SomaliTalk.com
ALLAH IS GREAT

 SOMALITALK AUSTRALIA

| Quraan | Siiro | Saxaabo | Salaat |   Zakaat | Halal  | Hajj | isxisaabi  

 DHOLLOWAA IYO SAFARADA SOOMAALIYA

WARBIXINTA MAANTA: DAMAL Airline iyo Hargaysa Airport


 WQ. Ciise Dhollowaa | 22/1/2003
 SOMALITALK.COM |
AUSTRALIA

Dad badan oo Somali ah, kuna kala nool aduunka daafihiisa ayaa badanaaba iga waraysta Somaliya, iyo meelaha aan ka tago oo badanaaba ah Hargeysa iyo Bosaaso. Waxaana dadkaasi i weydiiyaan diyaaradaha la raaco iyo maamulada airports-ka aan maro ee Bosaaso iyo Hargeysa. Inta badan waxaa layga codsadaa in aan soo shaacbixiyo hadii aan hayo sawiro ku saabsan Hargeysa, Bosaaso, diyaaradaha loo raaco Somaliya iyo dadka Somaliyeed ee ay u ijaaran yihiin.
Garoonka Diyaaradaha ee Hargeysa

 Sidaas darteed, inkasta oo ay sheekadu badan tahay aan wax yar idiinka bidhaansho. Waxaana qoraalkan kaga hadlaya DAMAL Airline oon raaco iyo Hargaysa Airport iyo waxyaalaha aan kal kulmay labadaas arimood.

Diyaarada DAMAL ee aan raaco waxaa aan uga bartay xiriir iyo macaamil wanaagsan oo runtii isoo jiitey, keenayna in aan iyada uun raaco. Dadka ka dhex shaqeeya diyaaradda ee Cabin Crew-ga ah iyo maamulkaba si wanaagsan oo wanaagsan ayaan ku arkay in ay ula dhaqmaan rakaabka diyaaradohooda raaca, marka ay gadanayaan tigidhada iyo marka ay diyaarada saaran yihiinba. Waana mid runtii ku soo jiidaneysa, marka la fiirsho sida ay kuula dhaqmayaan iyo dhibta weyn ee haysata qofka Somaliga ah oo mudo badan dhib ku dhex jirey, haatan dhibtiisa qof ahaaneed ay badan tahay. Waxaan xasuustaa in mar marka qaarkood rakaab aad iyo aad u caraysani ay weydiistaan shaqaalaha diyaarada [ama Crew-ga] waxyaabo badan oon suurtagal ka ahayn diyaarada gudeheeda amaba dhinaca airport Dubai amaba Sharja. Hadaad u fiirsatan, dhalinyardaas Crew-ga ah maba maamulaha xarunta [station manager-ka] amaba manager-kuba waxaa ay aad iyo aad isugu dayaan in ay tixgeliyaan codsigaas, wixii suurta gal ahna ay samayaan. Dadka codsiga badan samaya waxaan filayaa in aniga Ciise Maxamud Dhollowaa ahi aan ugu horayo, sababo badan dartood.

Sawiradan waa shaqaalaha diyaarada DAMAL
damal
Ahmed Farah Cali .Shahiid
damal
Cabdicasiis Maxamed Maxamud .Madoobe
damal
Cabdikarim Cilmi Cali

Badanaamba markaan Somaliya ku socdo ee aan ka soo dego Airport-ka Dubai waxaan waddaa caruur Somaliyeed oo wadata Passport Somali ah, oon lahay fiiso wadankaas lagu galo. Intaas waxaa ii dheer, anaga oo mar walba ka soo degna Dubai airport 3-4am ee habeenka gelinkiisa danbe. Waxaan had iyo jeer codsadaa in airport-ka nalooku yimaado oo maamulka DAMAL airline ay na damiinato si aan habeenka soo socda diyaaradooda u raacno. Arimahaas aan soo sheegayna waa mid aan uga bartay maamulka diyaarad DAMAL in ay noo qabtaan. Waana nooqabtaan oo wixii aan ka dalbano way naga yeelaan. Sida oo kale, marka aan Somaliya ka soo qaado caruur jiran waxaan ka helaa gacan siyaado ah oo ay ka mid tahay in ay na damiintaan ilaa aan waddankaas ka baxayno oo Australia u dhoofeyno.

 Waxaana mudan in la xuso habka wanaagsan ee inamada diyaarad DAMAL ka shaqaalaha [crew-ga] u ahi noola dhaqmaan marka aan saaranahay diyaarada gudeheeda, khaasan aniga iyo caruurta aan waddo. Waxaana had iyo jeer hiil iyo hooba ka helaa gacmaha walaalaha kala ah Cabdi Cilmi Cali oo ah Chief Cabin Crew-ga diyaarada DAMAL Airline iyo Cabdicasiis Maxamed Maxamud "Madoobe" oo isna ah Crew-ga. Inamadaasi had iyo jeer waxaa ay ila gacan qabtaan caruurta aan wado, wixii aan ka codsadana si hagar la'aan ah ayey iigu qabtaan, taas oo lamid ah inta ay u samayaan rakaabka kale ee diyaarad saaran.

Waxaananse marnaba aanan soo koobi karin, wanaag iyo furfuraanta aan kala kulmo maamulka diyaaradaas, khaasatan Cabdiruur iyo Axmed Faarax Cali "SHahiid". Cabdinuur oo ah ninka maamula diyaarda DAMAL waxaan markasta aan ka codsado in uu dhaqalaha duulimaadka ee tigidhada caruurta iyo anigaba wax naga dhimo, maadaama aan ku shaqaynayo arimo tabarucaad ah. Waxaana walaalkaas uga bartay in aan mar walba ka helo tigidho jaban oo aan awoodikaro. Taasina waa mid aan aad iyo aad uga bartay Cabdinuur.

Diyaarad DAMAL Airline waxaa ay ka baxdaa gegida dayuuradaha ee Dubay iyo Shaarja. Badanaaba marka aan raaco waxaa ay ka baxdaa Dubai Terminal 2 Airport oo ay ka baxaan diyaaradaha u baxa Somaliya, Pakistan iyo India. Diyaaradaha aan raacnana waa nooca loo yaqaan IL18 oo Ruush ah. Diyaaradahaasi waxaa ay leeyihiin 1st class oo xaga danbe ee diyaarada ah iyo dhinaca kale oo ah economy class. Hase yeeshee, qof kasti waxaa uu fariistaa hadba meesha uu soo gaaro, kursigaas ayuuna qof walbi ku ekaadaa ilaa la gaarayo meesha qofkaasi u socdo. Ditaarada DAMAL waxaa ay Dubai, badaana, ka baxdaa 3-4am habeenada ay duusho oo ah Isniin amaba Khamiis.

Marka diyaarada la wadda galo ee u diyaar garoobeyso in ay duusho, waxaa markaba codkiisa maqlaysaa Cabdikariim Cilmi Cali ah madaxa hagida [Chief Cabin Crew-ga] diyaarada oo dadka soo dhoweynaya. Waxaana uu dadka u sheegaa in diyaaradu kacayso dhowaan, qof walbina xirto suunka. Waxaana isla markaas naloo sheegaa inta saacadood ee ay u socon doonto magaalada Hargaysa. Inta ay diyaaradu hawada ku jirtana waxaa rakaabka la siiyaa cuno fudud oo quraac ahaan oo kale loo cuno. Badanaama diyaardaas waxaa ay hargeysa ka deg taan ilaa afar saacadood ka dib. Marka ay degaysona waxaa markaba codkiisa maqlaysaa madaxa hagida [Cheif Cabin Crew-ga] oo rakaabka ka codsanaya in ay suumanka xirtaan maadaama Hargeysa airport diyaaradu ka degayso.

 
hargeysa Bilicda Hargeysa
Marka aad Hargeysa ku soo dhowdahay waxaad arkaysaa dhulka dadka Somaliyeed oo hoostaada ka muuqda, runtiina waxaa ku gelaya shucuur waddaninimo. Waxaadna dareemeysaa dhul qiimaha iyo qaayaha uu leeyahay. Shucuurtaasna waxaan filayaa in ay aad ugu weyn tahay qofka isagu ku dhashay kuna koray magaaladaas Hargeysa.

Marka diyaaradu soo caga dhigaynayso waxaad arkaysaa Hargeysa oo bilicdeedu ku cajabineyso. Waxaana aad arkaysaa baabuurta magaalada dhex yaacaysa. halkaasna waxaad kaga cabir qaadan kartaa hawl maalmeedka ka socota magaaladaas. Waxaad si fiican u arkaysaa toga dhexmara magaalada oo quruxmiiran ah, marka kor aad ka argtid. Waxaana filayaa in uu aad uga qurux badnaan lahaa hadii uu biyo lahaan lahaa markaas.

Diyaarada waxaa laga soo degaa 10 daqiiqo marka diyaaradu gegida soo caga dhigato. Waxaan ku soo dhoweynayaa gaadiidka dab damiska oo durbadaba ka arkaysid meesha diyaaradu ku degto dhineceeda. Marka diyaaradu soo istaagto airport-ka hortiisana waxaad arkaysaa dadkii oo markaba istaagey oo diyaarada albaabkeeda ku cararaya. Waxaadna maqlaysaa madaxii diyaarada [Cheif Cabin Crew-ga] oo ka codsanaya in si tartiib tartiib iyo is xaq dhowr ah loo dego laysna dhowro oo fursad laysasiiyo.

Airport-ka Hargeysa wuxuu ku yaal meel buur balaaran ah dusheeda [ama taag sare], magaaladuna waa ay ka yara hoosaysaa. Marka aad diyaarada ka soo baxdona waxaad markaba ka helaysaa dabaysha qabow ee wejiga kaaga dhacaysa. Runtii dabaysaas waa mid aad iyo aad sanka qofku ula raaco. Khaasana marka aad ka urinayso dhulkaagi hooyo. Waxaadna dareemeysaa in urkaas dabayshu uu aad iyo aad uga duwan yahay kuwii hore. Waxaa dareenkaaga urka durbadaba saaqaya udgoonka dabaysha Hargeysa oo isaga ka duwan ka meesha bada amaba xeebata ah.

Airportka Hargaysa waa mid aad casri u ah, waxaana ka dhisan daaro dhowr ah oo aad u waaweyn. Waxaa u danbeysa mid dhowaan dhamaatay oon weli la degin, waxaana lay sheegay in ay noqondoonto xafiisyada gegida diyaaradah. Waxaa kale oo airport-ku leeyahay hal Tawarka diyaaradaha haga ah. waxaana uu dusha kaga yaal( sida aad sawirka ugu sareeya boggaan ku argtaanba) daartii hore ee Airportka oo la dhisay xoriyadii ka hore.
WAXAA DIYAARADA DAMAL KUGU SOO DHOWEYNAYA:
Cabdikarim Cilmi Cali ( Chief Cabin Crew)
Axmed Farax Cali "Shahiid" (Station Manager)
Cabdicasiis Maxamed Maxamud "Madoobe" ( Crew Member).
  hargeysa

Waxaad ka helaysaa maamulka airport-ka oo runtii suurta geshey in airport-ku u shaqayo sidii kuwa caalamka oo kala. Airport-ka waxaa jooga dadka diyaarada alaabta ka roga oo isticmaalaya qalabka loo adeegsado howlahaas noocaas oo kale ah. Waxaadna arimahaas ka arki kartaan sawirada qoraalakan la socda. Waxaa kale oo aad iyo aad ii cajabiyey qalabka dabka lagu damiyo oo rag iyo baabuurba ka kooban oo garoonka dhex hoganaya, diyaarna u ah hadii dab bilaamo. Iyagana sawirada ayaad ka arki kartaan.

Garoonka marka aad u kuurgasho waxaad kale ood arkaysaa in uu yahaya mid awood u leh in uu diyaarado badan xamilikara. Sawiradana waxaad ka arki kartaan diyaaradaha fadhiya badnaantooda, iyo sida hawshooda ka dejinta alaabta iyo raridaba loo kala waddo. Waxaana howlahaas qaabilsan shirkad gaar ah oo diyaaradaha rara waxna ka dejiya.

Garoonkaas waxaan kale oon ku arkay, khaasatan meesha ka soo horjeeda daaraha airport-ka, dhor kamid ah diyaaradihii dagaalka ee dawladii burburtay ee Somaliya. Diyaaradahaas dagaalkana waa MIGs aad moodo in ay weli cusub yihiin, khaasan marka aad uga fogtahay.

Garoonku waxaa uu leeyahay qayb dadka sii gudbaya ama [transit-ka] ah. Waxaana meeshaas wada fadhiya dad badan oo u kala gooshaya Muqdisho, Burco, Boorame, Jabuuti, iyo Addis Ababa. Waxaadna had iyo jeer maqlaysaa dadka oo loo sheegayo in ay diyaar tahay diyaaradii ay raacilahaayeen ee magaalooyinkaas middood u baxaysa.

Airportka waxaa ku yaar makhaayada aad ka heli kartid cuno fudud iyo cabitaan. Waxaana wax lagu gataa lacagaha Somaliland, Dirhamka UAE, iyo Dollarka Maraykanka. Waxaana kula talinayaa qofkii halkaas maraya in aanu filan in uu wax ku gato lacagtii Somaliya ee hore, haatan laga isticmaalo Somalia inteed kale. Mase aan garanyo in Hargeysa amaba magaaloyinka kale ee Berbera amaba Burco oo kale laga isticmaalo lacagtaas. Airport-ka lacagahaas aan sheegay ayaa la isticmaala.

Waxaad kale oo Airprt-ka qaybta transit-ka ka heleysaa wiil yar yar oo gada journalada ka soo baxa magaalada Hargeysa. Warsidayaashaasi waa kuwo aad u qurxoon, qaarkodna ay sidaan sawiro midabo ah oo indhaaga soo jidanaya. Waxaa inamadaasi kale oo ay leeyihiin qalabka kaba lagu casayo, amaba lagu baalsho. Waxaana badanaa lagama maarmaan ah in aad kabahaaga baalshto amaba casayso marka aad halkaas ka duulaysid ood u baxaysid waddanka dibadiisa.

Dad kala noocnooc ah ayaad halkaas ku arkaysaa, waxaana dadkaas ka mid ah dad cadaan ah oo u shaqaya hay adaha UN amaba NGO's oo waadanka dhexdiisa isaga gooshaya amaba waddanka ka baxaya. Waxaad kale ood ku arkaysaa dad Asian iyo Indina ama ka yimid qaarada Aasiya [sub-continent] oo ka shaqaya maraakiibta ajnemiga ah ee bada Somaliyeed ka kaluumaysta. Dadkaas, oo sida warka laygu sheeegay, qaarkood ka kala yimaadeen Puntland amaba Muqdisho amaba Berbera.

Diyaarada Bosaaso u socota waxaa ay Hargeysa Airport fadhidaa hal saac oo rakaabka alaabtooda iyo alaabta bagaashka ah laga dejinayo. Waxaana halkaas ka raaca dad iyaguna u socda Bosaaso iyo Dubai amab aduunka daafihiisa.

Qaybtaani Intaas ayaan ku soo koobayaa, qaybta kale waxaan kaga hadlidoonaa Bosaaso iyo gadaal ugu soo noqoshada Dubai marka lasoo marayo Yaman [Dubai via Yemen].

Lasoco qaybta labaad ee Dhollowaa iyo Safarada Soomaaliya.

==============================
dholowaa dhollowaa

Ciise Maxamuud Dhollowaa
61 415 172 025
 imfarah@students.latrobe.edu.au
Melbourne, Australia

 

SOMALITALK.COM | Janaayo 22, 2003

 

Wafti Kasocda Jaamacadda Latrobe oo Booqanaya Jaamacadda Boosaaso
Waftiga oo uu hogaaminayo Dr. David Dorward, uuna kamid yahay Ciise Dhollowaa waxa ay Australia ka ambabaxayaan 27ka bishan Janaayo. GUJI 19/1

Cusmaan Muumin  oo Australia ku Soo Beegan 9ka February si Loo Daaweeyo
Ciise Maxamud Dhollowaa oo Australia ka ambabaxaya 27ka January ayaa waxa uu Soomaaliya kasoo qaadayaa wiilka yar ee sawirkiisu kuu muuqdo oo... GUJI. 18/1

LIFAAQ.1
Dhakhaatiirta iyo aqoonyahanka Soomaaliyeed waxaa sugaaya in ay baaritaan cilmiyeed ku sameeyaan waxyaabaha sababaya xanuunada aan Soomaaliya horay loogu arkijirin ee hadda kusoo badanaya, gaar ahaan cudurada carruurta yaryar. Su'aal ay dadbadani isweydiinayaan ayaa waxa ay tahay, sunta lagu duugey Soomaaliya, (sida ay caddeysay cilmibaaristii Dr. Bashiir Sh. Maxamed) , imisa raad ah ayey ku leedahay xanuunada kusoo batay Soomaaliya. Jawaabteedu waxay sugeysaa Soomaalida aqoonta uleh cilmigaas......

SOMALITALK AUSTRALIA:

 


Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...

BELEDWEYNE
Cusmaan Muumin  oo Australia ku Soo Beegan 9ka February si Loo Daaweeyo
Ciise Maxamud Dhollowaa oo Australia ka ambabaxaya 27ka January ayaa waxa uu Soomaaliya kasoo qaadayaa wiilka yar ee sawirkiisu kuu muuqdo oo... GUJI. 18/1
BOOSAASO  
Cumar Yare iyo safarkiisii
Cumar oo ah 3jir xiidmuhu dibada yaaleen oo 18ka December la keenay Melbourne si loogu qalo Guji

Mucaawino u raadintii Cumar Yare GUJI... 

BOOSAASO / CEERIGAABO
BOSASO: Wiil yar oo qaliin degdega u baahan
CEERIGAABO: Wiil yar oo qalliin indhaha ah u baahan
WIIL YAR
Cabdirisaaq maxamed Muuse oo kusugan Nairobi wuxuu u baahanyahay gargaar aadaminimo. GUJI..
CABDALLA XASSAN
Cabdalla Xasan Khaliif Maxamuud waa wiil yar oo kusugan Sanca, Yaman oo ay haysato qiso aad u naxdinbadan, GUJI..
WIIL YAR
Waa wiil yar oo u baahan qalliin degdega, taageeradiinana u baahan GUJI..
CABDI SICIID
Cabdi siciid faarax wuxuu indhabeelay isaga oo 4 bilood jira, taageero ayuuna u baahanyahay GUJI..
SAFAR SAMAFAL
Meelaha mucaawanada GUJI...
Warbixintii saddexda gabdhood markii lakeenay AustraliaGUJI..
NAAFADA SOOMAALIYEED
Mashruuca Daryeelka Da'weynta iyo Naafada Soomaaliyeed Guji...
WAXBARASHADA CARRUURTA
"Dadka Carwada yimid oo idil way isku sheegeen wiilkaas fariid Quraanka ah, Cabdul Fattax Shariif Moxamed, sidaas darteed nin walba wuxuu soo watay wiilashiisii si uu u soo tuso tusaale waangsanna ugu noqdo, deedna ay ugu daydaan." Guji...
C/siis C/lahi Adam oo bishii December 2000 kuguulaystay kaalinta Koowaad ee tartanka Qura'aanka, Abaalgudna u helay 250,000Dhs oo u dhiganta $68,000
Akhri halkan
Flip to any page of the Koran's 114 chapters, and Ahmed Mohamed can recite it for you.
DETROIT FREE PRESS
December 9, 1999.
Cabsida lagaqabo mustaqbalka carruurta Soomaaliyeed ee kusoobutaacay dadalka Galbeedka
Guji...
Maxaa Xal u ah Ubadka Soomaalida Qurbaha?
Guji...
Carruurta Soomaalida Denmark
Guji...
Carruurta Soomaalida London, canada
Guji...
MUQDISHO
Goolhayihii Qaranka oo Dooni La gaddoontay : XASAN SH:AWEYS(joorge)wuxuu ahaa goolhayaha xulka qaranka  soomaaliya. waxa uu hadda u baahanayahay caawinaad aadaminoi... GUJI.. 1/1/3

Copyright ©  SomaliTalk.com. All rights reserved.