SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MALAYSIA
 
Daabaco Boggan | Print

Warbixin kooban oo ku saabsan xafladdii soo dhawaynta dowlada cusub ee somalia oo ay qabteen jaaliyadda somalida ee dalka Malaysia.

Xafladaas oo si heer sare ah loo soo agaasimay oo lagu soo dhawaynayey Dowladda u dhalatay ummadda Soomaaliyeed ayaa waxaa lagu qabtay 14-10-04 magaalada Kuala Lumpur oo ah magaalo madaxda Malaysia. Kullankaas oo lagu tilmaamay isu imaatinkii ugu balaarnaa ee jaaliyadda soomalida ee dalka Malaysia ayaa waxaa soo abaabulay ururka Ardaydayda soomaliyeed ee wax ka barata Malaysia. Kullankaas ayey Jaaliyaddu ku muujisay taageerada iyo dareenkooda ku wajahan dawladda cusub ee Soomaaliya, waxaana munaasabadaas hadallo qiiro iyo wadaninimo xambaarsan ka soo jeediyey tiro badan oo ka mid ahaa ardaydii iyo aqoonyahanadii ka soo qaybgalay munaasabadaas.

Kullanka waxaa xiririnayey Mudane Cabdirashiid Guureeye waxaana ugu horayn lagu furay aayadaha Qur'aanka Kariimka ah iyo wacdi diini ah oo ku aadanaa bilashada bisha barakaysan ee Ramadaan kaas oo ay halkaas kasoo jeediyeen Culimado Soomaaliyeed oo booqasho ku soo gaaray Malaysia.

Dadkii halkaa ka soo jeediyey hadalada qiirada leh ee isugu jiray guubaabo iyo waano ku jeeda dadka iyo dowladda Soomaaliyeed waxaa ka mid ahaa Dr. Cabdulcasiis xaaji Diriye, Cali Cadbirashiid Cali sharmaarrke, Sheekh Maxamuud Sh. Cabdul-Baari, Cali Cabdullahi Warsame, Dr. Xirsi labagare, Cumar Cigge, Xasan Sheekh Cali, Maxamuud C/raxmaan, Ibraahim sheikh Cabdulqaadir Shidane, Maxamed Cumar, cabdullahi Caaqil yare, iyo Cabdirisaaq Cumar Maxamuud.

Ugu danbayn waxaa ay jaaliyaddu u rajaysay dowladda cusub iyo hogaankeedaba guul dadka soomaliyeed meel ay joogaanbana in ilaahay uu fahamsiiyo ahmiyadda ay nabaddu iyo garanimaddu leedahay.

Waxaa xusuus mudan in dalka Malaysia ay ku noolyihiin jaaliyad soomaliyeed oo u badan arday wax ka barata jaamacadaha iyo macahida sare ee dalka, waxaana guud ahaan lagu qiyaasaa tirada jaaliyada ilaa iyo 400 oo qof.

Malaysia waxay ka mid tahay wadamada ay waayan danbe sida aadka ah ay ugu soo badanayaan ardayda soomaliyeed ee doonaya waxbarashada sare kuwaas oo badankoodu ay takhasusyo kala duwan ay ka diyaariyan jaamacadaha dalka ha noqoto heerka kowaad (under graduate) amaba heerka labaad iyo sedexaad(Masters and Ph.d)

Waxaa isku soo dubaridey:
Dr. ali Abdullahi Warsame Kuala Lumpur,
Malaysia
abuijaabo@hotmail.com
abuabdalah@yahoo.com 

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 26, 2004

Sidee Loo Arkay Dalbashada Ciidamada Shisheeye ee Hub Kadhigista Soomaaliya
Aragtiyaha kala duwan ee ku aadan dalabka Madaxweynaha ee Ciidamada Afrikaanka... warbixin... Guji... Oct 25

somaliaSOMALI ACTION ALLIANCE IYO HAWLGALKA ISBADDELKA BULSHADA SOOMAALIYEED EE GOBOLKA MINNESOTA
Soomaalida ku nool Minnesota, USA waxaa lagu qiyaasaa 35,000 ilaa 45,000, kuwaas oo Guji..


Soomaaliya oo AU Weydiisatey 20,000 oo Ciidan Nabad ilaalin ah::
iyo kal-fadhi kusaabsan Soomaaliya oo  Lagu Qaban doono Brussels.
Guji...

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

Allah Is Great
TAARIIKHDA ISLAAMKA
Silsiladda Taariikhda Islaamka
Qore:Shiikh C/risaaq Macalim
DIBLUMAASI SOOMAALIYEED: AYNU TAAGEERO LA GARAB IS TAAGNO DOWLADDA CUSUB
Maxammedyerow Abuukar qunsul ka noqday dalka UAE ayaa.. Guji
Warbixin :xafladdii soo dhawaynta dowlada cusub ee somalia oo ay qabteen jaaliyadda somalida ee dalka Malaysia.  Guji..
Free Awdal Forum oo Dhambaal u Diray Madaxweynaha
"Hadaan nahay reer Awdal waan ogsoonahay in koox yari afduubtay waqooyi iyagoo ku majaro habaabiyay"... Guji...
Somali Concern Group (SCG) waxey soo dhoweyneysaa dhameystirka shirka Somalida oo muddo  labo sano ah ka socday waddanka Kenya iyo doorashadii bisha 10 keedii lagu doortay madaxweynaha.. Guji...
AFRIKA OO AQOONSATAY NATIIJADII KASOO BAXDAY SHIRKII SOOMALAIDA
Iyo Madaxweynaha DFKMG oo ka qaybgalay kulankii u horeeyeye ee caalami ah... Guji...
Guddoomiyaha ururka DDP: Taageero madaxweynaha:  Wixii talo ah ee aad u baahatidna diyaar ayaan kuula nahay. Waana kuu ducaynaynaa.. Guji...
MUSTAQBALKA SUGAYA MADAXWEYNE CABDILAAHI YUSUF AXMED Faalladii Yusuf Shabac.. Guji...
101_0172Xaflad Lagu Soo dhawaynayo Dowladda cusub ee Somalia oo Ka Dhacday Pakistan
Waxaa kasoo qayb galay shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Islamabad iyo Guji

Soomaalida Toronto ee Taageertay Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya
Xaflad dabaal Deg iyo Hambalyo ah oo ay dhigeen Soomalida Melbourne
»Waxaana xafladaas ka soo qayb galay Jaaliyadda Som..
»Xaflad lagu soo dhoweynayo Dawlada oo lagu qabtay MPLS
»Soomaaliyeed Sweden oo soo dhaweeyay dawladda cusub.
 Dhammaan ka akhri halkan... Guji..

bosasoSidii Boosaaso Looga Soo Dhoweeyey Doorashadii Madaxweynaha DFKMG
Iyo madaxweyne Kuxigeenkii oo PL oo lagu wareejiyey Xilka MDGPL...
Guji...

Codka Muslimiinta US ayaa u Batay Dhanka Kerry
Qormadii Xasan Jaamici...
Guji...
USA: Maroodiga (R) oo la filayo inuu dameerka (D) si xun ugu durduriyo: Wardheere
Ma Hungowday Himiladii Hargaysa?
Faalladii Asad Cadaani Ibraahim... Guji..
Somaliland Dal Dhisan iyo Dad Jihaysan
Faalladii
(diridhaba)... Guji..

 



HTML CD