SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAALLO
Daabaco Boggan | Print


SAMSAM &  Md.AXMED YAASIIN
  • "Mudane Axmed Yuusuf is-daba-qabo oo iska sii daa gabadha aad adeerka u tahay"
  • "ABTI ku sheega umalka lajiifow waxaan kugula talinayaa inaad meesha isaga tagto"
  • "GABADHA aan Adeerka u ahayow, Aabo, Adeero, ilaahay hakuu boogadhayo..."

Qore: Abdiwahaab Ahmed

Waxaan salaan udirayaa bahda Somalitalk, aad baan idin ku mahad celinayaa sida aad isugu xilqanteen Xaalada Gabadhaa yar ee aanan waxba galabsan ee xuquuqdeedii lagu jawrfalaayo & waliba sida aanay uba jirin cid damiir oo ka hadli kartaa.

Hadaba anigoo ka duulaaya warbixino aad ufaraban oo laga soo tabinaayo Gabadhaa yar ee Soomaaliyeed & waliba waraysigii uu bixiyey Taliyaha Ciidanka Booliiska ee M/mulka Soomaaliland oo uu kaga hadlaayey hadalo runtii damiirka qofka Aadamiga uu ka damqado amaba ka xishoodo, (Aragtideydu wuxuu iigu muuqday Nin weyn oo Damiirka ka dhintay laakiin calafku mas'uulka dhigay) kumana habooneyn inuu arinkaa isagoo kale ka hadlo,waa taliye ciidan oo Ceebidoonatay siduu umuuqdo.

isku soo wada duub warbixinada & wareysiyada iska soo daba dhacay ee looga hadlaayo xaaladda Gabadha yar ee Soomaaliyeed marka koowaad aadbaanu uga xunaha,marka labaad Saxaafada xorta ah ee wadaniga waxaan ka codsaneynaa inay Arinta gabadhaa lala socdo hadba meeshay mareyso sida web.Somalitalk ay wax uga qorto mar walba xaalada Samsam.

TALO SIIN & U TACSIYADEYN

Madaxweyne xigeynka Soomaaliland Mudane Yaasiin, waxaan kugula talin lahaa inaad Gabadhaa yar ee aad Adeerka u tahay ee laga qabtay waliba Gurigaaga Iska siideyso, kolayba mustaqbal uma harine haddii sida wax loosheegayaan wax udhaceen waa wax laga Arga gaxo ee bal hadda isdaba qabo, Ogowna Axmed yaasiinow inaysan Gabadh gurigaaga lagu fara xumeeyey aargoosi galaynin, shaadhka unbaa kaa wasakhoobaye SAMSAM wali waa sideedii, SAMSAM wali waa sideedii!.

ABTI ku sheega umalka lajiifow waxaan kugula talinayaa inaad meesha isaga tagto, wax kaloo iimuuqdaa majirto illeyn xushmadi & isqadarini dhimataye, Axmed Yaasiin ma 'ah Nin Reer Burco ama Reer Sanaag ah oo aad isu Xeer dhiganeysaane Xishoodna waa lumay ilaahay Xaqiina waxaa uga weynaaday Caadifad qabiilee.

GABADHA aan Adeerka u ahayow, marka koowaad waxaan kaaga tacsiyadeynayaa guud ahaan dhibatada soo wajahday noloshaadii & mustaqbalkadii oo dhan, Aabo, Adeero, ilaahay hakuu boogadhayo waa Duul islaam ah, waa Dad Soomaali ah, laakiin Caadifad qabiil, midsiyaasadeed & Cuqdad hore oo aadan shaqo ku lahayn Dad kuudilaala, Ogowqna inaan dhibka kula qeybsanaayo waligey inta aan noolahay Adiga & Ehelkaagaba.
....wabilaahi towfiiq Abdiwahaab_Ahmed@hotmail.com



Zamzam Ducaale Daqmasho naga haysata

Qore: khasim c/raxmaan cali

Salaan sare bulsho, waxaan aad uga xunahay xalada zamzam ducaale iyadoo  aanan wax ka qaban karin aritaas balse waxey  noola muuqataa inaan zamzam  wax dembiya lagu hayn balse ay u haystaan reer somalind qabiil ahaan, waxaan  haynaan warar ah in lagu xumenayo puntland,  balse gabarta  mahan in loogu  xad gudbo dawlad aysan waxba ka ahayn, waayo wararka nagasoo garaya samsam waxaan maleynaa inu midba midka kale ka xunyahay  waxa lagu sameyey samsam. Riyaale kaahin  waxaa uu wadaa siduu isugu diri lahaa beelaha Soomaaliyeed, run ahaantii waan ka damqaneynaa gabartaas  samsam waxa lagu sameyey, waxa damqashadaa idiin soo diray:: khasim c/raxmaan cali oo ku sugan dalka Kenya. Email: khasimbul@hotmail.com

mahadsanidin


Somaliland Waa Dawlad ee Maaha Maleeshiyo

Waxaan aad u la yaabanahay maqaalada ka hadlaaya arinta samsam ee is daba yaaca ah ee qabyaaladaysan ee aad ku ceebaynaysaan Dawlada Somaliland oo aad leedihiin gabadha yar waa la kufsadey oo waxaa kufsadey ilaalada Somaliland,haddaba waxay is waydiintu tahay Ilaalada Madaxwayne ku xigeenka ma waxaad moodaysaan kuwii siyaad barre oo kale ee yeeli jirey waxay doonaan. 

Haddaba arinta Samsam waa la baadhayaa lamana kufsan haddii dambi lagu waayona waa la siidaynayaa oo anaga oo shicibka ah ayaan ogoleyn in la iska xidho qof aan dambi lahayn,sababta oo ah anaga ayaa dulmi diidney oo ka dagaalaney oo og dhibaatada uu leeyahay dulmigu. 

Takale ee aan ka hadlayaa waxay tahay somali laga dhaadhicin maayo inaanu dawlad nahay oo horena aanu u ahaan jirney balse somali jacayl aanu ugu biirney 1960kii imikana ka goosaney oo aynagu kaliftey dulmigii nalaga galey,haddana aanu samaysaney dawlada caalamku uu ogyahay halkey maanta marayso oo aanaan dib ugu biiri doonin somalia ee aanu ahaan doono laba dawladood oo jaar ah oo walaalo ah,kuna wada noolaan doono ixtiraam iyo is jacayl iyo xidhiidh wanaagsan.Balse aanu nahay dawlada  Republic of Somaliland. 

Waxaan kula talinayaa somalida waar heshiiya oo dawlad noqdo oo iska daaya xaasidnimada oo ha ku habsaamina somaliweyn aanu anaguba hore ugu daalney oo aanu isku keeni kari wayney oo aanu ka quusaney ee dantiina qabsada. 

Allaa Mahad Leh 

Axmed Abdi Ismail
Somaliland Hargeisa
agabar2004@yahoo.com
Nov 19, 2004

:::RA'YI:::

Gabadha Somaliyeed

Xuseen Dalmar Ismaaciil oo kamid ah ahaa askartii ilaalada Saldhiga Dhexe ee Hargaysa oo ka Warbixiyay Xaalaad Sasam... Guji...

Assalaamacaleeykum,  bulsho waan  idin salaamay, salaan kadib  Samsam  waa gabar soomaaliyeed waxaana hasta  somaliland, waxayna ila tahay aniga layaab Soomaali gabar somaliyeed xiraysa hadii la xirayna waaba la  kufsana ? somaliland  maxay ku haysataa gabadha maxaa aduunka somalida joogtaa kaleedahay ma laga hadlay. Waxaan ahay wiil somaliyed oo jooga south africa,  waxana ku hadlayaa afka somalida s,a ama south Africa  waxaana dhaleecayn  nala mudan  wasiirada somaliland, ok!, somalida qurbaxa joogtana waxaan ugu baaqayaa in ay  kajawaabaan gabadha  kufsigeeda la baneestay.

 bye sorry zumzum  waa bashiir hassan barre ,,bashiir miro jaceyl  email,  bashiir12@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 20, 2004

Xagee ayey ku Danbeysay Samsam
warbixin Dhab ah oo ka Timi Hargeysa
Guji Nov18

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

Allah Is Great
CADAYMAHA SAMSAM

Eeg Sawirka oo Weyn: Caddeynta Warqadda Dhalashada

Eeg Sawirka oo Weyn: Warqadda Sugitaanka:


XAD-GUDUBYADA KA DHACA SOOMAALIYA::

GALKACYO OO NIN LAGU GOWRACAY [Nov 13, 2004]

Maxamed Dheere vs Xijaabka [March 28, 2004]

xasuuqii Dugsigii Sare ee Maxamuud Axmed Cali [Feb 10, 2004  ]Dad Mooryaanta ka daran!  [June 28, 2004  ]

XASUUQII XEEBTA JASIIRA :: MUQDISHO [Oct 11, 2003]

Dubihii ku dhacay Dugsigii Maxamuud Axmed Cali [Sept 9, 2003 ]

Kufsi iyo isbaaro! [Aug 26, 2003

Falal Kufsi Iyo Dil Iswata Oo Ku Soo Kordhay Muqdisho  [Agoosto 6, 2002 ]

Baaqii Amnesty International oo Af-Soomaali Loo Rogey [7 November 2002 ]

DHIBAATOOYINKA XILIGAN COLAAADAHA SOO GAADHAY DADKA REER BANAADIRIGA AH [Dec 3, 2002]

Dilkii Suldaan Hurre [8/17/02]



HTML CD