SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - UK
Daabaco Boggan | Print


“Gabdho waa la Maamuusi jiray tii Gashaantiyahe” (Samsam Axmed Ducaale)

 

cabdiwaaxidC/Waaxid C/hi Khaliif


Lonodn, UK

cabdulwaxid@hotmail.com 

November 27, 2004

"Dhibaatada gaartay gabadhaas waxaa dhabarka u ridanaya madaxweyne ku-xigeenka oo gurigiisa laga watay, taliyaha booliska, xeer ilaaliyaha guud, guddoomiya maxkamadda, askarta faraxumeysay iyo guud ahaan xukuumadda Somaliland laakiin marna dadweynaha caadigaa shuqul kuma laha....." C/Waaxid


Ilaah baa mahad leh. Nabadgelyo iyo naxariis nabi Muxamed korkiisa ha ahaato. 

Nin aan geeridiis maqlay baa ku heesi jiray: 

  • Miyaan Aadan kuba dhalin?
  • Xaawo naaska kuu dhigin?
  • Dhabta hooyo kugu qaban?!

Samsam Axmed Ducaale

War miyuusan madaxweyne ku-xigeenka Somaliland hablo iyo ubad lahayn? Sidee waxa laga sheegayo inanta Samsam u dhaceen? Runtii 17 jir maanta jooga waxaa la oran karaa waa ilmo yar, waqtiga oo is bedelay owgiis. Kama wado qaangaar maaha ilayn wixii Ilaah saaray waa laga rabaaye.  

Sanadihii dambe ee siddeetameeyadii ayaa waxaa Xamar ka dhacay arrin soo shaacbaxday oo ku saabsanayd kufsi loo geystay gabar Soomaaliyeed oo dhiganaysay Jaamacadda Lafoole. Kufsigaas waxaa geystay dhallinyaro Soomaaliyeed oo midkood Jaamacadda Lafoole dhiganayey. Nimanka wax kufsaday waxaa lagu tuhmayey inay kasoo jeedaan dad la islahaa waxay ku tiirsanyihiin awood, hantina lahaa sida madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland loogu tuhmayo awood. Maxaa dhacay? Ma gabadhii baa la xiray? Reerihii wiilashu ka dhasheen waxay sameeyeen wixii laga filayey dad khalad ka dhacay. Waxaa la sheegaa in gabadhii iyo reerkoodii loo balanqaaday in loo sameeyo wax kasta oo ay ku qancayaan laakiin ay arrinta qariyaan oo aysan booliis iyo maxkamad midna gaarsiin. Reerihii wiilashu ka dhasheen waxay dareemeen in arrintu tahay foolxumo ka mid ah foolxumooyinka ugu daran dhaqanka Soomaaliyeed sidaas darteed waxay geed dheer iyo mid gaaban u fuuleen inay raaligeliyaan reerkii gabadhu ka dhalatay, hanti kasta haku kacdee. Waxaan filayaa in arrintu sidaas ku dhammaatay. 

Gabadha yari ma Wadkeed bay u socotay mise Waalidkeed (Abtigeed)? 

Raalli ha ahaadeen dadka u arka in dhimashadu dhaanto dhibaatooyinka qaarkood. Warbixinnadii ugu dambeeyey ee Samsam laga qoro waxay sheegeen in abtigeed uu Hargeysa joogo sidoo kalana ay inantu u socotay inay ka sii aaddo Itoobiya sababo la xiriira arrimo iyada u khaas ah. Binu Aadamku waxay xaq isagu leeyihiin inay ixtiraamaan dadka ay waalidkood macruufka yihiin ama ay isla shaqeeyaan sidoo kalana ay ayaguna ixtiraamaan waaliddiintaas dadkooda. Waxaa akhbaar saxiix ah ku soo aroortay in maalin C/hi Binu Cumar (RC) oo dameer ku jooga isagoo safar ahaa uu ku soo baxay nin reer baadiye ah oo ay aabbihiis Cumar (RC) is yaqaaneen dabadeedna uu C/hi (RC) ninkii reer baadiyaha ahaa siiyey cimaamaddiisii uu qorraxda iskaga celinayey. Dadkii C/hi (RC) la socday baa ku yiri maxaad ninkaas reer baadiyaha ah u siisay cimaamad uusan u baahnayn oo aad adigu u baahantahay? Wuxuu sheegay in la waanaajiyo waalidkaa dadkey isyaqaaneen. 

Miyaan Samsam abtigeed lagu sheegin nin ku jira golaha wasaaradaha Somaliland? Hadday arrintu sidaas tahay miyaan madaxweyne ku-xigeenka iyo wasiirkaasi isku xisbi ahayn? Sidaas bay u badantahay. Miyaan wasiirku xaq u lahayn in gabadha ku soo degtay guriga madaxweyne ku-xigeenka lagu soo simo? Haddii gabadhii madaxda dowladda u socotay saas loo galay bal ka warrama mid kale oo u socota mucaaradka ay isku meel ka soo jeedaan Samsam abtigeed? Mise mucaaradba kama joogo Somaliland? 

Ficilka noocaas ahi waa mid dhif iyo naadir ku ah dhaqanka Soomaaliyeed; waxaana dhici karta in taariikhda Soomaaliyeed laga waayo mid u dhiganta. Khaliif Siikh Maxamuud wuxuu Ismaaciil Cali Abokor ku eedeynayey in la dilay wadaad sheekha oo marti u ahaa, waa dilkii wadaaddadii ee Kacaanku geystay. Khaliif wuxuu labo meeris ku yiri: 

  • Ismaaciil wadaadkii martiyey magangelyeyn waaye
  • Muskaa lagala baxay Xaajiguu keenay Mowlaca’e.

Nin yaqaanay Kacaankii marna Khaliif arrintaas uguma garaabi karo weliba markay Towraddu carcarteeda qabtay. Bal suuraysto Kacaankii oo jooga 1975! Yaa usoo banbixi kara? Waxaa jirta in mar uu Kacaankii debcay uu Axmed Suleymaan Cabdalla (Ina Dafle) uu badbaadiyey nin kasoo badbaaday xasuuqii Jasiira. Arrintaas darteed dadka badankiisu waxay indhaha ka laabtaan Ina Dafle maaddaama uu ku dhiirraday inaan ninkaas gurigiisa lagala bixin. Sidee noqonaysaa sumcadda madaxweyne ku-xigeenka marba haddii gabar musaafur ah oo intaas le’eg gurigiisa lagala baxay? 

Dhallaan dheddig ah

Dhaqanka Soomaalidu wuxuu leeyahay: hala tirsan/ hala doodin haween gar iyo gardarraba. Haddaad ka gardarantahayna qiro oo xaqeeda sii; hadday kaa gardarantahayna hala tirsan oo iska cafi ama si ehelkeeda xaqaaga ka raadso. Hal mar ood ku afceliso ayaa keeni karta in xaqaagii meesha ka baxo oo adiga daalac laguu sii raacdo. Dad baa u qaba in dumarka la liidayo! Arrintu saas maaha ee waa sharaf dheeraad ah oo la siiyey hooyada iyo dadka la jinsiga ah. Miyaan Hadraawi oran: 

  • Hooyaa ka dhalatoo naaskii habreed baa iga hiilinaayee?!

Dumarkoo dhami waxay ku daaqayaan madaxa hooyada! Berigii Talyaanigu Koonfurta Soomaaliya ka talin jiray baa maalin nin Talyaani ahaa wuxuu shiriyey odayo-dhaqameedka Mudug dabadeedna ka dalbay inay u keenaan haween u heesa oo ay la baashaalaan! Inta odayadii is dhugteen bay dhaheen war maxaan samaynaa? Oday xakiim ahaa baa yiri aniga arrinta ii daaya oo ninkaas gaalka ah berri aan la kulanno. Ninkii Talyaaniga ahaa waxay ku dhaheen berri baad naga war helaysaa. Odayo-dhaqameedkii waxay odaygii weydiiyeen qorshaha uu hayo? Odaygii wuxuu yiri: berri Allaha na gaarsiiyo. Odayadii baa subixii dambe usoo shiray ninkii Talyaaniga ahaa ee Gaalkacyo xukumay; waxaana hadalkii qaatay odaygii xakiimka ahaa; wuxuu yiri: Talyaani dumarkii oo dhan baan soo indha-indheeyey waxayna noqdeen mid na dhashay (hooyo, habaryar, eeddo, iwm.), mid aan dhalnay (gabadhayo, mid aan waalid kale u nahay), mid noo dhaxda (xaasas) iyo mid nala dhalatay (walaal, ina adeer, ina-abti iyo ina-eeddo); mana jiro nin raba inuu dadka noocaas ah adiga kuu keeno marka naga raali ahoow. Sheekadaasi halkaas bay ku xirantay. Muxuu madaxweyne ku-xigeenku gabadhaas yartaa cadowga ugu loogay? Hal-abuurkii Somaliland soow ma oran: 

  • Marti waa la sooraa
  • Magan waa la bixiyaa

Abwaanku ma oran: marti waa la bixiyaa! Maxaa yeelay marti dil la dilo ama la xumeeyo iska daaye waxay xaq kuugu leedahay inaad u loogto ood siito waxaad naftaada iyo ehlkaaga u quuri weyday. Bal ka warran gabar yar oo marti ku ahayd guri madaxweyne ku-xigeen sida loo sooray?! Magantu waxay noqon kartaa mid adiga cadow kuu ahayd oo kuu soo hoos gashay ama mid cadow kale ka soo carartay oo la rabo inaad badbaadiso qiime kasta hakuugu kacdee. 

Qaababka Kufsiga

Kufsiga Soomaaliya ka dhici jiray wuxuu u jiri karaa noocyo badan laakiin bal aan seddex nooc ka soo qaadanno. 

  1. Mid dahsoon ama dadban. Waa midkii ka dhici jiray magaalooyinka Soomaaliyeed oo badanaa dad madax ah ama hanti leh loo soo shirqooli jiray gabdho ugub ah iyadoo loo sii marayo dumar kale ama gaashaan, hanti ama been kale. Marka midka noocaas ah waxaa laga yaabaa in qoftaas dumarka ahi si aysan raali ku ahayn ku qanacdo ama la sasabto. Intiisa badan lama ogaan karin, marka wax weyn bulshada kuma lahayn.
     
  1. Kii dagaalkii sokeeye ee ugu dambeeyey keenay. Marka loo eego siduu u badnaa isagoo kale horay looma arag. Lama fahmi karo wax ka dambeeyey  in dumar intaas le’eg la faro-xumeeyo iyagoo dumarka qaarkood ahaayeen kuwo aad u da’ weynaa oo aysan suurtogal ahayn in xitaa nin geed ku xirnaan jiray uu kufsi ugu  hawoodo. Haweenkii masaakiinta ahaa ee Xamar, Marka, Baraawe, Baydhabo iyo meelo kale lagu kufsaday waa la eeday oo wataas ilaa maantadaan uu waddankii degi la’yahay.
     
  1. Tan seddexaad waxay ahayd tii ay askartii Soomaaliyeed kula kicijireen haweenkii gobolladii uu Kacaanku weeraray sida kuwii dhexe, Waqooyiga Soomaaliya iyo meelo kale. Waa askar jaahiliin u badane, waxaa loogu sheekeeyey “reer hebel, dumarkooda iyo xoolahoodu waa idiin xalaal”. Arrintaasi waxay keentay in askar “Cali hebel” ahi ay helaan fursad ay wax ku halaagaan. Marka majaajileystayaashu ay arrintaas ka warramayaan waxay sheegaan in mar askari ka yimid Koonfurta Soomaaliya uu rabay inuu kufsado haweenay xambaarsanayn ilmo yar; in inta ilmihii ka qaaday oo dhinac u tuuray uu hooyadii dhulka dhigtay dabadeedna kufsaday. Waxay sheegaan in ilmihii yaraa uu aad u ooyey dabadeedna askarigii oo hooyadii saaran yiri: hobbar yare naga aamus isagoo ka wada: mahbaryahow yari naga aamus!

Askartaas oo ka duulayey fikradaas aan soo sheegnay iyo iyagoo intooda badan uga soo tagay xaasaskoodii gobolkey ku dhasheen. Maxaa waday askarta Somaliland ee Samsam kufsatay? Ma “hobbar” yarihii baa Majeerteen yaray lagu bedelay? 

Madaxweyne ku-xigeenku ma Cigaal-shiidaad baa?

hargeysa
BEERTII XORRIYADA, HARGEYSA  

Oo Samsam ma kurtunkii Cigaal-shiidaad ka diday bay noqotay? Sidee ku keeneen in gabar intaas le’eg la yiraahdo waxay u socotay inay khaarajiso madaxweyne ku-xigeenka? Xataa ma ahan dhaqan ragga Soomaaliyeed leeyahay. Mise madaxweyne ku-xigeenka laftiisu waxuu u shaqayn jiray NSS-tii waa isaga ka hadlaya shirqool iyo waxaan loo joogine? Miyaan ciidan gaaraya kun askari oo Bari ka yimid joogi jirin Ceel Afweyn? Imisa nin oo Puntland ka soo jeedda baa Somaliland jooga? Ma inantaas yar baa ku habboonaatay inay mas’uulkaas khaarajiso? 

Inamaha intaas le’eg iska daa kufsiye xitaa haddii xilo ahaan loo heysto waxay u baahanyihiin xannaaneyn dheeraad ah maxaa yeelay weli waa yaryihiin. Muxuu Fiigtin ka yiri gabar yar oo xaggooda laga guursaday oo qolyo ka sheegteen? Wuxuu qolyihii kale ku yiri: 

  •  Waa kaas gankeedii guryaha loogu caws guriye.

Gabadhaas ilmaha la filka ah ee magaalooyinka Soomaaliya ama adduunka kalaba jooga waxay u badanyihiin arday weli iskuul dhigta. Sooryo xumayntii waxaad ugu darteen kufsi dabadeedna been-abuur (inay u socotay inay disho mas’uulkaas) dabadeedna xabsi. Askartii kacaanku kuma beenabuuran jirin haweenkey kufsadaan sidoo kalana ma xiran jirin. Keliya waxay u arkayeen in raggii dhalay ay kacaan-diid ahaayeen marka hadday dumarkaas kufsadaan aan loo qaban doonin. 

Arrinta gabadhaas, sheeko iyo shaahidba tusaale u waayey. Waxaad mooddaa in haweentii xirtay Nabi Yuusuf (CS) ay ka macquulsanayd  madaxda Somaliland. Maxaa yeelay haweentaasi inta dumarkii shirisay bay ku tiri: anaa doontay Yuusuf isna xumaan diid laakiin hadduusan i maqlin waxaa yaqaan xabsi; weyna ka dhabaysay. Halka askartii Somaliland inta kufsadeen ay been-abuur la yimaadeen; waana dhaqan aan horay loo arag. Ugu dambeyntii haweentii Nabi Yuusuf xirtay waxay dambigii ka horqiratay boqorka hortiisa. Goormaa madaxweye ku-xigeenka iyo askartii falkaas geystay qiran doonaan? 

Fiicnaan lahaydaa haddii markii gabadhaas la faraxumeey la iska sii deyn lahaa! Arrintu heerkan ma gaarteen waxaana dhici kartay inaan arrinta dad badani ogaadeen laakiin markii been-abuur iyo xabsi yimid oo weliba dowladdii dhamayd arrintaas wax ka qaban weyday in arrintii cirka isku shareerto oo lawada ogaado hadhowna saameyn weyn ku yeelato Soomaaliya oo dhan. 

Kii Dhaqaaqaba Dhegta soo Qabo

Qofkii shaxda wax ka yaqaan wuxuu garanayaa marka irmaantu (kataan) kuu furantahay oo aad mar kasta in seddex iyo toban u dhacdid aad dhagxaanta/ashyaada qof kale aad midba mar la kacdid. Maamulka Somaliland waxaa lagu eedeeyaa inay doorashadii musuqmaasuqeen. Mar ay seddex iyo taban kale u dhaceen waxay la kaceen boqor Buur-madoow; tii ku xigtay Samsam; seddex iyo tobankii u dambeeyeyna waxay salfatay qareemadii Samsam oo dhowr ah! Dhaca dambe ma Raaqiya C/hi Oomaar baa ku xigta mise Rooble Maykal Maryama? 

Waxay i xasuusisay kaftan laga sheego nin qaxooti ahaan Ingiriiska iska dhiibay. Markuu dacwadda qoranayey ayuu wuxuu dilay ehelkiisii oo dhan marka laga reebo hooyadiis iyo aabbihiis dabadeed turjumaankii baa ku yiri: war dadka kala reeb. Ninkii sidii wax kale looga filayey buu turjumaankii ku yiri haddaad hadalka sii waddid labadoodana waa dilayaa! Waxaan uga danleeyahay haddaan maamulka Somaliland uusan birmageydo sida boqor ama gabar aad u da’ yar uusan ka xishooneyn, yey marka xurmo u hayaan? 

Maxamed Siyaad ma Haweeney Falastiin ahayd buu Badbaadshay Afduubkii Diyaaraddii Jarmalku lahaa ee Xamar la Fariisiyey? 

Waa tii diyaarad Jarmalku leeyahay ay afduubeen 4 qof oo Falastiin u dhalatay 1977-dii. Waxaa la dilay seddex ka mid ah. Marka waxaa la sheegaa in ay ku jirtay haweenay Falastiin u dhalatay oo ku dhaawacantay markii kumaandooska Jarmalku dilayeen seddexdii kale. Waxaa la sheegaa in Maxamed Siyaad u diiday inuu u dhiibo Jarmalkii oo yiri anaa xiraya dabadeedna muddo ka dib la sii daayey. Hadday arrintu sidaas u dhacday waxay muujinaysaa sida Soomaalidu u qaddariso dumarka weliba iyadoo arrintaasi hadday jirto u keeni kartay madaxweynihii hore in la yiraahdo waxaad hoosta gashatay argagixiso. 

Maxaa gabadha yar Somaliland geeyey?

BILICDA SOOMAALIYA
Luuq Ganaane, 1987
wiil
Waa wiil yar oo Soomaaliyeed, oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
 
Haldhaa / Goray
gorayo
Waa haldhaa ama Goray dhex mushaaxaya dooga iyo Bilicda Soomaaliya oo nabada.
 
Si aad waxbadan uga ogaatid bilicda Soomaaliya iyo khayraadka ku duugan Guji halkan

Nin Carab ahaa oo dhallinyaraa oo ka arradnaa naxwaha ayaa la weydiiyey meeshu ku maqnaa markaasuu yiri “shaqalatnaa ahluunaa”. Mid saaxiibkiis ahaa oo la socday baa yiri waan aqaan meeshuu jumladdaas ka keenay oo ah aayadda Qur’aanka ee ay ka mid tahay “shaqalatnaa amwaalunaa wa ahluunaa”! Anigu waxaan isleeyahay Samsam waxaa xaday heesihii Soomaalidu qaadi jirtay sidii midii Binti Cumar ku lahayd: 

  • Anigoo Balad Xaawo jooga muxuu Bari iiga yeeray
  • Markaan Boosaaso gaaray muxuu Burco iiga heesay.

Samsam waxay moodday in Soomaaliya sidii hore tahay oo aad Berbera ama Baydhabo aadi kartid adoon cidna ka baqayn. Sidii Binti jacaylka ka sheegtay, haddii Ilaahay Samsam xabsiga ka soo saaro waxaan filayaa in iyada iyo gabdhaha da’yartaa ee Soomaaliyeed aan laga maqli doonin aadid Waqooyiga Soomaaliya.

Waxaan xasuustaa nin boolis ah oo darawal ahaa oo dhallaanku ku caayi jiray garaacin. Haddii ilmo yar oo shan, lix ama toddobo jir ahi dhaho garaacin, waxaad arkaysaa ninkaas booliiska ahaa oo ilmahaas caay tiro badan u saaraya. Waxaa la ii sheegay sababta uu garaacin uga xanaaqayo inay tahay: in mar uu makhaayad tagay uu garaacin maqlay dabadeedna dalbaday dabadeedna adeegihii makhaayadu soo hordhigay calool iyo xaab. Maalintaas laga bilaabo, ninkaasi wuu ka xanaaqi jiray magacaas. Malaga yaabaa in Samsam  rumaysato  heesta ah: 

  • Dad Hargeysa soo maray hadiyadda iigu dhiibaa? 

Talo ku socoto Maamulka Somaliland 


DAMAL Airline iyo Hargaysa Airport  

Kollay ceeb aan la idiin ka horrayn baad sameyseene waxaa la rabaa inaad raaligelin bixisaan, gabadhaas yarna soo deysaan dabadeedna sharciga la horkeeno nimankii kufsaday. Gabadhaas waxay kaloo rabtaa magdhow iyo daryeel caafimaad maxaa yeelay waxa gaaray waa wax weligeed la soconaya. Xaqu mar kasta waa soo bixin  lama qarin karo. Marka hadda runta caddeeya. Haddii dimuqraaddinimo wax lagu doortay, arrintaas oo kale waxay keeni lahayd in madaxda xukuumaddu iscasilaan. 

Mahadcelin 

Waxaan u mahadcelinayaa dhammaan intii ka dhiidhisay ficilkaas xun iyo xaq-darrada gabadhaas yar lagula kacay. Waxaan aragnay akhyaar Somaliland iyo Soomaalida kalaba leh ooy ku jiraan dad u dooda xuquuqda Aadanaha sida Raaqiya Oomaar oo kale, qareemo sida kuwii arrintaas loo xiray, qorayaal qaarkood caanyihiin oo run iyo xaqiiqo sheeg lagu yaqaan iyagoon kala jeclayn waxa dadkoodu ka yiraahdo, iyo dadweyne fara badan. 

F.G. Dhibaatada gaartay gabadhaas waxaa dhabarka u ridanaya madaxweyne ku-xigeenka oo gurigiisa laga watay, taliyaha booliska, xeer ilaaliyaha guud, guddoomiya maxkamadda, askarta faraxumeysay iyo guud ahaan xukuumadda Somaliland laakiin marna dadweynaha caadigaa shuqul kuma laha. Sidoo kale dhulka Somaliland ee aan maqaalka ku xusay dambi ma laha, keliya maqaalkaan ku xardhayaa.

C/Waaxid C/hi Khaliif
Lonodn, UK
cabdulwaxid@hotmail.com
 

Faafin: SomaliTalk.com | November 27, 2004

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

Allah Is Great
CADAYMAHA SAMSAM

Warqadda dhalashada ee Samsam...

Qoraalada laga qoray arimaha



XAD-GUDUBYADA KA DHACA SOOMAALIYA::

GALKACYO OO NIN LAGU GOWRACAY [Nov 13, 2004]

Maxamed Dheere vs Xijaabka [March 28, 2004]

xasuuqii Dugsigii Sare ee Maxamuud Axmed Cali [Feb 10, 2004  ]

Dad Mooryaanta ka daran!  [June 28, 2004  ]

XASUUQII XEEBTA JASIIRA :: MUQDISHO [Oct 11, 2003]

Dubihii ku dhacay Dugsigii Maxamuud Axmed Cali [Sept 9, 2003 ]

Kufsi iyo isbaaro! [Aug 26, 2003

Falal Kufsi Iyo Dil Iswata Oo Ku Soo Kordhay Muqdisho  [Agoosto 6, 2002 ]

Baaqii Amnesty International oo Af-Soomaali Loo Rogey [7 November 2002 ]

DHIBAATOOYINKA XILIGAN COLAAADAHA SOO GAADHAY DADKA REER BANAADIRIGA AH [Dec 3, 2002]

Dilkii Suldaan Hurre [8/17/02]



HTML CD