SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
 
Daabaco Boggan | Print

  • Dr Adan Yuusuf Culumo: Umada Soomaaliyeed waa in ay taageeraan maamulka Gobolka Banaadir

  • Beesha Mudulood Hiraab oo Caawa isku raacday in ay taageeraan Wasiirka Koowaad ee Soomaaliya Prof. Maxamed Cali Geedi ,Kulankaa Al Xaaj Muuse Suudi Yalaxow kama Soo xaadirin

  • SHIRWEYNE LOOGU GOLGOL XAARAY SIDII LOO DHISI LAHAA URUR MIDEEYA SUXFIYIINTA SOOMAALIYEE OO MAANTA LAGU QABTAY MUQDISHO

Dr Adan Yuusuf Culumo: Umada Soomaaliyeed waa in ay taageeraan maamulka Gobolka Banaadir

Axmed Muuse Cabdulle(Idaawaqaca)
axmeddheere65@hotmail.com
Nairobi ,kenya Somalitalk | 11/11, 2004

Musharaxa  gobolka Banaanidir Dr Adan Yuusuf Culumo ayaa maagaalada Nairobi ee dalka Kenya ku qabtay Shirrar badan  oo ay ka sooqayb galeen waxgaradka Gobolka Banaadir ee ku sugan Nairobi, 

Shirkaas waxaa looga hadlay sidii gobolka Banaadir loo nabadeen lahaa iyo dib u dhiska Gobolka Baandir iyadoo ay  Aqoonyahankii iyo waxgaradkii shirkaasi ka soo qayb galay  waxa ay isla gorfeeyeen sidii gobolkaas loogu heli lahaa nabad waarta iyo xasilooni  

Dhinaca kale Dr Adan Yuusuf  Culumo waxaa kaloo uu sheegay in ay diyaar uyihiin in ay Dowlada Soomaaliyeed ku soo dhawaynayaan Gobolka Banaadir ee Magaalo Madaxda Dalka Soomaaliya , 

Dr Adan Yuusuf Culomo waxa uu umada Soomaaliyeed ugu baaqay in ay ka shaqayeen nabada iyo Dimuquraadiyada ayna soomaaliya u horseedaan in ay mar kale caalamka dib ugu soo noqoto , 

Dhinaca kale Dr Adan Yuusuf Culumo mar wax laga waydiiyay in Dalka Soomaaliya la keeno ciidamo shisheeye in ay raali ka yihiin waxa uuw sheegay in Soomaaliya u baahantahay in la soo celiya nidaam doowladeed waana wax loo baahanyahay in lagu dhaqaaqo waxii wax ka badali kara dhibkii 14 sano soomaaliya ay ku soo jirtay , 

Dr Adan Yuusuf Culumo intii uu ku sugnaa wadanka Kenya waxa  uu kulamo la yeeshay Safiirka uqaabilsan Aramiha Soomaaliya wadanka Uk Daived bell  waxa ayna ka wada hadleen sida uu noosheegay Sidii loo mataaneen lahaa Landon&Muqdisho waxna looga qaban laha arimha Amaanka &Dib u dhiska Caafimaadka Waxbarashada iyo sidii loo Soo Celinlahaa haykalkii soowladnimo ee Soomaaliya Dhamaan waxyaabha aanu ka wada hadalnay waa naga aqbalay Safiirka  Uk Daived bell   

Dhinaca kale waxa ay wada kulmeen Haweenka Gobolka Banaadir ee ku Sugan Shirka Nabada Soomaalida haweenkaa oo ay kawada hadleen xasilinta iyo dib u dhiska Gobolka Banaadir,

Beesha Mudulood Hiraab oo Caawa isku raacday in ay taageeraan Wasiirka Koowaad ee Soomaaliya Prof. Maxamed Cali Geedi Kulankaa Al Xaaj Muuse Suudi Yalaxow kama Soo xaadirin

Kulankan waxaa soo qabanqaabiyay Imaamka Beelaha Hiraab Imaam Maxamuud Imaam Cumar waxaana ka soo qaybgalay Siyaasiyiinta Beesha Mudulood Hiraab Xubnaha Xidhibaanada Aqoonyahanka Oday Dhaqamedyada Ganacsatada iyo Jaaliyada Soomaaliyeed ee Beesha Mudulood Hiraabe ee ku nool Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya,

Xubnihii kulanka ka soo qaybgalay waxaa ka mid ahaa Maxamed Cumar Maxamed Dheere Ganacsadaha Soomaaliyeed Bashiir Raage Shiiraar Dr Xusseen Cali Axmed iyo Dr Cumar Shariif Fiqi Dhinaca kalle siyaasiyiinta beesha Mudulood Hiraabe ee ku Jira baarlamaanka Federaaliga Kumeelgaarka ah ee Soomaaliya oo gaaray Sadex iyo Toban Xidhibaan aya Goobta camiray

Xubnaha Aqoonyahanka iyo Jaaliyada Soomaaliyeed ee Mudulood kuwooda ku sugan Nairobi oo lagu qiyaasi karay ku dhawaad 500 oo Qofood ayaa iyaguna xaadir ku ahaa goobta,

Waxaa Goobta ka Hadlay Imaam Maxamuud Imaam Cumar oo si gaara beesha waano iyo wax usheeg ugu soo jeediyay kana codsaday in ay ku midoobaan badbaadinta qaranka Soomaaliyeeed ayana u soo jeestaan in ay qayb muhiim ah ka qaataan Yagleelida Qaranka Soomaaliyeed iyo Badbaadinta umadooda ayna Taageero Dhinaca walba ah siiyaan walaalkood Raysulwasaaraha Soomaaliya Porf Maxamed Cali Gedi

Dhinaca Kalle C/rixmaan Shifti oo isaguna ka hadlay goobta ayaa cadeeyay taageerada uu la garab taaganyahay Raysul Wasaaraha Soomaaliya Porf Maxamed Cali Geedi

Macalin Haaruun Macalin Muusse oo hadal halkaa ka jeediyay ayaa sheegay muhiimada ay leedahay taageero maanta la taageero Walaalkood Porf Maxamed Cali Geedi ay tahay midnimo Barwaaqo horumar iyo isaaminida Bulashada Mudulood,

Waxaa Dadkii meesha iskugu yimid si aada uqanciyay Xidhibaan Cumar Maxamed Maxamuud Finish isaga oo sheegay in uu ku hadlayo magaca Siyaasiyiinta Beesha Mudulood ayna taageerayaan Walaalkood Raysul Wasaaraha Soomaaliya Porf Maxamed Cali Geedi

Xidhibaan Cumar waxa uu sheegay in Xilkan uusan aheen Xilkii koowaad ee Bulsha waynta Soomaaliyeed ku aaminto walaalhooda Mudulood ee waxaa nooga horeeyay Buu yiri Madaxwaynihii Dalka Soomaaliya Mudane Adan Cabdulle Cusmaan Adan Cade oo buu yiri ay dad badani Amaanaan kuna amaanaan Cadaaladii Midnimadii iyo Dimuquradiyadii uu shacabka Soomaaliyeed ku maamulayay ,

Dhinaca kalle Xidhiibaan Cumar Finish waxa uu sheegay in ay sharaf wayn aheed in Madaxwaynaha Soomaaliya Mudane Cabdulaahi Yuusuf Axmed Baarlamaanka Soomaaliya ka hor sheego in Adan Cabdulle Cismaan Gedkii uu talaalay ee uuw ka talaalay Malaada Adis Ababa aad u baxay Xiligii la aasaasay ururkii Midnimada Afrika ee OAU,

Waxaad arki doontaan anaga oo garbaha is haysana isna garabtaagan ayu yiri Xidhibaan Cumar fINISH oo buu yiri Fadhiyo kalle idinkugu yeerna ,

Xidhibaan Cabdulaahi Geedi Shadoor ayaa isaguna muujiyay taageerada looga baahanyahay beesha Mudulood in ay ku taageeraan walaalkood Raysul wasaaraha Soomaaliya porf Cali Maxamed Geedi

Waxaa kaloo hadlay asnaoo muujiyay Taageeradiisa Xidhibaan Eng Xussen Maxamed Cadow oo sheegay in uu ku figrad yahay Siyaasiyiintii hadalka isaga uga horaysay uuna la garab taaganyahay Taageero Hiil iyo hooba leh walaalkii Raysul Wasaaraha Soomaaliya Porf Maxamed Cali Geedi ,

Dhinaca kalle Waxaa hadlay Raysul Wasaaraha Soomaaliya Por Maxamed Cali Geedi oo ka mahad celiyay taageerada ay u muujiyeen Beesha Mudulood isagoo sheegay in uusan dhiniciisa waxba haleendoonin dadka soomaaliyeedna cadaalad ku maamuli doono ,

Waxa uu yiri Wasiirka Koowaad ee Soomaaliya Porf Maxamed Cali Geedi Inkastoo Nin Geesiya Ragu geed adeegyahay hadaan garabka lalaqaban Guri oodimnaayo waxaan ubaahanahay taageeradiina waana idinka filayaa dadka soomaaliyeed oo dhana waxaan urajeeynaa guul iyo baraare waara,

Dhinaca kalle Xafladan kama Usasan Soo Qayb galin Xidhibaan Al Xaaj Muuse Suudi Yalaxow la iimana sheegin sababta ka liftay baaqashadiisa iimana suuro galin in aan la xariiro,

Wasiirka koowaad ee soomaaliya Porf Maxamed Cali Geedi waxaa horyaala hoowlo adag oo ah in Hogaamiye kooxeedyada Soomaaliyeed uw doowladiisa ka dhaadhiciyo si uusan umarin wadadii Cumar Carte Qaalib Cali Khaliif Galedh Xasan Abshir Faarax iyo Maxamed Cabdi Yuusuf oo dhamaantood Burburkii Soomaaliya ka dib noqday Wasiirka Koowaad ee Soomaaliya ayna is afgaran waayeen hogaamiyaasha Siyaasada Soomaalida ,

Axmed Muuse Cabdulle(Idaawaqaca)
axmeddheere65@hotmail.com
Nairobi ,kenya Somalitalk


SHIRWEYNE LOOGU GOLGOL XAARAY SIDII LOO DHISI LAHAA URUR MIDEEYA SUXFIYIINTA SOOMAALIYEE OO MAANTA LAGU QABTAY MUQDISHO

Waxaa diyaariyay: Maxamed Xuseen Jimcaale (Jantiile)
E-mail: jantiile12@hotmail.com 

Shir weyne aad loo soo agaasimay oo loogu talo galay sidii loo sameyn lahaa urur mideeya suxufiyiinta Soomaaliyeed ayaa maanta lagu qabtay Hotel Saxafi International ee Magaalada Muqdisho, waxaana shirweynahaan soo qaban qaabiyay Ururka Joornaaliistayaasha Madaxa Bannaan ee Soomaaliyeed (SOINA) oo uu guddoomiyaha ka yahay C/llaahi Maxaxamed Xasan (Black).

Shirweynahaan mid ka horreeyay ayaa lagu qabtay bishii August ee sannadkaan isla magaalada Muqdisho waxaana shirweynahaas lagu xulay 9-xubnood oo isku keena Suxufiyiinta ku kala firirsan Soomaaliyeed, gaar ahaan Magaalada Muqdisho waxayna 9-kaan xubnood ku guulaysteen inay isku keenaan Suxufiyiin tiradoodu kor u dhaafayso 120-suxufi, waxaana ugu horreyn halkaas hadal ka jeediyay guddoomiyaha guddigii loo xulay isu keenidda qaybaha kala duwan ee Suxufiyiinta Mudane C/qaadir Maxamed Cusmaan (Barnaamij) isagoo halkaas ka sheegay in ay dhib badan ka muteen sidii ay isugu keeni lahaayeen suxufiyiinta Soomaaliyeed oo iyagu ku kala firirsan dalka oo dhan, isagoo sheegay in maanta suxufiyiinta isku timid kulankaas ay intooda badan yihiin kuwa jooga Muqdisho oo loo baahan yahay in dhamaan suxufiyiinta ku kala firirsan waddanka oo dhan la isku keeno si loo hirgeliyo qorshaha ah in suxufiyiinta Soomaaliyeed loo sameeyo urur ay ku mideysan yihiin.

Sidoo kale waxaa halkaas ka hadlay Weriye Cabdi Xaaji Goobdoon oo isagu ah weriye gaboobay muddo badanna ka soo shaqeynayay saxaafadda gudaha iyo midda dibadda, wuxuuna kulankaas ka sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay inuu ka soo qaybgalo shirka ay leeyihiin suxufiyiinta Soomaaliyeed, isagoo sheegay in loo baahan yahay in suxufiyiintu ay aayahooda ka tashadaan oo ay ka faa’iidaystaan aqoontooda iyo mihnaddooda. Waxaana uu ugu dambeyn ku boorriyay suxufiyiintii halkaas isugu timid inay ka fekeraan aayahooda shaqo iyo middooda aqooneed, ayna dhistaan urur mideeya oo u dooda xuquuqdooda iyo shaqadooda.

Sidoo kale waxaa halkaas ka hadlay rag badan oo ka tirsanaa saxafiyiintii hore oo iyagu dhammaantood ku nuuxnuuxsaday in loo baahan yahay in suxufiyiinta Soomaaliyeed ay yeeshaan urur mideeya, taasoo macnaheedu yahay inay yeelanyaan hal cod iyo hal mihnad oo wada kulmisa ayna iska faa’iidaysanayaan, waxaana suxufiyiintaan ka mid ahaa Barqad Cawaale Aadan iyo rag kale oo fara badan, iyadoo sidoo kalena ay ka soo qaybgaleen kulankaas suugaan-yahannada Soomaaliyeed sida Cabdi Muxumad Amiin oo isagu ah haatan suxufi leh wargeys, wuxuuna sheegay in wax baradan oo waayo aragnimo ah uu u soo joogay, loona baahan yahay in la mideeyo saxaafadda.

Intii uusan dhammaan shirkaan ayaa waxaa la soo jeediyay in la doorto guddi horay u sii hinjiya dadaalka lagu doonayo in lagu dhiso urur suxufiyiinta Soomaaliyeed mideeya, waxayna suxufiyiintii halkaas isugu yimid doorteen hoggaanka ku meel gaarka ah ee midowga Suxufiyiinta Soomaaliyeed oo ka kooban 9-xubnood oo 7-ba ka mid ah la doortay labada kalena si xubin sharafeed ahaan ah loogu daray, waxaana loo qabtay hoggaankaan cusub inay isku keenaan dhammaan suxufiyiinta Soomaaliyeed muddo ku siman 6-bilood gudaheeda ah.

Hoggaanka cusub oo noqon doona hoggaanka midowga Saxafiyiinta Soomaaliyeed ayaa waxay ka kala socdaa Qaybaha kala duwan ee Saxaafadda sida: Joornaallada, Idaacadaha, Web-site-yada, kuwa Freelancer-ka ah iyo odayaashii hore ee gaboobay, waxayna magacyadoodu kala yihiin sidan: C/qaadir Maxamuud Walaayo oo loo doortay inuu guddoomiye u noqodo guddigan cusub, kana socday suxufiyiintii gaboobay, Maxamed Cismaan Xuseen (New York) oo ka socday dhanka Idaacadaha, Xasan Maxamuud Axmed (Fanax) oo ka socday Joornaallada, C/qaadir Maxamed Cismaan (Barnaamij) oo ka socday Weriyeyaasha aan cidna u shaqeyn (Freelancer), Zamzam C/llaahi Cali oo ka socotay urur lagu magacaabo SOWJA oo ay ku mideysan yihiin Haweenka Suxufiyiinta ah ee Soomaaliyeed, Salaad Iidoow Xasan oo ka socday Web-site-yada iyo Xabiibo Maxamed Jimcaale oo iyadana ka socotay qaybta Haweenka. Labada lagu biirshay ayaa iyaguna kala ahaa: Shariif Macallin iyo Sucaado.

Waxaa diyaariyay: Maxamed Xuseen Jimcaale (Jantiile)

E-mail: jantiile12@hotmail.com 

SomaliTalk Nairobi | Nov 11, 2004

ISHA SAWIRADA: Google Search

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

Allah Is Great
TAARIIKHDA ISLAAMKA
Silsiladda Taariikhda Islaamka
Qore:Shiikh C/risaaq Macalim

Samsam Ducaale oo La soo Helay Cadeymo Muujinaya in ay Tahay Ardayad

Waa qormada ay ku saabsan tahay Faallada SomaliTalk ee bishan
Guji

 



HTML CD