SOMALITALK.COM DALSAN
Home | SIIRO | SALAT | ZAKAT | RAMADAN | LASOO XIRIIR | Allah Is Great
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MINNESOTA
Daabaco Boggan | Print


Daahir Riyaale oo ka Xanaajiyey Qaar ka mid ah Soomaalida Minnesota

"Riyaale eed ma leh in la eedeeyo maahan waa la soo qalday mana yaqaan waxa Radio KFAI yahay..." Cusmaan Jibriil

 “waan ka xumaaday markaan maqlay sida Dahir Riyaale ula hadlay qaxootiga Minnesota..." Axmed Jaamac


Daahir Riyaale oo Soomaalida Minnesota kala hadlay Radio KFAI... Dhegeyso

Daahir Riyaale oo La Hadlay Reer Minnesota 

Axaddii December 26da waxaa la soo hadlay dadka ku hadla afsoomaaliga (iyo Oromada) ee deggan Minnesota Dahir Riyaale asagoo isticmaalyey raadiyow afsoomaali ah oo ka soo gala Minnesota oo la yiraahdo KFAI oo loogu talo galay in laga caawiyo jaaliyadaha wadanka ku cusub oo saboolka ah oo aanan heli karin radio ayaga ay iska leeyihiin si ay u helaan xogta oo afkooda loogu soo gudbiyo ama ay dhaqankooda ku ilaashadaan ama ku madadaalaystaan heesahooda.

Dad badan oo reer Minnesota ah oo dhagaystay ayaa ii muujiyey inay ka xumaadeen in Riyaale sidaas ula hadlo.



Idaacada Codka Oromiya
Idaacada codka qowmiyada Oromada

Website: Voice of Oromiyaa


Axmed Jaamac oo degan Minneapolis waxaa uu yiri “waan ka xumaaday markaan maqlay sida Dahir Riyaale ula hadlay qaxootiga Minnesota. Waxaa uu keenay siyaasadihii murugada lahaa ee ee Soomaaliya isoo xasuusiyeyna. Waxaan ku oran lahaa Riyaale faraha ka qaad qaxootiga -Hands off Minnesota immigrants

Faadumo Cali waxay tiri” Riyaale waxa uu ku hadlay iyo weriyahii wareysanayey waxa laga yax yaxo ayey ahayd wax nin mas’uul ah ku hadlo ma ahayn” Faadumo oo hadalkii sii wadata waxay tiri “Majeerteeniya iyo furintii dagaalka ka waran iyo hadalo ka sii xun ayaan maqlayey ayagoo sheegaya markiiba raadiyahii waan demiyey. Waxaan filyey Dahir Riyaale inuu yahay oday soomaaliyeed oo wax hubsada ama iska ilaaliya waxa sharaftiisa wax u dhimaya waxaan filayaa in dhalintu ku cayaareen odayga”.

Cusmaan Jibriil oo difaacaya Riyaale waxaa uu yiri “ Riyaale eed ma leh in la eedeeyo maahan waa la soo qalday mana yaqaan waxa Radio KFAI yahay iyo waxa loogu talo galay qorshahiisa ma ahayn inuu abuse ku sameeyo ama si qaldan u isticmaalo eeda waxaa leh kuwa wareysanyey oo malaha u sheegay inay raadiyaha leeyihiin ayagaana abuse ku sameeya radiyaha bulshada oo aan loogu talo galin in dad lagu caayo ama loogu gefo ama colaad lagu huriyo.
Yes!
I want to be part of the KFAI community!... Pledge here... Click

Radio KFAI waxaa maamula mutadawiciin (volunteers) bilaash umadda ugu shaqeeya waxaana uu ku shaqeeyaa tabaruc dadka laga soo baryo waxaana laga siidaayaa afaf badan oo qaxootiga Minnesota ku hadlaan sida afka Soomaalida, Amharic, Oromo iwm. Waxaana lagu aaminaa weriyeyaasha maadaama aanay ku hadlin af ingiriisi inay danta qaxootiga Minnesota ugu adeegaan oo aanay abuurin nacayb (hate) iyo colaad waxaa kale oo ka mamnuuc ah in iidheh loo isticmaalo ama lacag laga kasbado waa adeeg danta guud ee jaaliyadaha Minnesota oo keliya ku takrifal (abuse) lagama fisho.

Link: http://www.kfai.org/

Daahir Riyaale oo Soomaalida Minnesota kala hadlay Radio KFAI... Dhegeyso

Maxamed Korwaayeel
korwaayeel@yahoo.com

Minneapolis, Minnesota, USA
27/12/2004

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan


Reer Minnesota oo Taageeray Reer Cali Samatar Si ay isaga Difaacaan Dacwad Madani ah oo ku Furan Maxamed Cali Samatar..
Shir xalay lagu qabtay Minneapolis ayaa laga soo jeediyey in...
Guji.. Dec 26

Marwadii  Cigaal oo Cafis u Dalabtay Samsam
Hargeysa:
Kaltuun X. Daahir oo ah marwadii marxuum Cigaal ayaa ka dalbatay Daahir Riyale in Samsam cafis loo.. Guji Dec 26

Faafin: SomaliTalk.com | Dec 27, 2004

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SomaliTalk kala soo xiriir Halkan... Guji..  |  SEARCH

 



HTML CD