SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK  - GABAY
Daabaco Boggan | Print


zamzam(abtiyoow)

abwaan:jamac maxamud  maxamed (joobane)
joobane7@hotmail.com

 
Gabaygan waxaa tiriyay abawaanka dada yar abwaan Jamac Maxamuud Maxamed(Joobane) isagoo aad iyo aad uga tiiraan yoonaya falalka xun xun ee lagula kacay inanata yar ee somaliyeed   oo biri magaydada  ah, oo mustaqbalkeedii iyo ayaheedii loogu tuntay,,  runtii waa arin uu kagil gisho qofkasta oo ku abtirsada somalinimada iyo islamkaba   ,waana in uu kadhiidhiyo waxyaalahan  kadhankaa binu aadninimada iyo dhaqankeenii suubanaa  ee soojireenka ahaa,waxaa taa ka siidaran dadka waaweeny oo dad,dhan  iyo shacab mas uul ka ah, oo la maqsuuday  walina kalmad ka oran,falkaas isaga ah,laguna eedayo in ay iyagu hormuud  uyihiin,,  wax waliba wax bay kadaran yahiin balse taa waxaa ka siidaran inanta abtigeed oon wali talaba gadin hadalana ka  oran arintaa, isagoo ah mas'uul katirsan  maamulka falka gaystay.............  abwaan ku wuxuu yiri:
   Gabay
 
  • abtiyoow doofarkuba marbuu ficil dagaalaaye
  • daanyeer kuba marbuu dirirta muujaaye
  • damiir adakidaayey abtoow maxaa daacuf kaa dhigaye
  • abtiyoow adoo daalicaa  lay dawaar furaye
  • anoo  dakharadaydii qabaa daakhil laydhigaye
  • danbaaburada ciilkiyo waxay ilin duulaysey
  • dildiladiyo haaraha waxii dumaj isoogaray
  • dildilaaca nabarada waxii dhiig daroorayey
  • damqasha xanuunkiyo wixii milil iduulaayey
  • miskahoo dubaaxshiyo waxaan socodka diiqaayey
  • dalanbaabi, taah iyo  waxaan madaxa  doowraayey
  • muslimowda qaylada waxaan mariyey oodaalay
  • dibnahoon isgostiyo waxaan   timaha diirayey
  • danabkiyo waxii layla dhacay doogti may harine
  • damiir adakidaayey abtoow maxaa doolle kaadhigaye
  • dulinimada qarkeed abtoow aakhiraa kaaga dooroone
  • cirdigii ladoorshaa  wallan maalku daawayne
  • damiira adakadayey  maxaa damagta kaadhigaye
  • abtiyow adigaa kadaran eeyda reer haraggeeye
  • darajadaad sheegataa  maysan daalicine
  • wasiirka intaa  dabadhuhdaa muusan doow heline
  • damiir  adakidaayey abtiris yaa kudihataaye
abwaan:jamac maxamud  maxamed (joobane)
joobane7@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 23, 2004

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

Allah Is Great
 

Caddaymo ku saabsan da'da Samsam Axmed Ducaale... GUJI...
 

 




HTML CD