SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - XAAFIDAD
 
Daabaco Boggan | Print

Gabar Lix-Jir ah oo Xaafidad ah.

Assalaamu calaykum,


 FADUMA MIR AL-LOWXI
ka daawo halkan ama daawo halkan...

Tani waa gabar yar oo udhalatay waddanka Iiraan, magaceedana layiraahdo FAADUMO MIIR AL LOWXI. Waa lixjir, hayeeshee waa gabar cajiib ah oo Ilaahay kitaabkiisa sifiican u xifdisan dhinac walba. Sida kamuuqata Video-ga waxaa usoo saftay rag badan oo macallimiin ah inay weeydiiyaan su'aalo badan oo laxiriira kitaabka Ilaahay.

Su'aalaha laweeydiiyey iyo munaasabaddaas oo ay soo gudbisay idaacadda layska arko ee waddanka Lubnaan, waxay gabadhaan yari kajawaabtay su'aalihii laweeydiiyey oo dhan oo kala ahaa:

1) Inay sheegto ayado qur'aanka kamid ah oo hadba meel looga soo qabanayey.

2) Inay sheegto suuradda ay kujirto aayaddaasi.

3) Inay sheegto lambarka aayadda.

4) Inay sheegto beeyjka ay uga taallo aayaddu ma bidixbaa mise waa midig, haddana ma kor baa mise waa hoos mise waa dhexda.

5) Inay sheegto imisa aayadood oo tan oo kale ah ayaa kujira quraanka.

6) Inay sheegto meesha ay kusoo degtay(Makkah mise Madiinah).

7) Waxaa kale oo laweeydiiyey, su'aalo kale oo ah, sheeg inta aayadood ee quraanka kusoo arooray moowduucyada kala ah: IXSAANKA, ISHA LAABISTEEDA iyo MACRUUFKA iyo MUNKARKA, si fiican ayayna uga jawaabtay.

cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI

Raggii su'aalaha weeydiinayey oodhan iyo kuwii dhagaysanayeyba waa wada fajaceen, waana umalayn waayeen in ilmo lix jir ihi saas noqon karo. Shaki kuma jiro in Ilaahay amarkiis kasokoow, ay waalidkeed iyo macallinkeediiba dadaal fiican sameeyeen.

Allaah waxaan kabaryaynaa inuu xaqa nagu sugo annaga iyo ubadkeennaba.

http://www.bolbol.net/islamics/videos/quranic_girl.ram

Wabillaahi Attoowfiiq.

W.W.W.

Waxaa isku soo dubaridey:
Maxamed Axmed alhudaa1@yahoo.ca


QORAAL FAAHFAAHSAN: waa Faadumo Miir Al-Lowxi, oo da'deedu tahay lixsano (6 jir), oo la waydiinayo su'aalo kala duwan, waxaa ugu horayn la waydiiyey 7 so'aalood oo qur'aan ah iyo su'aalo isugu jira Xajka,jihaadka,Salaada,soomka iyo  Zakada

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 21, 2004

Silsiladda Taariikhda Islaamka:
Qaybtan oo Labo Toddobaadle ah waxay kamid noqday qormooyinka ugu xiisaha badan ee kusoo baxa SomaliTalk, waxana ay maanta ku saabsan tahay "Nabiga (scw) Oo La Amray u Istaagidda Gudbinta Dacwada"..
Qore: Shiikh C/risaaq Macalim Abshir

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

Allah Is Great
TAARIIKHDA ISLAAMKA
Silsiladda Taariikhda Islaamka
Qore:Shiikh C/risaaq Macalim

Xagee ayey ku Danbeysay Samsam
warbixin Dhab ah oo ka Timi Hargeysa
Guji

Xaalada Caafimaad Ee SamSam Axmed Ducaale Oo Laga Dayrinayo
Xuseen Dalmar oo kamid ah ahaa askartii ilaalada Saldhiga Dhexe ee Hargaysa ayaa sheegay in... Guji Nov 19

»Dhibka SamSam Lagula kacay waa Tijaabo bilow ah..
»Talo ku Socota Sasam Axmed Ducaale Abtigeed...

MADAXWEYNE C/LAAHI LAGU DOORAYEE  HA DILIN
“Fulay xantii mamooga, waxaad igu xamataan nin dagaal inaan ahay, wixii hadda ka danbeeya oday nabadeed ayaan ahay”...
Faalladii Fahad Yaasiin...

SHILALKA BAABUURTA MAREYKANKA XILLIGA CIIDAHA: "hal qof ayaa ku dhinta shil baabuur 30-kii daqiiqaba" ka akhri warbixintii Cabdiweli Haybe..

"Bush iyo Xisbigiisa Jamhuuriga waa Guulaysteen Laakiin Caqabado ayaa weli hor yaal" Wardheere - Waraysi Somalitalk..



HTML CD