomaaliyeed ubislaatay Nabada iyo cadaalada  

Doorkii oday dhaqameedyada shirka waxaa xusud mudan Ergadii iyo oday dhaqameedyadii Soomaaliyeed oo iyagu muujiyay Xilkasnimo dheerad ah runtiina ku dadaalay  guul ku dhamaadka shirka Soomaalida oo iyagu guntiga dhiisha is kaga dhigay in ay dalkooda iyo dadkooda u horseedaan Doowlad iyo midnimo qaran , 

Hanbalyo ku aadan beesha caalamka Waxaan hanbalyo u dirayaa Wadanka Keenya Ururgoboleedka IGAD IPF Qaramada Midoobay Jaamacada Carabta Midoowga Yurub iyo dhamaan Aduunka oo garab wayn nagu siiyay in aan doowlad dhisano, 

Talo ujeedin Shacabka Soomaaliyeed Dalkeena iyo dadkeena waxaa mudo 14 Sano ah soo fodsaaray  dhibaatooyin qalafsan oo aan la soo koobi Karin sida Nabadgalyo la aan Dhaqaalo xumo Shaqo la aan Caafimaad Xumo Burbur iyo Barakac ina dhaxal siiyay darxumo iyo magac xumo sameen wayn ku yeelatay Umada Soomaaliyeed meel kasto oo ay joogaan  Dhibaatada dadkeeni ku suganyihiin waxaa looga saari karaa gurmad balaaran oo aan loo kala harin laguna fuliyo ficil niyad sami ay daacadnimo iyo geesinimo ku dheehantahay wax ka qabashada arimahaas Kaalinka koowaad waxaa looga fadhiyaa Xukuumada la dhisi doono, 

Ajandaha doowlada hoowsha ugu horeeysa ee la iga sugayo oo ah magacaabistii golaha wasiirada oo jaangoon doona  qorshaha ay doowladu ku howl gali doonto waxa ayna yeelan doontaa sifayaalka soo socda ,,. 

1-    1-  Xukuumada la dhisdoono waxa ay noqondoontaa Mid dib uheshiisiineed kuna shaqaysa aragti nabadeed wada xaajood Siyaasad furfuran oo horsed u ah in la is waa fajiyo danta aan leenahay iyo danta la inaga leeyahay heer gobol iyo mid caalami

2-     2- Xukuumad la timaada is tiraatiijiyad iyo barnaamish dhaqaale oo balaaran oo ay ka qaybqaataan dad lehg aqoon xilkasnimo waayo aragnimo iyo rabitaan qaranimo oo dhab ah

3-   3-   Xukuumad federal ah oo nabadoon ah isla markaana dhameystirta dhib u heshiisiinta soona celisa kalsoonidii iyo midnimadii umada Somaaliyeed ee burburtay kana howl gasha Dalka sida ugu dhaqsaha badan dalkana ku soo dabaasha wada jir Sharci Nabad iyo kalo danbeen kana ferejigan wax walba oo abuuri kara colaad iyo xasilooni daro iyadoo hub ka dhigista u mari doonta wado nabadeed loogana baahanyahay Dalka in laga sameeyo si loo helo Nabad  Xasiloni waarta

4-     4-Xukuumad xiriir wanaagsan oo saaxiibtinimo laleh wadamada Dariska ah gayiga iyo guud ahaan Bulshada Caalamka taasoo dhowrta Heshiisyada caalamiga ah ee Soomaaliya qaybta ka tahay isla markaasna kaalinteeda ka qaadata ka hortaga wax yaabaha nabada iyo amniga qatarta aduunka ku ah,

5-    5- Xukuumad u howl gasha sidii soomaaliya dib loogu dhisi lahaa soona nooleeysa adegyadii bulshada kaabayaashii dhaqaalaha iyo abuurista jawi bii ad nabadeed oo lagu shaqayn karo taasoo suuro galisa si maalgalin loogu heli lahaa khayraadka Dalka

Doorkii iyo dadaalki beesha caalamka iyo dawladaha gobolkauba waxay u guntadeen sidii ay somaliya u yeela laheyd xuduuumada dhexe,  waxayna ka gun gaadhista ujeedadaas u qabteen shirar faro badan oo uu shirkan midha dhaley ugu dambeyey. Haddaba, ummadda soomaaliyeed waxaan ugu baaqayaa iney uguntadaan, garab galaan, taageeraan, gacanna siiyaan dawladda cusub ee u dhalatay. Sidoo kale beesha caalamka waxaan ugu baaqayaa, kana codsanayaa iney  xukuumadda soomaaliya weliba waxaan si gaar ah uga codsanayaa iney xukuumadda ku taageeraan gurmad dhaqale oo ay dawladdu ku hawl gasho. 

Ugu dambeyntii waxaan illaahay ka bar-yayaa inuu quluubta ummadda Soomaaliyeed isu soo duwo. Isla markaana nagu garab galo xilka culus ee nasaaran.

Axmed Muuse Cabdulle(Idaawaqaca)
Kenya,Nairobi Somalitalk
axmeddheere65@hotmail.com


 

CIIDUL FIDRIGA OO LOOGA DIYAAR-GAROOBAYO MEELO BADAN OO KAMIDA GOBOLADA PUNTLAND.

- Friday, November 12, 2004.

Galkacyo (Somalitalk).

Waxaa caawa Meelo katirsan gobolada Puntland gaar ahaanna gobolada ayl iyo bari laga xaqiijiyay in la arkay bishii ayna bari tahay maalin loo baahanyahay in la isu qababan-qaabiyo ciida maadaama ay dadku soo soomanaayeen sagaal iyo labaatan maalmood halka ay qaarkoodna soomanaayeen sideed iyo labaatan maalmood.

wali macadda in ay bari si rasmiya u wada iidayaan dadka ku dhaqan deegaanada Puntland sababtoo ah waxaa jiray khilaaf ay horayba uga kala soo meen meelaha qaarkooda haatanna laga yaabo in ay kuwa kamida sii dhamaystirtaan maalinta ka dhiman oo ah maalinta sabtida.

maaha oo kaliya gobolada Puntland baraha lafilayo in ay bari oo sabti ah laga iidi doono ayadoo ay jiraan khilaafaad soo kala dhexgala culumaa-udiinka badi ayaa hadana shacabku waxa uu raacaa hadba qolada ugu horaysa ee ay la soomaan. 

sahrosiglan@mail.com  


Magaalada Nairobi Waxaa Ka Biloowday Takbiirta Salaada Ciida iyo Dabaaldaga Ciida
Axmed Muuse Cabdulle(Idaawaqaca)
Kenya,Nairobi Somalitalk
axmeddheere65@hotmail.com

13/11/2004

Guud ahaan dadka Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Nairobi ee Dalka Kenya ayaa maalinka barito ah isku diyaarinya gudashada Salaada Ciidul fidriga iyaga oo dadka Soomaaliyeed si wayn iskugu diyaarinya Damaashaadka Salaada Ciida iyo wayneenta maalinka Fadliga badan,

Masaajidada waaween ee Magaalada Nairobi ayaa dadka ay wayneeynayaan Rabi Subxaanuhu watacaalaa iyaga oo qaadaya takbiirta salaada ciida dadkuna isku barxabeeynayaa Ciidwanaagsan Macal ciideen ,

Maalinka barito ah dadku waxa ay ku tukan Doonaan Hoolka wayn ee Sayid Cali Muslim Calab oo ah meel si aada ay dadka Soomaaliyeed u yaqaanaan ahna meel si aada u qaad wayn ayna ku tukan karaan Boqolkun oo qofood ama in ka badan ,

Waxaa hada dhagaheeygu maqlayaan dabaal daga Ciida oo lo ridayo madfacyo Cirkana lo tuurayo waxyaabaha dhalaala waxaana runtii dhaayaheeygu dheehanayaan dhadhalaalka sida aadka ah uquruxda badan oo kalle caynka ah ee dadku ku miijinayaan farxadooda ,

Masaakinta ayaa wadooyinka tuban dadkuna waxa ay gudoonsiinayaan Fidrada iyadoo tukaamadu yihiin mashquul waloow dadka intii badneed horay fidrada ubixiyeen ,

Dhalinyarada ayaa iyaguna si gaara isku casuumaya oo is balansanaa dhinaca kalle goobaha qoobka ciyaarka ayaa qiimahoodii sii kacay iyado nin waliba balansanayo saxiibtiisa gaarka ah nin walibaceesaantii ceelkeen laba walboo caashaq wadaaga waxa ay ubalamayaan si gaara Waxaadna moodaa in Jilida Caashaqu caawa irdaha ufurmeen kadib bil Ramaadn ah oo dadku ay ku jireen cibaado marka caawa waxa ay ka joogtaa sidan  

Laba guul u dhalatoo
Isu dhiganta weeyee
Dabadeed dhabeeshii
Hanadkii ku dheeraa
Dhudi mays bariidsheen
Dhubbad qaadka sheekada
Qofba dhagarta caashaqa
Wixii dhaaxo soo maray
Ma dhex galay kalkiisii
Ma akhriyey dhambaalkii
Warka maysu dhiibeen.

Kalgacayl dhito ahaa
Dhamac iyo dab huriyeen
Dhuxuliyo ladh soo kacay
Hadba dhoon ma buuxsheen
Kolba dhacan ma jiideen
Dhacdadiyo u jeedada
Qofba dhaadashada guud
Qofka kale dhankiisii
Inaan looga soo dhicin
Ma ku dhaabadeeyeen
Sannad mays dhegeysteen
 

Waxaa si toosa looga ciidayaa Maalinka barito ah Sacuudiga, Imaardka ,Falastiin, meela kamid ah Soomaliya intaba waa ciida sida ay noo soo xaqiijiyeen wariyaasha yada goobahaa ku sugan oo waxa ay noo soo sheegayaan in goobahaa ay mar hore ka bilaabatay takbiirtee ,

Sida uu ii xaqiijiyay Imaamka Masjidka Abuubakar asadiiq ee Xaafada Islii Sh Maxamed Umal maalinka barito ah waxaa salaada ciida lagu tukanayaa Sir Ali muslim Kalab

IID MUBAARAK:::


Axmed Muuse Cabdulle(Idaawaqaca)
axmeddheere65@hotmail.com

Waxan halkan hanbalyo ku aadan Ciidul fidriga uga dirayaa dhamaan umada Soomaaliyed kuwa Muslinmka ah oo dhan  

Waxaan sidoo kale hanbalyo gaara udiraya Dhamaan saxafiyiinta Soomaaliyed ee kukala Nool Daafaha Dunida Maamulayaasha Idaacadaha Wabseedyada Wargeesyada iyo Wariyaasha Soomaaliyeed Ee sida joogtada ah dadka Soomaaliyeed uga xaqab tira Wararka Faalooyinka Wareeysiyada Dhacdooyinka iyo guud ahaan wax walba oo ku soo biira adiuunka iyaga oo naftooda qaaliga ah u huraya, 

Waxaan si gaara halka uga Salaamaya cid alle iyo cidii magaceeyga iyo muuqalkeeyga taqana waxaana leeyahay Kullu Caam Wa Antum Bikheyr Ciid wanaagsan Macal Ciideen sanadkaan sanadkiisa ku gaara nabad iyo dimuquraadiyad waarta dalka soomaaliyana ha noqdo mida laga helo nabad iyo raaxo waarta dadkiisuna ha noqdaan kuwa fahma in wadaniyadu ay tahay lagama maarmaan   

Dadka soomaaliyeed waxaan u rajeeynayaa in ay iska ilawaan qabyaalada ayna u soo jeestaan Yagleelida Qaran Soomaaliyeed gacmahana is qabsadaan waxaana ku dhaafayaa Tixdan  iyo Abwaankii Saxiibkeeyga qaaliga ah Maxamad Cabdiqaadir Daauud [Stanza]

Oo aan isagana leeyahay Ciid wanaagsan Sax waa Idaawaqaca oo kuleh ka raali noqo isticmaalka Gabayadaada

- Cabdiyow dhabiil-geel haddeey dhaysisood dhiil u cuganeysay.
2- Oo aad dhaqaaleen jirtood dabinna dhawreeysay.
3- Oo aad dhabboow lama noqdee doog la dhilaneeysay.
4- Oo aad dhurwaa dhuudayiyo dhuug ka celineeysay.
5- Ood dhool-gu-hooriyo dhibcaha dharag la dooneeysay.
6- Oo aad dhashdhaasheeysayood dheelin ka ogaatay.
7- Ood yaan la dhuunjarin laheyd dhaar-walbiyo leylba.
8- Oo aad yaynan fooldhumin laheyd dhaaddan jirineeysay.
9- Maalinteey kuu dhashaa haddeey dhiiqi kari weeydo.
10- Waa dhibaato xeeldheer Wallee dhiillo iyo ciil dheh.

11- Haddaad dheeman lacaged laheyd dhanagna kuu muuqday.
12- Ood dhaar habeen nool xisaab kula dhabkoodeeysay.
13- Oo aad hal dheeriyo hal dhiman dhagax ku kaabeeysay.
14- Maraad kala dhantaashiyo maraad dhijid labeeysaaba.
15- Oo aad dhagraan lama noqdee xaq iska dhawreeysay.
16- Oo aad u dhooroofsaneed dhidib u aaskeeda.
17- Ama aad dhabcaaloowga ba'an kala dhagfaareeysay.
18- Oo aad dhigaay iyo wadaay dhabanjacleeyneeysay.
19- Haddii maalin qura la dhocoo laguna dhaylaaso.
20- Waa dhibaato xeeldher Wallee dhiillo iyo ciil dheh.

21- Haddaad dhool-gabdheed dhaadatood dhab ula haasaawdo.
22- Oo aad dhiggeedii jartooy rubaddu dhaanteeyso.
23- Oo aad dhaandhaan lama noqdee dhawrta ehelkeeda.
24 Oo aad dhanqalalyeeyninood hurudda dhuuxeeda.
25- Ood dhool haiga dhicin dhahdaa dhaabad-gabayeeyso.
26- Ama aad dhiiragalisood kalgacal dhab uga sheekeeyso.
27- Ood dhaar Ilaaheey martaa inaad dhigi arooskeeda.
28- Oo aad dhambaal iyo ammaan hadiyad u sii dhiibto.
29- Adigoo dhul-dheer jira haddii lala dhaqaaqguuro.
30- Waa dhibaato xeeldheer Wallee dhiillo iyo ciil dheh.

31- Nin hadduu wiil dhalaa nabarna dhaashdhaasho.
32- Oo uu dhib iyo qaxar la mara dhaqan-wanaaggiisa.
33- Oo uu dheefiyoo kana dhursugo aadna ugu dhaansho.
34- Oo uu Aabba Dhuuxoow dhahaa dharab ku boojaalsho.
35- Oo dhar iyo bilic u xiroo dhiirriyoo koriyo.
36- Oo uu had iyo goor dhargiyoo dhudanataageero.
37- Oo uu dhabtiisiyo ku sida dhabrka waaxdiisa.
38- Oo uu dhilmaayiyo ka jira, dhargal dhuuryo halisteeda.
39- Oo uusan dhaxaltirine noqdaa dhuunjar iyo tuug-xun.
40- Waa dhibaato xeldheer Wallee dhiillo iyo ciil dheh.

41- Haddii aad nin dhiirani tihiyo geesi lagu dhaarto.
42- Ama aad dhammeys iyo nindoor tahay laga dbambaalqaato.
43- Ood sida dhshiikaha dhacdaa markeey xaajo dhabaqoowda.
44- Ood dhaqanyo suushiyo aheyn maraan dhanuunaayo.
45- Oo uu tolkaa kuu dhanyahoo wadar ku dhaalquuta.
46- Ood dhaydhuub-carfoon iyo u tahay dhuyaca baarkiisa.
47- Ood dhacamo waaweyn ka rogi door nin-lihi dhaafay.
48- Haddeey qaylodhaan soo dhacdoo dhiig la kala daadsho.
49- Ood gabidhacdaa maalintaa beesha kala dhuuddo.
50- Waa dhibaato xeeldheer Wallee dhiillo iyo ciil dheh.

51- Shantaa waan dhildhilee miyaan meel ka kaladhaafay?
52- Haddaan dhumucda qeexiye dhab ugu sii fiirso.
53- Dhanqansuulka Soomaali helay amasa dhooqeynta.
54- Markaan dhab u sii xogsadaan dhirif-dillaacaaye.
55- Dhul ninkiisi oo dhoofayoo dibad u dhuuntaagi.
56- Midna ay qabyaaladi dhibtoo dhugata-liicaayo.
57- Wallee abid dhiggii lama tartama dheef ma saanyada dheh.
58- Inaad dhagax-dixeed wada tihiin Ina Sudaan dheegye [Timacadde]
59- Anna ma aan dhadhamin inaad guusha dhugataane.
60- Ka dhugbaxa qabyaaladi waa sun iyo dhuunkaale.

Axmed Muuse Cabdulle(Idaawaqaca)
axmeddheere65@hotmail.com


axmeddheere65@hotmail.com Axmed Muuse Cabdulle(Idaawaqaca) Kenya,Nairobi Somalitalk
Shir muhiim ah oo beesha reer awsaciid uga furmay magaalada Nayrobi looguna tacsiyeeyay Ra'iisul wasaaraha

Waxaa manta oo ah maalin Jimce ah   lagu qabtey shir albaabadu  uxiranyihiin oo ay ka soo qaybgaleen  dhamaan waxgaradka, Siyaasiyiinta, Culimaa’udiinka, Ugaaska, Salaadhiinta, Xildhibaanada, iyo dhalinyarada beeshaw Reer Aw Siciid.

 hadaba shirkaas ayaa waxaa ka soo baxay qodobbo dhowr ah oo lataaban karo iyo iyagoo Utacisyeeyey dhamaan qaranka somaliyeed ee ey ka geeriyoodeen labada nin ee qaaliga ahaa gaar ahaana uga tacsiyeeyey Ra’iisul wasaaraha iyo qoyskii ay ka dhasheen labadaas nin oo kala ah: 

1.         Jan Maxamed Cabdi oo Shantii Bishan kooxo aan lagaraneen ku dhawaceen Magaalada Muqdisho ee Dalka Soomaaliya ka Dibna ku Geeriyooday Magaalada Nairobi oo loo keenay Tacaal Caafimaad  iyo

2. Maxamed Xasan Taakoow oo isna Isla Muqdisho lagu dilay            

Shirkaas oo ka dhacay magaaalada Nairobi ee dalka Kenya guriga ninka layiraahdo sh. Musdhaf Bashiir oo kamida wax garadka beeshaas. hadaba waxaa si khaasa iigu suura gashey kadib markii uu dhamaadey shirkii in aan wareysi layeesho Mudane Xildhibaan Xasan Isaaq Yacquub (Gees cadde)   waxaa uu iisheegey in looga hadlaayey shirkaan qodobo muhiim ah kadib markii uu ka dhacay dalka bur bur iyo wax yeelo lixaad balaaran leh iyo sida ay manta kadib 14sano oo ahaa mucjiso laheley dowlad balaaran oo wax ku ool ah. Iyo doorka uga aadan beesha iyo sidii ay wax ula qabsan lahaayeen dowladda iyo sidii loo nidaamin lahaa deegaanadooda baahsan ee dalka Somalia.

Kasoo qeyb galayaasha shirka: 

  • 1.                  Sh: Cali Sh. Ibraahim Abuubakar

  • 2.                  Xaaji Cismaan xaaji Maxamed

  • 3.                  Sh Cabdulaahi Shiikh Ibraahim

  • 4.                  Ugaas Cabdirixmaan

  • 5.                  Dr: Cali Macalin Xassan

  • 6.                  Xildhibaan Xassan Isaaq Yacquub

  • 7.                  Nabdoon Aaadan Gaasow

  • 8.                  suldhaaan Ismaaciil Diad

  • 9.                  Dr. Xuseen Salaad Nuur

  • 10.              Prof Maxamed Luqmaan Samow

  • 11.              Cabdulaahi Macalin Xassan

  • 12.              Maxamed Bashiir Sh.Cali

  • 13.              Maxamed Macalin Macow

  • 14.              Dhayib Sh. Axmed

waxaa uu ii sheegey in uu ku dhamaadey shirku sidii loogu tala galey isla markaasna ay dhici doonaan shirar kale oo ka dhacaya  dalka gudihiisa

SomaliTalk Nairobi | Nov 13, 2004

ISHA SAWIRADA: Google Search

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

Allah Is Great
TAARIIKHDA ISLAAMKA
Silsiladda Taariikhda Islaamka
Qore:Shiikh C/risaaq Macalim

Samsam Ducaale oo La soo Helay Cadeymo Muujinaya in ay Tahay Ardayad

Waa qormada ay ku saabsan tahay Faallada SomaliTalk ee bishan
Guji

 



HTML CD