SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - HARGEYSA
Daabaco Boggan | Print


Maxaa ka jira Kufisga iyo Jidh dilka la sheegay in loo gaystay Samsam Axmed? Waase Tuma Samsam Axmed?

Nov 23, 2004

Looyaradii Difaacayey Samsam oo Xabsiga Loo Taxaabay
Afar kamid ah Looyarradii Difaacayey Samsam Oo Maxkamaddii Ay Uga Doodayeen Iyagii Ku Xukuntay Midkiiba 3 Sanadood Oo Xadhig Ah, Xabsigana Loo Taxaabay...
Guji... Nov 24

Hargeysa (Halganews) Waxa beryahan isa soo taraya wararka ku saabsan Samsam Axmed Ducaale oo la xidhay 15 August, kadib markii ay tagtay guriga Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Mudane Axmed Yuusuf Yaasiin, iyadoo samsam sheegtay in uu adeer u yahay.

Hadaba arrintan Samsam ayaa loo falanqeeyay   laguna sheegay siyaabo kala duwan, iyadoo lagu soo bandhigayo  websiteyada, todobaadyadan denbe waxa si aad ah loogu soo bandhigay  warbixino kale duwan  website ka Somalitalk , warbixinahaas oo dhamaan sheegaya in aanay Samsam wax denbi ah gelin laguna haysto xaqdaro.

Waxaa noo suurta gashay inaan wax ka ogaano una howl galno si aanu arrimaha Samsam Axmed Ducaale xaqiiqda dhabta ah aanu soo ogaano, iyadoo aanay weli ayna noo suurta gelin in aanu la kulano Samsam iyo qareenkeeda midna, laakiin aanu warar kale oo rasmi ah  ka helnay meelo kale duwan iyo dad xogagaal u ah arrintan.

Sidee ayay Denbiile ku Noqotay Samsam Axmed Ducaale? Maxaase lagu soo eedeeyay?

Waxa la sheegay in ay Samsam Axmed Ducaale iyo laba nin oo kale oo la socday ay wateen Baabur Ingaydh ah oo Mark II ah toosna ay u yimaadeen guriga Madaxweyne ku xigeenka, maalintaas oo ahayd maalin Jimce gelinkeedi denbe ah, Markii ay soo gaadheen guriga Madaxweyne-ku xigeenka ayay Askartii  ilaalinaysayna u sheegtay in uu M-ku xigeenku adeer u yahay iyadoo tidhi Inaadeerkii ayaa i dhalay, isla markaana waxa loo geeyey  hooyadii, waxayna markii loo geeyay ay sheegtay in aanu lahayn wax ilmaadeer ah.

Madaxweyne ku xigeenka Hooyadii hadalkii ay tidhi may qaadan waxana la gelay gurigii hore ee M- ku xigeenka, is been fariinka dib, Hooyadii ayaa soo saartay waxayna ku soo noqotay gurigii M-ku xigeenka iyadoo ay ka soo hadheen labadii nin waxana la ogaysiisay M-ku xigeenkii, markii uu ogaaday Axmed Yuusuf Yaasin garana waayay gabadhan sheeganaysa waxa uu u tilmaamay nin kale oo ay isku reer yihiin Madaxweyna ku xigeenka oo la yidhaahdo isna Axmed Yuusuf Yaasin.  ka dibna Madaxweyne ku xigeenku sida caadaduba tahay waxa uu u xil saaray Caaqilka reerka si gabadhaasi loo caawiyo oo ay u hesho tilmaanteeda dhabta halka ay ku biyo shubandoonto  

 Xaal haduu halkaa marayay waxay si rasimi ah loona xilsaaray  Chief Caaqil Cismaan iyo odayaashii reerka waxa la xaqiijiyay in Inantaa warkeedu khaldan yahay, si loo sii hubiyana waxa uu Chief Caaqilku uu geeyay gurigii walaalkii  oo u dhow xafiiska C.I.D, sadex maalmood iyo sadex habeen ka dib, waxa gurigii soo weeraray niman warsan geli ah oo leh gabadhu waa inantayadii, waana la isku qabsaday ilaa ay gaadhay gacan ka hadal, markii la is qabsaday gurigiina buuq uu ka dhacay ayay C.I.D ogaatay soona dhex galeen. Halkaas ayayna C.I.D ku galeen arrintaa.

Wararka aanu helnay waxa kale oo ay tilmameen Ciidanka Baadhista Danbiyadu (C.I.D) inay ku soo galeen arrintan markii reerka ay   sheegatay Hargeysa  iyo reerka warsangeli isku qabsadeen ee gacan ka hadal gaadhay, inantuna waxay C.I.Du Maxkamada ku gaysay waxay afkeeda ka sheegtay. Cafisna wuxuu yimaadaa haddii maxkamadi wax ku cadayso mase jirto masuul ay u xidhan tahay oo cafis ku leh.

Samsam Axmed Ducaale lagama qaban Madaxweyne ku xigeenka Gurigiisa manuu dacwayn. laakiin arrinkan lagu xidhay afkeeda ayay ka qiratay sida wararka aanu helnay sheegayaan. Waxa kale oo wararku sheegayaan in ay Samsam sheegatay sadex qabiil oo ayna ahayn, Xasan Jibriil, Ciise Muuse iyo Warsangeli ugu denbayntiina ay noqotay Majeerteen

Maxaa ka jira Kufsiga iyo Jidh dilka la sheegay in lagu Sameeyay Samsam Axmed?

Ka dib markii Halganews Samaynay Baadhitaan ku saabsan Faraxo Xumaynta iyo Jidh dilka la sheegay in lagu sameeyay Samsam Axmed Ducaale, anagoo warar rasmi ah ka helnay meelo kale duwan, laakiinse aanay ilaa imika noo suurta gelin in aanu Samsam Axmed la kulano. Sababta aanu ula kulmi waynayna ay tahay iyadoo imika ku jirto Jeelka welina wax xukun ahi aanu dhicin lana ogalayn qof aan la xukumin in la waraysto.

Waxana website-yada lagu soo bandhigay warar sheegaya in Samsam ilaaladiii guriga Madaxweyne ku xigeenka iyo kuwa ka mid ah ciidamada bilayska Somaliland ay kufsadeen, iyadoo siyaabo badan u sheegayay sababta ay ku kufsadeen. Sidoo kale, isna waxa uu sheegay nin Askari ka ahaan jiray Ciidamada Bilayska Somaliland imikana ku sugan Degaanla laascaanood  in uu ahaa Askartii ilaalinaysay gabadhaa, askarigaa oo sheegay in ay xaalada Caafimaad ee Samsam Axmed Ducaale aad u liidato iyada oo ay haatan xagga maskaxda dhibaato weyni ka soo gaadhay, waxana uu askarigaasi intaas sii raaciyay oo sheegay in la kufsaday.isla markii ay arrintaasi dhacday.

 Hadaba Taliyaha Laanta baadhista Dembiyada ee Booliska Somaliland Saleebaan Muuse Xasan oo faahfaahin ka bixiyey arrinta loo haysto gabadha iyo eedeemaha lagu soo eedeeyay Dowlada Somaliland, waxa uu si kulul u beeniyey eedaynta ah in gabadhaas lagula kacay Kufsi iyo Jidh dil

Taliyuhu waxa uu si ba'an u beeniyey kufsiga la sheegay in lagula kacay Inantaa "Inantaasi intii ay xidhnayd waxay ku sugnayd saldhigga Dhexe ee Hargeysa, wax Jidh-dil ah iyo wax dhibaato ah oo la gaadhsiiyeyna majirto. Waxa saldhigga ka shaqeeya dad ay Inanta ehel yihiin, Saldhigga hareerihiisa waxa deggan dad ay is xigaan. kuwaas ayaa ogaan lahaa," ayuu yidhi Taliyuhu

Taliyuhu waxa kale oo uu sheegay in ay Samsam Hooyadeed ay ka codsatay in la tuso, iyada oo ku doodaysa in la kufsaday, isla markaana ay caddaysay in aanay waxba ka jirin arrintaa, raalligelinna ay ka bixisay. Waxa kale oo uu sheegay in dhakhtar la mariyey, dhakhtarkiina uu caddeeyey in aanu jirin kufsi lagula kacay gabadhaas.

Hadaba waxa kale oo noo suurta gashay in aanu warar rasmi ah aanu ka helno arrimahaa waxyaabo badan oo cadeymo ah uu khuseeya Arintaansa loo soo badhigay Halganews lana tusay.

Waxanu xafiiskiisa ku booqanay Taliyaha Ciidanka Bilayska Somaliland Maxamed Cige Cumar waxaananu wax  ka waydiinay arrinta Samsam iyo cida ay u xidhan tahay, taliyuhu isagoo arrimahaa nooga jawaabaya waxa uu yidhi; "Inantu waxay u xidhan tahay sharciga Qaranka, qofku marka uu denbi galana lama yidhaahdo qof ayuu u xidhan yahay ee waxa la yidhaahdaa sharciga ayuu u xidhan yahay, waxaanan idin leeyahay Inantaasi sharciga ayay u xidhan tahay denbi ay gashay ayay sharciga ugu xidhan tahay, laakiin qof odhanaya aniga ayay ii xidhan tahay ma jiro, arrinkeeda Madaxkamada ayuu hor yaala", Dhinaca kale  Gudoomiyeha Golaha Wakiilada JSL Mud. Axmed Maxamed Aadan (Qaybe) oo aanu arrinkaa wax ka waydiinay waxa uu noo sheegay in uu Madaxweyne ku xigeenka arrinkaa kala hadlay, ka dibna M-ku xigeenku ergo ahaan ugu diray Qoyskeedi si ay u soo xaqiijiyaan arrinkan kufsiga ee la sheegay, ka dibna ay ku gacan saydheen. sidaana uu ugu warceliyay Madaxweyne ku xigeenkii.

Dhinaca kale waxa isna wax ka waydiinay Taliyaha Ciidanka Asluubta Somaliland Cabdi Muxumed Nuur arrinta Samsam  iyo xaaladeeda Caafimaad, waxa uu noo sheegay in uu caafimaadkeedu aad u fiican yahay waxa la sheegayaana aanay waxba ka jirin, waxanu noo soo bandhigay waraaqo baadhitaan ay sameeyeen dakhaatir ay u direen Ciidanka Asluubtu , Sidoo kale, waxa kale oo jira Dhakhaatir kale oo ay Maxkamadu u saartay in ay arrinkaa ay soo baadhan, dhamaana waraaqaha caafimaadka ee dhakhaatiirta kala duwani ay cadeeyeen oo dhamaantood la tusay Halganews iyadoo Cadaymahaasi la helayo hadii loo baahdo cadaymahaasi oo ka koobnaa Afar cadaymood oo kala duwan intuba waxay xaqiijinayeen in aan wax kufsi ah oo loo gaystay  Samsam  aanay jirin iyadoo nabaro samsam ku yaala oo jiraana la odhan karo guud ahaan waxaa ku yaala laba nabar oo Xusulada ah se duug ah midkiiba dhacay sanad ama ka hor kuwaasi oo muuqaalkoodu sii yaryahayba sido kale waxaa baadhitaan kaa la mida lagu samayeeyey in bal wax ka jiraar jidhdil loo gaystay Omar Xaaji Jaamac Warsame  oo ahaa  ninka lala xidhay Samasam  isagana la cadeeyey inaanu wax qabin.

Isku soo  duuduuboo dhamaan cadaymihii loo soo Bandhigay Halganews waxay ka turjumayeen kuwo aanay ka muuqan fal jidhdil ah oo loo gaystay Samsam Axmed  iyada oo waraaqaha qaar ay ku saxeexnaayeen  3 dex dhakhtar

Waxa  la yaableh waxa uu uga aamusay Arinkan  Inanta Abtigeed oo Wasiirka ka ah Dawlada Somlailand!!!!

Tan iyo intii ay kiiskaasi socday waxa aan ka hadal arrinkaa Inanta Abtigeed oo xil Wasiir ka haya Dowlada Somaliland, iyadoo arrinkaasi uu abuuray shaki, hadaba waxanu isku daynay in aanu waraysiyo la yeelano Wasiirka laakin ilaa imika noomay suurto galin waxa noo suurto galay in aanu nin ay walaalo yihiin waraysi aanu ka helno.

Faarax Siciid Maxamed oo Abti u ah Samsam Axmed Ducaale, waxa uu noo sheegay sababta ay ku timid guriga Madaxweyne ku xigeenka waxana uu yidhi; "Waxay ku socotay Itoobiya, iyado reerkoodii kaga soo baxsatay arrin lagu ogaaday oo ahaa nin ay is mehersadeen oo cidi ogayn, ka dibna ay hargeysa u soo baxsatay si ay ugu sii dhaafto Itoobiya".

Isagoo hadalkiisa sii watana cadaynayana sababta ay ku tagtay guriga Madaxweyne ku xigeenka JSL waxa uu yidhi; "Sababta ay ku tagtayna ama ay ugu socotayna waxay ahayd hablo uu adeer u yahay M-ku xigeenka oo Gabadha uu qaba ay Edo u ahayd oo ay xidhiidh lahayeen dartood ayay ku tagtay guriga".

Mar aanu wax ka waydiinay arrinta kufsiga waxa uu noo sheegay Askartii ilaalada M-ku xigeenka ay mudo ka dib ay bilaabeen in ay la baxaan saqda dhexe ee habeenkii, ka dibna ay fara xumeeyaan ama ay kufsaden, isagoo aanu wax ka sii waydiinay arrintaa uu sheegay in uu u hayo cadaymo laakiin aanu noo soo bandhigin wax cadeymo ah oo lagu qanci karo.

Ciidanka Booliska Somaliland Arrinta la sheegay miyay sameeyaan? Masa ku dhaqmaan?

Sida lagu soo eedaynayo Ciidanka Booliska JSL waxa la sheegay in ay Kufsadeen Inantaa, arrinkaas oo ah mid aan dhaqan iyo caado u ahayn Ciidamada iyo Shacabka JSL. Ka dib markii baadhitaan aanu samaynay waxanu ogaanay in arrinkaa aanu waxba ka jirin welina aan loo hayn wax cadeymo ah oo lagu qanco.

Warkaas oo ah war been iyo borobagaando lagu ceebaynayo Dowlada Somaliland iyo Shacabkeeda, arrintaas oo ah arin daciifnimo  iyo Qabiil u ku kala qaybinta Somalialnd ee Maamulka Garoowe waa gardaro iyo cadaawad cadaana oo lagu wax yeelaynaayo qarnimada Soomaaliland.

Maxaa ka Jira arrinka la sheegay in ay Saxaafada Somaliland ka Aamuseen Arintan?

Waxa website aadka uga hadla arrinta Samsam Axmed Ducaale lagu sheegay in ay ka aamuseen Saxaafada Somaliland arrinta Samsam iyagoo aamusnidaa ay sheegeen ku tilmaamay colaad ay u hayaan shacabka Puntland sidaa awgeedna ay uga aamuseen arrinta Inantaa.

Warkaas oo aan ahayn mid  waxba kama jiraan ah, Saxaafada Somaliland iyo Ururada Xuquuqal Insaanku labadub way ka hadleen arrintaa, dhinaca saxaafada mudo badan ayay soo bandhigaysay arrintaa Samsam iyo Danbiga la sheegay laguna xidhay.

Waxa iyaguna dadaal xoog ah muujiyay Ururada Xuquuqal Isnaanka Somaliland oo Maxkamad iyo Jeelba ugu tagay Samsam ilaa imikana aan ka hadhin.

Arrinkaa Samsam sidee ayaa looga arkay Magaalada Hargeysa?

Magaalada Hargeysa waxa lagu warhelay iyadoo la isla dhexmarayo waxa Maxkamada la keenay Gabadh yar oo laga soo qabtay guriga Madaxweyne ku xigeenka laguna eedaynayo in ay waday shirqool dil ah. arrintaa oo mar kaliya dhex qaaday Magaalada Hargeysa iyadoo saxaafaduna aad u qaada dhigtay wararkeeda.

Habada markii la ogaayday lana sheegay cida ay ahayd Inantu ama qabiilka ay ka soo jeeday, iyadoo dhinaca kalena Somaliland iyo Maamul Goboleedka Puntland ay ka dhexaysay xurguf dhinaca xuduuda ah xaaladuna ay aad u kacsanayd.

Shacabka Somaliland u may arkin arintaa Samsam mid colaadeed kamanay muuqan  wax colaadi ihi,  manayna ahayn shacabku kuwa colaad u haya shacabka reer Puntland, sida  wararka beenta iyo borobagaado ay ku baahinayaan website ay ka mid yihiin Radiolascaanood, iyagoo shacabiga walaalaha ah ku abuuraya colaad iyo kala fogeyn kana dhaadhicinaya warar aan jiri iyagoo leh dadkii reer Puntland ayaa lagu laynaya Magalada Hargeysa iyo Burco. Shacabka Somaliland waxay ay caado u leeyihiin is dhex gal iyo walaaltinimo aan ahayn mid qabiil mana aha kuwa waxaa la sheegayo sameeya. 

Kuwa Xuquuqal Insaanka Sheeganaya Maxay wax uga qaban waayeen Kufsiga iyo Dilka loo gaysanayo Shacbiga Somaliland ee ku sugan Magaalooyinka Maamul Goboleedka Puntland?

Waxa la yaab ah Inanta lagu haysto denbiga ee ku xidhan Magaalada Hargeysa ee aad ay uga doodayaan dhamaan shacbiga Maamul Goboleedka Puntland iyo Koonfurtuba, iyadoo Inantaasi Caafimaad qabta wax Kufsi iyo Jidh Dilna aan lagu samayn ee loo arki wayay Inantii ay sida Badheedhka ah ay ugu kufsadeen Puntland, Inantaas oo Kufsigii iyo dhibaatadii ay u gaysteen imika u dhimatay, waxa kale oo iyana sii socda dilka ay ku hayaan Muwaadiniinta reer Somaliland ee ku dhaqan Maamul goboleedka Phunland iyadoo 18kii bishan lgu dilay Alle ha u naxariistee Cali Cabdalle iidle oo ahaa nin ku dhaqan Magaalada Boosaaso halkaas oo uu daganaa kana shaqaysan jiray.

Hadaba ma waxa la odhan karaa kuwaa u doodayay Samsam Axmed Ducaale waa kuwa Xuquuqal Insaanka ka socda?

Waxa ay si badheedh ah ay iskaga indha tirayaan arrimaha dhabta ah ee jira, iyagoo cadaysanaya cadaawada ay u hayaan Dowlada iyo Shacbiga Somaliland, dabna ka dhex holcinaya Walaalahaa Somaliland iyo Maamul Goboleedka Puntland. Somaliland Run ahaantii dhib badan oo loo gaystay way ilowday, waxa laakiin ilaa imika lagu sii wadaa dhibtii loo gaystay waxana dib loo damqayaa Nabarkii bogsaday.

Ugu Danbayntii

Waxa aanu ilaa imika ku hawl jirnaa sidii aanu idinku soo bandhig lahayn arrimaha Samsam iyo halka ay marayaan, waxana la filayaa in 24 November ah in la hor keeni doono Maxkamada sida aanu wararka ku helnay, wixii ogaanka Madaxkamada ka soo baxana waan idiin soo bandhig doona iyo wixii kale ee noo suurtga gala.

Cabdifataax Xasan,  Hargeisa Somaliland

reporter@halganews  

Isha: Halganews | Faafin: SomaliTalk.com | Nov 23, 2004

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

 
Gabadhan lix-jirka ah waxay ka jawaabeysaa su'aal kasta oo laga weydiiyo Quraanka.... Guji

 

»»» :::QORAALADA LAGA QORAY SAMSAM DUCAALE:::
samsam ducaale
»Maaha Dhacdo indhaha Laga Daboolan karo

»Talo ku Socota Sasam Axmed Ducaale Abtigeed...
»Dhibka SamSam Lagula kacay waa Tijaabo bilow ah..
»Samsam Ducaale Xabsiga ayaan ku ilaalin jirey..
»Warbixin Dhab ah oo ka Timi Hargeysa
»Xagee ayey ku Danbeysay Samsam
»Samsam Axmed Ducaale iyo Hargaysa
»GABAY::: Zamzam (abtiyoow)
»SAMSAM MAXAA LOO SILCIYAY !?
»Hargaysa iyo Xabsigii abuu qurayb maxaa ka dhexeeya  
»sheekada samsam maxaa kajira
»
NAA MA BOOSAASAAD KA TIMID, MA BARI BAAD KA TIMID 

Xagee ayey ku Danbeysay Samsam
warbixin Dhab ah oo ka Timi Hargeysa
Guji Nov18

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

Allah Is Great
CADAYMAHA SAMSAM

Eeg Sawirka oo Weyn: Caddeynta Warqadda Dhalashada

Eeg Sawirka oo Weyn: Warqadda Sugitaanka:


XAD-GUDUBYADA KA DHACA SOOMAALIYA::

GALKACYO OO NIN LAGU GOWRACAY [Nov 13, 2004]

Maxamed Dheere vs Xijaabka [March 28, 2004]

xasuuqii Dugsigii Sare ee Maxamuud Axmed Cali [Feb 10, 2004  ]Dad Mooryaanta ka daran!  [June 28, 2004  ]

XASUUQII XEEBTA JASIIRA :: MUQDISHO [Oct 11, 2003]

Dubihii ku dhacay Dugsigii Maxamuud Axmed Cali [Sept 9, 2003 ]

Kufsi iyo isbaaro! [Aug 26, 2003

Falal Kufsi Iyo Dil Iswata Oo Ku Soo Kordhay Muqdisho  [Agoosto 6, 2002 ]

Baaqii Amnesty International oo Af-Soomaali Loo Rogey [7 November 2002 ]

DHIBAATOOYINKA XILIGAN COLAAADAHA SOO GAADHAY DADKA REER BANAADIRIGA AH [Dec 3, 2002]

Dilkii Suldaan Hurre [8/17/02]



HTML CD