SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
COD BIXIN USA - NOVEMBER 2, 2004

 SOMALI ACTION ALLIANCE IYO HAWLGALKA ISBADDELKA BULSHADA SOOMAALIYEED EE GOBOLKA MINNESOTA

somalia

Hashi Abdi (Shafi)
hashi@usa.com
Minneapolis, MN, USA

Somali Action Alliance iyo ku baraarujinta la socoshada is baddallada siyaasadeed ee waddankan Maraykanka, khaas ahaan gobalkan Minnesota oo ah meesha ugu badan Soomaalida ku nool Maraykan

Dadka Soomaalida waxay gobolkan Minnesota soo degeen horaantii 1990kii, ayaga oo ku yimaadeen qaxootinimo laga keenay xerooyinkii qaxootiga ee Bariga Afrika, iyo qaar ka mid ah oo ku yimid magangalyo siyaasadeed. Tirada dadka Soomaalida ku nool gobolka Minnesota waxaa lagu qiyaasaa 35,000 ilaa 45,000 qofood. Dadweynaha Soomaalida ee degan gobolka Minnesota waxay ku amaanan yihiin in ay yihiin dad shaqeysta, caruurtoodana ay ku dhiirigeliyaan in ay wax bartaan. Waxaa kale oo ay ku amaanan yihiin in ay furteen ganacsiyo fara badan oo ay ku jiraan Carwooyin, Bacaadlayaal, Makhaayado iyo xafiisyada adeega bulshada.. Waxaa Gobolka Minnesota ka furan xafiisyo badan oo u adeega dadweynaha Soomaalida ee Gobolka ku nool

Sanadku markuu ahaa 2002, ayaa dhallinyaro, aqoonyahano iyo culumaa’uddiin Soomaaliyeed shir isugu tagay, waxayna ku faaqideen in bulshada Soomaaliyeed ay u baahan tahay isbaddel ay kaga qeyb-qaadanayaan in ay ka mid noqdaan nidaamka wadankan Maraykanka loogu dhaqmo, mar haddii ay halkan ay deganaayeen muddo dheer (dhawr iyo toban sanadood). Aqoonyahanaadasi, culumaa’ uddiinka iyo dhalinyaradaba waxay go’aansadeen in ummadda Soomliyeed ee ku nool Gobolka Minnesota lagu baraarujiyo lana baro habka ay ugu qeybgeli lahaayeen hab nololeedka iyo qaabka u shaqeeyo nidaamka wadanka.
somalia
Kulankii Soomaalida Minnesota iyo Labada Murashax ee Aqalka Odayaasha Maraykanka (USA Senate)
[Oct 20, 2002]
.War la helyaa Talo la hel
.Talo la helyaana Tiro la hel
.Tiro la helyaana Cod la hel
.Cod la helyaana Aqoonsi la hel
.Aqoonsi la helyaana taladaada iyo dantaada la hel...
Hadalkii Siciid Saalax

.Senator Coleman oo la shiray hogaamiyeyaasha Soomaalida Minnesota

Aqoonyahanada iyo dhalinyarada waxay fursad u heleen in ay isku xiraan madaxda siyaasdda Gobolka Minnesota iyo dadweynaha Soomaaliyeed ee ku nool Magaalooyinka Mataanaha (Minneapolis iyo St. Paul). Barnaamijkaasu wuxuu ku soo beegmay xilli ay u tartamayeen Senator Paul Welleston iyo Senetor Coleman jagada madaxa siyaasadda ee Gobolka Minnesota. Waxay shir u qabteen labada qof ee u tartamayay jagadaas, kulankaa soo ay ka soo qayb galeen dadweyne aad u tiro badan waxayna kala hadleen dhibaatooyinka dadka Soomaalida iyo sidii wax u qaban lahaayeen. Waxay weydiiyeen su’aalo ka hadlaya arrimaha ay umaddu u arkayeen in isbaddel siyaasadeed looga baahanyahay oo loogu danaynayo dadka Soomaalida ee ku nool Gobolka Minnesota. lana waydiiyey in ay ku jawaabaan (Haa ama Maya) arrimahaas oo kala ahaa kuwa la xiriira (Waxbarashada, Guryaha, Socdaalka, iyo Horumarinta Dhaqaalaha ).

Doorashadaasi ka dib, waxay mas’uuliyiintaas is tuseen in loo baahan yahay in urur ka shaqeeya isbaddeladaasi la sameeyo. Shirar iyo tababaro fara badan ka dib waxaa la asaasay ururka la magac baxay Somali Action Alliance. Ururkan wuxuu ka shaqeynaya sidii umadda Soomaaliyeed ay uga mid noqon lahaayeen, lana socon lahaayeen nidaamka siyaasadeed ee wadankaan Maraykanka maaddaamaa ay in badan oo dadkeena ah ay qaateen dhalashada waddankaan Maraykanka oo Soomaalida ay ka mid noqon karaan madaxda gobolka sida qeybaha waxbarashada, adeegyada dawladda hoose, iyo waliba xafiisyo kale oo muhiim ah waxaan dadweynaha Soomaaliyeed ku dhiirro-galinaynaa in ay ka qayb qaataan doorashooyinka sanadkaan iyo kuwa soo socdaba si codkeena loo maqlo oo aan u dooranno musharraxa aan is niraahno wuu harmarinayaa danaheenna anagoo kula gor- gortamayna in ay wax ka qabtaan arrimaheenna waayo codku waa awood.

Somali Action Alliance oo ay qaybweyn ka qaadatay u la dagaallankii xiritaanada dugsiyo badan oo caadiga ah ee dawladda oo ay ilmaheennu qaar kood dhiganayeen balse kuwo ka mid ah aannu faa’iido weyn ku qabnay sida dugsiga la yiraahdo Sanford Middel School kaddib markii la isku dayay in la xiro dugsigaas. Ururku wuxuu qeyb weyn ka cayaaray una dooday in aan la xirin dugsigaas hoose/dhexe Sanford ee ku yaala Koonfurta Minneapolis, iyo welina wuxuu dadaal iyo shirar kula jira gudduga waxbarashada ee dugsiyada Koonfurta Minneapolis sidii loo ballarin lahaa iyo sidii loo adkayn lahaa barnaamijka ELL iyo barnaamijka Bilingual ee ka jira dugsiyada Minneapolis ee macalimiin Soomaaliyeed wax ka dhigaan dugsiyadaasi, aad bayna u caawiyaan ardayda Soomaalida ay luqada Ingriisiga u tahay luqada labaad. Ururku waxa kale oo uu qabtay dhawr shir iyo tababaro (listening session) oo ay ka soo qeybgaleen dad badan. Somali Action Alliance waa urur u furan qof kasta oo Soomaali ah in uu ka mid noqdo xubin, maxaa yeelay waxaan aaminsanahay in codka dadweynaha uu wax kasta uu qabanayo.


Cod La Baxshaa, Dan La Gaaraa

Somali Action Alliance waxay qabatay shirweynihii ugu horeeyey ee lagu dhisaayey magaca ururka bishii Abriil, 2deeda,2004, waxaana ka soo qeybgalay dad lagu qiyaasay ilaa shan boqol (500) qofood oo Soomaali ah iyo qaar ka mid ah madaxda siyaasadda ee Gobolka Minnesota.

Bishii Luuliyo, 2004, Somali Action Alliance waxay bilowday diiwaangelinta doorashooyinka sanadkan, waxayna tababaro u qabatay dadweynaha Soomaaliyeed,qaar ka mid ah waxayna baraysay kuna dhiirigelinaysaa in ay ka qeybgalaan doorashada iyo in uu codkooda wax weyn uu yahay. Somali Action alliance waxay kaloo dadweynaha baraysaa in doorashada-tan ay Gobolka aad muhiim u tahay gaar ahaan doorashada Guddiga Waxbarashada (Board of Education) iyo tan dawladda hoose iyo waliba isteedka Minnesota guud ahaan . Bishii Sebtembar, 26keedii, 2004, Somali action Alliance waxay qabatay shirweynihii ugu horeeyey ee ay soo qaban-qaabiyeen haweenka ka tirsan ururka, waxaa isugu yimid shirkaasi ilaa 150 haween oo ka kala yimid gobolka Minnesota oo ay ku jiraan Magaalooyinka Mataanaha, St.Cloud, Rochester, Moorhead iyo magaalooyin kale oo gobolka ka tirsan. Waxaana halkaasi lagu taageeray in doorashada si buuxda loogu qeybgalo. Waxaa kaloo bisha Oktoobar, 23keeda la qabtay shirweyne ku saabsan madaxda ku tartamaysa doorashooyinka Guddiga Waxbarashada (Board of Education) ee magaalada Minneapolis.

Somali Action Alliance waxay aad ugu dhiirigelinaysa dadka Soomaaliyeed in ay xooga saaraan doorashooyinka gaar ahaan doorashada madaxda gobolka, ayna ka fiirsadaan madaxda gobolka ay dooranayaan siiba kuwa dadka Soomaalida dhibaatooyinkooda wax ka xalin doonaan sida waxbarashada, guryaha, arrimaha socdaalka (immigration), shaqaaleynta iyo waxa kale ee bulshada Soomaalida u baahan tahay in laga xaliyo.

Somali Action Alliance waxay si joogta ah u hirgelisaa barnaamijyo la xiriira sidii loo tababari lahaa dhalinyarada si ay u noqon lahaayeen malaxada ururka (Leadership) una caawin lahaayeen dadkooda iyo bulshadoodaba.

Somali Action Alliance waxay iska kaashadaan ayna isla shaqeeyaan dhamaan hay’adaha u adeega bulshada Soomaaliyeed ee Gobolka ka tirsan, gaar ahaan hay’adda OAP oo ay dhanka tababarada ka caawiso dadka Soomaalida, hay’adda ADC oo ay ka caawiso dadka Soomaalida dhanka isku filaanshaha gaar ahaan maalingelin ganacsi iyo hay’adaha adeega bulshada ee Somali Communities ee Gobolka Minnesota ka jira iyo hay’adaha Voice, Women League oo ay leeyihiin xiriir iskaashi.

Qoraalkan kala xiriir:

Hashi Abdi (Shafi)
hashi@usa.com
Minneapolis, MN, USA

Faafin: Somalitalk.com |Oct 25, 2004


Siciid Saalax & Habeenkii Ardayda Soomaaliyeed ee  Minnesota
 Dhulka Soomaaliyeed yaaleh, waxaa leh NABADDA ayuu ku jawaabey Siciid Saalax oo hadal dheer kasoo jeediyey habeenkii Ardayda Jaamacada Minnesota.. GUJI 30/12

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com
 
Allah Is Great
MASHRUUCA

Waa mashruuc kaaga baahan taageeradaada, maskax, muruq iyo maalba... GUJI

Kulan Diineedkii 4aad ee Soomaalida Woqooyiga Ameerika oo Guul Kusoo Gabagaboobey
PALTALK:::
Waa maxay Paltalk, sideese loo adeegsadaa... Guji...

MADHOODHOW
Wuxuu ku Qadeeyaa Qaadka, Wuxuuna ku Casheeyaa Ciidda, Oolyadana wuu ku Qubeystaa: Waxa uu ku nool yahay magaalada Muqdisho, magaciisuna waa... Guji...
 
FILIMADA ANSHAXA XUN
Filimada anshaxa xun, ruugidda Qaadka iyo isticmaalka Daroogadu Saamayn intee le'eg Bay ku Leeyihiin Faafidda Cudurka AIDSKA ee Soomaaliya.. Guji...
 
GALCAARKA
Fulinta Dhaqantoosinta iyo La dagaallanka HIV/AIDS-ka:
Ka digtoonaansho qorshaha shisheeye oo ah mindi laba-afle ah...
Guji
 
CAAFIMAADKA
AIDS | CHOLERA | SOKOROW | JABTADA | SHIFO
Faarax Axmed Muuse | Karachi
 
QISO NAXDIN LEH
Fadeexada Paltalkga: iyo Dulmiga Walaasha Muslimada ah....... GUJI....
 
SAWIRRO XAMAR
XAMAR DAAWO DACALLADA.. SAWIRRO

 



HTML CD