SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - SOOL
Daabaco Boggan | Print


Xaalada Caafimaad Ee SamSam Axmed Ducaale Oo Laga Dayrinayo.
  • Xuseen Dalmar Ismaaciil oo kamid ah ahaa askartii ilaalada Saldhiga Dhexe ee Hargaysa oo ka Warbixiyay Xaalaad Sasam

Xuseen Dalmar Ismaaciil |No: 4483

Sida uu warbaahinta Gobolka Sool ugu waramay nin isagu ka mid ahaan jiray Askartii SamSam Saldhiga dhexe ee Hargeysa ku hayn jirtay oo isagu haatan Iskaga yini markii uu dagaalku ka qarxay Gobolka Sool Gaar ahaan Tuulada Adhi-Cadeeye ayaa ka war bixiyey xaalada SamSam Axmed Ducaale Ay Haatan ku sugan tahay.

Askarigan oo magaciisa la yidhaahdo Xuseen Dalmar Ismaaciil, Lanbarkiisa Askarnnimona uu ahaa 4483 ayaa sheegay in ay xaalada Caafimaad ee SamSam Axmed Ducaale aad u liidato iyada oo ay haatan xagga maskaxda dhibaato weyni ka soo gaadhay, ninkan askariga ah oo isagu ka mid ahaa raggii markii ugu danbaysay maxkamada lageeyey Waar diyeynaayey, markii danbena saldhiga ay ku jirto ku waardiyeyn jiray ayaa sheegay in ay SamSam ay dhibaato gaadhsiiyeen falalkii waxashnnimada ahaa ee lagula kacay gabadhaasi yar, wuxuuna sheegay in kufsigii loo gaystay ay hada la jaahwareertay, iyo iyadoo qol kaligeed ku xidhan tahay.

Dhibaatada maanta haysata ayuu yidhi Askarigan oo sheegay in uu iskaga yimi markii dhaawacyo loo gaystay isaga oo ku sugan Saldhiga dhexe ee Hargeysa ayaa sheegay in haddii aan gabadhaas yar sida ugu dhakhsaha badan loo sii dayn ay xaaladeedu ka sii dari doonto , wuxuuna intaasi ku daray in gabadha Jidhdil loo gaysan jiray xilligii la xusuustaba khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya Puntland iyo Somaliland. Waa sida uu warka u dhigaye.

ISHA: Ilo jooga Woqooyiga Soomaaliya.

:::RA'YI:::

Gabadha Somaliyeed

Assalaamacaleeykum,  bulsho waan  idin salaamay, salaan kadib  Samsam  waa gabar soomaaliyeed waxaana hasta  somaliland, waxayna ila tahay aniga layaab Soomaali gabar somaliyeed xiraysa hadii la xirayna waaba la  kufsana ? somaliland  maxay ku haysataa gabadha maxaa aduunka somalida joogtaa kaleedahay ma laga hadlay. Waxaan ahay wiil somaliyed oo jooga south africa,  waxana ku hadlayaa afka somalida s,a ama south Africa  waxaana dhaleecayn  nala mudan  wasiirada somaliland, ok!, somalida qurbaxa joogtana waxaan ugu baaqayaa in ay  kajawaabaan gabadha  kufsigeeda la baneestay.

 bye sorry zumzum  waa bashiir hassan barre ,,bashiir miro jaceyl  email,  bashiir12@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 19, 2004

Xagee ayey ku Danbeysay Samsam
warbixin Dhab ah oo ka Timi Hargeysa
Guji Nov18

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

Allah Is Great
CADAYMAHA SAMSAM

Eeg Sawirka oo Weyn: Caddeynta Warqadda Dhalashada

Eeg Sawirka oo Weyn: Warqadda Sugitaanka:


XAD-GUDUBYADA KA DHACA SOOMAALIYA::

GALKACYO OO NIN LAGU GOWRACAY [Nov 13, 2004]

Maxamed Dheere vs Xijaabka [March 28, 2004]

xasuuqii Dugsigii Sare ee Maxamuud Axmed Cali [Feb 10, 2004  ]Dad Mooryaanta ka daran!  [June 28, 2004  ]

XASUUQII XEEBTA JASIIRA :: MUQDISHO [Oct 11, 2003]

Dubihii ku dhacay Dugsigii Maxamuud Axmed Cali [Sept 9, 2003 ]

Kufsi iyo isbaaro! [Aug 26, 2003

Falal Kufsi Iyo Dil Iswata Oo Ku Soo Kordhay Muqdisho  [Agoosto 6, 2002 ]

Baaqii Amnesty International oo Af-Soomaali Loo Rogey [7 November 2002 ]

DHIBAATOOYINKA XILIGAN COLAAADAHA SOO GAADHAY DADKA REER BANAADIRIGA AH [Dec 3, 2002]

Dilkii Suldaan Hurre [8/17/02]



HTML CD