SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MINNEAPOLIS
 
Daabaco Boggan | Print

“Bush iyo xisbigiisa Jamhuuriga waa guulaysteen Laakiin caqabado ayaa weli hor yaal”Wadheere 


Maxamud N. Wardheere
mnwardere@yahoo.com

USA: Somalitalk oo doorashada ka dib wareysi la yeelatay Maxamuud Nuur Wardheere oo ah murashaxii hore ee duqa magaalada Minneapolis haddana u shaqeeya US Senate. 

Somalitalk: Mudane Wardheere Bush iyo Xisbigiisa waa guulayteen marka afarta sano oo soo socoto waxay rabaan ma fushan karaan? 

Wardheere:  Haa waa guulaysteen laakiin caqabado badan ayaa horyaal.  Madaxweyne Bush sida uu u soo jiidan lahaa xulufadii Europe uguna guulaysan lahaa qorshahiisa dunida muslimka ayaa ay ku tilmaameen aqoonyahano badan mid aan sahlanayn.  Senate-ka ayaa ah meel ayana la filayo in dagaalka ugu wayni ka dhici doono, noocan dagaalka oo ay qaadi doonaan qolada senate-ka looga badan yahay (dimoqraadiga)  waxaana ugu horeeya waxyaabo la yiraahdo Filibuster, Litmus Test iwm.  

Hadda damaashaad iyo dabaal deg  ayey ku jiraan marka hala gaaro caleemo saarka Bush markaas ayuu dagaalku  bilaaban doonaa.  Hadda waxaa lagu jiraa xilli la yiraahdo  Lame Duck oo wax hawl ah ma qabsoomi doono ilaa caleemo saarka Bush ee January labaatankeeda 2005.  Inta goortaas ka horeyso  laga bilaabo usbuuca soo socda waxaa dhacaya doorshada xilalka xisbiyada Demoqraadiga iyo Jamhuuriga gudahooda iyo tababa bar loo furayo xubnaha congresska  cusub ee dhowaan la soo doortay iyo ugu danbayn caleemo saarka Bush. 

Somalitalk:  Waa maxay Filibuster iyo Litmus Test? 

Wardheere:  Sida ku cad dastuurka maraykanka madaxweynaha waa inuu magacaabaa gudoomiyeyaasha maxkamadaha federaaliga iyo xilalka xukuumadda.  senate-kana waxay leeyihiin inay ogolaadaan ama diidaan.  Taasi macnaheeda waa inay u codeeyaan haa ama maya.  Laakiin arrinta meesha ku jirtaa waxaa weeye aqalka senate-ka oo mararka qaar lagu tilmaamo aqalkii fawdada iyo kala danbayn la’aanta.  Dastuurka ayaa u ogol in senateku saan noqdo si loo ilaaliyo sharciga iyo koontaroolka iyo isu miisaamidda awoodaha kala duwan ee dawladda (checks and balances).   

Aqalka Senate-ka kuwa badan hadday tiradooda gaarto 60 senator wax kasta waa ansaxin karaan laakiin senatoorada jamhuuriga hadda waa 55 senator waa majoorati laakiin waxay u baahan yihiin inay soo jiitaan qaar ka mid ah kuwa laga badan yahay.  Kuwa laga badan yahay waxay awood u leeyihiin inay saacado badan iska hadlaan oo ma la aamusiin karo sidaa darteed ayey waqtiga dilaan oo sharcigii ay diidanaayeen meeshaas ku fashilmaa arrintaas ayaa la yiraahdaa Filibuster . 

Litmus test waa baaritaan ama su’aalo la weydiinayo qofka loo magacaabayo xaakim federaal ah ama xil sare ee dawladda federaalka kuwaas waa inay ansixiyaan aqalka senate-ka.  Congresskan cusub ee 109aad waxaa la filayaa in lagu hardamo arrimahan waayo wadanku waa kala qaybsan yahay Senatoorada jamhuuriga waxay rabaan inay qanciyaan dadkii doortay weliba  hanjabaad cusub ayey soo saareen oo ah inay dastuurka bedelayaan si loo baabi’iyo filibusterka kuwa dimoqraadigana waxay rabaan inay qanciyaan shacabkooda weliba sanadkan waa ciil qabaan waana mitidayaan. 

Somalitalk:  Maxaa maraykanka magacaabidda xaakimada ka dhigay dagaal aad u weyn? 

Wardheere:  Waa runtaa maraykanka magacaabidda xaakimada federaalka waa arrin aad muhiim u ah oo lagu dagaalamo waayo:

1)      Maraykanka sharci baa  kala wada, sharcigana waxaa uu gacanta ugu jiraa xaakimada qaarkood sida Supreme Court oo awoodooda la wada ogyahay xataa inay kala saareen doorashadii madaxweynaha 2000 iyo ayagoon xilalka laga qaadi karin ilaa ay dhintaan ama is casilaan.  Tusaalewaxaad maqlaysaa:  Xaakim ayaa ku diiday dawladda Bush in maxaabiis ku xiran Guantanamo Bay oo ahaa muwaadiniin maraykan ah ay yihiin cadow dagaal lagu qabtay (enemy combatant)  Xaakimo ayaa ku diiday dawladda arrimo imigration, xawaaldle lagu eedeeyey inuu yahay caawiye argagixiso iwm/

2)      Dadka mareykanka oo aad isugu khlilaafsan  arrimaha bulshada sida macnaha guurka, cadaaladda iyo sinaanta bulshada kala duduwan iyo diimahoodaba, xuquuqal insaanka, iyo sharciga la yiraahdo Roe-V-Wade (ilmo iska soo xaaqidda) oo ah sharci u ogolaanayey in haweenka ilmaha iska soo tuuri karaan kaasoo  ansaxiyey bilwgii todobaatameeyahii.  

Afarta sano oo soo socoto waxaa la filayaa in Bush magacaabi doono boqolaal xaakimiin ah taasoo walaac ku riday dadka ay isku qilaafsan yihiin arrimaha bulshada waana taas tan keentay in goor hore aqalka senate-ka la isugu hanjabo filibuster iyo litmus test kulul waayo senate-ka oo keliya ayaa horjoogsan kara magacaabistooda. Filo dagaal culus oo ka dhaca senate-ka. 

Somalitalk:  Qoraal hore oo aad soo gaarsiisay Somalitalk waqtigii ay socotay ololaha doorashada waxaad ku sheegtay in maroodiga uu ku durdurin doono dameerka.  maadaama aad la shaqayso senatoor jamhuuri ah dad badan waxay u qaateen inaad taageerayso xisbiga jamhuuriga ee arrintaas maxaad ka leedahay? 

Wardheere:  Waan arkay qaar i weydiiyey inaan u ololaynayey xisbiga Jamhuuriga jawaabtayda waa maya.  Uma ololayn xisbina mana ka wadin sidaas  ee waxay iga ahayd falanqayn iyo siday ila tahay qofka guulaysanaya bani’aadamka waxa iman doona ma oga, mana garan karo sida loo maamulayo adduunkan ee waxay iga ahayd falanqo, dadkuna siyaasadda isku daaqad kama wada arkaan.  Waxaa ii muuqday oo aan fahmay in: 

Dabayshii ka dhacaysay dalka maraykanka 1964  oo ahayd daryeelkii dan yarta iyo houmadkii  laga gaaray xuquuqal insaanka gaar ahaan dadka madow iyo awoodii la siiyey haweenka ee ahaa inay xaq u leeyihiin in ay ilamaha iska soo xaaqi karaan. Maanta waxaa iska cad inay dabayshii isbedeshay oo wadanku u dhaqaaqay dhanka midigta.  40 sano ka dib dabayl tii ka duwan ayaa dhacaysa.  Tusaale: 1978 xubnaha Jamhuuriga ee senate-ka waxay gaarayeen 38 keliya maantana 55 xubnood.  Waxaa intaas sii dheer in Xisbiga Jamhuuriga ka faa’iideystay 911 iyo cabsida wadanka ka jirta iyo madaxweynaha oo dadka ka dhaadhiciyey inuu yahay madaxweyne xilli dagaal (war time president) taasoo aad u adkayd in laga badiyo. 

Somalitalk:  Doorashadii madaxweyne Bush ma cadaalad bay ahayd mise?   

Wardheere:  Kolay maanta asagaa ah madwaxweynaha afar sano ee soo socoto haddii ilaahay yiraahdo inkastoo ay jiraan doodo badan iyo tuhun iyo baaritaanno ka socda Ohio iyo Florida – Sug,  weli la isma gaarin - ujeedadii laga leeyahayba- wax lala yaabo ayaa baaritaanadaas ka soo bixi kara iyo kala aamin bax.  Sida caadada ah marka madaxweyne maraykan uu ku guulaysto afar sano oo kale waxaa lagu soo qufaa fadeexooyin iyo sharaf dil si dadka loo diyaariyo doorashooyinka soo socda.   

Xisbiga dimoqraadiga dan ayaa ugu jirta in Bush lagu eedeeyo inuu doorashada xaday oo uusan xaq u lahayn. Waxaa xusid mudan in xisbiga jamhuuriga markii uu guulaystay kuwa ku hadla afkiisa sida Rush Limbough, Foxnews ma ay noqon kuwa is sharfa ee waxay ku kaceen Wiirsi iyo ku qosol.  Waxaana ka mid ahaa governorka California waa ninka aan siyaasiga ahaan jirin ee la yiraahdo Schwarzenegger ooba yiri “kuwa laga adkaaday la hadli mayno ayagana hana baryaan” 

Somalitalk:  Maxay kula tahay diin iyo qayim (Faith & Value) ayaa Bush lagu doortay?  

Wardheere:  Inkastoo dadka maraykanka aanay ahayn reer yurub oo kale oo ay yihiin dad diintooda ku xiran oo aad u taga kaniisadaha haddana aniga iyo dad badan waxaan qabnaa in sidaas la yiraahdo inay ahayd xeelad waa hore la dejiyey oo ay dejiyeen taageerayaasha xisbiga jamhuuriga ayagoo uga gol lahaa qorshe fog iyo mustaqbalka inay xisbiga mucaaradka sii fogeeyaan oo ay dadku aaminaan in xisbiga demoqraadigu uusan lahayn diin iyo akhlaaq. 

Waxaadna moodaa in dad badani aamineen in jamhuuriga uu leeyahay diin iyo akhlaaq.

Waxaa ku jira kuwo badan oo aan jeclayn cadaaladda dadka laga badan yahay iyo kuwa diidan daryeelka dadka saboolka ah marka ma kuwaasaa faith iyo value lagu sheegi karaa?  Waxaan la qabaa wargeysyada yurub qaarkood oo sheegay in qalabka warbaahinta ee USA ay dagaalka iyo doorashadaba la safteen Bush intooda badan ilaa dadka badankood aaminaan in ciraaqiyiinta ka danbeeyeen 911 oo in gurigooda lagula dagaalo intii lagu dagaali lahaa magaalooyinka maraykanka ay xaq tahay.  Waxaa kale oo aan la qabaa aqoon yahanno badan iyo qorayaal badan oo sheegay in tirokoobkii dadka wax dooranayey dareenkooda farsamo ku jirtay tusaale: 

  • Faith and Value waxaa wax ku doortay 22%

  • Ciraaq waxaa wax ku doortay 15%

  • Dagaalka argagixisada waxaa wax ku doortay 19%

  • Shaqooyinka iyo caafimaadka iwm ah waaba ka yaraayeen.

Mashaakilka  waa waxa la kala qaaday ciraaq iyo argagixisada oo haddii la isku dari lahaa ay noqon lahaayeen 15 +19=34 sidaas ayey natiijada noqon lahayd.  Inay arrintaas qalad tahay waxaa cadeeynaya xukuumadda Bush dadka uma kala qaado labadan dagaal ee waxay ka dhigtaa isku mid sidaas ayaana dadweynaha loo sheegay. 

Somalitalk:  Mudane Wardheere saadaal ka bixi afarta sano ee soo socota? 

Wardheere:  Waa waqti fog wax badanna waa isbadeli karaan,  ilaahay uun baa og sida xaalku noqon doono.  Haddii aan qiyaaso waxyaabaha dhici kara: 

1)      Isku duubnidii xisbiga Jamhuuriga waa dhamaanaysaa  sidii sanadkan ay isugu duubnaayeen oo ay u lahaayeen hal murashax ma dhacayso.  Waxaa ka soo dhexbaxaya murashaxiin badan iyo weliba kuwa la filayo inay ku tartamaan magac xisbiyo yar yar oo dadka ka jiita xisbiga jamhuuriga sida Nader ku sameeyey demoqraadiga 2000.  Hadda goor hore ayuu tartankii senatoorada Jamhuuriga bilowday ayagoo ku tartamaya gudiyada senate-ka ee xoogga badan.

2)      Fadeexooyin  waa soo bixi karaan, filibuster badanna waa la filayaa.

3)      Deenta dawladda qaadato waa sii badan kartaa taasoo keeni karto deficit-ka oo sii weynaado.

4)      Xisbiga Jamuuriga oo xoogga saara soo jiidashada (outreach) Latinos waa dhici karta iyo baadariyeyasha African Americanka qaarkood IWM. 

Shacabkii oo fadhiya goobtii salaada iida lagu tukanayeySALAADII CIIDA OO SIWEYN LOOGU SOO BAXAY
Magaalooyinka Hargaysa, Boosaaso iyo Muqdisho ayaa kamid ahaa meelaha sida weyn looga ciiday Sabtidii. Waxaa sidoo kale kumaan qof salaadii ciida u dareereen magaalooyinaka Nairobi, Toronto iyo Minneapolis..  Guji...

Somalitalk:  Intaas ayuu ku dhan yahay wareysigeena mudane Wardheere annagoo rajaynayno inaan mustaqbalka waresiyo kale la yeelan doono insha Allah.   

Wardheere waxaa lagala xiriiri karaa: mnwardere@yahoo.com

SomaliTalk Nairobi | Nov 16, 2004

ISHA SAWIRADA: Google Search

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

Allah Is Great
TAARIIKHDA ISLAAMKA
Silsiladda Taariikhda Islaamka
Qore:Shiikh C/risaaq Macalim

Samsam Ducaale oo La soo Helay Cadeymo Muujinaya in ay Tahay Ardayad

Waa qormada ay ku saabsan tahay Faallada SomaliTalk ee bishan
Guji

 



HTML CD