SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
 
Daabaco Boggan | Print

NAA MA BOOSAASAAD KA TIMID, NAA MA BARI FOG BAAD KA TIMID!

C/Rahman Eelay eediran@yahoo.com

Asalaama Calaykum aya Baxra Nawaali, Asalaama Calaykum aya Baxra Nawaali, Jam- Jam, Jam- Jam, Jam- Jam, Jam, Jam. Waxaa isku dhacasay Nasradii markii garaaca albaabka ay ku baraarugeen akhyaartii ku xadreynasay aqalka weyn ee koonaha kaga yaala Magaalada Hargeisa. Waxaa markiiba casharkii (tahliil) la tufayey ka soo dul booday nin sacabada isku garaacayey oo xagga albaabka soo xigay. Albaabkii markii uu furay ayaa askarigii ilaalinayey u sheegay in la rabo Madaxweye ku Xigeenka oo ay gabadh yar oo uu abti u yahay ay ku sugayso ganjeelka. Waxaa isagoo yaaban daankuna uu u buuxo dibada u soo booday Madaxweyne ku Xigeenka Somaliland wuxuuna rumeysan waayey wixii ay indhihiisu arkeen. Waxaa markiiba sidii jirjiroolaha isu bedelay midabkiisii ilaa uu noqday buluug. Wuxuu gabadhii yarayd ka dhuftay Niqaabkii wejiga u saarnaa kana laliyay gidaarka. Wuxuu ku cataabay: “ Waar waa maxay Bidcadan na soo doonatay? Naa maxaad ahayd oo xagaad naga soo salaantay?! Bal aniga oo Tima Weyn ah Bidco ha ku tiraahdo Abti!!! Yaab!! 

Gabadhii yarayd baa shimbirkii ka duulay oo waxay ku hadasho garan weyday. Naxdin iyo gariir darteed bay hadalkii hashkadeysay (shigshigtay): “ waxaan ka imid Boosaaso. Waxaan raadinayey abtigey.

M/Xigeen: Isagoo dhaajinaya oo afka qaloocinaya- Abtigey! Abtigey! Tuuuuu! Nacala tullaah!

Zamzam: Candhuuftii iska tirtay, kadibna baroor albaabkii hortiisa qabsatay

M/Xigeen: Iga hor kaxeeya Faqashtan wejigeed gubay –ku amray askartii

Askari: Naa soo bax adigaa na soo doontaye-ku bilaabay jeega dharbaax iyo la dhicid qoriga dabadiisa

Zamzam: Alla, miyeydan Muslim ahayn? Sow walaashiin oo kale ma ihi? Illaahay ka baqa! Alla Abtiyow, Alla Muslinow, Alla Illaahow! Yaa rabi

Askari: Naayaa Istubirad yahay Sharaab! Aabaheed wasta yahay Faqashta ahi! Miyaadan ogayn ninkan aad albaabkiisa garaacday in aan la tusin Jalbaab, Maro dheer, Ikhwaan! Yaah! Naa Sii gal halkaa oo is diyaari!

M/Xigeen: isagoo la halaya Askartii- Dhegeysta laga bilaabo saacadan la socda in ay naagtani tahay Argagixiso rabtay in ay I qarxiso!  Waxaanu ku doodaynaa in la ii soo diray oo ay doonaysay in ay dowlada iyo shacabkaba khalkhal geliso!

Askari: Waar Faqashta warkeeda iska daaye maxaanu ku sameynaa!

M/Xigeen: Bal iyara suga aan soo wabxee! Qolkii buu isku tuuray isagoo ciil iyo carro faruuryaha qaniinaya, kadibna qayladii gabadha ayaa laga baqay in ay deriska iyo nimankii xadreynayey ku soo baxaan.Wuxuu amray Askari in uu afka ka sharooteeyo gabadha, gardaduubna u xiro!

Askari: isagoo la hadlaya asxaabtiisii Alla hayaay Odeygiiyoo qaawan haddaad arki lahaydeen! Diinta Aabihii Waxaa ku Sameeye gabadhii yareyd ee uu aabaha u ahaa buu ka sasiyey!

Askari kale: Waar heedhe miyuusan xishoonayn Odaygan weyni, muu anaga noo daayo gabadha maskiinta ah

M/Xigeen: Waaryaadha anigu marqaankii iga jabye waa idinkaa! Markaad ka dhameysataana ku tuura Jeelka

Askartii: Jeelka! Oo maynu khaarajino si aanu arrinta u asturno

M/Xigeen: Acuudi bilaahi! Waar dhiig ha gelinee inta aad garaacdaan oo koronto ku dhejisaan xafidsiiya in ay Argagixiso tahay oo qarax u socotay!

Askari: Haa! Haa! Waa fikrad wacan, Naa kumee!

Zamzam: Hiih! Haah! Aah! Aaaaaaaaaaah! Alla Hooyooy, Ala Aabow, Alla Abtiyow! Alla Rabiyow!

Askari:  Alla Hayaay! Naa ma xabad buu kugu dhuftay waa maxay baligan dhiiga ahi! Mee maryihii waaweynaa ee aad wadatay! Masax, masax dhakhso!

Zamzam: Alla miyeydaan arxan lahayn! Alla miyeydaan Muslim ahayn! Alla miyeydaan Soomaali ahayn! Alla miyaan Gabadhi idila dhalan

Askari: Muslim, muslim!, Soomaali! Ma taqaan meesha aad joogtid? Somaliland dheh! Ma garatay? Marka laynkan dheeri kusii maro oo ku soo maro adiga iyo waxa kula midka ahiba iyagaan na soo doonan doonin!

Askartii: Oof waxaasaa alaaba! Adeerow waxaa na seegtay in aanu Kaamaro soo qaadano oo duubno waxa meesha ka dhacayey! Abuu Qariiba ma anagaa wax u og ayay yiraahdeen iyagoo ka sheekeynaya falalkii xumaa ee ay ku sameynayeen Zamzam

Askari kale: Alla wacnaydaa Odaygiiyoo sii dhabar weyn in dunidu aragto! Haa! Haa!Xaa-xaaaaaaa! Naagta soo jiida oo geeya jeelka!

Askari kale: Walle waa meesha ay ka bilaabanayso riwaayada runta ahiye noo keena naagtan is bihiinbihinasa! Maxaa ku dhacay ee ay meedka isga dhigaysaa 15 nin keliyaa fuushaye! Danba iyadaa u toosi oo u qiran in ay argagixiso ahayd!

Askari kale: Saaxiibayaal xusuusta tababarkii uu na siiyey Gaalkii ka socday Booliska Ingriiska. Marka la doonayo in qofka laga hadalsiiyo ama la doonayo in uu su’aasha sida saxda ah uga hadlo maxaa la sameeyaa?

Askartii oo dhan: Koronto Xiniinyaha ama Naasaha kaga dheji! Hanjabaad ay la socoto kufsi meel walba ah iyo shaabuug! Xafidsiin wixii la rabo iyadoo la adeegsanayo beynaad iyo qoriga dabadiisa iyo budad iyo biro kala duwan! La socda in Madaxweyne ku Xigeenka uu berri noo imanayo si uu u ogaado sida aanu gabadha u xafidsiinay wixii uu naga codsaday!

M/Xigeen: Subxaanalaah! Cindallah! Waar meesha maxaa ka soo uraya! Sankii inta uu duubtay buu albaabka agtiisa ka qayliyey. Naayaa sheeg waxaad u socotay?

Zamzam: Waxaan u socday in aan qarxiyo guriga Madaxweyne ku xigeenka!

M/Xigeenka: Cindallah, dhamaantiin soo doonta qayilaad! Hawl fiican baad qabateen! Laakiin la socda in gabadhaa waxba aanan ku sameyn. Aad bay u wacan tahay in laysu ceeb asturaa maadaama aanu wada nahay CindAllah! Naagtan Bidcada ah waxba nagama gelin! Waxaanba ka baqayaa in ay neefteedu na soo gaadhay waayo Bidcadu xagga dabayshu ka soo dhacayso haday kaa maraan waa ku duufsanayaan! 

Madaxweyne ku xigeenkii iyo asxaabtiisii ayaa bilaabay damaashaad iyo qayilaad iyagoo isku urursaday qol yar Arbacadii ku xigtay si ay u xadreeyaan: 

Asalaama Calaykum aya Baxra Nawaali, Asalaama Calaykum aya Baxra Nawaali, Jam- Jam, Jam- Jam, Jam- Jam, Jam, Jam. Waxaa isku dhacay Nasradii iyo sacabkii. Waxaa la bilaabay in la qaybiyo Quud Awliyo iyo Miskigii oo ah Qaadkii iyo Sigaarkii. Waxaase marba beeydka Qasiidada gefayey ninkii ugu yaraa askarta oo isagu ay marba ku soo laba kaclayso qayladii, taahii, baroortii, dilkii, kufsigii iyo dhibaatadii loo gaysanayey Zamzam.  Matag, xumad iyo gariir baa ku bilowday, waxaana loo ogolaaday in uu iska tago oo uu is dedo. Waxaa aad uga tiiraanyooday sida ay gabadhaasi u eg tahay iyo sida loo galay gabdho xabsiga joogay. Waxaa uu warka gabadhii yarayd uu ku faafay sida dab qabsaday caws Soomaaliyoo dhan iyo Aduunweynaha oo idil. Waxaa qayla dhaan ku dhuftay Dumarka Reer Hargeisa iyo qolyaha Xuquuqda Biniaadamka u dooda ee jooga Hargeisa oo la yaaban sababta gabadh yar uu nin ilaa heer M/ku Xigeen ah uu sidaa ugu galay? Iyo Awooda uu Boolisku leeyahay ee aan cidna la hadli Karin? 

Haddaba waxaan oran lahaa Reer Hargeisa wixii uu yidhi Duqooda Magaalada Hargeisa markii uu soo booqday Magaalada Minneapolis ee la weydiiyey su’aal ku saabsaneyd Booliska Hargeisa!

Isagoo cataabaya ayaa wuxuu yidhi: Anigu waxaan ahay Duqa Magaalada Hargeisa. Sharciguna adduunkuna wuxuu yahay in Boolisku uu hoos yimaado Duqa Magaalada (Mayor). Laakiin nasiib darro wax awood ah oo aanu ku leenahay ma jirto, aniguna ma xukumi Booliska. Boolisku wuxuu hoos tagaa Madaxweynaha Somaliland isaguuna ka amar qaataa! Waxay sameeyaan cidi ma daba geli karto oo madaxtooyada ayuu raadku ku dhamaanayaa! 

Haddaba waxaan filayaa in Booliska Hargeisa uu yahay Koofiyad Castii Siyaad Barre oo kale. Reer Hargeisa miyey doonayaan oo u baahi qabaan Koofiyad Cas siday doonta dadka ka yeesha. Waxaan xasuustaa Masaakiintii lagu laayey Al-Jaziira ee guryaha lagala baxay. Yaa sameeyey? Kuwo la mid ah Askarta Hargeisa iyo Madxweyne ku Xigeenka ku kufsaday ee jir dilay gabadha yar ee masaakiinta ah iyagoo ka amar qaadanaya Madaxweyne Faqash ah oo ahaan jirey NSS oo weligii basaasi jirey Somaliland.  

Waxaaba intaa igala sii yaab badan Abtiga u sabcinaya kii gabadhiisa gablamiyey ee ka sabcinaya Golaha uu ka qudbeeynayo! Wegereey waa la yaab! 

WAR JIRAABA CAKAARUU IMAN! 

C/Rahman Eelay eediran@yahoo.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa leh qoraaga ku saxiixan 

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 30, 2004


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

Allah Is Great
TAARIIKHDA ISLAAMKA
Silsiladda Taariikhda Islaamka
Qore:Shiikh C/risaaq Macalim
DIBLUMAASI SOOMAALIYEED: AYNU TAAGEERO LA GARAB IS TAAGNO DOWLADDA CUSUB
Maxammedyerow Abuukar qunsul ka noqday dalka UAE ayaa.. Guji
Warbixin :xafladdii soo dhawaynta dowlada cusub ee somalia oo ay qabteen jaaliyadda somalida ee dalka Malaysia.  Guji..
Free Awdal Forum oo Dhambaal u Diray Madaxweynaha
"Hadaan nahay reer Awdal waan ogsoonahay in koox yari afduubtay waqooyi iyagoo ku majaro habaabiyay"... Guji...
Somali Concern Group (SCG) waxey soo dhoweyneysaa dhameystirka shirka Somalida oo muddo  labo sano ah ka socday waddanka Kenya iyo doorashadii bisha 10 keedii lagu doortay madaxweynaha.. Guji...
AFRIKA OO AQOONSATAY NATIIJADII KASOO BAXDAY SHIRKII SOOMALAIDA
Iyo Madaxweynaha DFKMG oo ka qaybgalay kulankii u horeeyeye ee caalami ah... Guji...
Guddoomiyaha ururka DDP: Taageero madaxweynaha:  Wixii talo ah ee aad u baahatidna diyaar ayaan kuula nahay. Waana kuu ducaynaynaa.. Guji...
MUSTAQBALKA SUGAYA MADAXWEYNE CABDILAAHI YUSUF AXMED Faalladii Yusuf Shabac.. Guji...
101_0172Xaflad Lagu Soo dhawaynayo Dowladda cusub ee Somalia oo Ka Dhacday Pakistan
Waxaa kasoo qayb galay shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Islamabad iyo Guji

Soomaalida Toronto ee Taageertay Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya
Xaflad dabaal Deg iyo Hambalyo ah oo ay dhigeen Soomalida Melbourne
»Waxaana xafladaas ka soo qayb galay Jaaliyadda Som..
»Xaflad lagu soo dhoweynayo Dawlada oo lagu qabtay MPLS
»Soomaaliyeed Sweden oo soo dhaweeyay dawladda cusub.
 Dhammaan ka akhri halkan... Guji..

bosasoSidii Boosaaso Looga Soo Dhoweeyey Doorashadii Madaxweynaha DFKMG
Iyo madaxweyne Kuxigeenkii oo PL oo lagu wareejiyey Xilka MDGPL...
Guji...

Codka Muslimiinta US ayaa u Batay Dhanka Kerry
Qormadii Xasan Jaamici...
Guji...
USA: Maroodiga (R) oo la filayo inuu dameerka (D) si xun ugu durduriyo: Wardheere
Ma Hungowday Himiladii Hargaysa?
Faalladii Asad Cadaani Ibraahim... Guji..
Somaliland Dal Dhisan iyo Dad Jihaysan
Faalladii
(diridhaba)... Guji..

 



HTML CD