SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - ADDIS ABABA
 
Daabaco Boggan | Print

Soomaaliya oo Midowga Afrika Weydiisatey 20,000 oo Ciidan Nabad ilaalin ah::
  • Shir kusaabsan Soomaaliya oo November 28keeda Lagu Qaban doono Brussels.
abdullahi Yusuf
C/LAAHI YUUSUF AXMED , MDFKMG

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka KMG ee Soomaaliya ayaa maanta oo Sabti ah weydiistey Midowga Afrika (AU) in ay Soomaaliya u diraan 20,000 oo ah ciidamada nabad ilaalinta si ay hubka uga dhigaan melaysiyada hubaysan, sidaas waxaa sheegay afhayeen u hadlay AU.

"Madaxweynuhu wuxuu sid rasmi ah u weydiistey A.U. 20,000 oo nabad ilaaliyayaal ah si ay u ururiyaan malaayiin hub fudud ah oo ay haystaan Soomaalidu" sidaas waxaa weriyayaasha u sheegay afhayeenka AU oo magaciisa la yiraahdo Adam Thiam.

Waxana uu intaas ku daray in weydiisashadaas ay go'aan ka gaari doonaan AU qaybta u qaabisan ammaanka oo shir yeelan doona maalinta Isniinta.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda FKMG, Cabdullaahi Yuusuf, waxa uu ciidamadaas nabad ilaalinta weydiisashadooda si rasmi ah ugu gudbiyey madaxa AU, Alpha Oumar Konare, mar ay kulan ku lahaayeen saraakiil sare oo ka tirsan AU maanta oo Sabti ah magaalada Addis Ababa, Itoobiya.

Madaxa xiriirka arimaha dibadda ee Midowga Yurub, Javier Solana, oo asaguna booqasho ku tegey xarunta midowga Afrika ee Addis Ababa ayaa sheegay in ay Soomaaliya caawin doonaan.

Mr. Javier Solana oo weriyayaasha la hadlayay ayaa yiri "Madaxweynuhu (Soomaaliya) iima cayimin weydiisasho gaar ah. Laakiin haddii weydiisashadu timaado... markaas EU waa caawin doonaa Soomaaliya, waana maalgelin doonaa ciidamada nabad ilaalinta sida Dafur oo kale", waxana uu intaas kudaray in Brussels ay bisha November 28keeda lagu qaban doonaa kal-faddhi ku saabsan Soomaaliya.

Waftiga madaxweynaha oo ka kooban 16 xubnood waxa ay booqasho saddex maalmood ah ku joogaan Abbid ababa...

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 23

WARARKII SHALAY EE SAFARKA WAFTIGA HOOS KA AKHRI:::


WAFTIGII MADAXWYNAHA JAMHUURIYADA FKMG OO KA SOO DEGEY ADDISABABA::

Oct 22, 2004

Waftigii uu hoggaaminayeye madaxweynaha Jamhuuriyadda FKMG, Cabdullaahi Yuusuf Axmed, ayaa galabtay (oo Jimce ah) ka soo degey caasimada Itoobiya ee Addis Ababa, sida ay werisey hay'adda wararka shiinaha ee Xinhua. Saddexda maalmood ee waftigu joogi Itoobiya waxa ay la shiri doonaan ururka Afrikaanka ee AU qaybta u qaabilsan ammaanka.

Waxa kale oo waftiga madaxweynu la shiri doonaan ninka madaxda ka ah dhinaca xiriirka ee Midowga Yurub  Mr. Javier Solana iyo ra'iisul wasaaraha Itoobiya Meles Zenawi.

Arimaha ugu muhiimsan safarka waftiga madaxweynaha ee ka kooban 16 xubnood waa arimo la xiriira ammaanka iyo sidii ciidamo Afrikaan ah loogu helilahaa Soomaaliya, kuwaas oo suga ammaanka.
[Eeg: http://www.somalitalk.com/news/somalia/]

WARARKII SAFARKA WAFTIGA MADAXWEYNAHA UU KAGA AMBABAXAY NAIROBI KA AKHRI HOOS:::

NAIROBI::::


Madaxweynaha Dowlada FKMG, Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo wafdi ay hogaaminayaan oo maanta ka ambabaxay Nairobi.

sababta safarka in ciidamo ay siiyaan ururka A.U. Dowalada Cusub ee somaliya.
  • Ra'iisul Wasaaraha oo la magcaabi Doono marka Waftiga Madaxweynuhu Kusoo Laabtaan nairobi
  • Wafdi ka socda Baarlamaanka Talyaaniga oo ka soo qayb galay kulankii maanta ee baarlamaanka

    Waxaa warkan soo tebiyey bahda Somalitalk Nairobi
    Axmed Muuse Cabdulle(Idaawaqaca) iyo
    Canab Abdule Mumtaz

    WARKA OO KOOBAN:::

Madaxwaynaha Jamhuuriyada Federaaliga Kumeel Gaarka ah ee Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminaya ayaa galabta 3.55 garoonka Diyaaradaha ee Wilson ka anbabaxay iyaga oo ku soo jeeda wadanka Itoobiya Magaalada Adis Ababa.

Wafdiga uu madaxwayne Cabdulaahi Yuusuf Axmed Hogaaminaya ayaa ka Kooban 16 Xubnood oo oo uu kamid yahay Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaaliga Kumeelgaarka ah ee Soomaaliya, kuwas oo kaal ah: 

  • 1- Sh Xasan Sh Adan
  • 2-  Ismaaciil Maxamed Hure Buubaa
  • 3- Xasan Dhinbil Warsame
  • 4- Ismaaciil Qaasin Naaji
  • 5- C/qaadir Nuur Caraale
  • 6- Axmed Xaashi Maxamed
  • 7-  Xusseen Sh Maxamed
  • 8-  Amiin Axmed Shiiq
  • 9-  Daahir Mire Jabriil
  • 10- Cabdulaahi Maxamed Jabriil
  • 11- Cabdulaahi Rashiid Guure
  • 12- Maxamed Faarax Gees
  • 13- Cabdi Wahaab Macalin Maxamed
  • 14- Maxamed Sh Xasan
  • 15- Yuusuf Cali Haaruun

Madaxwaynaha Jamhuuriyada Federaaliga Kumeelgaarka ah ee Soomaaliya Cabdulaahi Yuusuf Axmed isaga oo maanta la hadlayay Xubnaha Baarlamaanka Soomaaliya waxa uu sheegay in ujeedada ay u aadayaan Adis Ababa ay tahay in ay helaan Ciidamo Soomaalida Hubka ka dhiga .

Madaxwayne Cabdulaahi Yuusuf Axmed waxa uu sheegay in aysan Doowlada Soomaaliya Haysan Dhaqaalo isagoo sheegay in amaanka loo baahanyahay in wax wayn laga qabto hadii aan amaan la helin waxa uu yiri wax waliba way wareerayaan.

Waxaan ubaahanahay ayuu yiri in aan helno ciidamo hubka naga dhiga Miisaaniyad iyo in wax nalaga qabto Ilihii Doowlada ee Burburay.

EU's Solana to meet new Somali president

Waxaan Afrika uga baahan nahay ayuu yiri madaxweynuhu dhaqaalihii ciidammadaasi ku hawlgeli lahaayeen iyo ciddii kharashkaas qaabili lahayd, waxana uu sheegay in safarkoodaani qaadan doono muddo 3 casho ah ,iyagoo kula kulmi doona Addis Ababa ninka madaxda ka ah dhinaca xiriirka ee Midowga Yurub Mr. Javier Solana oo ay kala xaajoon doonaan sidii uu ugu gogol xaari lahaa wadahadalada dhexmari doona DKMGF ee Soomaaliya iyo ururka midowga Yurub oo dhowaan ka dhici doona magaalada Brussels.

Dhinaca kelana manta waxaa Xubnaha Baarlamaanka Soomaaliya uyimid Wafdi ka socda wadanka Talyaaniga oo ahaa Safiirka wadankaas ujooga Magaalada Nairobi iyo Xubin ka socota Baarlamaanka Dalka Talyaaniga waxa ayna balan qaadeen in ay dhinaca dhaqaalaha iyo Siyaasada ka taageeri Doonaan Doowlada Soomaaliya.


Safarka Giuseppe Di Clemente

Cidna qabiilkooda kama tirsani, inaba kuma soo dhowaado qabyaaladda, waxaan ahay xor, intaas ayaa igu filan.
Saiwirka: www.overlandtravel.com

Dhinaca kelana waxaa manta soo booqday xubnaha xidhibaanada soomaaliya ninka caanka ah ee Talyaaniga ah ee hooyadiis ay tahay Soomaalida ee lagu magacaabo Giuseppe Di Clemente ee 58 sano jirka ah oo ku soo maray Baaskiil dalal badan oo caalamka ah isagoo soo jaray masaafo dhan 16500 KM muddo 16 bilood ah, isagoo socdaalkiisa dhanka Baaskiilka ah ka soo bilaabay 22kii June 2003dii dalka Switzerland soona maray dalal ay ka mid yihiin Spain, Morooko, Muritaaniya, Sinigaal, Burkinafaaso, Gaana, Toogo, Beniin, Nayjar, Nayjeeriya, Kamaruun iyo Jaadh, waxana uu sitey markii uu dalalkaas marayey calanka Soomaaliya.

Kulanka baarlamaanka ayaa laga yaabaa in uu dib u furmo maalinka barito ah waxaana gudoomin doona gudoomiye ku xigeenka Koowad Prof. Maxamed Cumar Dalxa.

Axmed Muuse Cabdulle(Idaawaqaca) Kenya.Nairobi Somalitalk
axmeddheere65@hotmail.com 

WARBIXINTII SAAKAY EE KULANKII BAARLAMAANKA OO FAAHFAAHSAN IYO SAFARKA WAFTIGA MADAXWEYNAHA::::

Canab Abdule | SomaliTalk.com | Nairobi | Oct 22, 2004

 

Madaxweynaha Jamhuuriyada FKMG, C/laahi Yuusuf Axmed

Afhayeenka Baarlamaanka FKMG, Shariif Xasan Sh.Aden

Madaxweynaha Jamhuuriyadda FKMG ah ee soomaaliya C/llaahi yuusuf Axmad oo maanta ka soo qayb galay kulankii baarlamaanka  si uu ugu sheego Baarlamanka casuumaad dhawaan loo fidiyay dowlada iyo baarlamaanka soomaaliyeed kuna aadan sidii ay hogaanka labada golle uga dalban lahaayeen ururada Jaamacada Carabta , Midawga Afrika iyo Midawga Yurub oo ku aadan taageero dhaqaale iyo aqoonsi.

 
Madaxweynaha waxa uu ugu horeyn sheegay in ujeedada safarkooda ay ugu wayn tahay sidii ay uga dalban lahaayeen ururka AU-da ciidamo suga amaanka Hubkana ka dhiga maliishaadka soomaaliyeed ee hubaysan, keenista ciidamo shisheeye waa astaanta xalka ummadda soomaaliyeed iyo soo celinta amaanka iyo waliba howlgalka dowladeed oo fure u ah shaqada bilowga ah ee na hortaala.
 
Ciidamada ayuu ku tilmaamay Mr.yusuf in aysan ahayn kuwo ku ekaanaya xafiisyada dowlada iyo  howlaheeda ee ay si wayn uga howlgalayaan dalka oo dhan si aan u helno amaan sugan caalamkuna noogu kalsoonaado oo aan hubka uga dhigno inta hubaysan.
 
Madaxweynaha waxa uu intaasi ku daray in safarkooda uu qaadan doono mudo sadax maalmood ayna wadahadalo la soo yeelan doonaan madaxda ururada AU-Jaamacada Carabta iyo Midawga Yurub,waxa uu xusan in wafdiga ku wehliya safarkiisa ay kala socdaan shanta qayb ee beelaha soomaaliyeed ayna ugu horeeyaan isaga iyo gudoomiyaha Baarlmaanka KMG ah Shariif Xasan Sh.Aadan.
 
Mar uu ka hadlayay Madaxweynaha Magacaabista Wasiirka koowaad waxa uu sheegay in uu ogyahay in si wayn loo wada sugayo magaabista Ra'iisul wasaaraha FKMG ah ee soomaaliya, waxa uu sheegay in magacaabista jagadaas ay tahay howl culus walina uu wado la tashiga beelaha iyo baarlamaanka sida uu qabo axdiga KMG ah Qodobada 46 iyo 47 oo sheegaya in magacaabista wasiirka kowaad ay ku iman karto la tashi baarlamaanka ah.dibadana in laga keeni karo hadii la isku raaco wasiirka kowaad arrintaas oo jirta awgeedna ay sabab u tahay dib u dhaca waxa uuna sheegay in uu haysto waqti badan oo ah mudadii bisha ahayd ee la siiyay in uu ku magacaabo Ra'iisul wasaaraha waxana intaasi ku daray in ka dib safarkooda uu magacaabi doono.
 
Wafdi ka socda Baarlamaanka Talyaaniga oo ka soo qayb galay kulankii maanta ee baarlamaanka
 
Kulankii maanta ee baarlamaanka iyo madaxweynaha oo ay  ka soo qayb galay wafdi ka socday baarlamanka talyaaniga oo uu hogaaminayay wakiilka dowlada talyaaniga u qaabilsan shirka dib u heshiisiinta soomaaliyeed ayaa ugu horeyn u mahadceliyay baarlamaanka sida ay ugu guulasteen in ay doortaan madaxweyne ka dib mudo laba sano ah.
 
waxay wafdigan talyaniga ah sheegeen ay salaan iyo hambalyoba uga wadaan gudoomiyaha baarlamaanka talyaaniga ah baarlamanka iyo madaxweynaha soomaaliyeed una rajeeyay in ay soomaaliya ka baxdo dowlad la'aanta.
 
Wafdiga waxa ay intaasi ku dareen in Baarlamaanka iyo Dowlada Talyaaniga ay dowlada soomaaliyeed iyo baarlamanka la garab taagan yihiin taageero siyaasadeed iyo dhaqaalo,ayna ka saacidi doonaan dib u dhiska dalka iyo wax ka qabashada amaanka oo ay ku taageeri doonaan dowlada soomaaliyeed,waxayna ugu baaqeen madaxweynaha iyo baarlamaanka in ay u hogaansamaan sharciga ayna ku dadaalaan sidii ay somaliya uga dhex muuqan lahayd caalamka.
 
Madaxweyne C/llahi Yuusuf oo u mahadcelinayay wafdigaas ayaa sheegay in baarlamaanka iyo isagaba in ay mid la mid ah salaanta uu u soo diray gudoomiyaha baarlamaanka talyaaniga ka gaarsiiyaan,waxa uuna sheegay in wax walba ay cad yihiin caalamka wax loo sheegayana aysan jirin oo ay ka dharagsan yihiin xaalada soomaaliya ku sugan tahay iyo dowladani ay meel eber ah wax ka soo bilaabayso,waxana ka dalbaday in ay ka dhabeeyaan balan qaadyadooda.

Sidoo kale waxaa kulankii maanta ka soo qayb galay nin talyaani ah oo ay hooyadiis soomaali tahay, dhowr iyo toban dal oo afrikaan ahna ku soo maray baaskiil, ninkan oo watay funaanad uu ku sawiran yahay calanka soomaliya waxa uu sheegay in uu intaas oo dhan u marayay sidii somaliya ay u heli lahayd Nabad,maantana uu ku faraxsan yahay in uu dhex joogo baarlamaan soomaaliyeed oo madaxweynahoodiina uu dhex fadhiyo waxa uuna ka dalbaday gudoomiyaha in uu siiyo waqti uu baarlamaanka ugu sheego taariiqdiisa iyo waxyaabihii uu la kulmay intii ku jiray safarka tabliiqaynta ee nabad raadinta soomaliya la xiriiray sida uu sheegay.

Sida ay maanta werisey hay'ada wararka ee Reuters, dayladda Britain waxa ay muujisay sida ay diyaarka ugu tahay in ay Soomaaliya ka caawiso tababarka ciidamada ammaanka ee hub ka dhigista iyo dib u soo celinta xasiloonida dalka.. [Eeg Britain willing to train Somali security forces].

Kulankii baarlamaanka ee October 20keedii ayey ahayd markii wasiirka Britain u qabilsan Afrika, Mr. Chris Mullin uu baarlamaanka Soomaalida ka soo qayb galay, sheegayna in dowladiisu ay soo dhawaysay dhismihii baarlamaanka KMG ah ee soomaaliyeed iyo waliba doorashadii Madaxweynaha waxa uuna ku tilmaamay in ay tahay talaabo horumar leh oo ay soomaaliya gaartay, waxa uuna ugu baaqay Dowladda soomaaliyeed ee dhismaha uu ku socdo haatan in ay noqoto mid la tashi la samaysa shacabka iyo ururada bulshada rayidka si awooda ay ugu wada sinaato. [Eeg halkan].

Sidoo kale, bilowgii toddobaadkan ayey ahayd markii uu safiirka Britain u fadhiya kenya, Edward Clay, uu sheegay in dawladiisu gacan siineyso dib u dhiska dalka ee dawlada dhowaanta la doortay ee Jamhuuriyada federaalka Soomaaliya. Sida ay werisey warbaahinta qaranka Kenya (KBC), Edward Clay waxa uu yiri 'Soomaaliya waxa ay leedahay saaxiibo, kuwaas oo ka gacan qaban doona dib u dhiska qaranka" [EEG Britain to support Somalia].

Bartamihii bisha Oktoobar, wax yar ka ddib doorshadii madaxweynaha ayey ahayd markii ay wadamada Afrikaanku aqoonsadeen natiijadii ka soo baxday doorshadii baarlamaanka Soomaaliya oo ka kooban 275 xildhibaan ay madaxweynaha Soomaaliya u doorteen C/laahi Yuusuf Axmed. [Eeg Halkan].
Shiinuhu waa soo dhoweynahyaa (qaabkii doorashada madaxweynaha Soomaaliya).. 

China waxa uu Soomaalida u rajaynayaa in ay dhidibada u taagaan Dawlada Federaalka kumeel gaarka ah, garwaaqsadaan wada xaajoodka, iyo mid nimada qaranka sida ugu dhaqsaha badan,  iyo in nabada iyo xasiloonida la soo celiyo. China arintaas waxay ka qaadanaysaa tallaabo firfircoon.. Sidaas waxaa tiri Afhayeenka Wasaaradda arimaha dibadda Shiinaha, Zhang Qiyue, oo warsaxaafadeed kaga jawaabeysey su'aal laga weydiiyey doorshadii C/laahi Yuusuf loo doortay MFDKMG..
Eeg halkan..

Octobar 14keedii ayaa Dawlada Shiinuhu soo dhoweysey doorshadii madaxweynaha Soomaaliya. Afhayeenka Wasaaradda arimaha dibadda Shiinaha, Zhang Qiyue, oo ka hadlaysay arintaas waxa uu yiri: "Abdullahi Yusuf Ahmed waxa loo doortay madaxweynaha Dawlada federaalka Kumeel gaarka ah ee Soomaaliya, taas oo wadanka (Soomaaliya) ka dhigeysa horumar loo qaaday nabada", sida ay werisey warbaahinta shiinuhu..

Ruushka ayaa sidoo kale Octoobar 14eedii aqoonsaday dawlada cusub ee Soomaaliya. Afhayeenka wasaarada arimaha dibadda ee Ruushka, Mr Aleksandr Yakovenko, oo arintaas ka hadlayey waxa uu yiri "Dawlada Ruushku waxay soo dhoweyneysaa doorashadii madaxweynaha cusub ee Soomaaliya, Col Abdullahi Yusuf Ahmad", waxana uu intaas ku daray in dawladiisu rajayneyso in si dhaqso ah loo dhamaystiro inta ka dhiman dawlada si loo xaqiijiyo nabadda iyo in ammaanku kusoo laabato Soomaaliya.

Octoobar 12keedii ayey ahayd markii war-saxaafadeed ka soo baxay Maraykanka  [U.S. Department of State] uu muujiyey sida dawlada Maraykanku ay ugu niyad san tahay baarlamaanka Kumeelgaalka ah ee Soomaaliya oo qabtay doosho nabad ah oo lagu doortay C/laahi Yuusuf, iyo in arintaasi ay tahay tallaabo horay loo qaaday xagga dib u heshiisiinta Soomaaliya, dib u heshiisiintii laba sano ka hor bilowday IGAD...  [Eeg warsaxaafadeedka]

Canab Abdule <canabmumtaz@yahoo.com> | Somalitalk Nairobi
Waxa kale oo qormadan ka qayb qaatay bahda SomaliTalk ee Woqooyiga Ameerika.

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 22, 2004


Soomaalida Qurbaha oo ka digaya in aan Laga Faa'iidaysan Dawladda Cusub
Dadka Soomaalida ah ee ku dhaqan dalalka Yurub ayaa soo dhoweeyay Natiijada ka soo baxday shirka.. Guji...

Xaflad lagu soo Dhawaynayey Dawlada Cusub ee Soomaaliya
iyo dareenka jaaliyada Soomaaliyeed ee Denmark Guji...

Siminaarkii Labaad ee uu Qabto Uruka SSUF
Ururka Isbahaysiga Dhalinyarada Somaliyed ee Sweden (SSUF) ayaa... Guji...

Ra`isul Wasaaraha Dalka Sweden oo la kulmay Gudoomiyaha Xisbiga SSUP

DIBLUMAASI SOOMAALIYEED: AYNU TAAGEERO LA GARAB IS TAAGNO DOWLADDA CUSUB
Maxammedyerow Abuukar Mayoow oo 10-sano ahaa qunsulka kumeelgaalka ee Soomaaliya u fadhiya dalka UAE, kaddibna si rasmi ah markale dawladii carta u magcaywday qunsulka Dubai ayaa... Guji... Oct 21

XIISAD KULUL OO KA JIRTA JAGADA WASIIRKA 1AAD  EE DOWLADA FKMG AH EE SOMALIA
»MDFKMG ee Somaliya oo la kulmay Baarlamaanka KMG ah.
»21-KA OKTOOBAR MA LA ISKA ILLOOBAY!?
»Xaflad lagu xusayay sannadguuradii labaad SOYDEN
»Macallimiin Soomaaliyeed oo lagu haysto Yeman
»Diiwaan gelin lagu ururinayo ciidankii…..
»Koffi Annan oo sheegay in kaalmada Soomaaliya ay ku xiran tahay …
»Wafdi ka socda Midowga Afrika oo ku fool leh magaalada Hargeysa.. . Wararka oo dhan ka akhri halkan... Guji... Oct 21

Safarka Madaxweynaha ee Addis Ababa, Cairo & Brussels
»Ra'iisul wasaaraha oo loo malaynayo in uu noqon doono Beesha Abgaal
»Dowlada Britain oo Soomaaliya ugu deeqday 8 milyan oo ginni
»Xuseen Caydiid: xilka Ra’iisul wasaare  waxaa xaq u leh Ururka USC
»Cali Khaaliif Galayr oo ka hadlay Doorshadii Madaxweynaha
»Qaraxii Wilson Airoport oo laga yaabo in ay Sababeen Caano Geel
»$24.4 million oo loo ansixiyey barnaamijyada caafimaadka Somalia
Wararka oo dhan ka akhri halkan... Guji... 20 Oct

Baaritaan ku saabsan Faraxumaynta iyo Xabsiga loo Gaystay Samsam  iyo Dilkii loo gaystay Marxuum
»Hargeysa: faraxumayntii loo geystey Samsam Axmed Ducaale
»Mugadisho: Dilkii loo geystey Marxuum Cabaas Cabdi Cali
Dhammaan ka akhri halkan... Guji... Oct 20, 2004

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

Allah Is Great
TAARIIKHDA ISLAAMKA
Silsiladda Taariikhda Islaamka
Qore:Shiikh C/risaaq Macalim
DIBLUMAASI SOOMAALIYEED: AYNU TAAGEERO LA GARAB IS TAAGNO DOWLADDA CUSUB
Maxammedyerow Abuukar oo qunsul ka noqday dalka UAE ayaa.. Guji
Xaflad lagu soo Dhawaynayey Dawlada Cusub ee Soomaaliya
iyo dareenka jaaliyada Som. Denmark Guji...
Ururka SIMA oo Dhambaal u Diray Madaxwaynaha Jamhuuriyada Federaliga ee Soomaaliya
MUSTAQBALKA SUGAYA MADAXWEYNE CABDILAAHI YUSUF AXMED Faalladii Yusuf Shabac.. Guji...
Free Awdal Forum oo Dhambaal u Diray Madaxweynaha
"Hadaan nahay reer Awdal waan ogsoonahay in koox yari afduubtay waqooyi iyagoo ku majaro habaabiyay"... Guji...
Somali Concern Group (SCG) waxey soo dhoweyneysaa dhameystirka shirka Somalida oo muddo  labo sano ah ka socday waddanka Kenya iyo doorashadii bisha 10 keedii lagu doortay madaxweynaha.. Guji...
AFRIKA OO AQOONSATAY NATIIJADII KASOO BAXDAY SHIRKII SOOMALAIDA
Iyo Madaxweynaha DFKMG oo ka qaybgalay kulankii u horeeyeye ee caalami ah... Guji...
Guddoomiyaha ururka DDP: Taageero madaxweynaha:  Wixii talo ah ee aad u baahatidna diyaar ayaan kuula nahay. Waana kuu ducaynaynaa.. Guji...
101_0172Xaflad Lagu Soo dhawaynayo Dowladda cusub ee Somalia oo Ka Dhacday Pakistan
Waxaa kasoo qayb galay shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Islamabad iyo Guji

Soomaalida Toronto ee Taageertay Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya
Xaflad dabaal Deg iyo Hambalyo ah oo ay dhigeen Soomalida Melbourne
»Waxaana xafladaas ka soo qayb galay Jaaliyadda Som..
»Xaflad lagu soo dhoweynayo Dawlada oo lagu qabtay MPLS
»Soomaaliyeed Sweden oo soo dhaweeyay dawladda cusub.
 Dhammaan ka akhri halkan... Guji..

bosasoSidii Boosaaso Looga Soo Dhoweeyey Doorashadii Madaxweynaha DFKMG
Iyo madaxweyne Kuxigeenkii oo PL oo lagu wareejiyey Xilka MDGPL...
Guji...

Codka Muslimiinta US ayaa u Batay Dhanka Kerry
Qormadii Xasan Jaamici...
Guji...
USA: Maroodiga (R) oo la filayo inuu dameerka (D) si xun ugu durduriyo: Wardheere
Ma Hungowday Himiladii Hargaysa?
Faalladii Asad Cadaani Ibraahim... Guji..
Somaliland Dal Dhisan iyo Dad Jihaysan
Faalladii
(diridhaba)... Guji..

 



HTML CD