| w w w . S o m a l i
T a l k . c o m
|
|
SOMALITALK
- WARAR
|
WARARKII 21ka OkTOOBAR 2004
Waxaa isku soo dubaridey:
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro [Muqdisho,
Soomaaliya) iyo
Canab Mumtaz (SomaliTalk nairobi)
-
Xiisad Kulul oo
ka jirta jagada Wasiirka 1aad
-
Madaxweynaha
Dowlada FKMG ee Somaliya oo la kulmay
Baarlamaanka KMG ah.
-
21-KA OKTOOBAR MA LA
ISKA ILLOOBAY!?
-
Xaflad lagu xusayay
sannadguuradii labaad ee ka soo
wareegtay…
-
Macallimiin
Soomaaliyeed oo lagu haysto
safaaradda Soomaalida ee Yeman
-
Diiwaan gelin lagu
ururinayo ciidankii…..
-
Koffi Annan oo
sheegay in kaalmada Soomaaliya ay ku
xiran tahay …
Wafdi
ka socda Midowga Afrika oo ku fool
leh magaalada Hargeysa..
XIISAD
KULUL OO KA JIRTA JAGADA WASIIRKA 1AAD
EE DOWLADA FKMG AH EE SOMALIA
Canab
Mumtaz
SomaliTalk.com
| Nairobi | Oct 21, 2004
Waxaa
Maanta si wayn loo wada sugayay in la
magacaabo Ra’iisul wasaaraha Dowlada
FKMG ah ee soomaaliya, waxaana soo
baxaya warar dheeraad ah ku saabsan in
dib u dhac ku yimid magacaabista
wasiirka kowaad,arrimo la xiriira wada
tashiyo beelaha ah oo ku saabsan cidii
loo dhiibi lahaa jagadaas iyo waliba
safaro dibada ah oo uu madaxweynaha
dhawaan ku kala bixin doono xarumaha
Ururka midnimada afrika,Jaamacada
Carabta iyo Midawga yurub kana dhigi
doonta sida ay u muuqato inuu magacaabo
marka uu soo laabto.
Marka aad
dhex socoto hotelada ay somalida ku
badan tahay iyo kulamada caadiga ah ee
baarlamaanka dhexdiisa (sheeko
guud)waxaa dhagahaaga durba ku soo
dhacaya hadalo haynta cida loo magacaabi
doono jagada Wasiirka 1aad ama ra’'iisul
wasaaraha dowlada FKMG ah ee soomaaliya
iyadoo mid wali is waydiinayo kan uu
noqon doono.
Saadaal
kala duwan ayaa mid waliba ka bixinayaa
in madaxweynaha uu dhawaan u magacaabi
doono jagadaas iyadoo aysan ka baxsanayn
in wasiirka 1aad ay heli doomaan hal
beel oo ka mid ah beelaha afarta iyo
barka (4.5) loo kala saaray kadib markii
qaybihii kale oo dhan ay helaan jagooyin
kale,isla beeshaas ayaa jufa ka mid ah
si wayn loogu hadalhayaa.
Xiisada ka
taagan jagadan oo si wayn looga dareemay
Nairobi ayaa waxaa soo baxaya maalinba
maalinta ka dambaysa magacyo siyaasiyiin
caan ah iyo kuwo caadi ah oo loo hadal
hayo in ay ku soo bixi doonaan
jagadaas.
Waxaa
illaa hadda jagadaas u taagan dhowr
hogaamiye siyaasadeed oo iskugu jira
kuwo siyaasiyiin ahba dhamaan dadkan
ayaa si wayn loo hadal hayaa in ay ku
soo baxaan jagadan wasiirka koowaad oo
la filayo in madaxweynuhu magacaabo mar
dhaw.
Siyaasiintaas ayaa waxaa ka mid ah
Xuseen maxamad caydiid, Maxamed Qanyare
Afrax, Maxamad Cumar xabeeb m,Dheere, Maxamed
Maxamud Guuleed Gacma-dheere, Prof.
Cabdulaahi Axmed Afrax, Xuseen Xaaji
Bood.Cali Mahdi Maxamed, Ing Maxamed
Xuseen Caddow, Maxamud Maxamed Culusow
iyo Cabdirisaaq Isaaq Iidow.
Siyaasiyiintan ayaa dhamaantood ka soo
jeeda hal beel oo ka mid ah beelaha
shirka ka qaybgalayay waxaana loo
badinayaa in mid ka mid ah uu noqon
doono wasiirka koowaad ee Dowlada FKMG
ah ee soomaaliya.
Madaxweynaha
Dowlada FKMG ee Somaliya oo markii ugu
horeysay ka dib doorashadiisi la kulmay
Baarlamaanka KMG ah.

Madaxweynaha Jamhuuriyada FKMG, C/laahi
Yuusuf Axmed
Beesha::: Daarood |

Afhayeenka Baarlamaanka FKMG,
Shariif Xasan Sh.Aden
Beesha:::
Digil-Mirifle
|
SomaliTalk.com
| Nairobi | Oct 21, 2004
Casho
Sharaf iyo affur habeenkii xalay ahaa ka dhacay Hotelka Grand
Regecy ee magaalada Nairobi ayuu ku casuumay madaxweyne
C/llaahi Yuusuf Axmad Xildhibaanada Baarlamaanka FKMG ah
ee dhawaan u doortay Madaxweynaha Jamhuuriyada
Soomaaliya shanta sano ee socota .
Munaasabadan oo ay baarlamaanka ka soo wada qayb galeen
Marka laga reebo dhowr mudane oo u badan hogaamiye
siyaasadeedyo waxa uu ugu horeyn Madaxweynaha u
mahadceliyay xildhibaanada doorashadii dhawaan dhacday
ee loogu doortay madaxweynaha jamhuuriyada FKMG ah
shanta sano ee socota.
Madaxweyne
C/llaahi yuusuf waxa uu baarlamaanka u sheegay in ay
hortaalo shaqo culus oo ah dib u dhiska dalka iyo amaan
ku soo dabaalida Somaliya,waana mid ku imaan karta in si
wada jir ah ay uga wada shaqeeyaan baarlamaanka iyo
Dowaladaba ayuu yiri C/llaahi yuusuf axmad Madaxweynaha
Somaliya.
Mar uu ka
hadlayay Magacaabista Ra’iisul wasaaraha waxa uu
madaxweynaha sheegay in uu ku jiro wada tashiyo beelaha
ah,baarlamaanka laf ahaantiisana u soo bandhigay in ay
ka siiyaan gacan iyo talo cidii jagadaas loo dhiibi
lahaa.
Munaasabadan uu madaxweynaha kula kulmayay baarlamaanka
waa markii ugu horeysay uu la kulmo isagoo madaxweyne ah
ka dib doorashadii madaxweyne ee uu kusoo baxay waxaana
ka muuqday Madaxaweyne C/llaahi Yuusuf sida uu diyaarka
ugu yahay in uu la tashado Baarlamaanka KMG ah ee
Soomaaliya una doortay in uu hogaamiyo dalka.
Iyadoo wax
walba lagu salaynayo 4.5.ama afarta iyo barka ayaa waxaa
soo baxaya hadal hayn badan iyo doodo ka taagan cidii
jagadaas qaban lahayd iyadoo ay isku soo taageen
hogaamiyayaal badan oo ka tirsan beesha lagu wado in ay
jagadaas helaan iskuguna jira kuwo C/llaahi yuusuf la
lahaa xiriir siyaasadeed iyo kuwo aan waxba kala
dhaxaynin dhamaantoodna waxay sheegeen in ay jagadaas
rajaynayaan.
Ka hor
intii aysan baarlamaanka u dooran C/llaahi yuusuf Axmad
Madaxweynaha Dowlada FKMG ah waxa uu balan qaadyo u
fidiyay dhowr hogaamiye siyaasadeed oo ay isku siyaasad
ahaayeen ayna ka mid yihiin Xuseen Caydiid, Maxamad
Dheere iyo Maxamad Qanyare in uu u magacaabi doono
jagada Ra’iisul wasaaraha.
Warar
hoose oo aan ka helnay illo muhiim ah ayaa sheegaya in
Habeenkii caleema saarka uu madaxweynaha u bandhigay
Dr.C/qaasim in uu qabto jagadan, laakiin uu C/qaasim ka
cudurdaartay isagoo sheegay in dowladan taageero walba
oo ay uga baahato la garan istaagayo laakiin uusan
jagadan qaban doonin. waxii ka dambeeyay xiligaas waxa
uu Madaxweyne Yusuf waday wada tashiyo Qabaa’ila ay
quseyso in ay jagadan helaan.
Anab
Mohamoud Abdulle <canabmumtaz@hotmail.com>
WARARKII MUQDISHO EE MAANTA:: 21 OKTOOBAR 2004
W/D Amiin Yuusuf
Khasaaro
E-Mail
amiinkhasaaro@hotmail.com
21-KA OKTOOBAR MA
LA ISKA ILLOOBAY!?
Maanta
oo ku beegan 21-ka Oktoobar waa
maalin uu xusuusan karo qof kasta oo
Soomaali ah oo u soo joogay
Dowladdii dalka ka talinaysay,
waxana maanta oo kale ay ahayd
maalin Faysto ah iyadoo loo
dabbaaldagi jiray maalintii uu
xukunka qoriga caaraddiisa kula
wareegay Gen. Maxamed Siyaad Barre
oo ku beegnayd 21-Oktoobar,
1969-kii.
Horraantii 1990-kii, markii la maqlo
maalinkaan oo kale dadku aad bay u
dhibsanayeen hase ahaatee marba
marka ka dambeysa dadku waxay soo
xusuusnayeen maalinkaa, waayo markaa
hore Maxamed Siyaad Barre iyo
Oktoobarba dadka waxay ula muuqdeen
kuwo ragaadiyay dalka iyo dadka
Soomaaliyeed hase ahaatee waayadaan
dambe waxaa bilaabatay in dib loo
xusuusto Maxamed Siyaad Barre loona
duceeyo, waayo waxaa soo baxay
gadaashiis dad ka sii daray, oo
Soomaalidu waxay tiraahdaa Furuq ka
guur oo Qanje u guur, waayo Xukunkii
Maxamed Siyaad Marka loo eego sharci
la’aanta maanta ka jirta dalka wuxuu
noqonayaa mid loo baahnaa. Inkastoo
uu Dictator ahaa Maxamed Siyaad
Barre haddana dalka waxaa ka jiray
nidaam iyo kala dambeyn, balse
markii la riday xukunkiisii waxay
Soomaaliya kulansatay wixii dambi ah
ee ka jiray caaalamka, waxaa dhacay
dil, dhac, kufsi, boob hanti
dadweyne iyo mid qaranba. Markii uu
baxay Maxamed Siyaad Barre dalka
gaar ahaan Magaalada Muqdisho waxaa
u dhammaan adeegyadii Bulshada, sida
Biyaha, Kontada, Caafimaadka,
Waxbarashada iyo wixii la mid ah,
hase ahaatee kooxihii dalka qabsaday
waxay cagta mariyeen wax kasta oo
astaan u ahaa dowladnimada iyagoo
markaa u arkayay inuu hantidaa iska
lahaa Max’ed Siyaad.
Eryidii Siyaad kaddib waxaa dalka ka
dhismay dowlado ay kala
hoggaaminayeen Cali Mahdi Maxamed,
Middii Salballaar, tii Cater iyo
Midda haatna lagu soo aasaasay Kenya
iyadoo Col. C/llaahi Yuusuf loogu
doortay Madaxweyne 10-Oktoobar
sannadkaan, waxaadna mooddaa in
magacii Oktoobar uu dib noogu soo
laabtay, iyadoo maanta ku beegan
21-ka Oktoobar la filayo in la
magacaabo Ra’iisul wasaaraha
Dowladda Federalka Soomaaliya.
Haddaba waxaa is weydiin mudan in
Oktoobartaan ay noo dhalatay
dowladda ma naga tirtiri doontaan
diiftii iyo dhibaatadii na soo
martay 14-Oktoobar oo u dhexeysa
labadan Oktoobar. Maanta oo kale
waxaa dalka ka dhici jiray Fantasiyo
iyo damaashaadyo, waxaana xooggooda
ugu weyn soo bandhigi jiray ciidanka
Xoogga dalka Soomaaliyeed oo iyagu
haatan noqday kuwo aan waxba qaban
oo ah uun dowlad sugayaal si ay mar
labaad uga dhex muuqdaan bulshada
Soomaaliyeed, una difaacaan dalka
iyo dadka dulman.
Xuseen Maxamed Faarax Ceydiid oo ka
mid ahaa musharrixiintii u tartantay
jagada Madaxweynenimada Soomaaliya
ayaa mar uu u warramayay saxaafadda
waxa uu sheegay in Ra’iisul
Wasaaraha Soomaaliya ay xaq u
leeyihiin in ay qaataan Beelaha
Ururka USC, gaar ahaan kuwa
fadhigoodu yahay magaallada Muqdisho.
Mar wax laga weydiiyey Beesha xaqa u
leh Ra’iisul Wasaaraha waxa uu yiri
"Anigu beel qura farta kuma godayo,
balse waxaa iska leh ururka USC",
waxaa kale oo wax laga weydiiyey
Xuseen in haddii uu waayo xilka
Ra’iisul Wasaarenimada Soomaaliya uu
la shaqeynayo dowladda cusub waxa uu
yiri "Haa…., haddii ay si caddaalad
ah u dhacdo waan la shaqeynayaa,
waayo shacabka Soomaaliyeed uma
baahna dagaal dambe iyo dhibaato hor
leh". Xuseen waxa uu si kulul u
beeniyey warar ka soo yeeray mid ka
mid ah taliyeyaashiisa ciidammada ee
ee sheegayay in C/llaahi Yuusuf
uusan imaan karin deegaannada uu ka
taliyo Isbahaysiga SNA, waxaa kale
oo uu gaashaanka ku dhuftay in C/llaahi
Yuusuf uu gor-gortan kula galay in
haddii loo magacaabo jagada Ra’iisul
Wasaarenimada Soomaaliya uu dowladda
ku wareejin doono xarunta
Maddaxtooyada Villa Somalia. Wareysi
uu bixiyey Xuseen Ceydiid intii
uusan bilaaban shirka dib u
heshiisiinta Soomaaliyeed ayaa waxa
uu ku sheegay in haddii uu waayo
jagada Madaxtinimada Soomaaliya uu
xaq u leeyahay in uu noqdo ra’iisul
Wasaaraha Soomaaliya, waxaana la
sheegay in dhowaan kulan gaar ah ay
yeesheen C/llaahi Yuusuf iyo Xuseen
Ceydiid, ayna ka wada hadleen cidda
loo magacaabayo Ra’iisul Wasaaraha
Soomaaliya.
Dhinaca kale Madaxweynaha Dowladda
cusub ee Federalka Soomaaliyeed C/llaahi
Yuusuf Axmed ayaa weli wada la
tashiyadii uu la yeelanayay
siyaasiyiinta Soomaaliyeed iyo
weliba Beesha caalamka ee ku saabsan
cidda loo magacaabayo Ra’iisul
Wasaaraha Soomaaliya, iyadoo C/llaahi
Yuusuf ay soo gaarayaan cadaadis
kaga imaanaya Beesha caalamka ee ah
in uu deg-deg u magacaabo Ra’iisul
Wasaaraha inta uusan u ambabixin
magaallada New York ee dalka
Mareykanka
Xaflad lagu
xusayay sannadguuradii labaad ee ka
soo wareegtay….
Munaasabad lagu xusayay
sannad-guuradii labaad ee ka soo
wareegatay markii la aasaasay
dalladda isku xirka nabadda iyo
horumarinta dhallinyarada
Soomaaliyeed ee SOYDEN ayaa
maalinnimadii shalay ka dhacay
Hotelka Suxufi ee magaalada Muqdisho.
Munaasabaddaas ayaa ugu horreynba
waxaa hadallo kala duwan ka soo
jeediyay wakiillada SOJON, SIRWA,
ELMAN, Xoogagga Waddaniyiin-ta
Soomaaliyeed iyo ururrada Haweenka
Soomaaliyeed, sidoo kale waxaa
halkaa ka hadlay rug caddaaga
siyaasiga Soomaaliyeed Cali Shido
Cabdi oo ka hadlay halgenkii
gobonnimo doonka Soomaali-yeed, gaar
ahaan Dhallinyaradii SYL, isagoo
farta ku fiiqay in dhallinyarada
maanta looga baahan yahay, gaar
ahaan dalladda SOYDEN ururrinta iyo
taabbo gelinta nabadda iyo dib u
dhiska dalka, isagoo dhanka kalena
rajo wanaagsan ka muujiyay
doorashadii Madax-weynaha Federalka
ee Soomaaliya ee dhawaantaan ka
dhacaday dalka Kenya.
Ugu dambeyn waxaa halkaa ka hadlay
guddoomiyaha dallada iyo isku xirka
nabadda iyo horumarinta
dhallinyarada Soomaaliyeed SOYDEN
Mudane Cusmaan Muxyadiin Macallin (Shaatax)
oo ugu horreyba hambalyo iyo
bogaadin u soo jeediyay
dhallinyarada Soomaali-yeed, isagoo
sheegay in waxqabadka hay’adda
SOYDEN inuu yahay wax muuqda, isagoo
sheegay illaa iyo markii la dhisay
hay’addaan inay waxbarsho kala duwan
u fidiyeen illaa 600 dhallinyardo
Soomaaliyeed ah, iyagoo bartay
mehrado kala duwan, sida
Electaric-kada, Computer-ka iyo
Camera-Video.
Mr. Shaatax ayaa baaq u soo jeediya
bulshada Soomaaliyeed, isagoo ugu
baaqay inay daboolaan baahidda
nabadda, isagoo dhinaca kalena soo
dhaweeyay shirka dib u heshiisiinta
Soomaaliyeed ee dalka Kenya.
Munaasabaddaas ayaa waxaa lagu
daawaday FIlim Dukumenti ah oo ka
hadlaya waxqabadka hay’adda SOYDEN,
muddadii labada sano ahayd ee ay
jirtay.
Macallimiin
Soomaaliyeed oo lagu haysto
safaaradda Soomaalida ee …
Wararka naga soo gaaraya dalka Yemen
waxay sheegayaan in macallimiin
Soomaaliyeed lagu haysto safaaradda
Soomaalida ee dalka Yemen, kaddib
markii lagu eedeeyay inay keeneen
shahaadooyin tirtiran.
Macallimiintaan oo isugu jira kuwo
dhiga xisaabta, Fisigiska iyo
Ingiriiska, ayaa waxaa ay gaarayaan
10-macallin, hase ahaatee mar aan
wareysannay macallimiintaas waxay
noo sheegeen in lagu haysto si
gardarro ah oo uu ku eedeeyay
arrintaan inay ka dambeeyeen
mas’uuliyiin ka tirsan safaaradda
Soomaalida Yemen.
Macallimiintaan ayaa ah kuwo
khibarad ku leh macallinnimada
haystana shahaadooyin sax ah, hase
ahaatee safaaraddu ay doonayso inay
musuqmaasuqdo ama ay dafirto
macallin-nimadeeda iyadoo
macallimiinta kale ee ku sugan dalka
Yemen ay dalbanayaan in
macalliniintaasi loo soo celiyo
xorriyaddooda isla markaana la sii
daayo.
Dhawaan ayaa dowladda Yemen waxayu
ka dalbatay safaaradda Soomaalida ee
dalka Yemen inay keenaan
145-macallin kuwaasoo isugu jira
kuwo dhiga maadooyinka xisaabta,
Fisigiska, Kimistiriga, ingiriiska
iyo Qur’aanka kariimka ah, balse
waxaa la sheegay inay safaaraddu
qaadatay macallimiin aan wax khibrad
ah lahayn oo la sheegay in halkaas
lagu geeyay hab qabiil.
Shacabka Yemen ayaa aad u daneeyay
ama aad u jecel inay carruurtooda
wax baraan macallimiinta ka timaadda
dalka Soomaaliya, iyadoo lagu sheego
inay yihiin kuwo ay aqoontoodu
sarreyso isla markaana leh xifadda
macallinnimo, waxayna macalliniinta
Soomaaliyeed ka howlgalaan dhamaan
gobollada dalka Yemen, iyadoo
qabaa’ilka dalka Yemen ay isugu
faanaan aqoonta iyo xirfadaha.
Hay’ad ka dalbatay
Dowladda Itoobiya in dibloo soo
celiyo hub uu lahaa…
Hay’ad ka mid ah hay’adaha Xuquuqda
Aadanaha oo lagu magacaabo (Elman
Peace & Human Rights Center) ayaa
walwal iyo walbahaar ka muujisay
geeridii lama filaanka ahaa ee ku
timid ALLAHA u naxariistee General
Max’ed Xaashi Gaani, waxaana
hay’addu sheegtay in tuhun weyn laga
qabo in si xeeladeysan loo dilay,
kaddib markii la arkay dhiig fara
badan oo buuxiyey hoostiisa, kana
yimid sankiisa.
Hay’addu waxay sheegtay in Gen.
Maxamed Xaashi Gaani uusan ahayn
ninkii ugu horreeyey ee ku dhinta
dalka Kenya, balse ay dalkaasi ku
dhinteen illaa iyo 4-xildhibaan inta
la og yahay, waxayna hay’addu ka
dalbanaysaa dowladda Kenya in ay si
wanaagsan u baarto waxa sababay
geerida Gen. Gaani, waxaa kale oo ay
hay’addu ugu baaqeysaa dowladda
Itoobiya in ummadda Soomaaliyeed ay
dib ugu soo celiso gaadiid iyo hub
fara badan oo ay kala wareegtay Gen.
Gaani, kaddib markii uu iska dhiibay
Baarreey horraantii 1992-kii, iyadoo
Dowladda Itoobiya waqtigaasi ku
dhawaaq-day in hubkaasi iyo
gaadiidkaasi dib ugu soo celin
doonto dowladda Soomaaliyeed marka
ay dhalato dowlad, waxayna hay’addu
uga tacsiyeynaysaa geerida lama
filaanka ah ee ku timid Gaani
qoyskii iyo ehelladii uu ka
geeriyooday iyo guud ahaan ummadda
Soomaaliyeed, waxaana qoraalkan na
soo gaarsiiyey Eng. Sudan Cali Axmed.
Diiwaan gelin lagu
ururinayo ciidankii…..
Wararka naga soo
gaaraya magaallada Gaalkacyo ee
Gobolka Mudug waxa ay sheegayaan in
maalintii shalay ahayd ay
magaalladaasi ka dheceen bannaanbax
aad u ballaaran oo ay dhigeen
ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed,
waxaana bannaanbaxaasi ka qayb galay
qaybaha kala duwan ee ciidanka oo ku
dhawaaqayay "Waxaan diyaar u nahay
in aan la shaqeyno dowladda cusub ee
Soomaaliyeed", waxaa kale oo
hadalladooda laga dhedhen-sanayay in
ay si aad ah ugu faraxsan yihiin
dowladda cusub ee u dhalatay
shacabka Soomaa-liyeed, iyadoo
wararku intaasi ku darayaan in
Gaalkacyo ay ka bilaabatay is
diiwaan gelinta iyo ururinta
ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed,
iyadoo maalmaha soo socdana diiwaan
gelin noocan oo kale ah ay ka
bilaaban doonto magaallooyinka
Boosaaso, Garoowe & deegaanno kale.
Koffi Annan oo
sheegay in kaalmada Soomaaliya ay ku
xiran tahay …
Xoghayaha guud ee Qarammada Midoobay
ayaa warbixin u gudbiyay golaha
ammaanka taasoo uu ku faahfaafiyay
doorka ay Qarammada Midoobay ku
yeelan doonto arrimaha Soomaaliya,
kaddib markii dhawaan la doortay
Madaxweynaha Jamhuuriyadda
Soomaaliya.
"Dib ugu laabashada Soomaaliya ee
Qarammada Midoobay waxay ku xiran
tahay hadba waxay la timaaddo
dowladda cusub" ayuu yiri Koffi
Annan oo intaa raaciyay: "Dowladdu
waa inay ka shaqeysaa arrimaha dib u
heshiisiinta Nabadgalyada iyo
adeegyada bulshada, wuxuu u soo
jeediyay hay’adaha caalamiga ah inay
gacan ka geystaan sidii ay kaalmo
ugu fidin lahaayeen dowladda cusub
ee ka dhalatay Soomaaliya .
Wafdi ka socda
Ingiriiska oo kulan la yeeshay
xubnaha baarlamaanka iyo…
Maalintii shalay ahayd ayaa waxaa
magaalada Nairobi kulan ku yeeshay
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka
Soomaaliya iyo wafdi ka socday
dowladda Britain, waxaana kulankaasi
la iskula soo qaaday sidii ay
dowladda Ingiriiska uga qaybqaadan
lahayd dib u dhiska dalka Soomaaliya,
waxayna dowladda cusub u soo
jeediyeen inay ka shaqeyso
Nabadgalyada, dib u heshiisiinta iyo
weliba xuquuqda aadaha, waxayna
dowladda Ingiriiska ballan qaaday
inay Soomaaliya siin doonto saddex
milyan oo gini oo ay dowladda
Ingiriisku sheegtay inay kaga
qaybqaadan doonto dib u dhiska dalka
Soomaaliya iyo dib u soo celintii
adeegyada bulshada.
Wafdigaas wuxuu kaloo sheegay inay
si weyn ugu farxsan yihiin inay
Soomaaliya dib ugu soo laabto beesha
caalamka, waxayna u soo jeedi-yeen
shacabka Soomaaliyeed inay soo
dhaweeyaan dowlad-daasi.
Sarkaal ka tirsan
RRA oo lagu haysto Magaalada
kismaanyo…
Wararka ka imaanaya Magaalada
Kismaayo waxay sheegayaan in sarkaal
ka tirsan RRA lagu haysto
magaaladaasi.
Sarkaalkaan oo lagu magacaabo
Maxamed Dheere ayaa waxaa haysta
kooxo dabley ah oo ku sheeganaya
lacago, hase ahaatee maamulka
dooxada Jubba ayaa dadaal ugu jira
sidii loo sii dayn lahaa sarkaalkaas
oo ka mid ahaa ciidammo uu
hoggaaminayay Aadan Saransoor oo
dhawaan tagay magaalada Kismaayo si
ay uga qaybqaataan dagaalladii
dhawaan lagu qaaday Gen, Maxamed
Siciid Xirsi Morgan.
Afhayeen u hadlay RRA ayaa u soo
jeediyay maamulka Dooxada Jubba inay
dadaal u galaan siidaynta
sarkaalkaas.
Wafdi ka socda
Midowga Afrika oo ku fool leh
magaalada Hargeysa..
Waxaa
dhawaan Magaalada Hargeysa booqan
doona wafdi ka socda Midowga Afirka
iyo Midowga Yurub kuwaasoo halkaas u
tegi doona sidii Somaliland ay uga
qaybqaadan lahayd dib u heshiisiinta
Soomaaliyeed.
Wafdigaan ayaa ujeeddada ugu weyn ee
ay halkaas u tagayaan ay tahay
kaddib markii C/laahi Yuusuf oo ah
Madaxweynaha Soomaaliya uu shaaca ka
qaaday inuu wada hadal la galayo
maamulka Somaliland.
Axmed Maxamuud Siilaanyo oo shalay u
warramayay Iddacadda BBC-da maamulka
Somaliland ayaa wuxuu shalay
caddeeyay in dowladda uu hoggaamiyo
Col. C/llaahi Yuusuf inay halis
gelin karto iyo gooni u goosadka
Somaliland, isagoo sheegay inaysan
marnaba Somaliland wada xaajood la
geli doonin dowladda u dhalatay
Somali weyn wuxuuna sheegay in
Somaliland ay ka go’an tahay
raadinta madax bannaanidooda
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail
amiinkhasaaro@hotmail.com
Faafin:
SomaliTalk.com | Oct 21, 2004
Safarka Madaxweynaha ee
Addis Ababa, Cairo & Brussels
»Ra'iisul
wasaaraha oo loo malaynayo in uu noqon doono
Beesha Abgaal
»Dowlada
Britain oo Soomaaliya ugu deeqday 8 milyan
oo ginni
»Xuseen
Caydiid: xilka Ra’iisul wasaare waxaa xaq u
leh Ururka USC
»Cali
Khaaliif Galayr oo ka hadlay Doorshadii
Madaxweynaha
»Qaraxii
Wilson Airoport oo laga yaabo in ay Sababeen
Caano Geel
»$24.4
million oo loo ansixiyey barnaamijyada
caafimaadka Somalia
Wararka oo dhan ka
akhri halkan... Guji...
Baaritaan ku
saabsan Faraxumaynta iyo Xabsiga loo Gaystay
Samsam iyo Dilkii loo gaystay Marxuum
»Hargeysa:
faraxumayntii loo geystey Samsam Axmed
Ducaale
»Mugadisho:
Dilkii loo geystey Marxuum Cabaas Cabdi Cali
Dhammaan ka akhri
halkan... Guji... Oct 20, 2004
MADAXWAYNAHA
JAMHUURIYADA FKMG EE SOOMAALIYA OO CAAWA
AFUR USAMEYNAYA XIDHIBAANADA
Warbixintii Axmed Muuse Cabdulle...
Guji...
Oct 20
Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com
|
|
©
www.SomaliTalk.com |
|
SEARCH |
|
|