SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
 
Daabaco Boggan | Print

SAMSAM MAXAA LOO SILCIYAY !? 

I. Hassan (khaliil)
khaliilha484@hotmail.com

Ilaalinta cadaaladda iyo dhawrista sharafta iyo xuquuqda bai’aadanimo ee qofku waa aasaaska nolosha mujtmacyada, waxaanay ka mid yihiin  xilalka ugu waaweyn ee dawladi dhabarka u ridato. 

Hadaba waxaa ayaan darro ah in dad magac dawladeed ku socdaa ay ku kacaan tacadiyo dhan ka ah xuquuqda iyo sharafta qof aan waxba galabsan.. 

Waxaan shaki lahayn in qof kasta oo maqla sheekada iyo  waxyaabaha naxdinta leh ee lagula kacay gabadha 17 jir ah ee Samsam Axmed Ducaale uu aad uga xumaanayo haddii ay in uun ku dambayso damiir iyo garasho dadnimo. 

Maxay galabsatay ee cunugtan mustaqbalkeedii, gabadhnimadeedii iyo sharafteedii loo baabiiyay? Maxaa waalidkeedii iyo ehelkeedii walwalka,dhibka iyo walaaca intaa leeg loogu beeray?Maxaa wayaabaha uu Eebbe xarimay loogula kacay gabadhan yar ee  muslimadda ah?Samsam maxaa loo silciyay? 

Su’aalahan iyo kuwo kale oo badan waa wax yaabaha horyaala ee la rabo inay jawaab waafi ah ka bixiyaan maamulka Riyaale oo uu kow ka yahay madax weyne ku xigeenka oo isagu ah ninka masuulka ka ah dhibaatada iyo xadgudubyada loo geystay gabadhan. 

Ma’ ahan wax Soomaalida ku cusub in qof loo ciqaabo oo dambi looga dhigo qabiilkiisa ama meesha uu ka yimid, waana halka hallaagu inooga yimid ee dawladnimadeenii ku burburtay. 

Waxaan shaki lahayn in dambiga keliya ee gabadhani gashay uu yahay iyadoo ka timid deegaanada Puntland inay ku khaldantay oo is hortaagtay iridka guriga madax weyne ku xigeenka Somaliland iyadoo rabtay guriga abtigeed oo xukuumadda Somaliland ka tirsan, waxaana hubanti ah in haddii ay gabadhani meel kale ka soo jeedi lahayd ayna arintu sidan u dhacdeen. 

Hadaba xadhiga gabadhan oodhacay bishii august ee aynu soo dhaafnay ayaa hadda saxaafadda Soomaalidu  siiba bogagga internetka si aada u hadal hayaan  sida foosha xun ee laga yaqyaqsoodo ee ay ciidamada Booliska iyo kuwa dambi baadhista ee maamulka Hargeysa ula dhaqmeen gabadhaas. 

Arinta gabadhan ayaa dadka badankiisu ku soo baraarugay ka dib markii rag ka tirsan ururada xuquuqda bai’aadamka u dooda oo gabadhaas arinteeda darteed loo xidhxidhay warkooda laga sii daayay idaacadda laanta afka Soomaaliga ee BBC-da. Xidhitaanka dadkan ayaa ahayd arin uu maamulka Riyaale ku cabudhinayay sheekada gabadhan taasoo si fiican inoo xusuusinaysa hab dhaqankii taliskii digtaatooriga ahaa  ee Maxamed Siyaad oo xukuumadda Riyaale si aada uga shidaal qaadato. 

Hadaba gabadhan oo sida la sheegayo ay falal jidh dil iyo kufsi isugu jira u geysteen ciidamada Booliska ayaa arinteedu ay soo jiidatay indhaha dadka xuquuqda  aadanaha u dooda ee  ku sugan magaalada Hargeysa kuwaas oo dadaal weyn ugu jira sidii gabadhaas yar arinteeda wax uga qaban lahaayeen. 

Gabadhan oo lagu soo eedeeyey inay maleegayasay shirqool lagu dilayo Madaxweyne xigeenka Somaliland ayaa dadka xogogaalka u ahi ku tilmaameen eeddaas wax lagu qoslo oo aan sal iyo raad toona lahayn. 

Haweenay ka tirsan ururada bulshada rayidka ah ee Somaliland oo ku sugan magaalada Hargeysa oo aan la xidhiidhay ayaa ii xaqiijisay in dad badan oo ay ka xustay Raaqiya Oomaar ay dadaal ugu jiraan sidii ay ariantan wax uga qaban lahaayeen. Waxay haweenaydaasi intaa ku datay in haddii waxa ay gabadhani sheeganayso ay dhab noqdaan oo la xaqiijiyo in haweenka reer Hargeysa oo dhammi ay dibadda u soo bixi doonaan kana mudaharaadi doonaan oo aanay dhayalsanayn. 

Booliska Somaliland ayaa ah kuwo loo adeegsado cabudhinta shacbiga, iyadoo had iyo jeerna lagu eedeeyaan inuu leeyahay hab dhaqan aan waxba ka duwanayn midka mooryaanta oo sharci xidha iyo wax xakmeeya aanu midna jirin, taasi oo ay ka markhaati tahay xad gudubyadii ay kula kaceen muwaaadiniin Somaliland iyo Soomaalida kaleba ka tirsan sanadihii ugu dambeeyay 

Waxay u egtahay in askartani ay kalsooni buuxda ka haystaan madaxdooda maxaa yeelay haddii kale sidan umaanay dhaqmeen, sidaas darted dhaqan xumidani waa mid xidhiidhsan min hoos ilaa kor, taasi ayaana u sabab ah in dadkii loo xidhxidhay arinta Samsam qaarkood codsadaan is casilaada taliyaha Booliska Somaliland. 

Waxaa iyana wax lala yaabo ah sida ay arintan uga gaabsatay oo indhaha uga qarsadeen saxaafadda xorta ah ee Somaliland iyo idaacadda BBC-du oo dad badani wariyaha Hargeysa uga soo warama ku eedeeyeen inuu isagu arintan cabudhiy.  

Waxaan shaki ku jirin in haddii aanu  maamulka Somaliland  arintan si dhakhso ah wax uga qaban ay u soo jiidi doonto sumcad xumo iyo dhaleecayn uga timaadda inta u heelan daryeelka iyo ilaalinta xuquuqda bani’aadamka. 

Ugu dambaystii waxaa hambalyo, bogaadin iyo taageero mudan dadka ku hawlan iskana xilqaamay wax ka qabashada arinta Samsam oo ay ugu horeeyaan ururada xuquuqda bani’aadamka  u dooda ee Somaliland. 

I. Hassan (khaliil)
khaliilha484@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 22, 2004

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan


Baaritaan ku saabsan Faraxumaynta iyo Xabsiga loo Gaystay Samsam  iyo Dilkii loo gaystay Marxuum
»Hargeysa: faraxumayntii loo geystey Samsam Axmed Ducaale
»Mugadisho: Dilkii loo geystey Marxuum Cabaas Cabdi Cali
Dhammaan ka akhri halkan... Guji... Oct 20, 2004

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

Allah Is Great
TAARIIKHDA ISLAAMKA
Silsiladda Taariikhda Islaamka
Qore:Shiikh C/risaaq Macalim
DIBLUMAASI SOOMAALIYEED: AYNU TAAGEERO LA GARAB IS TAAGNO DOWLADDA CUSUB
Maxammedyerow Abuukar qunsul ka noqday dalka UAE ayaa.. Guji
Free Awdal Forum oo Dhambaal u Diray Madaxweynaha
"Hadaan nahay reer Awdal waan ogsoonahay in koox yari afduubtay waqooyi iyagoo ku majaro habaabiyay"... Guji...
Somali Concern Group (SCG) waxey soo dhoweyneysaa dhameystirka shirka Somalida oo muddo  labo sano ah ka socday waddanka Kenya iyo doorashadii bisha 10 keedii lagu doortay madaxweynaha.. Guji...
AFRIKA OO AQOONSATAY NATIIJADII KASOO BAXDAY SHIRKII SOOMALAIDA
Iyo Madaxweynaha DFKMG oo ka qaybgalay kulankii u horeeyeye ee caalami ah... Guji...
Guddoomiyaha ururka DDP: Taageero madaxweynaha:  Wixii talo ah ee aad u baahatidna diyaar ayaan kuula nahay. Waana kuu ducaynaynaa.. Guji...
MUSTAQBALKA SUGAYA MADAXWEYNE CABDILAAHI YUSUF AXMED Faalladii Yusuf Shabac.. Guji...
101_0172Xaflad Lagu Soo dhawaynayo Dowladda cusub ee Somalia oo Ka Dhacday Pakistan
Waxaa kasoo qayb galay shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Islamabad iyo Guji

Soomaalida Toronto ee Taageertay Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya
Xaflad dabaal Deg iyo Hambalyo ah oo ay dhigeen Soomalida Melbourne
»Waxaana xafladaas ka soo qayb galay Jaaliyadda Som..
»Xaflad lagu soo dhoweynayo Dawlada oo lagu qabtay MPLS
»Soomaaliyeed Sweden oo soo dhaweeyay dawladda cusub.
 Dhammaan ka akhri halkan... Guji..

bosasoSidii Boosaaso Looga Soo Dhoweeyey Doorashadii Madaxweynaha DFKMG
Iyo madaxweyne Kuxigeenkii oo PL oo lagu wareejiyey Xilka MDGPL...
Guji...

Codka Muslimiinta US ayaa u Batay Dhanka Kerry
Qormadii Xasan Jaamici...
Guji...
USA: Maroodiga (R) oo la filayo inuu dameerka (D) si xun ugu durduriyo: Wardheere
Ma Hungowday Himiladii Hargaysa?
Faalladii Asad Cadaani Ibraahim... Guji..
Somaliland Dal Dhisan iyo Dad Jihaysan
Faalladii
(diridhaba)... Guji..

 



HTML CD